Sida dagaalka Iiraan uu badda uga saameeyay Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Corbis via Getty Images
Qoraalka sawirka, Weerarada Burcadbadeeda ayaa kor u kacay sannadka 2026
Tan iyo dhammaadkii sannadkii 2023-kii waxaa sii kordhayay weerarada burcadbadeeda Soomaalida, iyada oo si gaar ah sannadkii2016-kii ay usii laba jibaarmeen weeraradaasi. Dhamaadkii bishii April ee sannadkan ugu yaraan saddex markab ayaa laga afduubtay xeebaha ku dhow Soomaaliya. Waxaana kamid ahaa markabka shidaalka qaada ee Honour 25 iyo markabka kale ee xamuulka ee Sward.
Sida laga soo xigtay Bangiga Caalamiga ah, weerarada burcad badeeda ee sannadlaha ah ayaa saameeyay dhaqaalaha caalamiga ilaa 18 bilyan oo doolar inta lagu guda jiray xaaladaha kacsan ee caalamiga ah.
Howlgalka ganacsiga badda ee boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) oo bixisa warbixinada ammaanka ee marinada ganacsiga iyada oo la wadaagaysa Maraakiibta ayaa kordhisay heerka khatarta ee ku gaddaaman xeebaha Soomaaliya iyaga oo u sheegay maraakiibta in feejignaan ay ku gooshaan badda.
War deg deg ah, Ilaa 10 qof oo ku dhintay duqaymo ay Israa’iil ka gaysatay Qaza iyo Lubnaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qiic ka dhashay weerarka Israa'iil ee aagga Zabdeen ee Koonfurta Lubnaan Axadii
Wasiirka caafimaadka Lubnaan ayaa sheegay duqaymihii u
dambeeyay ee Israa’iil ee Koonfurta dalkaasi ay ku dhinteen 5 qof oo ay ku jiraan
laba carruur ah. Tiro kale ayaa ku dhaawacantay.
Dhanka kale saraakiisha caafimaadka Qaza ayaa iyaguna
sheegay 5 qof ay ku dhinteen weerarada Israa’iil. Saddex ayaa ku dhintay
duqaymaha lala beegsaday Jiko-bulshada ay leeyihiin oo ku dhow cisbitaalka
Al-Aqsa ee bartamaha Qaza.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya Israa’iil ay kor u qaaday
duqaymaha Qaza ee asbuucyadii u dambeeyay, tan iyo intii ay bilaabatay xabbad-joojinta
Iiraan.
Milatariga Israa’iil faalo kama dhiiban howlgaladoodii u
dambeeyay ee Lubnaan ama Qaza.
War deg deg ah, Trump: Iran wax u hari doona ma jiraan haddii aysan degdeg talaabo u qaadin
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Donald Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa barta X ee horay
loo oran jiray Twitter kusoo qoray iyada oo aan sharaxaad la socon, in Iiraan
aan waxba looga tagi doonin oo haddii ‘’aysan degdeg talaabo u qaadin, aysan
jirin wax u hari doona’’.
Hadda, Wasiirka Arrimaha dibadda Pakistan oo ah dalka
dhexdhexaadinaya labada dal ee Maraykanka iyo Iiraan ayaa kula kulmay Tehran
Baqer Qalibaf iyo Masoud Pezhikian.
Afhayeenka guddiga siyaasadda dibadda iyo amniga qaranka ee
baarlamanka Iiraan ayaa yiri maanta: ‘’Maraykanka waa inuu aqbalaa midkood
shuruudaha jamhuuriyadda iiraan oo uu isu dhibaa diblomaasiyiintayada ama
Iiraan waxa ay wada xoojoodka ka galaysaa boos xoog uuna isu dhiibaa
gantaaladayada’’.
Ka hor wadahadalladii tooska ahaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran ee ka dhacay Islamabad toddobaadkii hore—kuwaas oo Pakistan dhexdhexaadinaysay—hoggaamiyeyaasha sare ee Iran waxay hore u dalbadeen in dib loogu soo celiyo hantidii dalkooda laga qabtay.
Isla waqtigaas, mas'uuliyiinta Iran waxay sidoo kale dalbanayaan in la magdhabo khasaaraha maaddi ah ee dalkooda ka soo gaaray dagaalkan.
Maalintii Talaadada, safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warqad u diray Xoghayaha Guud Antonio Guterres, isagoo dalbanaya in dalal kala duwan ay bixiyaan magdhow ku aaddan khasaaraha Iran ka soo gaaray dagaalka.
Qoraal aad soo dhigtay barahaada-bulshada ayaa sabab u noqon kara xabsi aad gasho ama dhalashada oo lagaala noqdo
Xigashada Sawirka, Kuwait PM's office / Anadolu via Getty Images
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha Kuwait, Ahmed Al-Abdullah Al-Sabah oo booqanaya garoonka caalamiga ah kadib weeraro gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo uga yimid dhanka Iiraan
Labadii bilood ee u dambaysay, tan iyo intii uu bilowday dagaalka Maraykanka-Israa'iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan, dalalka gacanka ayaa xirayay oo dacwad kusoo oogayay ama tarxiilayay dadka lagu soo eedeeyo inay daabacayaan warbixinada loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka.
Masuuliyiinta dalalkan ayaa u diiday inay qaataan racfaan cid kasta oo lagu helay dambi, waxaana ay xataa ka qaadayeen aqoonsiga dhalashada ee dalkaasi.
Laamaha ammaanka ayaa si dhow u dabagalayay adeegsadeeyaasha iyo u dhaqdhaqaaqayaasha bulshada barahooda social media, talaabo kooxaha xuquuqda aadanaha ay ku tilmaameen weerar ka dhan ah xorriyada uu qofku leeyahay inuu hadlo.
''Tehran waxa ay usii adkaysan kartaa cunaqabataynada Afar-bilood'' – CIA
Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.
Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.
Taiwan oo ku adkeysaneysa inay tahay dal madax bannaan ka dib digniintii Trump
Xigashada Sawirka, Reuters
Taiwan ayaa
ku adkeysatay inay tahay qaran madax-bannaan oo siyaado leh , ka dib markii
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka digay inay si rasmi ah uga dhawaaqdo
in ay ka madax-bannaantahay Shiinaha.
Hadalka
Trump ayaa yimid ka dib shir laba maalmood socday oo ka dhacay Beijing, ka dib
markii uu sheegay inuusan "sameyn wax ballanqaad ah" oo ku saabsan
jasiiradda iskeed isu maamusha - oo Shiinuhu uu sheeganayo inay qayb ka tahay
dhulkeeda oo uusan meesha ka saarin inay xoog ku qabsan doonto.
Ka dib
wadahadallo uu la yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Trump wuxuu sidoo
kale sheegay inuu dhawaan go'aan ka gaari doono inuu ansixiyo xirmo hub ah oo
dhan $11 bilyan ($8 bilyan) oo loo iibinayo Taiwan.
Maamulka
Mareykanka ayaa waajibinaya inuu Taiwan siiyo hab ay isku difaacdo, laakiin si
joogto ah ayay ugu qasbanaatay inay is-waafajiso xulafadeeda iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee
ay la leedahay Shiinaha.
Madaxweynaha
Taiwan Lai Ching-te ayaa hore u sheegay in Taiwan aysan u baahnayn inay ku
dhawaaqdo madax-bannaani rasmi ah sababtoo ah waxay durba isu aragtaa qaran
madax-bannaan.
Sabtidii,
afhayeenka madaxweynaha Karen Kuo ayaa sheegtay inay "iska caddahay"
in Taiwan ay tahay "dal dimuqraadi ah oo madax-bannaan".
Si kastaba
ha ahaatee, waxay raacisay in Taiwan ay ka go'an tahay inay ilaaliso xaaladda
hadda jirta ee Shiinaha - taas oo Taiwan aysan ku dhawaaqin madaxbannaanideeda
Shiinaha ama ay la midowdo.
Nin gaari ku jiirsiiyay dad lugeynayay dalka Talyaaniga oo dhaawacay siddeed qof
Xigashada Sawirka, Reuters
Nin ayaa
gaarigiisa ku jiirsiiyay dad lugeynayay magaalada Modena ee waqooyiga
Talyaaniga Sabtidii, isagoo dhaawacay siddeed qof, afar qof ayaa halis ah, sida
ay sheegeen mas'uuliyiintu.
Dadka dhibaatad soo gaartay waxa ka mid mah haweeney labada lugood laga jaray.
Ka dib
markii gaarigu uu istaagay dukaan daaqadiis , darawalkii ayaa soo baxay isagoo
middi wata oo dhaawacay qof jidka marayay oo eryaday, ka hor inta aan la qaban
tuhmanaha.
Eedeysanaha,
oo 31 jir ah, ayay mas'uuliyiintu ku sheegeen inuu yahay muwaadin Talyaani ah
oo asal ahaan kasoo jeeda Morocco.
Ra'iisul
Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni oo baajisay safar ay ku tagi lahayd Qubrus
isla markaana ku tilmaantay dhacdada "mid aad u daran", ayaa maantay booqatay
dadkii dhaawacmay iyadoo ay la socdaan Madaxweyne Sergio Mattarella.
Waxay sidoo
kale la kulantay Luca Signorelli, oo ahaa qofkii soo farageliyay dhacdadaas , waxayna uga
mahadcelisay ficilladiisa.
"Waxa
ka dhigaya qofka caadiga ah geesinimo waa waqtiga uu wadnuhu doorto inuu
sameeyo wanaag, xitaa marka ay taasi ku lug leedahay khatar," ayay ku
qortay X, waxayna baahisay sawir ay is marxabeynayaan Luca Signorelli,
Dhacdadu
waxay dhacday abbaare 16:30 (14:30 GMT), markii gaariga oo xawaare sare ku
socday uu ku dhacay dadkii lugeynayay ee ku sugnaa Via Emilia oo ku taal meel u
dhow kaniisadda caanka ah ee Modena, koonfur-bari ee Milan.
Kuuriyada Koonfureed oo dalbatay mowqifka Iran ee weerarka lagu qaaday markabkeeda oo marayay marinka Hormuz
Kuuriyada Koonfureed ayaa ka codsatay Iran inay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan weerarkii dhawaan lagu qaaday mid ka mid ah maraakiibteeda xamuulka ah neel u dhow marin biyoodka Hormuz.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Cho Hyun ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Iran, Seoul iyo Tehran waxay sii wadi doonaan xiriirkooda iyo wada tashigooda si loo xaqiijiyo ammaanka marin biyoodka Hormuz.
Sarkaal u hadlay Kuuriyada Koonfureed ayaa horay u sheegay in ay aad u yar tahay suurtagalnimada in weerarka uu fuliyo dal aan Iran ahayn.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Seoul, markabka xamuulka ah ee HMM Namo waxaa ku dhacay "laba madfac oo aan la aqoonsan" May 4-teedii.
Weerarka ayaa waxyeello u geystay markabka wuxuuna dab qabadsiiyay qolka matoorka.
Markabkan ayaa ku safrayay calanka Panama, waxaana gacanta ku haysa shirkadda maraakiibta ee Kuuriyada Koonfureed ee HMM.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday Jimcihii May 15, in ay u qaaday markabka xamuulka ah ee waxyeelladu gaartay dalkeeda.
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in uu Donald Trump kala hadli doono arrimaha Iran maanta.
Benjamin Netanyahu ayaa maanta ka sheegay shir gaar ah oo ay dawladda Israa’iil ku lahayd xuska maalinta Qudus:
"Indhahayagu waxay u furan yihiin Iran, waxaan maanta la hadlayaa saaxiibkeen Madaxweyne Trump, sida aan sameeyo dhowrkii maalmoodba mar, hubaal waxaan maqli doonaa saameynta safarkiisa Shiinaha iyo laga yaabee arrimo kale, waxaa jira fursado badan, waxaana diyaar u nahay xaalad kasta."
Wax ka ogow Tuulada Soomaalida ee UK ee aadka loo booqan jiray 1904
Xigashada Sawirka, Somali Village/Yahya Birt
Sheekada ku saabsan sida tuulo Soomaali ah ay u noqotay xarunta bandhig weyn oo lagu qabtay Bradford sanadkii 1904 ayaa hadda lagu soo bandhigayaa meel wax yar u jirta halkii markii hore laga dhisay.
Tuuladaas waxaa muddo lix bilood ah sanadkii 1904 lagu dejiyay 57 rag, dumar iyo carruur Muslimiin Soomaali ah oo laga keenay Somaliland kuna noolaa Lister Park, waxaana booqday tobannaan kun oo qof.
Iyadoo qayb ka ahayd Bandhiggii Bradford ee 1904, inta badan faa'iidada laga helay Tuulada Soomaalida waxaa loo isticmaalay horumarinta ururinta farshaxanka ee Cartwright Hall ee ku taal Lister Park.
Bandhigga Weaving Together Industry, Culture and Empire, oo ka furmaya Cartwright Hall 9-ka May, waxaa ku jira waxyaabo qadiimi ah oo la helay, iyo sidoo kale kaarar boosteejo, sawirro iyo filimaan casri ah oo laga sameeyay tuulada iyo bandhigga.
Dadka howsha wada Yaxya Birt iyo Cabira Xuseen ayaa sheegay in noocyadan kooxaha socdaalka ah ay aad caan uga ahaayeen Yurub iyo Ameerika xilliyadii Victoria iyo Edwardian.
Markabka USS Gerald R. Ford ayaa ku laabtay Maraykanka ka dib 326 maalmood oo hawl gal ah
Xigashada Sawirka, EPA
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa xaqiijisay in markabka USS Gerald R. Ford oo la geeyay bariga dhexe ka hor inta uusan bilaaban dagaalka Iran uu dib ugu soo laabtay Mareykanka sabtidii ka dib howlgal qaatay 326 maalmood.
Tani waxay ahayd hawlgalkii ugu dheeraa ee ay fuliyaan maraakiibta xambaara diyaaradaha Maraykanka tan iyo dagaalkii Vietnam.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegsett ayaa ku sugan magaalada Norfolk ee gobolka Virginia, si uu u soo dhaweeyo markabka ugu weyn ee diyaaradaha xambaara.
Sida laga soo xigtay militariga Mareykanka, markabka ayaa ka qeyb qaatay howlgalada Mareykanka ee Caribbean-ka, intii uu howlgalka ku jiray, halkaasoo ciidamada Mareykanka ay weerareen doomo looga shakiyay inay ka ganacsanayeen daroogooyinka, oo ay sidoo kale gacanta ku dhigeen markab qaada shidaalka oo cunaqabateyn saarneed, waxaana la xiray hogaamiyihii Venezuela Nicolas Maduro.
Markabka ayaa markaas loo diray bariga dhexe si uu uga qayb qaato hawlgalada dagaalka ee ka dhanka ah Iran.
Intii lagu guda jiray howlgalka dheer, dab ayaa ka kacay goobta dharka lagu dhaqdo ee markabka 12-kii Maarso, waxaana ku dhaawacmay labo badmaaxiin ah, waxaana uu burbur xooggan gaarsiiyay ilaa 100 sariirood. Sidoo kale waxaa la sheegay in dhibaato baahsan ay soo wajahday bulaacadaha markabka iyo nidaamka fayadhowrka inta uu badda ku jiray.
Weerar lagu qaaday warshadda tamarta nukleyrka ee Imaaraadka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha Abu Dhabi ayaa sheegay in la xakameeyay dab ka dhashay weerar ay diyaarad Drone ah ku qaadday goob dhalisa korontada ee warshadda Nukliyeerka ee Barakah.
Xafiiska warbaahinta Abu Dhabi ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay dhacdadan, heerka badqabka shucaacana uusan waxba iska bedelin.
Sidoo kale hay’adda maamusha Nukliyeerka ee Imaaraadka ayaa warkan xaqiijisay waxayna shaacisay in warshadda korontada ay sii wadi doonto howlaheeda caadiga ah.
Warshada Korontada Nukliyeerka ee Barakah oo ku taalla gobolka Dhafra ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah warshaddii ugu horreysay ee tamarta Nukliyeerka ah ee laga dhaliyo dalalka Carabta.
Hadalka Imaaraatka laguma xusin cidda ka danbeysa weeraradaasi. Iran waxay Imaaraatka u aqoonsan tahay saaxiib firfircoon ee weerarada Maraykanka iyo Israel.
12 xaqiiqo oo ku saabsan bulshada sirta ah ee Illuminati
Xigashada Sawirka, Getty Images
Illuminati waa magaca loo bixiyay bulsho la abuuray 245 sano ka hor.
Marka laga reebo in ay tahay isha kacaano waaweyn iyo dilal adduunka ka dhacay. Waa ayo Illuminati oo miyay dhab ahaantii maamulayeen adduunka?
Maxaan ka ognahay mid ka mid ah ururada sirta ah ee ugu xiisaha badan taariikhda.
1. Ya aasaasay Illuminati?
Illuminati waxay ahayd bulsho sir ah oo laga aasaasay Bavaria, oo hadda Jarmal ah, taas oo jirtay 1776 ilaa 1785, xubnahoodana waxay isku magacaabaan kuwo toosan.
Kooxda waxaa aasaasay barafisoor sharciga ku taqaqusay, Adam Weishaupt. Waxa uu rabay in uu kor u qaado waxbarashada garaadka si uu uga hortago sixirka iyo saamaynta jinnigu bulshada ku dhex leeyahay.
Weishaupt waxa uu rabey in uu wax ka beddelo habka loo maamulo dawladaha Yurub, isaga oo meesha ka saaraya saamaynta diineed ee dawladda iyo in uu adduunku jiho cusub siiyo.
Waxaa la rumeysan yahay in kulankii ugu horreeyay ee Bavarian Illuminati uu ka dhacay kayn u dhow Ingolstadt May 1, 1776.
Diyaarad ay ku dhinteen 132 ruux oo la ogaaday in si kutala gal ah shidaalka looga jaray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Diyaarad Boeing 737 ah oo ku dhacday buur ku taalla Shiinaha sanadkii 2022, halkaas oo ay ku dhinteen dhammaan 132 qof ee diyaaradda, ayaa la sheegay in shidaalka laga jaray xilli ay hawada sare ku jirtay, sida lagu sheegay xogta cusub ee ay soo saareen Guddiga Badbaadada Gaadiidka Qaranka ee Mareykanka (NTSB).
Natiijooyinka ay soo saartay NTSB ayaa sheegaysa in labada dhuumood ee shiidaalka siiya matoorka diyaaradda "la xiray" iyada oo ku socotay joog sare oo ah 8,839m – sida ay muujisay in shilku ahaa mid ula kac ah.
Shilkan diyaaradeed ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkaasi muddo tobanaan sano ah, inkastoo sababta shilkan ay ahayd mid aan la qarin karin.
Shiinaha ayaan weli soo saarin warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan dhacdadan, iyadoo la tixraacayo walaaca amniga qaranka.
Warbixinta NTSB, oo lagu sii daayay sharciga xorriyadda macluumaadka, ayaa lagu sheegay in xawaaraha matoorka MU5735 uu "hoos u dhacay ka dib markii shidaalka la xiray".
Kenya oo si wayn ugu diyaar garowday xanuunka Ebola
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kenya ayaa soo bandhigtay xog ku saabsan qorshaha dowladda Kenya ay kula dagaalamayso cudurka Ebola.
Qoraalka, Xoghayaha Joogtada ah ee Caafimaadka, Dr. Patrick Amoth, wuxuu ku yiri; "Kenya ma aysan xaqiijin ama ma diiwaangelin wax kiis ah oo cudurka Ebola ah oo loo yaqaan NON-ZAIRE, laakiin dowladdu waxay si dhow ula socotaa xaaladda gobolka Bariga Afrika, waxayna iskaashi la leedahay wasaaradaha caafimaadka ee ay khuseyso ee dalalka deriska ah."
Kenya waxa ay sheegtay in xaalada qatarta ah ee wadanku ay haatan tahay mid aad u hooseysa, balse ay dajisay qorshayaal lagu baarayo dadka safarka ah ee maraya dhamaan goobaha marinada, sida xuduudaha, dekeda Mombasa iyo Lamu, iyo garoomada diyaaradaha.
Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku dhawaaqay in cudurka dilaaga ah ee Ebola uu yahay xaalad degdeg ah oo caafimaad oo bulshadu walaac ka qabto.
Iyadoo hawlwadeennada caafimaadku ay la tacaalayaan cudurkan 17-aad ee ka dilaacay DRC, ayaa dawladaha deriska ah ee gobolka Bariga Afrika laga codsaday inay sameeyaan taxadar kasta oo lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dadka socdaalayaasha ah ee isaga kala goosha xuduudahooda, isla markaana ay u diyaar garoobaan sidii ay adeegyo caafimaad ugu fidin lahaayeen dadka u muuqda inay qabaan calaamadaha cudurka.
Chelsea Xabi Alonso u magacowda tababaraha kooxda
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda Premier League ka dhisan ee Chelsea ayaa u magacawday laacibkii hore ee khadka dhexe ee Liverpool Xavi Alonzo inuu hogaamiyo kooxdeeda.
Alonzo oo 44 jir ah una dhashay dalka Spain ayaa heshiis saddex sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan London, sideed bilood uun ka dib markii uu ka tagay kooxda reer Spain ee Real Madrid oo uu madax ka ahaa.
Chelsea oo xilli ciyaareedkii 2025/26 la dhibtoonaysay natiijooyin xun ayaa sheegtay inay ku rajo weyn tahay in Alonzo uu wax ka beddelo Stamford Bridge, gaar ahaan ka dib markii uu xilli ciyaareedkan yeeshay laba tababare oo labadooduba ka tagay natiijooyin aan fiicnayn.
Chelsea ayaa ceyrisay Enzo Maresca iyo Liam Rosenior horraantii xilli ciyaareedkan, iyadoo Calum McFarlane uu markii labaad si ku meel gaar ah u noqday macalin – la filayo inuu sii hayo xilka ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka, kaasoo ay u harsan tahay labo kulan.
Ku dhawaaqista magacaabista Alonzo ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii kooxda BLUE ay ku garaacday finalka FA Cup-ka kooxda Manchester City.
“Chelsea waa mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn adduunka, waana ku faraxsanahay in fursad la ii siiyay inaan noqdo maareeyaha guud ee kooxdan weyn,” ayuu yiri Alonso, isagoo intaas ku daray.
Taiwan oo ku adkaysatay in ay tahay dal madaxbanaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Taiwan ayaa ku adkeysaneysa inay tahay dal madax banaan, ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga digay inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay ka madax banaan tahay Shiinaha.
Hadalka Trump ayaa yimid ka dib shir labo maalmood qaatay oo ka dhacay magaalada Beijing,kadibna uu sheegay in uusan “wax go’aan ah ka sameynin labada dhinacba” jasiiradda iskeed isku maamusha – oo Shiinuhu ku andacoonayo in uu ka tirsan yahay dhulkiisa, uusanna meesha ka saarin in uu xoog ku qabsado.
Kadib wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu dhawaan go’aan ka gaari doono in uu ansixiyo $11bn oo xirmo hub ah oo laga iibinayo Taiwan.
Maamulka Maraykanku waxa uu raacayaa sharciga si uu Taiwan siiyo hab ay isku difaacdo, laakiin waxa ay marar badan ku qasbanaatay in ay isbahaysigan ku xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha.
Madaxweynaha Taiwan Lai Ching-te ayaa horay u sheegay in Taiwan aysan u baahneyn in ay ku dhawaaqdo madax-banaani rasmi ah, sababtoo ah waxay mar hore isu aragtay dal madax banaan.