Geerida qaraha lagu daray sunta jiirka oo wareerisay baarayaasha Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii afar xubnood oo qoys Hindi ah laga helay iyagoo ku dhintay gurigooda, baarayaasha ayaa BBC u sheegay inaysan wali garanayn waxa dhab ahaantii dhacay.
Qoyska Dokadia — Abdullah, xaaskiisa Nasreen iyo labadooda gabdhood Ayesha iyo Zainab — ayaa meydkooda laga helay gurigooda 25‑kii Abriil, xaafadda Pydhonie ee magaalada Mumbai.
Markii warku soo baxay, warbaahinta Hindiya ayaa si degdeg ah ugu magac dartay "geerida qaraha" oo ah wixii ugu dambeeyay ee qoyskaasi cuneen kahor dhimashadooda.
Geeridaasi waxaa si aad ah looga tebiyay gudaha Hindiya, iyadoo warar badan ay dadka uga digayeen taxaddar marka ay cunayaan mid ka mid ah miraha xagaaga ugu caansan dalkaas.
Warbixinno ayaa sheegay in qaraha uu ahaa mid wasakhaysan ama la sumeeyay, isla markaana lammaanaha iyo gabdhahooda dhallinyarada ah ay u dhinteen cunistiisa habeenkii xilli dambe. Arrintani waxay xitaa keentay hoos u dhac ku yimid qiimaha qaraha suuqyada Mumbai maaddaama dalabkii uu si weyn u yaraaday.









