TOOS, Iran oo oggolaatay in maraakiibta Shiinaha ay maraan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz

Wakaaladda Tasnim News Agency ayaa sheegtay in:“Iyada oo ku saleysan go’aan ka soo baxay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, dhowr markab oo Shiine ah loo oggolaaday inay maraan Hormuz"

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump oo sheegay inuu dulqaadka ka sii dhamaanayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dulqaadkii uu u hayay Iiraan uu sii dhammaanayo ka dib markii uu la hadlay hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping.

    Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay hadalkan, ka dib markii hoggaamiyaha Shiinaha Xi Jinping kala hadlay dagaalka Iiraan.

    Shalay, ciidamada Iiraan ayaa la sheegay inay qabteen markab marayay xeebaha Imaaraadka Carabta.

    Aqalka Cad ayaa sheegay in Trump iyo Xi ay ku heshiiyeen in marin biyoodka Hormuz uu furnaado inta ay wadahadalladoodu socdaan.

    Ka dib markii Israa'iil iyo Mareykanka ay weerareen Iraani bishii Febraayo 28, Iiraan ayaa ka aargoosatay iyadoo xirtay marin biyoodka Hormuz.

    Tani waxay carqaladeysay isu socodka iyo ganacsiga saliidda iyo gaaska adduunka.

    Shiinaha waa xulafada ugu dhow Iiraan, sidoo kalena wuxuu ka iibsadaa saliid badan.

    Mareykanka ayaa bishii hore joojiyay duqeymihii uu ka geysan jiray Tehran ka dib markii ay dhexdhexaadisay Islamabad, laakiin wuxuu gebi ahaanba xannibay maraakiibta xamuulka qaada ee u socda dekedaha Iiraan.

    Wadahadalladii u dhexeeyay labada dal ayaa hakad galay ka dib markii Iiraan ay diiday inay ogolaato in la joojiyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyo uranium-keeda la kobciyo.

    "Ma u sii dulqaadan doono," ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyay Fox News. "Waa inay ogolaadaan." Ayuu sii raaciyay.

    Wuxuu sheegay in kaydka Yuraaniyamka ee Iiraan ee la kobciyay uusan ahayn khatar amni, balse ay tahay in Mareykanka uu maamulo.

    "Uma maleynayo inay lagama maarmaan tahay marka laga reebo shaqada xiriirka dadweynaha," ayuu ku yiri wareysi uu bixiyay.

    "Way fiicnaan lahayd haddii ay gacantayda ku jiri lahayd. Laakiin waxaan u maleynayaa inay tahay shaqo xiriir dadweyne oo ka weyn wax kasta oo kale." Ayuu sii raaciyay.

    Sidoo kale akhri

  2. Wax ka ogow nolosha iyo aqoonta Xasan Sheekh iyo madaxweyneyaashii kale ee soo maray Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bartamihii bishii Oktoobar 2022-kii shaaciyay in uu shahaadada ugu sarreysa ee waxbarashada jaamacadda ee PhD ka qaatay Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobey.

    Waxa uu daraaseeyay culuumta Nabadda, Maamulka iyo Horumarka. Waxa ay tan ka dhigan tahay in uu noqonayo madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee qaata Ph.D, waxaana hadda kaddib loogu yeeri doonaa Dr Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Haddaba, halkan ka akhriso noloshii iyo waxbarashadii madaxweyneyaashii soo maray Soomaaliya.

    Aadan Cabdulle Cusmaan

    Aadan Cabdulle Cismaan Daar ‘Aadan Cadde’ oo ku dhashay tuulada Ceelqurun oo u dhow deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan, waxa uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa madi lagu qiyaasay in uu dhashay xilli ku beegan 1908-dii.

    Ma helin waxbarashada aas-aasiga ah oo dhammaystiran, laakiin waxbarashada hoose iyo dhexe ayuu ku qaatay dugsi uu Talyaanigu ku lahaa Baydhabo, isla halkaas ayuu Qur’aanka ku bartay.

    Waxa uu waxbarashada aasaasiga ah uga haray fasalka shanaad oo ahaa halka ugu sarreysa ee gumeystaha Talyaanigu uu u oggolaa in qof Soomaali ah uu waxbarashada ka gaaro.

  3. Geerida qaraha lagu daray sunta jiirka oo wareerisay baarayaasha Hindiya

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii afar xubnood oo qoys Hindi ah laga helay iyagoo ku dhintay gurigooda, baarayaasha ayaa BBC u sheegay inaysan wali garanayn waxa dhab ahaantii dhacay.

    Qoyska Dokadia — Abdullah, xaaskiisa Nasreen iyo labadooda gabdhood Ayesha iyo Zainab — ayaa meydkooda laga helay gurigooda 25‑kii Abriil, xaafadda Pydhonie ee magaalada Mumbai.

    Markii warku soo baxay, warbaahinta Hindiya ayaa si degdeg ah ugu magac dartay "geerida qaraha" oo ah wixii ugu dambeeyay ee qoyskaasi cuneen kahor dhimashadooda.

    Geeridaasi waxaa si aad ah looga tebiyay gudaha Hindiya, iyadoo warar badan ay dadka uga digayeen taxaddar marka ay cunayaan mid ka mid ah miraha xagaaga ugu caansan dalkaas.

    Warbixinno ayaa sheegay in qaraha uu ahaa mid wasakhaysan ama la sumeeyay, isla markaana lammaanaha iyo gabdhahooda dhallinyarada ah ay u dhinteen cunistiisa habeenkii xilli dambe. Arrintani waxay xitaa keentay hoos u dhac ku yimid qiimaha qaraha suuqyada Mumbai maaddaama dalabkii uu si weyn u yaraaday.

  4. Trump oo maalintiisii u dambeesay ku suganShiinaha

    Xi/Trump
    Qoraalka sawirka, Xi/Trump

    Labada madaxweyne ayaa ka shalay ka wada hadlay inta badan arrimo ku saabsan ganacsiga, canshuuraha iyo iskaashiga labada dal.

    Trump mar uu warbaahinta Fox news wareysi siinayey waxa uu sheegay in dhigiisa uu kala hadlay in arrimo ku saabsan Iiraan, isaga oo tilmaamay in aysan Shiinaha Iiraan ka caawineyn hub iyo dagaal toona. Inkasta oo Trump hore u sheegay in uusan ka Xi ka dooneyn in xal laga gaaro arrinta Iiraan, hadana waxa uu tilmaamay Xi uu usoo bandhigay inuu ka caawin doono ka Maraykan ahaan in heshiis nabadeed laga gaaro arrinta uuna diyaar u yahay inuu dhex galo.

    Trump ayaa maanta sii joogi doona Beinjing, waana jaaniska ugu dambeeya ee ay madaxda haystaan in arrimaha dhimana ay fool ka fool uga wada hadlaan.

  5. Xisbullaah oo sheegatay in ay fuliyeen 13 weerar oo ka dhan ah askarta Israa'iil

    Kooxda Xisbullaah ee ka dagaallanta Lubnaan ayaa war ay soo saareyn khamiistii ku sheegay in ay qaadeyn weerarro gaaraya 13 oo ay ku jiraan howlgallo lagu bartilmaameedsanayo igoobaha ay iskugu yimaadaan askarta Israa'iil iyo gaadiidka militariga ee magaalooyinka koonfurta Lubnaan.

    Weerarradaan ayey ku sheegeyn in ujeedkoodu uu ahaa in lagaga jawaabo falalka 'gardarrada' ah ee Israa'iil ka waddo koofurta Lubnaan kuwaas waxyeellada kasoo gaarto dad shacab ah.

  6. War deg deg ah, Maraykanka oo shaaciyey tirada maraakiibta uu qabtay.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay qabtayn in ka badan todobaatan markab, "Waxaan leexsanay 72 markab, waxaana banjarinnay 4 kale tan iyo markii la bilaabay cunaqabataynta Iiraan".

    .

  7. Wadahadallada Lubnaan iyo Israa'iil oo maalintii kowaad guul kusoo dhammaaday

    Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in maalintii ugu horreysay ee wadahadallada Israa'iil iyo Lubnaan ee Washington ay ahaayeen kuwo "wax soo saar leh oo wanaagsan," wadahadalladuna ay sii socon doonaan Jimcaha.isaga oo yir "Waxaan yeelanay wadahadallo wax soo saar leh oo wanaagsan maalintii oo dhan, laga bilaabo 9-ka subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo. Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wadahadalladan berri, waxaana rajeyneynaa inaan helno qodobbo badan oo aan isla garanno.

  8. Wareeggii sadexaad ee wada-hadallada Israa'iil iyo Lubnaan ka furmay Washington

    Wakiillo ka kala socda Israa’iil iyo Lubnaan ayaa bilaabay wareeggii saddexaad ee wada-hadalladooda magaalada Washington, D.C. Wada-hadalladan ayaa imanaya iyadoo xabbad-joojintii Lubnaan lagu wado inay dhammaato maalmo yar gudahood.

    Israa’iil ayaa maanta ka geesatay weerarro ay ku qaaday bartilmaameedyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, kuwaas oo ay sheegtay inay leeyihiin Xisbullaah, halka dhowr Israa’iiliyiin ah ay ku dhaawacmeen diyaarad aan duuliye lahayn oo qarax sidday oo ay geeystayn xisbullaah.

    Kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iiraan kama ayaa hore u diiday wada-hadallada Israa'iil iyo Lubnaan ku dhex maraya Washington.

    Iyadoo dowladda Lubnaan ay Israa’iil ugu baaqday inay joojiso weerarrada ay ku hayso dhulka Lubnaan, Israa’iil waxay ku adkeesaneysaa sida ay ku doodayaan in Xisbullah hubka dhigto.

    Intii uu socday xabbad-joojintu, boqolaal qof oo Lubnaaniyiin ah ayaa ku dhintay weerarro maalinle ah oo ay Israa’iil fulisay, halka Xisbullah ay sii wadday inay gantaallo ku riddo Israa’iil.

  9. Calanka Israa'iil oo laga taagay Masjidka Al-aqsa

    Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil ee ka tirsan garabka midigta fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa jebiyay xeer muddo dheer lagu dhaqmayey, kaas oo ku saabsan goobaha diimaha ay ku cibaadeystaan dadka kala diimaha ah ee ku nool deegaannadaas, kadib markii uu calanka Israa’iil ka taagay agagaarka Masaajidka Al-Aqsa.

    Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya wasiirka oo kor u qaadaya calanka Israa’iil, kuna ciyaaraya hees miraheedu ay kamid yihiin 'masjikd barakeesan ee Al-aqsa gacanteenna ayuu ku jiraa'. Tobannaan kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa sidoo kale halkaas socod ku maray, iyaga oo ka qeyb-galayey munaasabad diimeed iyo mid qaran oo sanadkii mar la xuso.

    “Socodka Calanka” waxaa loo qabtaa xuska sanadguurada qabsashadii Israa’iil ee Bariga Qudus intii lagu jiray dagaalkii 1967.

    Wariyaha BBC ee Qudus ayaa sheegay in munaasabaddan ay badanaa la socdaan rabshado, dhibaatooyin iyo hal-ku-dhigyo lagu cunsuriyadeeyo dadka Falastiiniyiinta ah ee deggen aaggan Qudus.

    Sannadkan, tobannaan ka tirsan dadka u ololeeya nabadda ee Israa’iil ayaa isku dayay inay ka hortagaan tacaddiyadan.

  10. War deg deg ah, Yaa oggolaaday Maraakiibta Shiinaha xalay inay maraan marinka Hormuz?

    Laanta xiriirka dadweynaha ee ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan IRGC ayaa xaqiijisay warbixinada la xiriira inay oggolaadeen in maraakiibta shiinaha ay maraan marinka Hormuz.

    ‘’Go’aanka kasoo baxay jamhuuriyada Islaamiga ah, waxa ay ahayd macquul in tiro kamid ah maraakiibta shiinaha ay ka gudbaan marinka Hormuz iyaga oo raacaya nidaamka maamulka Iiraan ee marinka’’.

    Sida laga soo xigtay bayaanka iyada oo ay dabasocdaan wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha iyo safiirka dallkaasi ee Iiraan ‘’Waxa ay ahayd kama dambaysa la gaaray in tiro kamid ah Maraakiibta Shiinaha oo uu dalkaasi codsaday ay maraan aaggaasi kadib markii la gaaray is-fahan raacitaanka nidaamyada maamulka Iiraan ee marinka, waxaana uu maritaanku bilowday habeenkii xalay.

  11. War deg deg ah, Maraykanka ‘’Dib u dhiska ciidamada badda Iiraan waxa ay qaadan doontaa ugu yaraan wakhti dheer’’

    Taliyaha ciidamada saldhiga dhexe ee Maraykanka Brad Cooper

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Taliyaha ciidamada saldhiga dhexe ee Maraykanka Brad Cooper

    Taliyaha saldhiga dhexe ee ciidamada Maraykanka CENTCOM, Admiral Brad Cooper ayaa isaga oo kahor hadlayay mudanayaasha Senate-ka Maraykanka gaar ahaana ka warbixinayay dagaalka Iiraan ayaa sheegay in awoodda ee ay ku khatar galin karto dariskeeda iyo danaha Maraykanka ee gobolka si weyn hoos loogu dhigay.

    Waxa uu sheegay howgalkooda milatari uu daciifiyay kaabayaashii warshadeed ee Iiraan sida gantaalada, ciidamada badda iyo awooddii soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo la gaarsiiyay ilaa 90%, waxaana sida uu yiri dib u dhiska ciidamada badda Iiraan ay ugu yaraan qaadan doontaa wakhi ilaa jiil cusub.

    ‘’Khatartii Iiraan si weyn ayaa hoos loogu dhigay, mana sii awoodaan inay khatar sii galiyaan bahwadaagteena gobolka ama Maraykanka sidii ay horay awoodda ugu lahaayen, dhammaan dhinacyada kala duwan. Si weyn ayaa loo daciifiyay,’’ ayuu Cooper u sheegay guddiga Senete-ka.

    Waxa kale oo uu sheegay in Iiraan ay weli khatar usiin ahaan karto awoodeeda iyo ilaha khayraadka ay haysato.

    WARBIXINO KALE

  12. War deg deg ah, Hindiya oo ka hadashay Markab lagu qarxiyay xeebaha Cumaan

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa ku baaqay in qarxinta iyo quusinta markab xumuul oo xeebaha Cumaan uu yahay mid ‘’aan la aqbali karin’’

    Wasiirka ayaa ku qeexay weerar markabka ku gooshayay calanka Hindiya ee xeebaha Cumaan uu yahay mid aan ‘’la aqbali karin’.’ Korjoogtooyinka baddaha ayaa ku warbixiyay in markabka xamuul la beegsaday lana quusiyay maalinkii shalay.

    Delhi ma bixin faahfaahin intaasi ka dheer oo la xiriira weerarka, laakiin waxa ay sheegteen in xubnihii shaqaalaha ee saarnaa markabka ay bad qabaan, waxaana uu u mahad celiyay masuuliyiinta Cumaan inay badbaadiyeen nolosha shaqaalaha.

    ‘’Weerarka loogu gaystay xeebaha Cumaan markabka ku gooshayay calanka Hindiya ee shalay uu yahay mid aan la aqbali karin, waxaynu si aad ah uga xunahay in maraakiibta ganacsiga iyo bad-maaxyada rayidka ah ay sii socoto beegsigooda ,’’ ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Khamiistii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaan kusoo hadal qaadin weerarka khudbadiisii Delhi, waxaase uu adkeeyay in marinka Hormuz ‘’uu u furan yahay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee la shaqeeya ciidamada badda Iiraan.

    WARBIXINO KALE

  13. War deg deg ah, Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska oo xaalku ku adag yahay, Wasiirkiisii Caafimaadka oo is-casilay

    Wasiirka Caafimaadka Britain ee is-casilay Wes Streeting

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Caafimaadka Britain ee is-casilay Wes Streeting

    Xubin muhiim ah oo ka tirsan dowladda xisbiga shaqaalaha ee ra’iisul wasaare Keir Starmer ee Britain ayaa iscasilay. Wasiirka caafimaadka Wes Streeting ayaa sheegay inuu lumiyay kalsoonidii uu ku qabay hoggaanka raysal wasaaraha.

    Warqad uu ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay inay caddahay in Sir Keir uusan hoggaamin doonin xisbiga Labour-ka doorashada guud ee soo socota.

    Streeting ayaa la filayaa inuu bilaabo tartan hoggaamineed oo ka dhan ah raysal wasaaraha. Xulafadiisa ayaa BBC-da u sheegay inuu haysto taageerada looga baahan yahay xildhibaannada Labour-ka si si rasmi ah loogu bilaabo tartanka.

    Keir Starmer ayaa uga digay wasiirrada in doorasho hoggaanka ay dalka gelin doonto qalalaase.

    WARBIXINO KALE

  14. Iran oo oggolaatay in maraakiib Shiinaha ay maraan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz

    Sida ay sheegtay wakaaladda AFP, ciidamada badda ee Iran ayaa u oggolaaday koox maraakiib ah oo Shiinaha leeyahay inay maraan marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz laga bilaabo fiidkii Arbacada.

    Wakaaladda Tasnim News Agency ayaa sheegtay in:“Iyada oo ku saleysan go’aan ka soo baxay Jamhuuriyadda Islaamiga ah, dhowr markab oo Shiine ah ayaa loo oggolaaday inay maraan Hormuz iyadoo la raacayo nidaamka transit-ka ee ay maamusho Iran.”

    Waxay intaa ku dartay in marista maraakiibtan ay timid kadib codsi ka yimid Beijing, isla markaana ay bilaabatay Arbacadii fiidkii kadib “isfaham ku saabsan habraacyada maamulka Iran.”

    WARBIXINO KALE

  15. War deg deg ah, Maxaynu ka ognahay dagaalkii ka dhacay duleedka Baydhabo?

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuu iska horimaad halkaasi ka dhacay, iyada oo kooxda Alshabaab ay ku sheegtay inay halkaasi dagaal kula galeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay kooxdaasi ayaa lagu sheegay inay kahor tageen weerar ay ciidamadu dowladu kusoo qaadeen deegaano ay ka taliyaan.

    Alshabaab ayaa warka kasoo baxay ay ku sheegeen inay ku dileen sagaal kamid ah ciidamadii iyaga soo weeraray, sida ay sheegteen.

    Ilo ka tirsan dowladda oo aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in laba sarkaal oo sare ay dhinteen, inkasta oo dowladdu war rasmi ah uusan weli dhankooda kasoo bixin oo la xiriira dilka saraakiisha.

    Sidoo kale akhri:

  16. Ninkii CIA u waraystay Saddam Xuseen markii la qabtay oo sanado ka dib hadal la yaab leh sheegay

    Sanadkii 2016-kii Saddam waxaa lagu helay in uu galay dambiyo aadanaha ka dhan ah

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sanadkii 2016-kii Saddam waxaa lagu helay in uu galay dambiyo aadanaha ka dhan ah

    Markii gacanta lagu dhigay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen 2003, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir xaqiijin kara oo su'aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaq hoose

  17. Ururka Xisbullah ayaa baahiyay muuqaal “duqeymo lala beegsaday ciidamada Israel ee ku sugan koonfurta Lubnaan”

    Muqaal ay baahiyeen xisbullah

    Xigashada Sawirka, Hezbollah Media Office

    Qoraalka sawirka, Muqaal ay baahiyeen xisbullah

    Ururka Hezbollah ayaa baahiyay muuqaal ay ku sheegtay inuu muujinayo weerarro lagu beegsanayo ciidamada Israel ee koonfurta Lubnaan.

    “Waxaan madaafiic ku garaacnay goob ay isugu yimaadeen askarta cadawga Israel ee magaalada Rashaf ee koonfurta Lubnaan.”

    Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay weli jiraan xiisado dhanka dhulka ah iyo khilaafaad gudaha Lubnaan ah oo ku saabsan jihada wada-hadallada, halka wadahadallo ka socda Washington, D.C. looga hadlayo xabbad-joojin, ka bixitaanka ciidamada, soo celinta dadka barakacay, iyo dib-u-dhiska dalka.

  18. Cuntooyiinka ay Shiinaha ku marti-sooraan madaxwaynayaasha Mareykanka

    Cunatada "Kung Pao" oo digaag laga sameeyay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cunatada "Kung Pao" oo digaag laga sameeyay

    Waxa laga yaabaa in cashada rasmiga ah ee dowladda Shiinaha ee la qorsheeyay caawa ay noqto mid si weyn loo xiiseeyo.

    Intii lagu jiray booqashadiisii hore ee dalka Shiinaha sanadkii 2017, Donald Trump waxaa loo soo bandhigay cunto gaar ah oo ka kooban dhowr qaybood, taas oo qaar ay sheegeen in loogu talagalay in lagu baro dhadhanka cuntada Shiinaha ee dadka Mareykanka.

    Cuntooyinka la siiyay waxaa ka mid ahaa digaag nooca Kung Pao, maraq badeed kareem leh, iyo hilib lo’ ah oo lagu kariyey suugo yaanyo—kuwaas oo qaarkood u egyihiin kuwo aad uga caadi ah dhadhanka dadka Mareykanka marka loo eego cuntada dhaqanka Shiinaha. Trump waxaa lagu yaqaanaa inuu jecel yahay cuntada steak si fiican loo kariyey, mararka qaarna lagu daro waxyaabo kale.

    Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaashiisii hore ee Mareykanka waxay la kulmeen cuntooyin aad uga kala duwan. Sannadkii 1972, Richard Nixon wuxuu dhadhamiyey maraq ka samaysan shark fin, iyo saxan eel jilicsan oo la kariyey, iyo cuntooyin kale oo kala duwan.

    Nixon, oo ahaa madaxweynihii 37-aad ee Mareykanka, wuxuu aad u cajab geliyay marti-geliyayaashiisii Shiinaha isagoo si xirfad leh u isticmaalay usha yar ee Shiinaha ay cunadda ku cunaan.

  19. Trump iyo Xi Jiping oo kulankoodi u soo dhamaaday

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweyne Donald Trump ayaa wadhadallada uu la yeeshay Xi Jiping ku tilmaamay kuwo “wanaagsan”, ka dib kulan laba saacadood qaatay oo ka dhacay magaalada Beijing.

    Laakin kala duwanaansho qooto dheer ayaa ka jirta arrimaha canshuurta iyo alaabaha la dhoofiyo, sida uu qoray weriyaha arrimaha ganacsiga.

    Labada hogaamiye ayaa diiradda saaraya arrimaha ganacsiga labada dhinac, Taiwan iyo xaaladda Iiraan.

    Jasiiradda iskeed isu maamusha ee ay sheegato Beijing waa isha ugu weyn ee xiisadda Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana wehliya canshuuraha, tartanka la xirriira tiknoolojiyadda iyo dagaalka Iiraan.

  20. Afar waxyaabood oo aad ku ogaan karto inaad qof jeceshahay iyo in kale

    Qof walba weydii jaceylku waa wax aan la fahmi karin, waxaa laga yaabaa inay dadku kugu raacaan taas. Arrintaas waxaa qeyb ka qaata xaqiiqda ah inay caqabad kula soo dersi karto marka qofka aad jeceshahay uusan si kula mid ah kuu dareemin.

    Jaceylka ayaa sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelan kara noloshaada sababtoo ah wuu wejiyo badan yahay, waxaana laga yaabaa inaadan durba fahmin nooca jaceyl ee aad dareemeyso.

    Mala garan karaa nooca jaceyl ee aad dareemeyso?

    Jaceylku mar walba isku si maaha, oo siyaabo kala duwan ayuu kugu soo abbaari karaa. Mararka qaar, wuxuu maraa marxalado kala duwan.

    Marka ugu horreysa ee aad qof ka hesho, waxaad aalaaba dareentaa farxad iyo jahwareer is barbar socda. Haddii jaceylka lagula wadana, waxay khubarradu sheegaan inuu ka mid yahay noocyada ugu fiican jaceylka ee waara.

    Waxaa laga yaabaa inaad ka hesho qof aad hadda la kulantay, balse waxaad ogaaneysaa in aragtida aad ka qabtay ay is beddeshay, waxaa sidoo kale is beddelaya dareenkii aad u qaadday oo halkaas ku baaba'aya.

    Waxaa sidoo kale laga yaabaa inaad qof jeclaato, balse aadan u qaadin dareen xad dhaaf ah, sida inaad jeclaato qof aad markii horaba saaxiibbo isu dhow ahaydeen, wuu kaaga duwanaanayaa qofka aad isku cusub tihiin.