Waa kuma Fahad Yaasiin, macallin dugsigii weriyaha soo noqday?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si rasmi ah looma oga halka uu ku dhashay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir laakiin waxa ay baasabooradiisu muujinayaan in uu ku dhashay magaalada Mandheera ee dalka Kenya bishii Luulyo 1978. Wax badan lagama oga noloshiisii hore iyo barbaarintiisii carruurnimo, waxaa se la og yahay in uu ku noolaaday magaalooyinka Muqdisho iyo Baled Xaawo.
Si banaan yaal ah, weli Fahad ugama sheekeyn waxbarashadiisii, laakiin dad yaqaan waxay BBC u sheegeen in uu waxbarasho u tagay dalka Yemen kadibna uu dib ugu soo noqday Soomaaliya, halkaas oo uu kala jaan-qaaday ururo diimeedyadii ka jiray Soomaaliya. Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya inuu wax ku soo bartay dalka Bakistaan, sida lagu qoray machkad Mareykanka laga leeyahay ee The American Enterprise Institute. Laakiin BBC-da si madax banaan uma xaqiijin karto.
Ururkii Itixaad ee Gedo
Dad kala duwan waxay BBC u sheegeen in uu Fahad ka mid ahaa dhallinyaradii ku biirtay xarakooyinkii diimeed ee sida weyn ugu sii faafay Soomaaliya sagaashameeyadii.
Waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka ahaa dhallinyaradii la shaqeyneysay ururka Itixaad ee gobolka Gedo kula dagaalamay ciidamada Itoobiya. Balse ma ahayn askari dagaalama, sida ay sheegeen dad kala duwan.
Waxaa lagu tilmaamaa nin si wanaagsan diinta u bartay, kuna adag, isaga oo si wanaagsan ugu hadla afka Carabiga.
Fahad iyo shaqada weriyenimada













