TOOS, Pakistan oo xaqiijinaysaa ka qaybgalka hoggaanka Maraykanka iyo Iran ee wada xaajoodka, iyo bilawga wada xaajoodka tooska ah

Wafuudda labada dhinac ayaa dowladda Pakistaan xaqiijisay in ay soo gaareen magaalada Islamabad

Tebin toos ah

  1. Duulimaadka Wafdiga Iran waxaa loogu magac daray 'Minab 168'

    Wefdiga ayaa gaaray islamabad

    Xigashada Sawirka, @mb_ghalibaf

    Qoraalka sawirka, Wefdiga ayaa gaaray islamabad

    Wafdiga Iiraan ayaa gaaray Pakistan si ay uga qayb qaataan wadahadallada nabadda, iyagoo saarnaa duulimaad loogu magac daray dugsi gabdho oo ku yaalla Iiraan oo la beegsaday maalintii ugu horreysay ee dagaalka, sida ay sheegtay dowladda Iiraan.

    Duulimaadka waxaa loo bixiyay “Minab 168” si loogu maamuuso 168 gabdhood, oo intooda badan carruur ay ahaayeen, kuwaas oo ay masuuliyiinta Iiraan sheegeen in lagu dilay weerar gantaal ah oo lala beegsaday Dugsiga Hoose ee Gabdhaha Shajarat Tayyiba ee ku yaalla magaalada Minab 28-kii Febraayo 2026.

    Warbaahinta ayaa sheegtay in baarayaasha milatariga Mareykanka ay rumeysan yihiin in ciidamada Mareykanka ay u badan tahay inay si aan ula kac ahayn u garaaceen dugsiga, halka Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth uu hore u sheegay in arrintan ay weli baaritaan ku socoto.

    Ka dib markii ay diyaaraddu ka degtay Pakistan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan Mohammad Baqer Qalibaf ayaa bartiisa X ku daabacay sawir muujinaya afar carruur ah oo sawirradooda lagu dul dhigay kuraasta diyaaradda, mid kastaana uu wato boorso dugsi iyo ubax korka laga saaray, isaga oo yiri: “Kuwani waa saaxiibaday safarkan.”

  2. Wadahadalada Iran iyo Mareykanka oo lagu wado inay maanta furmaan

    Shahbaz Sharif

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Shahbaz Sharif

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan ayaa sheegay in wadahadallada nabadeed ee Mareykanka iyo Iran ee la qorsheeyay in lagu qabto Islamabad Sabtida ay noqon doonto "fursad masiiri ah" si xal looga gaaro dagaalka.

    Shahbaz Sharif ayaa khudbad uu ka jeediyay telefishinka ku sheegay in wakiilo ka socda labada dal ay ku sugnaan doonaan Islamabad maanta si ay u bilaabaan wada xaajoodyada.

    Waxa uu sheegay in kulanka uu yahay mid aysan ku faani karin Pakistan oo kaliya, balse uu yahay mid loogu faano dunida Muslimka.