TOOS, Lubnaan iyo Israa'iil oo gaaray Xabbad-joojin 10 maalmood ah, oo Mareykanku dhexdhexaadiyay

Tallaabadan xabd-joojinta ah ayaa la filayaa in ay meesha ka saarto duqeymihii iyo barakicinta shacabka reer Lubnaan

Kooban

Tebin toos ah

  1. Starmer oo sheegay in uu samayn doono wax kasta oo uu awoodo si loo furo marin biyoodka Hormuz

    Keir Starmer

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Keir Starmer

    Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa hadda soo gaaray qasriga Élysée Palace ee ku yaalla Paris, waxaana wax yar ka hor kulankiisa madaxweynaha Emmanuel Macron uu Starmer ku adkeystay inuu “sameyn doono wax walba oo uu awoodo” si loo yareeyo saameynta dagaalka Iran uu ku leeyahay shacabka isla markaana dib loogu furo marin-biyoodka Strait of Hormuz.

    Isagoo la hadlayay warfidiyeenka, Starmer wuxuu yiri: “Aad bay muhiim u tahay inaan dhisno isbahaysi dalal ah oo ku mideysan mabda’a ah in xabbad-joojintu noqoto mid joogto ah, in heshiis la gaaro, iyo in marin-biyoodka Hormuz uu furnaado.

    “Arrintaasi waa danta dhammaanteen, sababtoo ah waxa ka socda dagaalka Iran wuxuu saameynayaa dhaqaalaheena oo dhan. Taasi waa sababta ay dalalku isu soo ururinayaan.

    “Qof walba wuu caddeeyay in si arrintaasi u dhacdo, aan u baahanahay waddo diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed, sidoo kale dhinac saadka iyo dhaqaale ah, iyo qorshe militari—taas ayaana maanta isugu imaaneynaa inaan ka shaqeyno.”

    Galabta, Starmer iyo Macron waxay wada guddoomin doonaan kulan maqal iyo muuqaal ah oo ay ka qeybgalayaan ku dhowaad 40 dal, kaas oo lagu doonayo in lagu dhiso hawlgal caalami ah oo lagu soo celinayo marin ammaan ah si ay maraakiibta ay u maraan Hormuz.

  2. Digniinta Soomaaliya ee Bab-el-Mandeb ma waxaey ku wajahan tahay Israa'iil?

    Mas'uul ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in "waddan kasta oo Soomaaliya ku sameeya faragelin gudaha ah, uu la kulmi doono tallaabo cawaaqib leh oo ay kaga xanibayaan Marinka- Bab-el-Mandeb”.

    Qoraal uu bartiisa X, ku baahiyay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Cabdullaahi Warfaa ayuu ku yiri: “Dal kasta oo faragelin ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya isla markaana wax u dhimaya midnimadeeda dhuleed iyo madaxbannaanideeda, wuxuu la kulmi doonaa cawaaqib, ku saabsan in laga xanibo Marinka- Bab-el-Mandeb”.

    Inkasta oo safiirku aanu xusin magaca dal iyo dowlad gooni ah, haddana waxaan fahamsanahay in shalay war-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay Israa’iil in ay ku xad-gubayso madaxbannaanida dhuleed ee soomaaliya kadib markii Israa’iil ay safiir u soo magacowday Somaliland.

  3. War deg deg ah, Iiraan oo war ka soo saartay xabad-joojinta Lubnaan iyo Israa'iil

    Iiraan ayaa soo dhaweysay xabbad-joojinta u dhaxeysa Lubnaan iyo Israa’iil, iyadoo ku tilmaantay guul diblomaasiyadeed iyo natiijo ka dhalatay “iska caabbinta” Xisbullaah.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Esmail Baqaei, ayaa sheegay in Tehran ay u aragto heshiiska xabbad-joojinta qayb ka mid ah isfaham ballaaran oo lala gaaray Maraykanka, kaas oo lagu gaaray wada-xaajoodyo ay dhex-dhexaadisay Pakistan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay si joogto ah u riixaysay xabbad-joojin guud oo ka hirgasha gobolka.

    Mas’uuliyiinta sare ayaa sidoo kale ammaanay doorka Xisbullaah, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Baqer Qalibaf uu qoraal Carabi ah oo uu ku daabacay bartiisa X, ku sheegay in heshiiska uu yahay “wax aan ka ahayn natiijada adkaysiga Xisbullaah iyo midnimada iska caabbinta”, eray ay Tehran u adeegsato kooxaha xulafada la ah ee gobolka.

    Esmail Qaani, oo ah taliyaha ciidamada Quds Force ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa ku tilmaamay Xisbullaah “guuleystaha”, isagoo ku adkaystay in heshiiska uu ka dhashay adkaysiga iska caabbinta Lubnaan iyo taageerada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

    Warbaahinta dowliga ah ee Iiraan ayaa inta badan la qabsatay hadalka mas’uuliyiinta sare, iyagoo ku muujiyay xabbad-joojinta Lubnaan inay tahay natiijada “iska caabbinta” Xisbullaah iyo cadaadiska diblomaasiyadeed ee Tehran.

    Kanaalka wararka joogtada ah ee IRINN ayaa saaka sheegay in iska caabbinta Iiraan iyo Xisbullah ay “ku qasbeen” Maraykanka iyo Israa’iil inay aqbalaan xabbad-joojin 10 maalmood ah oo ka dhacda Lubnaan.

  4. Pakistan oo hadda war cusub soo saartay

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa soo dhaweeyay wararka ku saabsan xabbad-joojinta 10-ka maalmood ah oo u dhaxaysa Israel iyo Lebanon, isagoo ammaanay Madaxweyne Donald Trump dadaalladiisa diblomaasiyadeed ee “geesinimada leh oo xikmadaysan”.

    Sharif wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay taageerada “aan leexleexadka lahayn” ee dalkiisu u hayo madaxbannaanida dhuleed ee Lubnaan.

    Wadahadallada u dhexeeya Israel iyo Lubnaan waxaa toddobaadkan martigeliyay Mareykanka waxaana ay ka dhaceen magaalada Washington, D.C., taasoo astaan u ah tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

    Arrintan waxay sidoo kale ku soo beegantay ka dib burbur ku yimid wadahadalladii u dhexeeyay Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo ay martigelisayPakistan, dhammaadkii usbuucii hore.

    Islamabad waxay gacan ka geysatay dhexdhexaadinta xabbad-joojin laba toddobaad ah oo hadda u dhexeysa Iran, Mareykanka, iyo Israel, waxaana jira warar sheegaya in taliyaha ciidanka Pakistan uu Khamiistii kula kulmay mas’uuliyiin Iiraan ah magaalada Tehran, si loo kordhiyo heshiiskaas.

  5. Sawirro: Dadka Lubnaan oo dib ugu laabanaya guryahoodii

    Dadweynihii ka barakacay koonfurta dalka Lubnaan ayaa hadda bilaabay in ay dib ugu laabtaan guryahoodii kadib markii Israa'iil iyo Lubnaan ay wada gaareen heshiis xabad-joojin ah oo soconaya muddo toban maalmood ah.

    Sawirrada ka imaanaya Lubnaan ayaa muujinaya dad faraxsan oo dib ugu laabanaya guryihii duqeymaha iyo dagaallada looga saaray.

    Dadka ayaa alaabahooda ku rartay gawaari, iyadoo ciriiri laga dareemayo waddooyinka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hooyooyin carruur xambaarsan oo faraxsan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ilaa shan ruux oo dhugdhugley saaran

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Ra'iisul Wasaare Netanyahu oo cafis weydiistay madaxweynihiisa

    Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Raysal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ka codsaday madaxweynaha dalkaas, Isaac Herzog, inuu cafis uga fidiyo kiisaska musuqmaasuqa ee uu la tacaalayay.

    Xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Herzog uu ururin doono fikradaha saraakiisha caddaaladda ka hor inta uusan tixgelin codsiga "kaas oo xambaarsan cawaaqib xumo weyn".

    Hoos ka akhri sheekada oo horey loo qoray: Benjamin Netanyahu oo cafis weydiistay madaxweynaha Israa'iil

  7. Qaramada Midoobey oo ka hadashay xabad-joojinta Lubnaan iyo Israa'iil

    Un-ka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay xabbad joojinta u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, wuxuuna uga mahadceliyay Mareykanka doorka uu ka geystay fududeynta heshiiskaas.

    Bayaan uu soo saaray ayuu ku muujiyay rajadiisa ah in xabbad joojintani ay “dhabbaha u xaari doonto wadahadallo lagu gaaro xal waqti dheer ah oo khilaafkan ku saabsan,” isla markaana ay ka caawin doonto dadaallada lagu “dhisayo nabad waarta oo dhammeystiran oo ka hanaqaadda gobolka.”

    Mr Guterres waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ixtiraamaan xabbad joojinta isla markaana “had iyo jeer u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah.”

  8. Xusuusin: Maxaa dhacay markii uu dhamaadka ku dhawaa muddo xileedkii madaxweyne hore Farmaajo?

    Farmaajo

    Xigashada Sawirka, Madaxweyne hore Soomaaliya

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad uu xilligaasi ka hor jeediyay xildhibaannadii golaha shacabka, ka dib fashilkii ku yimid shirkii Dhuusamareeb ee uu la lahaa markaa madaxda maamul goboleedyada.

    Shirka asnatiijo la'aanta ku soo dhammaaday ee Dhuusamareeb ayaa u jedadiisu ahayd waqtigaas in laga heshiiyo khilaafadkii hareeyay fulintii heshiiskii September ee ay dhinacayadu ku heshiiyeen in la qabto doorasho dadban ka hor inta uusan muddo xileedkii madaxweynaha dhammaanin.

    Haddaba sheekadaan waa sheeko xilli hore la daabacay gaarahaan xilligii Farmaajo ahaa madaxweynaha.

  9. War deg deg ah, Maxaa ka soo kordhay xabad-joojinta Lubnaan iyo Israa'iil?

    Ururka Xisbullah ayaa sii wada inay gantaallo ku garaacan waqooyiga Israa’iil wax yar kadib markii ay xabbad-joojintu dhaqan gashay. Duqeymaha Israa’iil ee tuulooyinka Lubnaan ayaa sidoo kale la sheegay inay socdeen nus saac ka dib markaas.

    Si kastaba ha ahaatee, rajadu waxay tahay in xabbad-joojintan, oo ay dhexdhexaadisay Washington, ay horumar u keento heshiiska nabadeed ee u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, kuwaas oo aan lahayn xiriir diblomaasiyadeed.

    Madaxweyne Trump ayaa ku casuumay hoggaamiyeyaashooda Aqalka Cad, isagoo ku tilmaamay “wadahadalladii ugu horreeyay oo macno leh” oo u dhexeeya labada dal in ka badan 40 sano.

    Si kastaba, Israa’iil waxay ku adkaysanaysaa in ciidamadeedu aysan ka bixi doonin koonfurta Lubnaan, halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay inay ka sameynayaan waxa uu ugu yeeray “aag amni” oo lix mayl u jira xadka.

    Xisbullah waxay muujisay inay u hoggaansami doonto xabbad-joojinta, balse waxay sidoo kale sheegtay in joogitaanka joogtada ah ee Israa’iil uu siinayo Lubnaan xaq ay iskaga caabiso, mowqifkaas oo keeni kara dhibaatooyin.

  10. Email ay xaaska Trump u dirtay Jeffrey Epstein oo la baahiyay

    .

    Xigashada Sawirka, Davidoff Studios/Getty Images

    Marwada kowaad ee dalka Maraykanka Melania Trump oo shir jiraa'id ku qabatay aqalka cad ayaa beenisay inay wax xiriir ah la lahayd Jeffrey Epstein, iyadoo wariyeyaasha u sheegtay in arrintaas aysan waxba ka jirin ayna " tahay in maanta la joojiyo".

    War ay soo saartay khamiistii ayey Melania ku baaqday Kongareesku qabto dhageysiyo ku saabsan dhibanayaasha u dhiban ka ganacsiga galmada ee Epstein

  11. "Xaaskii way iga dhimatay, sumcaddiina waa la iga dilay"

    Hindiya

    Xigashada Sawirka, Alok Putul/BBC

    Jidadka cidhiidhiga ah ee qalqalloocan ee magaalada Raipur ee Hindiya waxa ku yaalla guri duug ah oo burbursan. Waa hoyga 84-jirka lagu magacaabo Jageshwar Prasad Avadhiya, oo dhawaan la sii daayay iyadoo loo haystay dacwad musuqmaasuq ah oo socotay 39 sano.

    Mr. Avadhiya, oo ka shaqeyn jiray shirkadda gaadiidka ee gobolka Madhya Pradesh isagoo ahaa kuliye clerk, ayaa la xiray sanadkii 1986, waxaana lagu eedeeyay inuu qaatay laaluush 100 rupee ah ku dhowaad $8 ayay u dhigantay waqtigaas.

  12. Maxaa ku qoran warqadda 100 sano ka dib soo gaartay halkii ay ku socotay?

    Warqadda

    Dhambaal la qoray bishii Febraayo ee sanadkii 1916-kii ayaa gaadhay aqal ku yaalla koonfurta London in ka badan 100 sano ka dib.

    Bashqadda oo ku shaabadeysan (1P) oo ah shilinkii xilligaas la isticmaali jiray oo u u ku sawiranyahay boqor George-kii shanaad ee Ingiriiska, ayaa soo gaadhay guriga uu daganaa Finlay Glen oo ku yaal waddada Hamlet ee xaafadda Crystal Palace, 2021-kii.

    Wuxuu yiri: “Dabcan filan waa ayey nagu noqotay waxaannu la amakaagnay halka ay taallay in ka badan boqol sano.”

  13. Ninka ugu caansan mucaaradka Koonfur Afrika oo xabsi lagu xukumay

    Julius Malema

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Julius Malema, oo ah siyaasi mucaarad adag ku ah siyaasadda Koonfur Afrika isla markaana ah dood-yahan ka tirsan baarlamaanka dalkaas, ayaa lagu helay dambiyo waxaana lagu xukumay xabsi.

    Julius Malema waxaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay haysashada hub sharci-darro ah iyo toogasho uu ka sameeyay meel fagaare ah.

    Malema waxaa lagu yaqaanaa khudbadihiisa muranka dhaliya iyo mudaharaadyada uu ka sameeyo baarlamaanka Koonfur Afrika. Waa hoggaamiyaha xisbiga Economic Freedom Fighters isla markaana waa xildhibaan.Inkasta oo Malema marar kala duwan u tartamay xilka madaxtinimada, haddana kuma uusan guulaysan hoggaaminta Koonfur Afrika.

    Waxaa sidoo kale lagu yaqaanaa inuu u ololeeyo midnimada Afrika, wuxuuna si joogto ah u dhaliilaa nidaamyada reer Galbeedka, oo uu ku jiro Maraykanka. Wuxuu ku doodaa in hantida iyo dhulka badan ee Koonfur Afrika ay weli si khaldan ugu jiraan gacanta dadka caddaanka ah.

    Maxkamaddu waxay sheegtay inuu racfaan qaadan karo xukunka.

    Taageerayaal badan oo isaga taabacsan ayaa u soo baxay inay ka mudaaharaadaan xukunka. “Waxay isku dayayaan inay aamusiyaan codkeenna. Ma guulaysan doonaan,” ayuu yiri mid ka mid taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka maxkamadda.

    “Waxaan la dagaallamaynaa cadowga. Cadowgeenna waa sarreynta caddaanka,” ayuu yiri.Julius Malema waa nin aaminsan in weli ay jirto sarreynta caddaanka ee Koonfur Afrika, waxaana reer Galbeedku ku eedeeyeen inuu yahay “nin rabshad kiciye ah” sababtoo ah dhaleeceyntiisa joogtada ah.

  14. Abiy Ahmed "Qof kasta oo u haysta in Itoobiya ay luminayso marinkeeda badda waa doqon"

    Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed

    Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali/Facebook

    Qoraalka sawirka, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed

    Gobolka Geeska Afrika ma heli doono nabad ilaa Itoobiya ay hesho marin badeed, ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

    Waxa uu sheegay in arrinta ku saabsan badda Itoobiya ay tahay mid looga baahan yahay dhammaan shacabka iyo hay'adaha sheeganaya inay ka walaacsan yihiin horumarka iyo nabadgalyada gobolka in ay il gooni ah ku eegaan.

    Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta qaranka dalka Itoobiya ee EBC, oo laga sii daayay labo qeybood ayuu ku sheegay in bad la'aantu ay abuureyso liidnimo in Itoobiya aysan ku tartamin warshadaha.

  15. War deg deg ah, Maraakiib ka baxay dekadaha Iiraan oo jiiray xanibaadii Mareykanka iyo xog cusub

    Hormuz

    Xigashada Sawirka, NurPhoto/Getty images

    Afar markab ayaa ka gudbay xariiqda go’doominta Mareykanka ka dib markii ay ka ambabaxeen dekedaha Iiraan, sida ay muujinayaan xogaha la helayo.Dhammaan maraakiibta waa kuwa konteenarrada qaada; saddex ka mid ah waxay wataan calanka Iiraan, halka markabka afraad, Tava 4, uu ka diiwaangashan yahay Comoros.

    Tan iyo markii ay bilaabatay xanibaadda Isniintii, maraakiibta la xaqiijiyay inay gudbeen iyadoo lagu saleeynayo xogta laga helay qolyaha la socodka dhaqdhaqaaqa badda waa Azargoun, wuxuu ka baxay dekedda Shahid Rajee wuxuuna jibaaxay xanibaadda Mareykanka, waxaana la sheegay inuu ku wajahan yahay Kandla, waqooyi-galbeed Hindiya.

    Ashkan3, wuxuu ka baxay dekedda bari ee Iiraan ee Chabahar, waxaana hadda lagu arkay Karachi, Pakistan.

    Shabdis isaguna wuxuu ka baxay Chabahar, waxaana lagu arkay meel u dhow xeebta koonfur-galbeed ee Hindiya isagoo ku wajahan Zhuhai, Shiinaha.

    Tava 4, wuxuu ka baxay Bandar Imam Khomeini ee Iiraan, waxaana la sheegay inuu ku dhow yahay xeebta galbeed ee Hindiya isagoo ku wajahan dekedda Jawaharlal Nehru ee u dhow Mumbai.

    Qiimeyntan waxay ku saleysan tahay meelaha ay maraakiibtu soo gudbiyaan iyagoo adeegsanaya nidaamyadooda raadraaca. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah maraakiibta ayaa damin kara qalabka raadraaca ama diri kara macluumaad khaldan.

    Shir jaraa’id oo uu qabtay, General Dan Caine ayuu ku sheegay in Mareykanku “wali sii wado go’doominta.” Markii la weydiiyay waqtiga ay maraakiibtu gudbeen, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa u sheegay BBC in aysan “wax dheeraad ah ku darin hadalladii shirka jar’aaid ay ka sheegeen.”

  16. Turkiga oo Israa'iil ku timaamay "dal dagaal ku nool ah"

    Netanyahu iyo Erdogan

    Xigashada Sawirka, İsrail Başbakanlığı

    Turkiga ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Ra'isul Wasaarihii hore ee Israa'iil Naftali Bennett, kaas oo Ankara ku tilmaamay bartilmaaneedkooda ku xiga Iiraan, isagoo Turkiga ku eedeeyey in uu dhisayo wax uu ugu yeeray xulufo Sunniyiin ah oo Israa'iil lid ku ah.

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan oo wareysi siiyey Wakaaladda Wararka Dowladda taabacsan ee Anadolu, ayaa hadallada xanafta leh ee ka soo yeeray mas’uuliyiinta Isra’iil ganafka ku dbhuftay, wuxuuna dhankiisa Israa'iil ku tilmaamay "dal dagaal ku nool ah".

  17. Trump oo shaaciyay in caqabaddii ugu weyned ee wadahadallada Iiraan xal laga gaaray

    Trump

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iran ay ogolaatay inay wareejiso uranium-keeda la tayeyay, taas oo ahayd mid ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee caqabadda ku ahaa wadaxaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Wuxuu sheegay in wada-hadallo cusub ay dib u bilaaban karaan sida ugu dhaqsaha badan dhammaadka toddobaadkan, iyadoo Washington iyo Tehran ay “aad ugu dhow yihiin” inay heshiis gaaraan.

    Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Las Vegas oo diiradda lagu saarayay dhaqaalaha Mareykanka, madaxweynaha ayaa bixiyay mid ka mid ah qiimeyntiisii ugu rajo-wanaagsaneyd ee dagaalka tan iyo markii uu billowday. Wuxuu sheegay in arrimuhu “si aad u wanaagsan u socdaan” isla markaana uu dagaalku dhowaan soo dhammaan doono.

    Horey, isagoo jooga Aqalka Cad, wuxuu sheegay in Iran ay ogolaatay inaysan yeelan hub nukliyeer ah, isla markaana ay wareejin doonto waxa uu ugu yeeray “boorka nukliyeerka”, uranium-keeda la tayeeyay oo la rumeysan yahay in lagu aasay dhulka hoostiisa ka dib duqeymihii cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil sannadkii hore. Iran weli kama aysan hadlin warkaan madaxweynaha.

    Iyadoo uu u muuqdo mid kalsooni ku qaba in wareeg cusub oo wada-hadallo fool-ka-fool ah ay dhowyihiin, Trump wuxuu sheegay inuusan hubin in loo baahan yahay in la kordhiyo xabbad-joojinta lala galay Iran, taas oo ku eg shan maalmood gudahood.

  18. Dadka reer Lubnaan oo waddooyinka buux-dhaafiyay farxad darteed

    Dabaal-degga dadka reer Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xabbad joojin toban maalmood ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah ayaa dhaqan gashay, iyadoo dadka reer Lubnaan ay muujiyeen farxaddooda isla markaana bilaabeen inay u dabaaldegaan tallaabadan.

    Qaar ayaa ku dabaaldegay waddooyinka, halka kuwo kalena ay ku biireen safaf gaadiid ah oo dib ugu laabanaya guryahooda ee ku yaalla koonfurta Lubnaan, halkaas oo muddo ka badan bil ay si joogto ah u duqaynaysay Israa’iil.

    Dadka reer Lubnaan ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin heshiiska xabad-joojinta ah ee ay wada gaareen Israa'iil iyo Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waddooyinka ayay isugu soo baxeen dad badan oo muujinaya sida ay u doonayaan heshiiska xabad-joojinta ah .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Koonfurta Lubnaan dad badan ayaa ku laabanaya kuwaas oo halkaasi duqeymo uga barakacay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Xabad-joojintan waxey ku timid cadaadis badan oo la saaray Israa'iil si gaar ah Iiraan ayaa Mareykanka culeys ku saartay.

    Xigashada Sawirka, Reuters

  19. Trump oo farriin u diray ururka Xisbullaah ee Lubnaan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyneha Maraykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay kooxda Xisbullah ee ay taageerto Iiraan ee ku sugan koonfurta Lubnaan inay u hoggaansamaan xabbad-joojinta la dhex dhigay Israa’iil iyo Lubnaan oo hadda dhaqan gashay.

    Trump ayaa ku qoray bartiisa Truth Social: “Waxaan rajeynayaa in Xisbullaah ay si wanaagsan oo habboon u dhaqanto muddadan muhiimka ah.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxay u noqon lahayd waqti weyn haddii ay sidaas sameeyaan. Dil dambe yaanu dhicin. Nabadda waa inay ugu dambayn guuleysataa!”

    Xabbad-joojintu si rasmi ah waxay ugu dhexeysaa Israa’iil iyo Lubnaan, iyadoo Xisbullaah iyo Israa’iil dagaallameen.

    Sarkaal Israa’iiliyiin ah ayaa u sheegay CBS News, oo bah-wadaag la ah BBC, in Israa’iil ay jawaab militari bixin doonto inta lagu jiro xabbad-joojinta oo keliya haddii ay jiraan “khataro uga iman kara Xisbullaah”.

    Dhiniciisa, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in heshiis nabadeed oo waara la gaari karo oo keliya haddii kooxda ay taageerto Iiraan hubka dhigto.

  20. War deg deg ah, Heshiiska xabad-joojinta ee Israa'iil iyo Lubnaan oo laga falceliyay

    Israa'iil iyo Lubnaan oo wada gaaray heshiis xabad-joojin ah

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Heshiis xabbad-joojin ah oo 10 maalmood soconaya oo u dhexeeya Israa’iil iyo Lubnaan, oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa dhaqan galaya.

    Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa soo dhoweeyay heshiiska, halka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku tilmaamay “fursad taariikhi ah” oo lagu gaari karo nabad.

    Dhanka kale, Xisbullah ururka Xisbullaah ayaa ku dhawaaqday inay ka go’an tahay inay u hoggaansanto heshiiska, balse ay ku xiran tahay shuruudo, kaddib is-weydaarsiga rasaasta oo sii socday saacadihii ka horreeyay dhaqan-galka xabad-joojinta.