TOOS, Maraykanka iyo Iiraan waxay ka wada hadlayaan qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, iyo walaac ka taagan kordhinta xabad-joojinta

Maraykanka iyo Iiraan waxay ka wada hadlayaan qabashada wareeg labaad oo wada-xaajood ah, iyo walaac ka taagan kordhinta xabad-joojinta

Kooban

Tebin toos ah

  1. Midowga Yurub oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Lubnaan

    Madaxa Guddiga Yurub Ursula von der Leyen

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxa Guddiga Yurub Ursula von der Leyen

    Madaxa Guddiga Yurub Ursula von der Leyen ayaa soo dhaweysay xabbad-joojinta 10-ka maalmood ah ee u dhexeysa Israa’iil iyo Lubnaan, taas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    “Tani waa nafis, maadaama dagaalka uu horey u galaaftay nafta dad badan,” ayay ku qortay baraha bulshada ee X.

    Waxay sheegtay in hadda loo baahan yahay waddo loo maro “nabad waarta”, halkii laga heli lahaa “kaliya nabad ku-meel-gaar ah”, iyadoo ku dartay in Yurub ay sii wadi doonto baaqa ku aaddan “in si buuxda loo ixtiraamo madax-bannaanida Lubnaan.”

  2. Aqalka Sanet-ka Mareykanka oo si dirqi ah u diiday qaraarka awoodaha dagaalka

    Trump

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Magaalada Washington, D.C., Aqalka Sanet-ka Maraykanka ayaa si dirqi ah u diiday hindise lagu joojin lahaa tallaabada milatari ee Madaxweynaha Donald Trump ee Iran, maalin kadib markii hindise la mid ah uu ku guuldarreystay Aqalka Sare ama Sanet-ka.

    Qaraarka awoodaha dagaalka ayaa ku dhacay cod 213-214 ah. Inkastoo uu ahaa mid magac u yaal uun ahaa , haddana waxay u badnayd inuusan ka badbaadi lahayn codka diidmada qayaxan ee veto ee uu madaxweynuhu isticmaali lahaa. Hal xildhibaan ayaa ka aamusay codbixinta.

    Aqalka Wakiillada ayaa hore isugu dayay inuu meel mariyo hindiskan horraantii bisha Maarso, balse wuu ku fashilmay. Si kastaba, waxaa muuqata in qaar ka mid ah xildhibaannadu ay beddeleen mowqifkooda toddobaadyadii la soo dhaafay tan iyo markii dagaalku billowday, maadaama codbixintii Maarso ay ahayd oo ay xubnaha u kala codeyeen 219-212.

  3. Trump ayaa Netanyahu iyo madaxwaynaha Lubnaan ku casuumay Aqalka Cad si ay wadahadal ula yeeshaan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku casuumayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun Aqalka Cad si ay uga sii wadaan wadahadallada.

    Tani waxay imanaysaa kadib markii Trump uu ku dhawaaqay xabbad-joojin 10 maalmood ah oo u dhexeysa labada dal.

    “Labada dhinacba waxay doonayaan NABAD, waxaana aaminsanahay in taasi si degdeg ah u dhici doonto!” ayuu ku qoray barta bulshada ee Truth Social.

    Weli ma cadda in midkoodna uu aqbalay casuumaaddaas.

  4. Degdeg: Trump oo sheegay in Israa’iil iyo Lubnaan ay ku heshiiyeen xabbad joojin

    Trump

    Xigashada Sawirka, Bloomberg via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Lubnaan iyo Israa'iil ay ku heshiiyeen xabbad joojin 10 maalmood ah.

    Wuxuu ku sheegay qoraalkiisa uu ku shaacinayo heshiiska xabbad-joojinta, Donald Trump inuu la hadlay Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

    Bayaanka qoraalka ah ee uu Trump soo saaray ayaa u dhignaa sida tan “Waxaan hadda la yeeshay wada-hadallo aad u wanaagsan oo aan la yeeshay Madaxweynaha si weyn loo ixtiraamo ee Lubnaan, Joseph Aoun, iyo Ra’iisul Wasaare Bibi Netanyahu ee Israa’iil.

    Labadan hoggaamiye waxay ku heshiiyeen in si loo gaaro NABAD u dhexeysa dalalkooda, ay si rasmi ah u bilaabaan XABBAD-JOOJIN 10 maalmood ah, taas oo bilaabanaysa 5 galabnimo waqtiga EST.

    Talaadadii, labada dal waxay markii ugu horreysay ku kulmeen Washington, D.C. muddo 34 sano ah ka dib.

  5. Ra'iisul Wasaaraha Pakistan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo sii wada socdaalkiisa gobolka

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo Qatar lagu soo dhaweeyay

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif oo Qatar lagu soo dhaweeyay

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo ah dhexdhexaadiyaha ugu weyn ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, ayaa maanta gaaray Qatar kadib safar uu ku tegay Sacuudiga, halkaas oo uu kula kulmay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

    Sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisul wasaaraha Pakistan, Amiirka Qatar ayaa ammaanay doorka Pakistan, waxaana “labada dhinac ay taageereen dadaallada lagu dhimayo xiisadaha iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo hubiyo amniga iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan hubinta in marinnada sahayda tamarta ay si caadi ah u shaqeeyaan.”

    Booqashada Shehbaz Sharif ee Saudi Arabia iyo Qatar waxay timid afar maalmood kadib wadaxaajoodyo heer sare ah oo u dhexeeyay wafdiyo ka kala socday Maraykanka iyo Iiraan oo ka dhacay Islamabad.

    Waxaa la filayaa inuu u safro Mr Shehbaz dalka Türkiye.

    Wadahadalladii ka dhacay Pakistan laguma gaarin heshiis degdeg ah oo si joogto ah u soo afjaraya dagaalka Bariga Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, xabbad-joojin ayaa socotay qiyaastii 10 maalmood oo u dhexeysa Iiraan, Maraykanka iyo Israel.

    Arbacadii, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa telefoon kula hadlay madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyagoo ka wada hadlay saameynta dagaalka ku leeyahay “amniga maraakiibta caalamiga ah iyo xasilloonida suuqyada tamarta iyo silsiladaha sahayda.”

    Donald Trump ayaa muujiyay in wareeg labaad oo wadaxaajoodyo nabadeed oo lala yeesho Iiraan laga yaabo inuu toddobaadkan dib uga bilowdo Pakistan.

  6. Wasiirka difaaca Israa’iil oo ugu hanjabay Iran weeraro ‘kasii xanuun badan’ kuwii hore

    Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Israel Katz

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Israel Katz

    Wasiirka gaashaandhiga Israa'iil Israel Katz ayaa uga digay Iran in dalkiisu uu qaadi doono weerarro “xanuun badan oo ka sii daran” kuwii hore haddii aysan oggolaan heshiis laga gaaro wadaxaajoodyada ay la leeyihiin Mareykanka.

    “Iiraan waxay ku jirtaa meel taariikhi ah oo go’aan qaadasho ah. Tani waa waqtigoodii ay dooran lahaayeen — mid u dhexeeya buundo u horseedda mustaqbalka ama god go’doon iyo burbur ah,” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in haddii Iiraan doorato waddada labaad, ay “si degdeg ah u ogaan doonto” in bartilmaameedyada aan weli la beegsan ay yihiin kuwo “ka xanuun badan kuwii aan hore u weerarnay.”

    “Doorashadu gacantooda ayay ku jirtaa, cawaaqibkuna iyaga ayuu saaran yahay,” ayuu ku soo gabagabeeyay.

  7. Hal cayayaan oo qiimahiisu gaaray $220: Tahriibinta cusub ee ka ganacsiga duurjoogta

    Quraanjo

    Xigashada Sawirka, Dino Martins

    Qoraalka sawirka, Quraanjo

    Inta lagu jiro xilli roobaadka, waxaa la arkayaa quraanja raxan raxan u socda oo kumanaan ah gudaha iyo hareeraha Gilgil, oo ah magaalo beeraley ah oo xasilloon oo ku taal gobolka Rift Valley ee dalka Kenya taas oo noqotay xuddunta ka ganacsiga sharci darrada ah ee sii xoogaysanaya.

    ku dhufo lifaaqa hoose

  8. Wararkii ugu dambeeyay go'doominta ciidamada badda ee Mareykanka ee Iran?

    Dan Caine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dan Caine

    Tan iyo Isniintii, Mareykanka ayaa sheegay inay hirgelinayo xayiraado lagu soo rogayo dhammaan maraakiibta soo galaya ama ka baxaya dekedaha Iran.

    Guddoomiyaha golaha isku dhafka ah ee janaraalada Mareykanka, Dan Caine, ayaa sheegay in wadar ahaan 13 markab ay Ciidanka Badda Maraykanku ku amreen inay dib ugu laabtaan Iiraan—taas oo saddex ka badan tiradii la sheegay shalay.

    Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in ciidamada badda ay joojiyeen maraakiib loo maleynayo inay ku sii jeedaan dekedaha Iiraan, halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwa ka baxaya.

    Dan Caine ayaa sharaxay digniinta la siinayo maraakiibta ganacsiga ee jebiya xannibaadda, taasoo ah: “Dib u laabta ama isu diyaari in lagu kormeero oo lagu baaro, Haddii aadan u hoggaansamin xannibaaddan, waxaan adeegsan doonnaa xoog.”

    Arbacadii, aqalka cad ayaa sheegay in xannibaadda si buuxda loo hirgeliyay, balse ma aysan sheegin muddo intee le’eg ay sii socon doonto.

  9. Puntland oo soo saartay qoraal ay kaga hadlayso mudda xileedka Baarlamaanka

    Maamul gobleedka Puntland ayaa war qoraal ah oo ay goor-dhaw soo saareen waxay kaga hadleen mudda xileedka baarlamaanka iyo kan madaxwaynaha.

    Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulan ay yeesheen golaha wasiiradda islamarkana muddo xileedka baarlamaanka federaalku ku ekaa 14 April.

    Waxaa sidoo kale qoraalka Puntland lagu xusay in mudda xileedka madaxwaynaha dowladda federaalka uu ku egyahay 15 bisha May 2026 ee soo socota.

    "Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu caddeynayaa in si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 60-aad uu 14-kii April 2026 dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale ku eg 15-ka May 2026 sida ku cad qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntlanda.

    Qoraalka oo faahfaahsan ka akhri lifaaqa hoose

    Warqad

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Warqad
  10. Janaraal:"Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo dagaalka waqti yar,

    Janaraal Dan Caine

    Xigashada Sawirka, j

    Qoraalka sawirka, Janaraal Dan Caine

    Janaraal Dan Caine, oo ka tirsan hoggaanka isku-dhafka ah ee ciidamada Mareykanka, ayaa ka hadlay arrimaha xabbad-joojinta iyo suurtagalnimada in dagaalku dib u bilaabmo.

    Wuxuu farta ku fiiqay amarka xabbad-joojinta ee uu bixiyay Donald Trump, isagoo sheegay in ciidamada Maraykanka ay weli diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan dagaal waliba “waqti kasta oo aad u gaaban.”

    Dan Caine ayaa sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee Maraykanka ay bilaabeen xayiraad badeed Isniintii, 13-ka April.

    Wuxuu caddeeyay in tallaabada Maraykanka ay tahay xannibaad lagu hayo dekedaha iyo xeebaha Iran, halkii ay ka ahaan lahayd marinka Hormuz.

    Wuxuu sheegay in xannibaaddu ay quseyso dhammaan maraakiibta, iyadoon loo eegayn jinsiyaddooda, kuwa u socda ama ka imanaya dekedaha Iiraan.

    “Fulinta xannibaadda waxay ka dhici doontaa gudaha biyaha dhuleed ee Iiraan iyo sidoo kale biyaha caalamiga ah,” ayuu yiri.

  11. Mareykanka oo sheegay in ciidamadooda ay hagaajinayaan 'xeeladaha, farsamada'

    Admiral Brad Cooper waxaa dhanka bidix ka taagan wasiirka dagaalka Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Admiral Brad Cooper waxaa dhanka bidix ka taagan wasiirka dagaalka Mareykanka

    Brad Cooper, taliyaha xarunta hogaanka taliska dhexe ee mareykanka, ayaa ka hadlay safarkiisii uu ku booqday ciidamada.

    Wuxuu sheegay inuu laba jeer booqday gobolka Bariga Dhexe 15-kii maalmood ee la soo dhaafay.

    Taliyaha CENTCOM wuxuu xusay in ciidamada Maraykanka ay dib u habeyn ku sameynayaan isla markaana la jaanqaadayaan “xeeladaha, farsamooyinka iyo habraacyada” muddadan.

    Brad Cooper wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallo lala leeyahay xulafada gobolka si loo xoojiyo amniga aagga, isagoo tilmaamay in xulafadaasi ay yihiin “saaxiibo aad u heer sarreeya.”

    Wuxuu intaas ku daray in “aan la helin saaxiib ka wanaagsan” Israel, isagoo sheegay in dalkaas iyo Maraykanka ay si isdaba joog ah u gaareen yoolalkooda militari “marar badan.”

  12. Wasiirka gaashaandhiga Mareykanka oo sheegay in xayiraadda Iran ay awood aad u yar u adeegsadeen

    Wasiirka dagaalka ee Mareykanka Pete Hegseth

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Wasiirka dagaalka ee Mareykanka Pete Hegseth

    Wasiirka dagaalka ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in xannibaadda uu Maraykanku saaray Iran ay tahay “habka deggan ee arrintan loo maareyn karo,” isagoo xusay in warshadaha tamarta ee Iran aan weli la burburin.

    Wuxuu intaas ku daray in Iiraan ay jeceshahay inay sheegato inay maamusho Strait of Hormuz, balse uu sheegay inaysan lahayn ciidan badeed oo awood leh. “Ma xukumi kartaan waxba,” ayuu yiri.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in Iiraan ay ku hanjabeyso inay gantaallo iyo diyaarado drone ah ku weerari doonto maraakiibta ganacsiga, balse taas uusan ahayn xakameyn dhab ah. “Taasi waa burcad-badeednimo, waa argagixiso,” ayuu yiri.

    Wuxuu sheegay in Ciidanka Badda Maraykanka ay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee soo galaya kana baxaya marinka Hormuz, islamarkaana ay ku maamulayaan wax ka yar 10% awoodda guud ee ciidanka badda Maraykanka.

  13. Afhayeenka baarlamaanka Iran ‘Xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan waxay muhiim u tahay xabbad-joojinta Iran,’n

    Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa magaalada Tehran kula kulmay taliyaha ciidamada Pakistan Asim Munir

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa magaalada Tehran kula kulmay taliyaha ciidamada Pakistan Asim Munir

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Iiraan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed-Bagher Ghalibaf, ayaa telefoon kula hadlay dhiggiisa Lubnaan, Nabih Berri, isagoo sheegay in “xabbad-joojin ka dhacda Lubnaan ay muhiim u tahay” Tehran sida “xabbad-joojin ka dhacda Iiraan.”

    Ghalibaf ayaa sidoo kale sheegay in “intii lagu jiray wadaxaajoodyadii Islamabad [ee lala yeeshay Maraykanka] iyo wixii ka dambeeyay,” Iiraan ay “si dhab ah u waday dadaallo lagu qasbayo cadawga” si ay ugu heshiiyaan “xabbad-joojin joogto ah.”

    Wararka ayaa intaas ku daraya inuu maanta la kulmay Taliyaha Ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir.

    Wafdi ka socda Pakistan ayaa la sheegay inuu u safray Tehran si loo sii wado wadahadallada ku saabsan xabbad-joojinta u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka.

    Ghalibaf ayaa noqday mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu muhiimsan ee nidaamka Iiraan tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, wuxuuna hoggaaminayay wafdiga Iiraan ee wadaxaajoodyadii dhowaan ka dhacay Islamabad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iiraan.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay in is-dhaafsiga fariimaha u dhexeeya Tehran iyo Washington uu “sii socdo” iyadoo loo marayo dhexdhexaadinta Pakistan kadib markii wadaxaajoodyadii Axaddii fashilmeen, balse ma uusan xaqiijin wararka sheegaya suurtagalnimada in la kordhiyo xabbad-joojinta hadda jirta ee u dhexeysa Maraykanka.

  14. Turkiga: Waanu sii wadi doonaa taageerada wadahadalada nabada ee Iran

    Turkiga ayaa Khamiistii sheegay inuu sii wadi doono taageerada wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, isagoo ku boorriyay dhinacyada inay noqdaan “kuwa wax dhisa” inta lagu jiro wadaxaajoodyada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

    Turkiga, oo xubin ka ah NATO isla markaana deris la ah Iiraan, ayaa xiriir dhow la lahaa Maraykanka, Iiraan, iyo dhexdhexaadiyaha Pakistan, wuxuuna marar badan ku baaqay in la joojiyo dagaalka.

    Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa ku sheegtay warbixinteedii toddobaadlaha ah: “Waxaan sii wadi doonnaa inaan bixino taageerada lagama maarmaanka ah si xabbad-joojinta hadda jirta ay u horseeddo xabbad-joojin rasmi ah, ugu dambayntiina nabad waarta.”

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Waxaan rajeyneynaa in dhinacyadu ay qaataan hab wax dhis ah wadaxaajoodyada socda.”

    Ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, iyo Masar ay qorsheynayaan inay kulmaan inta lagu jiro shir diblomaasiyadeed oo ka dhacaya Antalya, Turkiga, dhammaadka toddobaadka.

    Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo shalay iyo maanta u safray Sacuudi Carabiya iyo Qatar, la filayo inuu ka qayb galo kulankaas.

  15. Maxay yihiin diyaaradaha dagaalka iyo ciidamada Pakistaan ee la geeyay Sacuudiga?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dhawr maalmood ka hor, diyaaradaha dagaalka iyo ciidamo milatari oo ka socda Pakistan ayaa gaaray Sacuudi Carabiya, taasoo qayb ka ah dhaqan-gelinta heshiis difaac oo u dhexeeya labada dal oo la saxiixay sanadkii hore.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  16. Urdun oo gargaar u dirtay Lubanan

    Urdun ayaa u dirtay Lubnaan 15 gaari xamuul ah oo gargaar bani’aadamnimo sida.

    War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Hay’adda Samafalka Hashemite ee Urdun, Hussein Al-Shibli, ayaa lagu sheegay in “iyadoo la raacayo awaamiirta boqortooyada, Urdun ay maanta oo Khamiis ah dirtay kolonyo gargaar bani’aadamnimo ah oo ku wajahan Lubnaan, taasoo qayb ka ah jawaabta joogtada ah ee xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ka jirta, iyo taageeridda shacabka Lubnaan iyadoo la eegayo duruufaha adag ee ay wajahayaan.”

    Al-Shibli wuxuu sharaxay in “kolonyadu ay ka kooban tahay 15 gaari xamuul ah oo sida cunto, dawo iyo agab gargaar,” isagoo xusay in tani ay tahay sii wadidda “kolonyooyinkii gargaarka ee Urdun, kii ugu dambeeyayna uu dhacay bishii Maarso, kaasoo ka koobnaa 25 gaari xamuul ah.”

  17. Israa’iil ayaa sheegtay in ay burburisay 70 goobood oo ururka Xisbullah ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan

    Qiiq ayaa ka kacay Lubnaan kadib qarax

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qiiq ayaa ka kacay Lubnaan kadib qarax

    Ciidamada milatariga Israel ayaa sheegay inay burburiyeen ku dhawaad 70 goobood oo ay lahaayeen Hezbollah oo ku yaalla Bint Jbeil, koonfurta Lubnaan, shalay.

    Qoraal lagu daabacay Telegram ayaa yimid kadib markii ra’iisul wasaaraha dalkaas, Benjamin Netanyahu, uu sheegay shalay in Israel ay qarka u saaran tahay inay meesha ka saarto “xarun weyn oo Hezbollah ah” oo ku taalla aaggaas.

    Saaka hore, Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa sheegay inay qabteen weerar drone ah oo laga soo tuuray Lubnaan habeenkii.

    Waxay intaas ku dareen in drone-ka ay soo rideen ciidamada badda Israel, kuwaas oo ay sheegeen inay ka qayb qaateen ku dhawaad 40 hawlgal oo difaac ah si ay u ilaaliyaan hawada dalka tan iyo markii uu bilowday khilaafka.

  18. War deg deg ah, Xaalad adag oo ka taagan koonfurta Lubnaan iyo milatariga Israa'iil oo hadlay

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay inay burburiyeen shalay qiyaastii 70 goobood oo Xisbullaah ku leedahay Bint Jbeil, koonfurta Lubnaan.

    War-saxaafadeed lagu baahiyay Telegram ayaa yimid ka dib markii ra'iisul wasaare Netanyahu uu shalay sheegay in Israa'iil ay ku dhowdahay inay baabi'iso "meel muhiim ah oo Xisbullaah ku leedahay " aaggaas.

    Subixii hore ee saaka, Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa sheegay inay qabteen diyaarad aan duuliye laheyn oo lagu soo weeraray.

    Waxay intaas ku dareen in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ay soo rideen shaqaalaha doonyaha ee Ciidanka Badda Israa'iil, kuwaas oo ay sheegeen inay "ka qayb qaateen qiyaastii 40 hawlgal oo difaac ah si loo ilaaliyo cirka " tan iyo markii ay bilaabatay colaaddu.

  19. 'Aqoonsigii waa diyaar, markii la i yidhi kabo la'aan baan ku soo orday - Muuse Biixi

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Tan iyo maalintii shalay waxaa iskasoo dabadhacayey wararka ku aaddan aqoonsiga Isreal ay siisay Soomaalilaan. Falcelinno ka yimi dalal, urur goboleed iyo shakhsiyaad saamayn leh ayaa illa shalay socotay.

    Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Muuse Biixi Cabdi ayaa ka mid ah dadka ka falceliyey xaalka aqoonsiga Soomaalilaan. Isaga oo ka sheekeeyey halkii u ku sugnaa markii uu soo gaadhayey warka ku saabsan aqoonsigu.

    "Madaxweynuhu waxa uu igu yidhi Ictiraafkii baa diyaar ah ee soo orod, oo kabo la'aan ayaaban ku soo orday' ayuu yidhi Madaxweyne Muuse, isaga sheegaya in xilligaas uu war uga yimi Madaxweynaha hadda xilka haya ee Soomaalilaan oo xaaladdan darted ula soo hadlay.

    Ka hor shalay abbaaro casarkii intii aan Israel iyo Somaliland ku dhawaaqin go'aankooda isaqoonsi, madaxweyne Cirro ayaa madaxtooyada Somaliland ugu yeedhay madaxdii hore ee Somaaliland iyo qaybo ka mid ah haldoorka bulshada.

    Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka mid ahaa dadkii xilligaas madaxtooyada Somaliland tegay.

    Muuse Biixi ayaa soo dhaweeyey aqoonsigan isaga oo dhanka kalena ka digay in aanay fidmo 'gudaha' ah abuurin. Waxaana u uku baaqay in la sameeyo wacyigelin badan.

    "Waxaannu Ilaahay ka baryaynaa in aanay fidmo gudaheenna ka abuurin, dadka caadifadda bandanna, waa in la wacyigeliyo, oo la ogaysiiyo inta dal ee muslim ah ee Israel xidhiidh la leh"

    Dhanka kale Muuse ayaa sheegay in 'albaabkaa furmay' laga midho dhaliyo, isaga siyaasiinta Somaliland-na ugu baaqay 'wadajir'.

  20. Pakistan oo tijaabisay gantaal lidka maraakiibta ah

    Pakistan

    Xigashada Sawirka, ISPR

    Ciidamada qalabka sida ee Pakistan ayaa sheegay inay si guul leh u tijaabiyeen gantaal lidka maraakiibta ah oo laga rido diyaaradaha, kaas oo gudaha dalka lagu soo saaray.

    Sida ay sheegtay hay’adda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Pakistan, gantaalkan gudaha lagu sameeyay ayaa si sax ah oo fog u beegsaday bartilmaameedkii loo qorsheeyay, isagoo ku dhacay xawaare iyo saxnaan sare.

    ISPR waxay sheegtay in Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Naveed Ashraf uu goob-joog ka ahaa tijaabada gantaalka, sidoo kalena ay halkaas joogeen koox saynisyahanno iyo injineerro ah intii lagu guda jiray tijaabada.

    Sida laga soo xigtay ISPR, gantaalkan waxaa ku rakiban nidaam hagitaan oo casri ah iyo tiknoolajiyad waxqabad sare leh. “Gantaalku wuxuu si wax ku ool ah u beegsadaa bartilmaameedyada xaalado kala duwan, wuxuuna ka fogaadaa khataraha.”

    ISPR waxay sheegtay in gantaalkan gudaha lagu soo saaray uu yahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa awoodda farsamo ee Pakistan… Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaanka milatariga ayaa ammaanay kooxda tijaabada sameysay.”

    ISPR waxay sidoo kale sheegtay in Ciidanka Badda Pakistan ay ka go’an tahay xoojinta difaaca badda si uu u noqdo mid adag oo wax ku ool ah.