Qaani: Dalalka gobolku ha joojiyaan dagaalka, Sacuudiguna lacagta ha ku bixiyo Gaza halkii uu ku bixin lahaa dagaalka Yemen

Xigashada Sawirka, AFP
Taliyaha Ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Esmail Qaani ayaa khudbad uu dhowaan jeediyay ugu baaqay dalalka gobolka in ay joojiyaan dagaallada, isla markaana waxa uu ugu yeedhay “tamarta dunida Islaamka” in loo weeciyo caawinta Gaza iyo ka hortagga Israa'iil.
Muuqaal la sii daayay ayaa muujinaya xilli sheegayay in Sacuudi Carabiya ay toddobaadyadii u dambeeyay ku bixisay $10 bilyan sidii ay uga hortagi lahayd Xuutiyiinta. Qaani ayaa su’aal ka keenay sababta lacagtaas aan loogu adeegsan taageerada iyo gargaarka Gaza.
Qaani ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo afjaro dagaallada gobolka iyo in dalalka Muslimiinta ah ee ku yaalla Gacanka Faaris ay mideeyaan mowqifyadooda.
Khudbadda ayaa u muuqata in laga jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada dilkii Hassan Nasrallah, hoggaankii hore ee Xisbullah.












