You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Labo markab oo lagu weeraray marinka Hormuz kadib markii uu Trump kordhiyay xabad-joojinta

Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in Iiraan aysan ka qeyb-geli doonin wada hadalladii la filayey in ay ka dhacaan Pakistaan, halka safarlii JD Vance uu ku tagi lahaa Islaamababaad uu baaqday.

Kooban

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dalka leh markabki labaad ee ay Iiraan weerartay oo la shaaciyay

    Waxaa la ogaaday dalka iska leh markabka labaad ee ay saaka weerartay Iiraan

    BBC Verify oo ah qaybta xaqiijinta wararka ee BBC-da ayaa ogaatay in markabka labaad ee xamuulka ee la weeraray uu leeyahay shirkad ka howlgasha Imaaraadka Carabta, kaas oo uu ka babanayay calanka Panama.

    Xogta AIS ee Kpler waxay muujineysaa, in markabku uu bilaabay inuu ka gudbo marin biyoodka 01:10 UTC (2:10 BST) 22-kii Abriil, iyadoo magaalada Jeddah, Sacuudi Carabiya la ogaaday halka ay ahayd oo uu usocday.

    Warbixintalaga helay Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK iyo Vanguard, ayaa tilmaamaya in markabka lagu weeraray siddeed mayl oo badda ah galbeedka Iran saacadda 06:38 UTC (07:38 BST). Markabka ayaa la joojiyay.

    Shaqaalihii markabka ayaa la sheegay inay badqabaan, mana jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray markabka.

    Waa markabkii labaad ee saaka lagu weeraryo gacanka. Horey waxaa la soo sheegay in markab ay leedahay Giriigga ay rasaas ku fureen Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

  2. Kim Jong-un oo lasoo ogaaday meesha uu ka keeno lacagta uu gantaallada ku sameysto

    Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo.

    Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka.

    Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.

    Waxaa lasoo tabiyay in xogtaas maalintii Jimcada lagu wareejiyay Guddiga qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.

    Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.

    Warbixintu waxay sidoo kale soo xigatay daraasad la daabacay bishii lasoo dhaafay oo ay sameeyeen khubarada shirkadda amniga ee Chainalysis, taasoo muujisay in weerarrada dhinaca internet-ka ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi lagu qaatay lacag nooca digital-ka ah oo dhan $400 oo milyan oo doolar, sanadkii lasoo dhaafay.

    Qaramada Midoobayna waxa ay ku sheegtay mid ka mid ah warbixinnadeeda la daabacay 2019-kii in Kuuriyada Waqooyi ay dhaca internet-ka ku heshay lacag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ku maalgelisay sameynta hubkeeda wax gumaada.

  3. Markab labaad oo lagu weerary Hormuz

    Ururka badaha UK ee (UKMTO) (UKMTO) ayaa ku warameysa in markab labaad lagu rasaaseeyay marin biyoodka Hormuz.

    UKMTO oo ay hoggaaminayso Ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegtay in markab xamuul ah oo dibadda u soo baxay uu sheegay in lagu rasaaseeyay meel siddeed mayl u jirta galbeedka Iiraan hatanna lagu joojiyay biyaha.

    Waxay sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii saarnaana markabka.

    Bayaanka ayaa intaa lagu daray: "UKMTO waxay la socotaa dhaqdhaqaaqyada heerka sare ah ee ka socda aagga Marinka Hormuz, waxayna ku dhiirrigelinaysaa maraakiibta inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo."

    Weerarkan ayaa daba socda weerar kale oo ay daqiiqado ka hor Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ku qaadeen markab xamuul ah oo marayay marin biyoodka Hormuz.

    Sidoo kale akhri

  4. Maxay ahayd hadiyaddii laga qaaday Soomaaliya ee 'Nabi Ciise loo geeyay markii uu dhashay'?

    Waxaa khatar weyn ku jira geedaha malmalka iyo luubaanka ama fooxa ee Somaliland ka dib markii ay bateen howlaha dahab qodista oo dad badan ay u go'een.

    “Hadiyaddii dahabka, luubaanka iyo malmalka ahayd ee ay nabi ciise (CS) markii uu dhashay u geeyeen saddex nin oo caaqiliin ah waxaa laga qaaday halkan,” ayuu yiri nin oday ah oo hoos fadhiyay geed.

    Waxa aan Aadan Xasan Saalax kula kulmay buurta Daallo oo ah qeyb ka mid ah buuraha Golis oo ku taalla Jamhuuriyadda Iskeed Madax-banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    “Waddooyinkii loo isticmaali jiray gaadiidka geela ee ilaa bariga dhexe gaari jiray ee qarniyo ka hor ayaa waxaa laga arki karaa halkan,” ayuu yiri Aadan.

    Wiil yar oo ku labisan maaliyadda naadiga Manchester United ayaa ka soo baxay meel aan iga fogeyn. Magiciisa waxaa la dhahaa Maxamed Saciid Cawid Carraale.

    "Sida aan hubo inaad ogtahay, 'Puntland' waxay la macno tahay 'dhulka udgoonka ee wanaagsan'," ayuu yiri.

    “Kun iyo shan boqol oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise, haweenaydii ugu awoodda badnayd Masar, Hatshepsut, waxay safar caan ah ku timid halkan, waxayna amartay in loo raro shan doonyood oo ay ka buuxaan saddexdii walxood ee qaaliga ahaa, ka dib na waxay dib ugu noqotay dalkeeda.

  5. Iiraan oo Markab weerartay

    Iiraan oo Markab xamuul weerartay

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa rasaas ku furay markab konteenar ah oo marayay marin biyoodka Hormuz, sida laga soo xigtay Xarunta Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO).

    UKMTO, oo ay hoggaaminayaan Ciidanka Badda ee Boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay in dhacdadu ay ka dhacday meel 15 mayl waqooyi-bari ka xigta Cumaan.

    Warbixintu waxay sheegtay in dooni ay leeyihiin IRGC ah ay u soo dhawaatay markabka iyadoo aanan la siin wax diginiin ah

    Intaas ka dib doontii ayaa rasaas looga furay markabka, taasoo waxyeello weyn u geysatay xarunta laga kantaroolo markabka.

    Wakaaladaha wararka ee Iiraan ayaa sheegay in markabku uu "iska indho tiray" digniinaha uga imanaya militariga Iiraan.

    Khasaaraha weli lama soo werin iyo cidda eh markabka.

    Halkan kala socda wararkii ugu dambeeyay ee waxa ka dhacay Bariga Dhexe.

    Sidoo kale akhri

  6. Iiraan oo diniin u dirtay Mareykanka

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa si xooggan u cambaareyneysa falkii “sharci darrada ahaa iyo naxariis darrada ahaa”, waa sida ay hadalka u dhigtayee ee ay ciidamada Mareykanka ku qaadeen markabka ganacsi ee Iiraan "Toska," weerarkaas oo dhacay fiidnimadii Axadda, Abriil 19, 2026, kana dhacay meel u dhow dhulka biyaha Iiraan ee Badda Cumaan.

    Falkan, oo ay la socotay afduubka badmaaxiinta markabka, shaqaalaha markabka, iyo qoysaskooda, wuxuu ka dhigan yahay burcad badeednimo iyo fal argagixiso, ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaraddu.

    “Ma aha oo kaliya inuu jebinayo mabaadi'da aasaasiga ah iyo qawaaniinta Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, laakiin sidoo kale waa tusaale kale oo muujinaya jebinta cad ee is-afgaradka xabad joojinta ee ku taariikhaysan Abriil 8, 2026, waxaana loo arkaa fal gardarro ah oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan”, ayay tiri wasaaraddu.

    Iyadoo ka digaysa cawaaqib xumada aadka u daran ee ka dhalan karta tallaabadan sharci darrada ah iyo tan dambiyeed ee Mareykanka, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay xoogga saareysaa baahida loo qabo in si degdeg ah loo sii daayo markabka Iiraan, badmaaxiintiisa, shaqaalihiisa, iyo qoysaskooda, ayay tiri.

    “Shaki la'aan, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay adeegsan doontaa dhammaan awooddeeda si ay u difaacdo danaha qaranka Iiraan iyo amniga iyo sidoo kale inay ilaaliso xuquuqda iyo sharafta Iiraaniyiinta. Waxaa iska cad in Mareykanku uu mas'uul ka yahay dhibaatada sii kordheysa ee ka jirta gobolka”, ayay ku soo gabagabeysay.

    Sidoo kale akhri

  7. Trump oo hadda ku dhibban wax uu ku faanayay

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, wuxuu ku faanay isbeddelka nidaamka Tehran laakiin hadda wuxuu la tacaalayaa waxa uu isagu ugu yeeray kala jabka nidaamka gudaha.

    Hadda oo la dilay inta badan hoggaamiyeyaasha ugu sarreeyay Iiraan, su'aasha ka taagan cidda mas'uulka ka ah Iiran waa mid dhab ah, taasoo ka dhigaysa shaqada diblomaasiyadda mid aad u adag.

    La-taliyaha afhayeenka baarlamaanka ahna madaxa wadaxaajoodka Iiraan, MaxamedBaaghir Ghalibaf, ayaa sheegay in Trump uu waqti u h raadinayo weerar kale oo lama filaan ah.

    Afhayeen u hadlay militariga ayaa ku celiyay digniin ah in Iiraan ay diyaar u tahay inay jawaab celin sameyso haddii taasi dhacdo.

    Halkaas iyo Islamabad, waxaa weli ka socda qabanqaabada wareeg kale oo wadahadallo ah, iyadoo qaybo ka mid ah magaalada ay weli waddooyinkeedu xiran yihiin.

    Laakiin rajadii laga qabay kulan toddobaadkan ayaa u muuqata inay wiiqantay.

    Sidoo kale akhri

  8. Waxa sababaya in kansarka ku dhaca xiniyaha ragga uu ku soo bato adduunka

    Sida lagu sheegay warbixin dhowaan uu daabacay wargeyska caafimaadka ee Lancet, waxaa guud ahaan adduunka kusoo badanaya kansarka ku dhaca xiniinyaha ragga.

    Lancet ayaa maqaalkan ku sheegay in kiisas cusub oo kansarka borostaatada ah uu ku badan yahay dalalka soo koraya sida kuwa Afrika ku yaalla.

    Tirada dhimashada ee sanad walba u geeriyoota cudurkan ayaa gaari doonta ilaa 700,000 sanadka 2040, taasoo ah sare u kac boqolkiiba 85 ah marka la eego sanadkii 2020, ayaa lagu yiri warbixinta.

    Meelaha Afrika ee ay ku nool yihiin ragga ugu badan ee xanuunkan qaba ayaa ah dalalka Zimbabwe, Barbados iyo Ivory Coast.

    Waxay kaloo warbixintu sheegtay inuu yahay kansarka ugu badan ee ragga ku dhaca kuwaasoo ku nool 112 dal.

    Sanadkii 2020, ilaa 375,000 oo rag ah guud ahaan dunida ayaa u dhintay kansarkan. Waa nooca shanaad ee kansarka dhimashada u sababa ragga.

    Sababta kansarkan ayaa lagu sheegay isbeddelka nolosha iyo iyadoo meelaha qaar sida Afrika aysan ka jirin baaritaanka xanuunka oo casri ah.

    Maxaa sababa cancer-ka xiniinyaha?

    Ilaa hadda si dhab ah looma oga waxa sababa kansarka ku dhaca xubinta taranka ee ragga, khubarada seyniska caafimaadkuna waxay ku howlan yihiin in ay sharraxaad helaan.

  9. Nolosha iyo aqoonta Jaalle Siyaad Barre hogaamiyaha muddada dheer xukumayay Soomaaliya

    Jaalle Maxamed Siyaad Barre, hoggaamiyihii kacaanka askarta ee xukunka afgembiga kula wareegay 1969-kii waxaa lagu qiyaasaa in uu dhashay 1910-kii. Siyaabo kala duwan ayaa loo tebiyay halka uu ku dhashay. Mid ka mid ah werintu waa in uu ku dhashay degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.

    Si la mid ah madaxda ka horreysay qaar, waxaa la rumeysan yahay in hoggaamiyaha muddada dheer xukumayay Soomaaliya uusan gelin waxbarasho aasaasi ah oo dhammaystiran. Laakiin, waxa uu ahaa sarkaal ciidan oo leh waayo-aragnimo, tababar iyo aqoon sare oo dhanka ciidanka ah. Waxaa uu tababar sarkaalnimo oo labo sano ah ku qaatay koleej ciidan oo ku yaalla Talyaaniga.

    Jaalle Siyaad oo si wanaagsan ugu hadli jiray Talyaaniga iyo Ingiriiska waxaa lagu xusuustaa oo cilmi-baareyaashuna ay soo xigtaan khudbaddii uu jeediyay labadii sano ee ugu horreysay xukunkiisa.

    Wasaaradda Warfaafinta ee dowladdii Kacaanka ayaa khudbadaha Jaalle Siyaad u rogay labo buug oo la kala daabacay 1970-kii iyo 1971-kii. Waxaa loo bixiyay labadaas buug ‘Dadkeyga iyo Dalkeyga’ iyada oo Ingiriis iyo Soomaali lagu qoray. Oraahyada aadka loo xigto ee Maxamed Siyaad Barre waxaa ka mid ah: ‘Haddii dadka Soomaaliyeed ay naar galaan, waxaa naarta geysay qabyaalad’.

    Sarreeya Gaas Maxamed Siyaad Barre oo ahaa madi, agoon iyo rajay ah oo ay labadiisa waalidba geeriyoodeen isaga oo yar waxa uu ku geeriyooday waddanka Nigeria 1995-kii, kaddib 21 sano oo uu xukumayay Soomaaliya.

  10. Trump oo bedelay mowqifkiisa dagaalka Iiraan

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaciyay in la kordhin doono mudada xabad joojinta dagaalka Iiraan ilaa wadahadalladu ka soo dhamaanayaan, balse wuxuu dhanka kale sheegay inay sii socon donto xanibaadda Mareykanka ee dekedaha Iiraan.

    Kahor inta uusan Donald Trump ku dhawaaqin inuu kordhin doono xabad joojinta, wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa BBC u sheegtay in Tehran aysan weli go'aansan inay ka qaybgasho wareeg cusub oo wadahadallo nabadeed ah oo ay la yeelan doonto Mareykanka dabayaaqada toddobaadkan.

    Aqalka Cad ee mareykanka ayaa xalay xaqiijiyay in la baajiyay safarkii Madaxweyne ku xigeenka JD Vance uu ku tagi lahaa Pakistan, si uu uga qayb galo wadahadallo nabadeed oo wareeg labaad ah.

    Xofhayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres ayaa soo dhoweeyay ku dhawaaqista Trump ee kordhinta xabbad-joojinta lala galay Iran ilaa wada-hadalladu ka soo gebogaboobayaan.

    Afhayeen u hadlay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo abuuraysa fursad muhiim u ah diblomaasiyadda.

    Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada, Mr Trump ayaa uga digay in xayiraadda Maraykanka ee dekedaha Iran ay sii socon doonto ilaa Tehran ay soo bandhigto waxa uu ugu yeeray “soo jeedin mideysan.”

    Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif—oo martigelinayay wada-hadallada nabadda—ayaa sheegay, inuu rajeynayo in labada dhinac ay sii ixtiraamaan xabbad-joojinta hadda jirta.

    Wareeg labaad oo wada-xaajood ah oo ka dhaca Islamabad weli lama dejin jadwalkiisa, halka madaxweyne ku xigeenka Maraykanka, JD Vance, uu baajiyay qorshihii uu halkaas u tagi lahaa.

    Sidoo kale akhri

  11. Iiraan oo soo bandhigtay dhowr gantaal

    Gantaalka ballistic-ga ee Iiraan ee Ghadr ayaa si buuxda loo soo bandhigay caawa xilli habeen ah isu soo bax lagu taageerayo xukuumadda oo ka dhacay fagaaraha weyn ee Tehraan, halkaas oo dadkii isugu soo baxay ay ku dhawaaqayeen "Ameerika ha dhacdo" waxayna ammaaneen Taliyaha Hawada Sare ciidamada islaamiga ah ee Iiraan Majid Mousavi, iyaga oo ugu baaqay inuu " weeraro Tel Aviv".

    Meel kale oo ka mid ah caasimadda, gantaalka ballistic-ga ee Khorramshahr-4 ayaa lagu soo bandhigay fagaaraha kale ee weyn ee Tehran.

    Sawir ku lifaaqan gantaalka ayaa lagu sheegay in bartilmaameedku uu yahay shirkadda RasGas ee Qatar, oo ah shirkad gaaska dareeraha ah sameysa.

    Bandhigyadani kuma koobna Tehraan caawa. Magaalada koonfureed ee Shiraz, magaalada Tabriz ee waqooyi-galbeed iyo bartamaha magaalada Zanjan, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gantaallo.

    Isu soo baxyadan lagu taageerayo xukuumadda ayaa maalin kasta lagu qabanayay fagaarayaasha waaweyn ee dalka Iran tan iyo markii uu dagaalka billowday 28-kii Febraayo, iyadoo mas'uuliyiinta Iran iyo TV-ga dowladda ay dadka ugu baaqeen inay ka qaybgalaan.

    Inta badan waxaa la qabtaa xilliyada habeenkii, isu soo baxyadan kaliya kuma eka in ay soo bandhigaan sawirka taageerada shacabka ee dowladda iyadoo dadku ay ruxayaan calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, balse sidoo kale waxa ay sii adkeynayaan in mucaaradka ay isugu soo baxaan fagaarayaasha waaweyn.

    Si aad wax badan u akhrido:

  12. Iiraan oo taageero u muujisay Soomaaliya

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, Esmail Baghaei, ayaa cambaareeyay go’aanka Israa’iil ay ugu magacowday wakiil diblomaasiyadeed “Somaliland, iyadoo Iran ku tilmaantay Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Wuxuu arrintaan ku tilmaamay mid caddeyn u ah, sida uu sheegay, qorshe ay Israa’iil ku dooneyso inay xasilooni-darro ku geliso dalalka Islaamka isla markaana ay ku abuurto kala qaybin ka dhex jirta waddamada gobolka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay si toos ah uga hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah, isla markaana ay tahay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dal madax-bannaan.

    Wuxuu ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Afrika, iyo dhammaan dalalka caalamka inay ka hortagaan, sida uu sheegay, sharci-darrooyinka Israa’iil, fidinta saameynta, iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka kale.

    Sidoo kale akhri

  13. Falcelinta Iiraan ee muddo kordhinta Trump

    Wax yar kadib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu muddo ku darayo waqtiga heshiiska xabbad-joojinta ee labada asbuuc ahaa, kaas oo ku ekaa maalinimada arbacada, ayaa Mahmoud Nabavian, oo ah xildhibaan Iiraan ah kana mid ahaa wafdigii wareeggii koowaad ee wadahadalladii u dhexeeyay Iran iyo Maraykanka ee ka dhacay Islamabad, waxa uu bartiisa X kusoo qoray in in “hadda laga bilaabo,” wadaxaajood lala yeesho Maraykanka uu yahay “mid gebi ahaanba dhibaato leh oo aan caqli gal ahayn.”

    Dhanka kale, afhayeen u hadlay xarunta Khatam al-Anbiya oo ah taliska ugu sarreeya militariga Iran, ayaa ka digay in ciidamada Iran, haddii weerar lagu qaado dalka, ay “beegsan doonaan bartilmaameedyo hore loo cayimay iyagoo siinaya cashar kale oo ka sii adag” Maraykanka iyo Israel.

    Labada qoraal ee Nabavian iyo bayaanka Khatam al-Anbiya midkoodna ma xusin kordhin xabbad-joojin ah, inkastoo labaduba ay warbaahinta Iran baahiyeen kadib hadalka Donald Trump.

    Ilaa hadda lama arag wax falcelin ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ama saraakiisheeda, sidoo kale ma jiro wax jawaab ah oo ka yimid guddoomiyaha baarlamaanka Iran iyo madaxa wadaxaajoodka, Mohammad Bagher Ghalibaf.

    a