TOOS, Maraykanka oo qaaday weerar jawaab celin u ah diyaarada laga soo riday

Trump ayaa sheegay in Iiraan ay soo ridday diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykan leeyahay, wuxuuna ballanqaaday in uu ka jawaabi doono

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maraykanka oo qaaday weerar jawaab celin u ah diyaarada laga soo riday

    Sida ay qortay wakaalada wararka ee Reuters ciidamada Maraykanka ayaa qaaday weerar 'isdifaac ah' oo jawaab u ah weerarkii looga soo riday diyaarada helikobtarka ah.

    Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa sheegay inay ciidamadoodu qaadeen weeraro duqayn ah oo isdifaac ah, oo ay kaga jawaabayaan soo ridistii diyaarada helikobtarka Apache.

  2. War deg deg ah, Madaxa QM: Colaada Bariga Dhexe Milatari laguma xallin karo

    Xooghayaha guud ee QM Antonio Guterres

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Xooghayaha guud ee QM Antonio Guterres

    Farriin ka timid, xooghayaha guud ee QM Antonio Guterres ayaa ku qeexay walaaca uu ka qabo isku dhaca soo cusboonaaday ee ka taagan Barig Dhexe, waxaana uu ku baaqay in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo joojiyo dhammaan weerarada.

    ‘’Xabbad-joojinta Lubnaan, Iran iyo Qaza waa in si buuxda loo xushmeeyaa. Talaabo kasta oo dhaawacaysa dadaalada diblomaasiyadeed ee socda waa in laga hortagaa,’’ ayu uku qoray farriinta uu soo dhigay barta bulshada ee X.

    Waxaa uu intaas ku daray Guterres in si qotodheer uga walaacsan yahay go’aanka Israa’iil ee xiritaanka marinada tagaya Qaza, uuna ku baaqayo degdeg loo furo si gargaarka bini’aadanimo uu u tago Qaza

    Xooghayaha guud ee QM ayaa sheegay Milatari uusan xal u ahayn colaada Bariga Dhexe. Wadada kali ahna ee horay loogu socon karo ay tahay wadahadal. Wuxuuna dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan xal diblomaasiayadeed.

  3. War deg deg ah, Trump: Iiraan ayaa soo ridday diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykanku leeyahay, jawaabna ay bixin doonaan

    Trump ayaa sheegay in Iiraan ay soo ridday diyaarad qumaatiga u kacda oo Maraykan leeyahay, wuxuuna ballanqaaday in uu ka jawaabi doono

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran inay soo ridday diyaarad Helicopter ah oo uu Mareykanku leeyahay oo maraysay marin biyoodka Hormuz, waxaana uu wacad ku maray inay ka jawaabi doonaan weerarka.

    Laba kamid ah shaqaalaha diyaaradda helicopter-ka Apache ee burburtay ka dib weerarka ayaa waxaa badbaadiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykan leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Pentagon-ka.

    "Waxaa jiray laba duuliye oo ku lug lahaa, labaduba waa badqabaan iyaga oo aan dhaawac ahayn," ayuu Trump ku qoray Truth Social. "Si kastaba ha ahaatee, Maraykanku waa, lagama maarmaan, inuu ka jawaabo weerarka."

    Ma cadda jawaabta Maraykanku waxa ay noqon doonto, laakiin tallaabo kasta oo milatari ayaa halis gelinaysa xabbad-joojinta aan cagaha badan ku taagnayn ee Iran mar kale. Ma jiro wax jawaab ah oo ka soo baxay Tehran oo ku aadan hadalka madaxweynaha Mareykanka.

    Warbaahinta Iran ayaa u muuqatay inay qiratay dhacdadan, iyadoo wakaaladda wararka ee Mehr ay sheegtay in Iran aysan sheegan mas'uuliyadda.

    Rajada laga qabo in Mareykanka uu qaado tallaabo ka dhan ah Iran ayaa soo shaac baxday iyadoo ciidamada Israel ay duqeymo ka fuliyeen koonfurta Lubnaan Talaadadii.

    Tehran ayaa ka digtay in weerarada Israel ee koonfurta Lubnaan ay dhalin doonaan mowjado kale oo weeraro aargoosi ah.

    Si aad wax badan u akhrido:

  4. War deg deg ah, Jabuuti oo garab istaag u muujisay Garsoore Cumar Cartan

    Ilyaas Muuse Dawaleh

    Xigashada Sawirka, economie.gouv.dj

    Qoraalka sawirka, Ilyaas Muuse Dawaleh

    Wasiirka maaliyada iyo dhaqaalaha dowladda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa garab istaag u muujiyay garsoore Cumar Cartan, isaga oo qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku yeeshay inay garab u yihiin garsooraha loo diiday dalku galka Maraykanka.

    ''Dhammaanteen waxaynu nahay ‘Omar Abdukadir Artan’. Waa nasiib daro iyo niyad jab in aan aragno hoggaankii garsoorka Afrika, Cumar Cabduqaadir Cartan oo loo diiday galiaanka ‘Maraykanka’. Waxyaabhihii uu ku guulaystay, xirfaddiisa iyo waxa uu kusoo kordhiyay ciyaaraha ayaa ah kuwa muuqda. Afrika waxaa ay xaq u leedahay inay aragto dadkooda hibada leh in la ixtiraamo.

  5. War deg deg ah, Booliska Soomaaliya oo Bandow kusoo rogay Baydhabo

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .

    Iyada oo la filayo in beri oo Arbaca ah 10-ka Juun ay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ka dhacdo Baydhabo ayaa ciidamada booliska Soomaaliya ay soo saareen awaamir ay ku jirto in magaalada ay galayso Bandow.

    Qoraal ay soo dhigeen bartooda bulshada ayaa u qornaa ‘’ In ay beri Magaaada Baydhabo Bandow tahay oo aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah gaadiid iyo lug intaba , marka laga reebo gaadiidka Ciidamada Amaanka, Masuuliyiinta, Gurmadka Degdega ah iyo dadka dhoofaya Basaska loo diyaariyey’’

    Waxaa ay intaas ku dareen ‘’Dhamaan Ciidamada Amaanka Waxaa la farayaa in aysan ridi karin wax rasaas ka hor ama kadib Doorashada Hoggaamiyaha , Cidii lagu helo waxaa la horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh’’

  6. War deg deg ah, Maxay ka wada hadleen Mucaaradka, Beesha caalamka iyo Turkiga?

    Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame

    Xigashada Sawirka, Abdirahman Abdishakur Warsame

    Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Cabdishukuur Warsame

    Mucaaradka ayaa la kulmay madaxda beesha caalamka iyo dowladda Turkiga, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishukuur, isaga oo xusay inay tahay in xal loo helo xiisada ammaan ee hadda taagan iyo in la helo hannaan amni oo la isku aamini karo.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayu uku yiri ‘’Kulamadii aan la yeelanay dowladda Turkiye iyo beesha Caalamka waxaan ka wada hadalnay in dalku galay xaalad-kalaguur ah, in xal loo helo xiisada amni ee haatan taagan iyo hannaan amni oo la isku aamini karo, iyo in la gaaro heshiis doorasho oo la isku raacsan yahay’’

    Waxaa ay kusoo beegmaysaa iyada oo dowladdu howlgalo ay ka wado gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana kuwii ugu dambeeyay ay kusoo bandhigtay hub ay ku sheegtay inuu ahaa sharci daro.

    Qaar kamid ah masuuliyiinta mucaaradka ayaa dhaliilay howgaladaasi.

  7. War deg deg ah, Madaxweyne Farmaajo oo dareenkiisa la wadaagay Garsoore Cumar Cartan

    Madaxweyne Farmaajo iyo Garsoore Cumar Cartan

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia/Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Farmaajo iyo Garsoore Cumar Cartan

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka taleefonka kula xiriiray garsoore Cumar Cartan oo loo diiday inuu Maraykanka galo.

    ‘’Khadka Taleefanka waxaan kula xiriiray garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan oo laga reebay ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026, waxaanna la wadaagay dareenkeenna ku aaddan caqabadda uu la kulmay.

    Cumar oo ah garsooraha ugu fiican Afrika 2025, waxaan ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixinayo matalaadda Qaranka Soomaaliyeed iyo sida uu uga qeyb qaadanayo muujinta kartida iyo dhabar adaygga dhallinyarada Soomaaliyeed oo duruuf kasta kaga gudba samir, dadaal iyo hal abuur.

    Duruufta ku gedaaman dhacdadan waxa ay dadka Soomaaliyeed ku baraarujinaysaa in wixii inooga xumaada dawladnimada iyo siyaasadda ay saamayn toos ah ku yeelanayso qabka qaranka iyo shakhsiyaadkeenna qiimaha leh.

    Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u kacaan garab istaagga halyeey Cumar, anigoo ka rajaynaya bulshada caasimadda in ay si weyn u soo dhaweeyaan marka uu dalka ku soo laabto’’ ayuu yiri

  8. War deg deg ah, Hillary Clinton oo ka hadashay diidmada garsoore Cumar Cartan ee Maraykanka

    Hillary Clinton iyo Garsoore Cumar Cartan

    Xigashada Sawirka, BBC/Getty Images

    Qoraalka sawirka, Hillary Clinton iyo Garsoore Cumar Cartan

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa soo qaadatay sawirka garsoore Cumar Cartan oo wakaalada wararka ee AP ay ka qortay in galitaanka gudaha Maraykanka loo diiday, isaga oo taariikh u samayn lahaa Soomaaliya.

    ‘’Ka martigaliye ahaan koobka adduunka, Maraykanka waa inuusan ka mamnuucin garsoorayaasha soo galitaanka Maraykanka si ay shaqadooda u qabsadaan.

    ''Waa dib u dhac aad u xun, oo sidoo kale kasoo horjeeda wixii la hiigsanayay, ciyaaraha caalamiga ah tartamadooda waa inay wax ku kordhiyaan is-weydaarka caalamiga ah iyo xiriirada, ma aha inay noqoto mid taas kasoo horjeeda’’ ayay tiri.

    Si aad wax badan u akhrido:

  9. Ninkii weerarka midida ah ka geystay Belfast oo la sheegay in uusan Soomaali ahayn

    Ryan Henderson

    Isagoo tafaasiil dheeri ah ka bixinaya tuhmanaha xabsiga ku jira, Ryan Henderson oo ah ku xigeenka madaxa booliska Wuqooyiga Ireland waxa uu sheegay in markii hore la aaminsanaa in ninka yuhmanaha ah ee weerarkii midida ee shalay ka dhacay Belfast uu ahaa Soomaali balse ay hadda boolisku rumaysan yihiin inuu yahay Suudaani.

    Waxa u sheegay in shaqsigaan in "fahamkiisa uu shakhsigu uu yimid Waqooyiga Ireland isaga oo ka yimid Dublin" ka dibna "la siiyay fasax uu ku sii joogo".

    Waxa uu intaa ku daray in dad ay shaqa wadaag yihiin oo ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha ay "xaqiijin doonaan taas si faahfaahsan wakhtiga ku haboon".

    Si aad wax badan u akhrido:

  10. Xiddigii hore ee Arsenal oo ka hadlay arrinta Cumar Cartan

    Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa noqday war caalami ah kadib markii looga diiday gelitaanka Mareykanka.

    Haddaba waxa arrintiisa ka hadlay shaqsiyaad saamayn leh iyo dhinacyada oo ay ka mid yihiin halyaygii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa si cad uga hadlay arrinta Cumar Artan kaddib markii loo diiday inuu galo Maraykanka, taasoo keentay inuu seego Koobka Adduunka 2026.

    Sida uu ku baahiyey muuqaalkan uu TikTok soo dhigat iyo qoraallo baraha bulshada ah, Wright wuxuu sheegay in meelo ka mid ah dunida ay weli jirto naceyb iyo takoor ku wajahan Muslimiinta iyo dadka Madow, isagoo arrinta Cumar Cartan u arkay mid aan caddaalad ahayn.

  11. Hugaamiyihii hore ee xisbiga talada haya ee Ingiriiska oo ka hadlay arrinta ku dhacday Cumar Cartan

    Jeremy Corbyn

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hugaamiyihii hore xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska Jeremy Corbyn ayaa ku tilmamaay wixii ku dhacay garsoore Cumar Cartan in ay ahaayeen "Tallaabo aad u liidata".

    "Garsoore ay aqoonsan tahay FIFA ayaa loo diiday galitaanka Maraykanka kaliya in uu yahay Soomaali".

    Waxa uu sheegay in Kubaddu cagto la rabay in ay isku keento dadka.

    "Tani waa cunsurinimo cand oo la fahmi karo", ayuu raaciyay hadalkiisa isaga oo yiri "Ceeb".

  12. Tikidhadii taageerayaasha Iran oo lala noqday - xiririka Iran

    Kooxda Iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xiriirka kubbada cagta Iran ayaa sheegay in tigidhadii taageereyaasha heerka Group-yada ee koobka adduunka ee u qoondeysay tageerayaasheda la laalay maalmo ka hor inta aanu bilaabmin tartanka.

    Koobka Adduunka, oo ay si wada jir ah u martigelinayaan Canada, Mexico iyo Mareykanka, ayaa bilaabanaya Khamiista, iyadoo Iran ay la ciyaari doonto New Zealand 15ka June iyo Belgium 21 June - labaduba waxay ka dhici doonaan Los Angeles - ka hor inta aysan 26 June wajihin Masar.

    Maamulka Iran ayaa sheegay in sharciga Fifa uu dhigayo in xiriir kasta oo ka qeyb galaya koobka adduunka uu helo 8% tikidhada ciyaar kasta oo ay ciyaaraan, si loogu qeybiyo taageereyaasha.

    Waxa ay intaa ku dartay in ay durba ay bilowday iibinta tikidhada balse aysan siin karin taageerayaasha, kuwaas oo qaarkood ay horay u sameeyay qabanqaabada safarka.

    "Ka-hortagga taageerayaasha Iran inay helaan tigidhada sharciga ah ee rasmiga ah waa tallaabo lid ku ah niyadda maamulidda tartamada caalamiga ah iyo mabda'a sinaanta ee dalalka ka qaybgalaya," ayaa lagu yiri bayaanka FFIRI.

    "Arrintani waxay keenaysaa su'aalo culus oo ku saabsan faragelinta aan ciyaarta danta u ahayn iyo tixgelinta mawqifyada siyaasadeed ee abaabulka dhacdada kubbadda cagta ee ugu weyn adduunka."

    FFIRI ayaa sidoo kale ugu baaqday Fifa "inay ilaaliso mabaadi'da dhexdhexaadnimada, cadaalada, iyo xeerarka la dejiyay".

    Ka qayb galka Iran ee Koobka Adduunka ayaa waxaa hareeyay hubanti la'aan, iyadoo lala xiriirinayo dagaalka ka socda Bariga Dhexe iyo arrimo amni oo la xiriira.

    Si aad wax badan u akhrido:

  13. Maraykanka oo baaritaan kuwada helicopter uu leeyahay oo ku burburtay Cumaan

    Helicopter

    Xigashada Sawirka, EPA

    Taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan kadib markii diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Apache ay ku dhacday xeebaha dalka Cumaan Isniintii.

    War qoraal ah oo lagu daabacay X, Centcom waxay ku sheegtay in laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ee shilka galay "In la badbaadiyey ku dhawaad ​​laba saacadood gudahood" haatana uu xaalkoodu wanaagsan yahay.

    Waxa ay sheegtay in diyaaradda helicopter-ka ay ku luntay badda kadib shilkan oo dhacay xilli ay shaqaalahu ku jireen roondo, waxaana la baarayaa sababta keentay burburka diyaaradda.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta habeenimadii isniinta in dadkii ku lug lahaa shilkan ay "wanaagsan yihiin".

  14. Lubnaan oo wali dagaal ka socdo iyadoo xabad joojin la sameeyay April

    Dagaalladu way sii socdeen Lubnaan inkastoo xabbad-joojintii bishii Abriil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Duqeymaha Israa'iil ee Lubnaan iyo weerarrada Xisbullah ay ku qaaday Israa'iil ayaa wali sii socda, Inkasta oo Axaddii ay ahayd markii ugu horreysay ee Israa'iil iyo Iiraan ay isweydaarsadaan weerarro tan iyo xabbad-joojintii bishii Abriil.

    Xabbad-joojin uu Maraykanku dhexdhexaadiyay oo dhex martay Israa'iil iyo Lubnaan 16-kii Abriil ayaa ku guuldarreysatay inay joojiso dagaallada, iyadoo labada dhinacba ay midba midka kale ku eedeeyeen inuu si joogto ah ugu xadgudbay heshiiska.

    Xisbullah - oo ah koox hubaysan oo ay taageerto Iiraan - waxay sii waday weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dhanka kale, Israa'iil waxay sii waday duqeymaha ay ka geysanayso Lubnaan, waxayna ballaarisay howlgalladeeda dhulka ee koonfurta dalka, iyadoo ka gudubtay xariiqdii hore ee kala soocidda ee Webiga Litani.

    Horaantii bishan ayaa lagu heshiisiiyay Israa'iil iyo Lubnaan kadib xabbad-joojin cusub, iyadoo heshiiskaasi uu ku xirnaa "joojin buuxda" oo ay Xisbullah ku joojiso weerarrada, iyo shuruudo kale. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinacba waxay sii wadeen weerarradooda tan iyo markaas.

    Si aad wax badan u akhrido:

  15. Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka hadashay arrinta Cumar Cartan

    Cartan

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa hadashay garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan oo loo diiday in uu galo dalka Maraykaka.

    "Safaaraddu waxay mahadnaq iyo bogaadin u jeedinaysaa mas’uuliyiinta Türkiye, kuwaas oo fududeeyay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, uu soo galo dalka Türkiye, kaddib markii loo diiday in uu galo dalka Mareykanka, halkaas oo uu qorshuhu ahaa inuu ka qayb qaato garsooridda ciyaaraha Koobka Adduunka." ayaa lagu yidhi qoraalka.

    Waxa kale oo qoraalka lagu yidhi:

    "Cartan ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul, waxaana la filayaa in uu u ambabaxo magaalada Muqdisho saacadaha hore ee subaxnimada berri. Safaaraddu waxay si weyn u bogaadinaysaa wada-shaqeynta iyo taageerada ay muujiyeen mas’uuliyiinta Türkiye intii lagu guda jiray xaaladdan nasiib-darrada ah."

  16. Zohran Mamdani oo ka hadlay muhaajiriinta iyo sida ay muhiim ugu yihiin ciyaaraha Maraykanka

    Maayerka magaalda Newyork ee dalka Maraykanka oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa waxa uu kaga hadlay dadka muhaajiriinta ah iyo sida ay muhiim ugu yihiin ciyaaraha Kubadda Cagta Maraykanka.

    "Ciyaarta kubadda cagta ma jirteen dadka soo-galootiga ah la'aantood. Soo-galootigu waxay ka ciyaaraan, tababaraan, kana shaqeeyaan garoommada. Waxay buuxiyaan kuraasta daawadayaasha, waxayna suurtogal ka dhigaan dabbaaldeggyada waaweyn sida Koobka Adduunka," ayaa uu yidhi.

    Lix ka mid ah ciyaartoyda u ciyaara Kooxda Qaranka Ragga ee Mareykanka (USMNT) waa soo-galooti. Uma oggolaan doonno hay'adda ICE ama cid kale oo kasta in ay cabsi ku beeraan bulshooyinkayaga, gaar ahaan xilligan la joogo. Iyadoo dunidu ay ku soo qulqulayso magaaladeenna, waxaan si weyn u garab istaagi doonnaa deriskeenna soo-galootiga ah, waxaanan gaashaanka ku dhufan doonnaa weerarradan annagoo u aragna waxa ay dhab ahaantii yihiin: isku-day lagu doonayo in na lagu kala qaybiyo."

    Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Maraykanka loo diiday garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan oo ka qaybgeli lahaa Koobka Adduunka ee sannadlan.

    Si aad wax badan u akhrido:

  17. Halka uu Cumar Cartan hadda ku sugan yahay iyo goorta uu Muqdisho dib ugu laabanayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Horey waxaan u tebinnay in garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan uusan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka sanadkan sida ay xaqiijisay xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

    Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

    BBC-da ayaa xiriir kala duwan la sameysay xiriirka kubadda cagta iyo waaxda garsoorka, ayaa waxay labaduba xaqiijiyeen in garsoore Cumar Cartan uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga, isla maraakana uu magaalada Muqdisho dib ugu laaban doono maalinta berri oo ku beegan 10-ka bisha May.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  18. In ka badan 300 oo qof oo tahribayaal ah oo loo safriyay si kelyaha loogala baxo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    In ka badan 300 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Boqortooyada Midowday (UK) xagaagii hore ayaa la afduubtay, la jirdilay, laguna handaday in xubnahooda jirka si khasab ah looga saaro, sida ay BBC-du ogaatay.

    Dhallinyaradan oo dhammaantood ka soo jeeday Kurdistaan-ta Ciraaq ayaa lagu qabtay Liibiya iyaga oo ay afduubeen maleeshiyaad dalbaday madax-furasho dhan $5,000 (£3,700) qoys kasta. Waxa kale oo ay ku hanjabeen inay ka saari doonaan kelyaha maxaabiista haddii lacagta si degdeg ah loo bixin waayo.

    Waxaan la hadalnay qaar ka mid ah dadkii la haystay ee markii dambe la sii daayay, waxaana aragnay caddaymo sawirro ah oo muujinaya in qalliimo khasab ah ay dhaceen.

    Dadkii hore loo haystay waxay na tusayeen caddaymo muujinaya jirdilkii loo geystay, waxayna sheegeen in lagu hayay xaalado aad u ciriiri ah, iyadoo ku dhowaad 180 qof ay wadaagayeen hal qol oo xabsi ah.

  19. Sababta uu Mareykanka Cumar Cartan ugu diiday inuu galo dalkiisa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.

    Cumar Cabdiqaadir Cartan oo sanadkii 2025 loo aqoonsaday garsooraha ugu wanaagsan Afrika ee ragga, ayaa ka mid ahaa garsoorayaasha loo xushay inay dhex dhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Adduunka ee ka dhacaya Maraykanka, Canada iyo Mexico. Hase yeeshee markii uu kasoo degay magaalada Miami kadib safar uu kaga yimid Istanbul, ciidamada ilaalada xudduudaha Maraykanka ayaa baadhitaan dheeraad ah ku sameeyay, ugu dambayna u diiday inuu dalka galo.

    Sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.

  20. Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan

    Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan ee loo diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee sanadkan.

    Waxay wasaaraddu sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ja dhacaya dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.

    “Kadib markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka iyo hay'adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan. Nasiib darro, inkastoo dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

    Waxay intaas ku dartay in garsoore Cumar Cartan uu tusaale muuqda u yahay kartida, adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

    “Guulihiisa caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee mustaqbalka”, ayaa lagu yiri.

    Halkan hoose ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran

    .

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda sports-ka

    Qoraalka sawirka, .