War deg deg ah, Jabuuti oo garab istaag u muujisay Garsoore Cumar Cartan
Xigashada Sawirka, economie.gouv.dj
Qoraalka sawirka, Ilyaas Muuse Dawaleh
Wasiirka maaliyada iyo dhaqaalaha dowladda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa garab istaag u muujiyay garsoore Cumar Cartan, isaga oo qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ku yeeshay inay garab u yihiin garsooraha loo diiday dalku galka Maraykanka.
''Dhammaanteen waxaynu nahay ‘Omar Abdukadir Artan’. Waa
nasiib daro iyo niyad jab in aan aragno hoggaankii garsoorka Afrika, Cumar Cabduqaadir
Cartan oo loo diiday galiaanka ‘Maraykanka’. Waxyaabhihii uu ku guulaystay,
xirfaddiisa iyo waxa uu kusoo kordhiyay ciyaaraha ayaa ah kuwa muuqda. Afrika
waxaa ay xaq u leedahay inay aragto dadkooda hibada leh in la ixtiraamo.
Iyada oo la filayo in beri oo Arbaca ah 10-ka Juun ay
doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ka dhacdo Baydhabo ayaa ciidamada booliska
Soomaaliya ay soo saareen awaamir ay ku jirto in magaalada ay galayso Bandow.
Qoraal ay soo dhigeen bartooda bulshada ayaa u qornaa ‘’ In
ay beri Magaaada Baydhabo Bandow tahay oo aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah gaadiid iyo lug intaba , marka laga reebo gaadiidka Ciidamada
Amaanka, Masuuliyiinta, Gurmadka Degdega ah iyo dadka dhoofaya Basaska loo diyaariyey’’
Waxaa ay intaas ku dareen ‘’Dhamaan Ciidamada Amaanka Waxaa
la farayaa in aysan ridi karin wax
rasaas ka hor ama kadib Doorashada Hoggaamiyaha , Cidii lagu helo waxaa la
horgeyndoonaa Maxkamada Awooda u leh’’
War deg deg ah, Maxay ka wada hadleen Mucaaradka, Beesha caalamka iyo Turkiga?
Mucaaradka ayaa la kulmay madaxda beesha caalamka iyo
dowladda Turkiga, sida uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishukuur, isaga oo xusay inay
tahay in xal loo helo xiisada ammaan ee hadda taagan iyo in la helo hannaan amni
oo la isku aamini karo.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayu uku yiri ‘’Kulamadii
aan la yeelanay dowladda Turkiye iyo beesha Caalamka waxaan ka wada hadalnay in
dalku galay xaalad-kalaguur ah, in xal
loo helo xiisada amni ee haatan taagan iyo hannaan amni oo la isku aamini karo,
iyo in la gaaro heshiis doorasho oo la isku raacsan yahay’’
Waxaa ay kusoo beegmaysaa iyada oo dowladdu howlgalo ay ka
wado gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana kuwii ugu dambeeyay ay kusoo
bandhigtay hub ay ku sheegtay inuu ahaa sharci daro.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa khadka taleefonka kula xiriiray garsoore Cumar Cartan oo loo
diiday inuu Maraykanka galo.
‘’Khadka Taleefanka waxaan kula xiriiray garsooraha
caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan oo laga reebay ciyaaraha
Koobka Adduunka ee 2026, waxaanna la wadaagay dareenkeenna ku aaddan caqabadda
uu la kulmay.
Cumar oo ah garsooraha ugu fiican Afrika 2025, waxaan ku
bogaadiyey dadaalka uu ku bixinayo matalaadda Qaranka Soomaaliyeed iyo sida uu
uga qeyb qaadanayo muujinta kartida iyo dhabar adaygga dhallinyarada
Soomaaliyeed oo duruuf kasta kaga gudba samir, dadaal iyo hal abuur.
Duruufta ku gedaaman dhacdadan waxa ay dadka Soomaaliyeed ku
baraarujinaysaa in wixii inooga xumaada dawladnimada iyo siyaasadda ay saamayn
toos ah ku yeelanayso qabka qaranka iyo shakhsiyaadkeenna qiimaha leh.
Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay u kacaan
garab istaagga halyeey Cumar, anigoo ka rajaynaya bulshada caasimadda in ay si
weyn u soo dhaweeyaan marka uu dalka ku soo laabto’’ ayuu yiri
War deg deg ah, Hillary Clinton oo ka hadashay diidmada garsoore Cumar Cartan ee Maraykanka
Xigashada Sawirka, BBC/Getty Images
Qoraalka sawirka, Hillary Clinton iyo Garsoore Cumar Cartan
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maraykanka Hillary
Clinton ayaa soo qaadatay sawirka garsoore Cumar Cartan oo wakaalada wararka ee
AP ay ka qortay in galitaanka gudaha Maraykanka loo diiday, isaga oo taariikh u
samayn lahaa Soomaaliya.
‘’Ka martigaliye ahaan koobka adduunka, Maraykanka waa
inuusan ka mamnuucin garsoorayaasha soo galitaanka Maraykanka si ay shaqadooda
u qabsadaan.
''Waa dib u dhac aad u xun, oo sidoo kale kasoo horjeeda wixii la
hiigsanayay, ciyaaraha caalamiga ah tartamadooda waa inay wax ku kordhiyaan
is-weydaarka caalamiga ah iyo xiriirada, ma aha inay noqoto mid taas kasoo
horjeeda’’ ayay tiri.
Ninkii weerarka midida ah ka geystay Belfast oo la sheegay in uusan Soomaali ahayn
Isagoo tafaasiil
dheeri ah ka bixinaya tuhmanaha xabsiga ku jira, Ryan Henderson oo
ah ku xigeenka madaxa booliska Wuqooyiga Ireland waxa uu sheegay in markii hore la aaminsanaa in ninka yuhmanaha ah
ee weerarkii midida ee shalay ka dhacay Belfast uu ahaa Soomaali balse ay hadda
boolisku rumaysan yihiin inuu yahay Suudaani.
Waxa u sheegay in
shaqsigaan in "fahamkiisa uu shakhsigu uu yimid Waqooyiga Ireland isaga oo
ka yimid Dublin" ka dibna "la siiyay fasax uu ku sii joogo".
Waxa uu intaa ku
daray in dad ay shaqa wadaag yihiin oo ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha ay
"xaqiijin doonaan taas si faahfaahsan wakhtiga ku haboon".
Haddaba waxa arrintiisa ka hadlay shaqsiyaad saamayn leh iyo dhinacyada oo ay ka mid yihiin halyaygii hore ee Arsenal Ian Wright ayaa si cad uga hadlay arrinta Cumar Artan kaddib markii loo diiday inuu galo Maraykanka, taasoo keentay inuu seego Koobka Adduunka 2026.
Sida uu ku baahiyey muuqaalkan uu TikTok soo dhigat iyo qoraallo baraha bulshada ah, Wright wuxuu sheegay in meelo ka mid ah dunida ay weli jirto naceyb iyo takoor ku wajahan Muslimiinta iyo dadka Madow, isagoo arrinta Cumar Cartan u arkay mid aan caddaalad ahayn.
Hugaamiyihii hore ee xisbiga talada haya ee Ingiriiska oo ka hadlay arrinta ku dhacday Cumar Cartan
Xigashada Sawirka, Reuters
Hugaamiyihii hore xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska Jeremy Corbyn ayaa ku tilmamaay wixii ku dhacay garsoore Cumar Cartan in ay ahaayeen "Tallaabo aad u liidata".
"Garsoore ay aqoonsan tahay FIFA ayaa loo diiday galitaanka Maraykanka kaliya in uu yahay Soomaali".
Waxa uu sheegay in Kubaddu cagto la rabay in ay isku keento dadka.
Xiriirka kubbada
cagta Iran ayaa sheegay in tigidhadii taageereyaasha heerka Group-yada ee
koobka adduunka ee u qoondeysay tageerayaasheda la laalay maalmo ka hor inta
aanu bilaabmin tartanka.
Koobka Adduunka,
oo ay si wada jir ah u martigelinayaan Canada, Mexico iyo Mareykanka, ayaa
bilaabanaya Khamiista, iyadoo Iran ay la ciyaari doonto New Zealand 15ka June
iyo Belgium 21 June - labaduba waxay ka dhici doonaan Los Angeles - ka hor inta
aysan 26 June wajihin Masar.
Maamulka Iran
ayaa sheegay in sharciga Fifa uu dhigayo in xiriir kasta oo ka qeyb galaya
koobka adduunka uu helo 8% tikidhada ciyaar kasta oo ay ciyaaraan, si loogu
qeybiyo taageereyaasha.
Waxa ay intaa ku
dartay in ay durba ay bilowday iibinta tikidhada balse aysan siin karin
taageerayaasha, kuwaas oo qaarkood ay horay u sameeyay qabanqaabada safarka.
"Ka-hortagga
taageerayaasha Iran inay helaan tigidhada sharciga ah ee rasmiga ah waa
tallaabo lid ku ah niyadda maamulidda tartamada caalamiga ah iyo mabda'a
sinaanta ee dalalka ka qaybgalaya," ayaa lagu yiri bayaanka FFIRI.
"Arrintani
waxay keenaysaa su'aalo culus oo ku saabsan faragelinta aan ciyaarta danta u
ahayn iyo tixgelinta mawqifyada siyaasadeed ee abaabulka dhacdada kubbadda
cagta ee ugu weyn adduunka."
FFIRI ayaa sidoo
kale ugu baaqday Fifa "inay ilaaliso mabaadi'da dhexdhexaadnimada,
cadaalada, iyo xeerarka la dejiyay".
Ka qayb galka
Iran ee Koobka Adduunka ayaa waxaa hareeyay hubanti la'aan, iyadoo lala
xiriirinayo dagaalka ka socda Bariga Dhexe iyo arrimo amni oo la xiriira.
Taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan kadib markii diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Apache ay ku dhacday xeebaha dalka Cumaan Isniintii.
War qoraal ah oo lagu daabacay X, Centcom waxay ku sheegtay in laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ee shilka galay "In la badbaadiyey ku dhawaad laba saacadood gudahood" haatana uu xaalkoodu wanaagsan yahay.
Waxa ay sheegtay in diyaaradda helicopter-ka ay ku luntay badda kadib shilkan oo dhacay xilli ay shaqaalahu ku jireen roondo, waxaana la baarayaa sababta keentay burburka diyaaradda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u sheegay suxufiyiinta habeenimadii isniinta in dadkii ku lug lahaa shilkan ay "wanaagsan yihiin".
Lubnaan oo wali dagaal ka socdo iyadoo xabad joojin la sameeyay April
Xigashada Sawirka, Reuters
Duqeymaha Israa'iil ee Lubnaan iyo weerarrada Xisbullah ay ku qaaday Israa'iil ayaa wali sii socda, Inkasta oo Axaddii ay ahayd markii ugu horreysay ee Israa'iil iyo Iiraan ay isweydaarsadaan weerarro tan iyo xabbad-joojintii bishii Abriil.
Xabbad-joojin uu Maraykanku dhexdhexaadiyay oo dhex martay Israa'iil iyo Lubnaan 16-kii Abriil ayaa ku guuldarreysatay inay joojiso dagaallada, iyadoo labada dhinacba ay midba midka kale ku eedeeyeen inuu si joogto ah ugu xadgudbay heshiiska.
Xisbullah - oo ah koox hubaysan oo ay taageerto Iiraan - waxay sii waday weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Dhanka kale, Israa'iil waxay sii waday duqeymaha ay ka geysanayso Lubnaan, waxayna ballaarisay howlgalladeeda dhulka ee koonfurta dalka, iyadoo ka gudubtay xariiqdii hore ee kala soocidda ee Webiga Litani.
Horaantii bishan ayaa lagu heshiisiiyay Israa'iil iyo Lubnaan kadib xabbad-joojin cusub, iyadoo heshiiskaasi uu ku xirnaa "joojin buuxda" oo ay Xisbullah ku joojiso weerarrada, iyo shuruudo kale. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinacba waxay sii wadeen weerarradooda tan iyo markaas.
Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo ka hadashay arrinta Cumar Cartan
Xigashada Sawirka, Social Media
Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa hadashay garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan oo loo diiday in uu galo dalka Maraykaka.
"Safaaraddu waxay mahadnaq iyo bogaadin u jeedinaysaa mas’uuliyiinta Türkiye, kuwaas oo fududeeyay in garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, uu soo galo dalka Türkiye, kaddib markii loo diiday in uu galo dalka Mareykanka, halkaas oo uu qorshuhu ahaa inuu ka qayb qaato garsooridda ciyaaraha Koobka Adduunka." ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxa kale oo qoraalka lagu yidhi:
"Cartan ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul, waxaana la filayaa in uu u ambabaxo magaalada Muqdisho saacadaha hore ee subaxnimada berri. Safaaraddu waxay si weyn u bogaadinaysaa wada-shaqeynta iyo taageerada ay muujiyeen mas’uuliyiinta Türkiye intii lagu guda jiray xaaladdan nasiib-darrada ah."
Zohran Mamdani oo ka hadlay muhaajiriinta iyo sida ay muhiim ugu yihiin ciyaaraha Maraykanka
Maayerka magaalda Newyork ee dalka Maraykanka oo qoraal soo dhigay bartiisa X ayaa waxa uu kaga hadlay dadka muhaajiriinta ah iyo sida ay muhiim ugu yihiin ciyaaraha Kubadda Cagta Maraykanka.
"Ciyaarta kubadda cagta ma jirteen dadka soo-galootiga ah la'aantood. Soo-galootigu waxay ka ciyaaraan, tababaraan, kana shaqeeyaan garoommada. Waxay buuxiyaan kuraasta daawadayaasha, waxayna suurtogal ka dhigaan dabbaaldeggyada waaweyn sida Koobka Adduunka," ayaa uu yidhi.
Lix ka mid ah ciyaartoyda u ciyaara Kooxda Qaranka Ragga ee Mareykanka (USMNT) waa soo-galooti. Uma oggolaan doonno hay'adda ICE ama cid kale oo kasta in ay cabsi ku beeraan bulshooyinkayaga, gaar ahaan xilligan la joogo. Iyadoo dunidu ay ku soo qulqulayso magaaladeenna, waxaan si weyn u garab istaagi doonnaa deriskeenna soo-galootiga ah, waxaanan gaashaanka ku dhufan doonnaa weerarradan annagoo u aragna waxa ay dhab ahaantii yihiin: isku-day lagu doonayo in na lagu kala qaybiyo."
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Maraykanka loo diiday garsooraha Soomaaliga ah ee Cumar Cartan oo ka qaybgeli lahaa Koobka Adduunka ee sannadlan.
Halka uu Cumar Cartan hadda ku sugan yahay iyo goorta uu Muqdisho dib ugu laabanayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Horey waxaan u tebinnay in garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdiqaadir Cartan uusan ka qeyb geli doonin Koobka Adduunka sanadkan sida ay xaqiijisay xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.
Wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee hadda ka socda Dalalka Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
BBC-da ayaa xiriir kala duwan la sameysay xiriirka kubadda cagta iyo waaxda garsoorka, ayaa waxay labaduba xaqiijiyeen in garsoore Cumar Cartan uu hadda ku sugan yahay dalka Turkiga, isla maraakana uu magaalada Muqdisho dib ugu laaban doono maalinta berri oo ku beegan 10-ka bisha May.
In ka badan 300 oo qof oo tahribayaal ah oo loo safriyay si kelyaha loogala baxo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
In ka badan 300 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Boqortooyada Midowday (UK) xagaagii hore ayaa la afduubtay, la jirdilay, laguna handaday in xubnahooda jirka si khasab ah looga saaro, sida ay BBC-du ogaatay.
Dhallinyaradan oo dhammaantood ka soo jeeday Kurdistaan-ta Ciraaq ayaa lagu qabtay Liibiya iyaga oo ay afduubeen maleeshiyaad dalbaday madax-furasho dhan $5,000 (£3,700) qoys kasta. Waxa kale oo ay ku hanjabeen inay ka saari doonaan kelyaha maxaabiista haddii lacagta si degdeg ah loo bixin waayo.
Waxaan la hadalnay qaar ka mid ah dadkii la haystay ee markii dambe la sii daayay, waxaana aragnay caddaymo sawirro ah oo muujinaya in qalliimo khasab ah ay dhaceen.
Dadkii hore loo haystay waxay na tusayeen caddaymo muujinaya jirdilkii loo geystay, waxayna sheegeen in lagu hayay xaalado aad u ciriiri ah, iyadoo ku dhowaad 180 qof ay wadaagayeen hal qol oo xabsi ah.
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay arrinta garsoore Cumar Cartan
Dowladda
Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ayaa
war-saxaafadeed ka soo saaray garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan ee loo
diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee sanadkan.
Waxay
wasaaraddu sheegtay inay si weyn uga xun tahay wax ay ku sheegtay duruufihii
sababay in garsooraha Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Cumar Cartan, uu ka baaqdo
ka qeybgalka tartanka kubadda cagta ee caalamiga ah ee ja dhacaya dalalka
Mareykanka, Canada, iyo Mexico.
“Kadib
markii la ogaaday in Garsoore Cumar Cartan uu la kulmay caqabado la xiriira
ogolaanshaha gelida dalka Mareykanka (Entry Denied), Wasaaraddu iyadoo
kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay sameysay dadaallo
diblomaasiyadeed iyo wada-xaajood ballaaran oo lala yeeshay Dowladda Mareykanka
iyo hay'adda FIFA si xal degdeg ah loogu helo arrintan. Nasiib darro, inkastoo
dadaalladaas xooggan la sameeyay, ma suuragelin in xal laga gaaro”, ayaa lagu
yiri war-saxaafadeedkaas.
Waxay intaas
ku dartay in garsoore Cumar Cartan uu tusaale muuqda u yahay kartida,
adkeysiga, iyo dadaalka dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Guulihiisa
caalamiga ahaa waxay sharaf iyo sumcad u yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxayna
caddeynaysaa in caqabadaha iyo duruufaha adag ee dalka ka jira aysan hor
istaagin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay gaaraan heerar sare oo caalami ah.
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska waxay mar kale xaqiijineysaa
taageeradeeda buuxda ee Garsoore Cumar Cartan, waxayna sii wadi doontaa
taageerada horumarintiisa xirfadeed iyo ka qeybgalka fursadaha caalamiga ah ee
mustaqbalka”, ayaa lagu yiri.
Halkan hoose ka akhri war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Xigashada Sawirka, Wasaaradda sports-ka
Qoraalka sawirka, .
Maxaa ka jira inay wax ka khaldanaayeen dukumentiyada uu sitay Cumar Cartan?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Hore waxaan tebinnay in sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi,uu BBC-da u sheegay, in Cartan uu sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la xiriira arrimaha fiisaha.
Isagoo la hadlayay BBC World Service, Andrew Giuliani, oo ah madaxa Guddiga Hawl-galka Aqalka Cad ee Koobka Adduunka, ayaa yiri: "In kasta oo aanan geli karin [macluumaadka gudaha ah] waxaan sheegi karaa inay ahayd go'aankii saxda ahaa ee ay gaareen kastamka iyo ilaalada xuduudaha, waana taageersanahay go'aankaas."
Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP) oo u warramay warbaahinta CNN ayaa sheegay in Cumar Cartan loo arkay "inuu uusan u qalmin gelitaanka USA" kadib baadhitaan amni, balse ma aysan faahfaahin sababta rasmiga ah ee go'aankaasi.
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya (SFF) ayaa si degdeg ah ula xiriiray FIFA si ay u weydiistaan faahfaahin dheeri ah iyo jawaab degdeh ah.
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan kadib markii loo diiday gelitaanka Maraykanka, sida ay xaqiijisay FIFA.
Waxa uu Xassan Cali Kheyre ka yiri arrinta garsoore Cumar
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre
ayaa si adag uga hadlay arrinta taagan ee la xirriirta garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cartan oo loo
diiday inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka sanadkan.
Kheyre oo qoraal soo dhigay barahiisa bulshada ee Facebook
iyo X ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wararka la xiriira in Cartan loo
diiday dal-ku galka Mareykanka.
“Waxaan ka xumahay warka dhiillada
leh ee sheegaya in garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan loo diidayo gelitaanka
dalka Mareykanka, isaga oo ka mid ah garsoorayaasha ay FIFA u xulatay Koobka
Adduunka ee toddobaadkan ka furmaya Waqooyiga Ameerika, ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in garsoore Cumar
Cartan uu kaalintan ku muteystay kartidiisa, xirfaddiisa, dadaalkiisa iyo
hufnaantiisa. Wuxuuna intaa ku daray inuu tusaale iyo astaan u yahay
dhallinyarada Soomaaliya iyo Afrika ee ku taamaysa in hibadooda, hal-abuurkooda
iyo xirfaddooda laga qaddariyo masraxyada caalamka.
“Kubaddu waa luqad mideysa
bulshooyinka caalamka, isla markaana dhiirrigelisa qiyamka caddaaladda,
mudnaanta iyo tartanka fursadaha loo siman yahay. Waxaana rajaynayaa in xal
degdeg ah laga gaaro arrintan, si aanay caqabad ugu noqon hiigsiga garsoore
Cumar, iyo rajada malaayiinta dhallinyarada ah ee ku haminaya in ay
hibooyinkooda ku soo bandhigaan fagaarayaasha caalamka”, ayuu yiri.
“Waxaan garsoore Cumar ku
bogaadinayaa horumarkiisa iyo guulaha taariikhiga ah ee uu qarankeenna uga soo
hooyay caalamka. Soomaaliya, Afrika, iyo dhammaan dadka aaminsan qiimaha
kartida, dadaalka, mudnaanta, iyo caddaaladda ayaa ku garabtaagan. Guuleyso Garsoore”,
ayuu intaas raaciyay.
Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya oo BBC-da uga waramay nooca baasaboorka uu sitay Cumar Cartan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Sida aan horey
idinkugu soo tebinnay, garsooraha Soomaaliyeed, Cumar Cabdulqaadir
Cartan, ayaa seegaya ka qaybgalka Koobka Adduunka ee sanadkan, kadib markii loo
diiday gelitaanka Maraykanka.
Xirriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa xaqiijisay in
garsoore Cumar Cartan uusan ka qeyg geli doonin Koobka Adduunka sanadkan oo
laga bilaabo 11-ka Bishan June ka qabsoomi doona Mareykanka, Mexico iyo Canada.
Garsoore Cumar Cartan ayaa lagu waday in uu noqdo
garsoorihii ugu horeeyay ee ka socda dalkiisa ee dhex dhexaadiya finanaalka
Koobka Adduunka sanadkan 2026.
La-taliye sare oo ka tirsan wasaaradda dhalinyarada iyo
ciyaaraha Soomaaliya, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Cartan loo diiday iuu galo
Mareykanka, wuxuuna sheegay in Cumar Cartan uu sitay dukumeentiyo sax ah.
Sarkaal ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ayaaisna
dhankiisa BBC-da u sheegay, in Cartan uu
sitay baasaboorka diblomaasiyadeed, taas oo looga gol lahaa in la fududeeyo
safaradiisa, ka dib markii ay hore u wajahay caqabado ama dhibaatooyin la
xiriira arrimaha fiisaha.