You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Nin milyaneer ah oo ka taajiray dhulal dayaxa ku yaalla oo uu iibiyey

  2. Askari darajada ugu sarreysa lahaa oo loo xiray dembiyo dagaal oo uu geystay

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warameysa in Ben Roberts-Smith, oo ah askariga ugu darajada sarreeya dalka Australia, la xiray, waxaana lagu wadaa inuu wajaho dacwado ku saabsan dambiyo dagaal oo ka dhacay Afghanistan.

    Roberts-Smith, oo ka tagay Ciidanka Difaaca Australia sanadkii 2013, ayaa la sheegay in lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee Sydney, waxaana lagu wadaa inuu maanta oo Talaado ah maxkamad uga soo muuqdo shan dacwadood oo dil ah oo ah dambi dagaal.

    Waxaa lagu eedeeyay ku lug lahaanshiyaha dilka dhowr qof oo reer Afghanistan ah oo aan hubaysnayn.

    Si kastaba ha ahaatee, halyeeyga 47 jirka ah ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha, isagoo hore ugu tilmaamay inay yihiin "kuwo aan la aqbali karin" .

    Sannadkii 2020, baaritaan weyn oo loo yaqaan "Warbixinta Brerton" ayaa helay caddayn "lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan dilkii sharci darrada ahaa ee ay ciidamada gaarka ah ee Australia ku dileen 39 qof oo ka dhacay Afgaanistaan, waxayna ku taliyeen in la baaro 19 askari oo weli shaqeeya iyo kuwo hore.

    Maxkamadda Madaniga ah ee Roberts Smith waxay ahayd kiiskii ugu horreeyay taariikhda oo maxkamad ay baareysay eedeymo ku saabsan dambiyo dagaal oo ay geysteen ciidamada Australia.

    Isagoo is difaacaya, wuxuu sheegay in dilalka la sheegay ay u dhaceen qaab sharciga waafaqsan, ee iska horimaadyada militariga ama aysan haba yaraatee dhicin, laakiin racfaankiisa waxaa la diiday sannadkii hore.

    Booliska Federaalka Australia ayaa sidoo kale shir jaraa'id ku xaqiijiyay, in la xiray askari hore oo 47 jir ah, laguna soo oogay dacwad ah inuu toogasho iyo dil ku dilay maxaabiis aan hubaysnayn oo ku suganaa dalka Afgaanistaan ​​intii u dhaxaysay sanadihii 2009-kii iyo 2012-kii.

  3. Sida ay sirdoonka Israa’iil u soo xadeen xogta nukliyeerka Iiraan -warbixin hore

    Madaxii sirdoonka Israa'iil ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay ku qaadeen dalka Iran dagaalkii sanadkii hore dhex maray labada dhinac.

    Ninkan madaxda ka ahaa laanta sirddoonka Israa'iil ee Mossad, Yossi Cohen wuxuu sharraxaad ka bixiyay xog laga soo xaday barnaamijka nukliyeerka ee Iran.

    Weerarkii lagu qaaday xarunta nukliyeerka Iran sanadkii 2018 waxaa Israa'iil loo daabulay tobonaan kun oo dokumentiyo ah oo la xiriira nukliyeerka Iran.

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay kaalintii Israa'iil ay ku laheyd burburkii loo geystay warshadda nukliyeerka Iran ee Natanz iyo dilkii loo geystay seynisyahankii qaabilsanaa nukliyeerka.

    Yossi Cohen ayaa haatan howlgab ah, wuxuu shaqada ka tegay Juun 2022-kii.

    Ra'iisul Wasaaraha Benjamin Netanyahu ayaa Cohen u magacabaay madaxa Mossad sanadkii 2015-kii, wuxuu ku biiray sirdoonka 1982 kadib markii uu kasoo baxay jaamacadda London.

    Xilli uu la hadlayay barnaamijka Channel 12's Uvda wuxuu sheegay in intii uu ku dhex jiray shaqadan uu adeegsaday boqolaal baasaboor ah.

    Ra'iisul Wasaare Netanyahu ayaa 2018 soo bandhigay dokumentiyada keydka ah ee laga soo xaday Iran, wuxuu sheegay in uu hayo caddeymo ah in Iran ay isku dayeyso inay xoojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

  4. War deg deg ah, Israa’iil: Dadka reer Iiraan, haa ku safrina tareen maanta

    Ciidanka Difaaca ee Israa'iil (IDF) ayaa soo saaray "digniin degdeg ah" oo aan horey loo ogeyn oo loogu talagalay dadka Iiraaniyiinta ah.

    Farrintan ayaa ah inaysan tareen ku dhex safrin Iiraan ilaa caawa fiidkii.

    "Muwaadiniinta sharafta leh, badqabkiinna awgeed, waxaan ka codsanaynaa laga bilaabo waqtigan ilaa 21:00 waqtiga Iiraan, inaad ka fogaataan isticmaalka iyo safarka tareenka ee guud ahaan Iiraan," ayuu yiri afhayeenka IDF, Lt. Col. (res.) Kamal Penhasi oo hadal soo saaray.

    "Raacidda tareenada iyo meelaha u dhow tareenada waxay noloshaada gelineysaa khatar," ayuu raaciyay.

    Shalay, Wasiirka Difaaca Israel Katz ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca ee Israa'iil la faray inay "sii wadaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha Iran.

    Waxay digniinta ku soo beegantay ku soo beegmaysaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu weerari doono bartilmaameedyada kaabayaasha dhaqaalaha ee Iiraan oo dhan, haddii nidaamku diido inuu u oggolaado marin xor ah marinnada marinnada Hormuz.

    Saacadda uu Trump qabsaday waa saq dhexe caawa.

    Warbixinnada la soo saaray xalay, militariga Israa'iil waxay sidoo kale sheegeen inay dhammaystireen weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo "kaabayaasha dhaqaalaha ee Tehran" oo lala xiriiriyay nidaamka, ayna dileen dad ay sheegeen inay xubno ka ahaayeen Hezbollah.

    Dhanka kale, militariga ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen gantaallo ay Iiraan ku soo riday Israa'iil.

    Sidoo kale akhri

  5. Qadar iyo Iiraan oo wada hadlay

    Raysal wasaaraha dalka Qadar, Sheekh Maxamad bin Cabdulrahman bin Jassim Al-Thani, ayaa sheegay inuu cambaareynayo wax kasta oo bartilmaameedsanaya kaabayaasha bulshada intii uu socday wadahadal taleefan oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araqchi.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa baraha bulshada ku sheegtay, in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen xiisadaha socda iyo saameynta ay ku leeyihiin gobolka.

    Intii uu socday wicitaanka taleefanka, ra'iisul wasaaraha Qatar, ayaa la sheegay inuu muujiyay diidmadiisa weerarrada Iiraan ee ay ku qaadayso Qatar iyo dalalka kale ee deriska la ah, gaar ahaan kuwa "iska ilaalinaya ama iska fogeynaya dagaalka".

    Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, "waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsadeen in bartilmaameedsiga kaabayaasha bulshada iyo kheyraadka dadweynaha aan la aqbali karin" waxayna dhan walba ka cambaareeyeen dhaqanka noocaas ah.

    Sidoo kale akhri

  6. Maxaad ka ogtahay 8da marin-biyood ee ugu muhiimsan caalamka

  7. Markabka Turkiga ee qodaya shidaalka oo laga filayo xeebaha Soomaaliya

    Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay bilowdo howshii ugu horeysay ee shidaal qodista xeebaha, iyadoo maalinta Jimcaha la filayo in markab shidaal qodaya oo ay leedahay dowladda Turkiga uu soo gaaro xeebteeda.

    Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii si guul ah loo soo gabagabeeyay sahanadii la sameeyey ee sanadkii hore ay sameeyeen markab cilmi baaris ah oo laga leeyahay dalka Turkiga.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ayuu Wasiirka Batroolka Soomaaliya Daahir Shire ayuu ku tilmaamay talaabadan ku wajahan wax loo arko shidaal qodiddii ugu horreysay inay tahay "guul taariikhi ah oo ku saabsan geeddiga tamar soo saaristeenna xeebaha... Bog cusub ayaa bilaabmaya".

    Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in haddii lagu guuleysto qodista shidaalka, ay taasi furi doonto kaydka saliidda ee badda, isla markaana ay taageeri doonto dib u soo kabashada dhaqaalaha waddanka oo ay noqon doonto mid saamayn ku yeelata tamarta gobolka.

    Markabka qodista shidaalka ee Shirkadda Shidaalka Turkiga, Çağrı Bey, ayaa ku guda jira howshiisii ugu horeysay ee caalami ah, isagoo ku wajahan biyaha Soomaaliya ee badda Carabta.

  8. Erdogan oo dhaliil dusha uga tuuray Israa’iil

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay wiiqayso dhammaan dadaallada lagu soo afjarayo colaadda Bariga Dhexe.

    Erdogan wuxuu sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono ka shaqaynta sidii loo gaari lahaa xabad joojin inkastoo Israa'iil ay mowqifkeeda taagan tahay.

    "Hadafkayagu waa in dagaalkan sharci darrada ah, aan macnaha lahayn ee khasaaraha badan la soo afjaro," ayuu yiri Erdogan intii lagu jiray shirkii toddobaadlaha ahaa ee golaha wasiirada ee Ankara.

    Erdoğan wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu uu raadinayo dhammaan habab diblomaasiyadeed, si uu u soo afjaro dagaalka, "isagoo u maleynaya in haddii dagaalku sii socdo, uu ku faafi doono dalalka kale."

    Turkiga ayaa isku dayay inuu soo afjaro dagaalkan isagoo ku biiraya ciidamo kale oo dhexdhexaadiyayaal ah, oo ay ku jiraan Bakistaan ​​iyo Masar.

    Sidoo kale akhri

  9. Maraykanku ma ku burburin karaa Iiraan hal maalin?

  10. Khasaare soo gaaray askar Amerikaan ah

    Shan iyo toban Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay geesteyn diyaaradaha aan duuliyaha lahay oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait xalay, sida ay saraakiisha Mareykanku u sheegeen hay'addda warbaahinta Mareykanka ee CBS News, taas oo BBC bahwadaag la ah.

    Tirada askarta Mareylanka ee dhaawaca soo gaaray ayay CBS sheegtay inay gaarayaan 15

    Inta badan dadka dhaawacmay ayaa durba dib ugu laabtay shaqadooda

    Dadkan ayaa lasoo sheegayaa inuu gaaracay dhaawacyo fudud, waxa ayna dib ugu laabtayn hawlahooda, sida uu mid ka mid ah saraakiishu u sheegay CBS News,

    Guud ahaan, 373 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay tan iyo markii dagaalka Iran uu bilaabmay — kuwaas oo 330 ka mid ah ay dib ugu laabteen waajibaadkooda, halka shan ay weli qabaan dhaawacyo culus, sida uu afhayeen u hadlay US Central Command u sheegay CBS.

  11. Sidee ayey ku waabariisanayaan waddamada Bariga dhexe?

    Weerrada cirka ah ayaa weli soconaya, iyada oo ay Ciidamada Israa'iill ayaa ku dhawaaqayn in "mowjad” weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Iiraan, waxa ay sidoo kale, sheegeyn in nidaamkooda cirka uu qabtay hoobiyeyaal iyo gantaallo kaga yimid dhanka Iiraan.

    Warbaahinta gudaha Iiraan ayaa sheegtay in “daqiiqado ka hor, qaraxyo laga maqlay meelo ka mid ah Tehraan iyo Karaj,” oo ah xaafad ku taalla galbeedka caasimadda, inkasta oo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    waddamada Khaliijka sida Sacuudi carrabiya waxa uu sheegay in illaa iyo todobo gantaal uu qabtay nidaamka difaaca hawada dalkaasi, kuwaas oo bartilmaameed u ahaa gobolka Gobolka Bariga ku yaalla.

    Wasaaradda Difaaca ee Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in difaacyada cirka ay qabteen oo ay burburiyeen toddobo gantaal oo ballistic ah oo loo soo ganay Gobolka Bariga, iyada oo xustay in haraaga gantaallada lagu qabtay meel u dhow xarumaha tamarta.

  12. Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Iiraan

    Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabeen “mowjad” weerarro cirka ah oo ka dhan ah Iiraan, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in soo jeedinta xabbad-joojinta ee ay soo bandhigeen dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah “aysan ahayn mid si wanaagsan u shaqeeneysa”.

    Militariga Israa’iil ayaa kusoo qoray kanaalkooda Telegram: “Wax yar ka hor, ciidamada Israa’iil waxay dhammaystireen mowjad weerarro cirka ah oo ay beegsadayn, kuna burburiyeen qaar kamid kaabayaasha dhaqaalaha nidaamka Tehraan iyo meelo kale oo badan oo kamid ah dalka Iiraan”.

  13. Trump oo Maraakiibta Ingiriiska ku eedeeyey 'shaqo yari'

    Madaxweynaha Maraykanka marka uu xalay warbaahinta la hadlayey waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Mareykanka hadda ka haysato wadahadallada ay tahay in mas'uuliyiinta Iiraan ay la xiriiri karin, Trump wuxuu intaas ku daray inuu aad uga niyad jabsan yahay dalalka Nato ka dib markii xulafadiisu ay diideen codsigiisii ​​ahaa in ay ku biiraan howlgalka Iiraan. waxa uuna carrabka ku dhiftay inuu gaar ahaan aad uga niyad jabay UK. "Waxay haystaan ​​​​laba markab oo diyaaradeed oo duug ah oo burburay" ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maraakiibta Ingiriiska "aysan si deg deg ah u shaqeyneen".

  14. Tebinta Tooska ah ee BBC Somali

    Subax wanaagsan

    kusoo dhawaada tebinteena maanta

  15. Ameerikaan ku dhaawacmay Duqeymo ka dhacay Kuwait

    Shan iyo toban Ameerikaan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay geesteyn diyaaradaha aan duuliyaha lahay oo ay Iiraan ku qaaday saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait xalay, sida ay saraakiisha Mareykanku u sheegeen hay'addda warbaahinta Mareykanka ee CBS News, taas oo BBC bahwadaag la ah.

    Inta badan dadka dhaawacmay ayaa durba dib ugu laabtay shaqadooda

    Dadkan ayaa lasoo sheegayaa inuu gaaracay dhaawacyo fudud, waxa ayna dib ugu laabtayn hawlahooda, sida uu mid ka mid ah saraakiishu u sheegay CBS News,

    Guud ahaan, 373 askari oo Mareykan ah ayaa dhaawacmay tan iyo markii dagaalka Iran uu bilaabmay — kuwaas oo 330 ka mid ah ay dib ugu laabteen waajibaadkooda, halka shan ay weli qabaan dhaawacyo culus, sida uu afhayeen u hadlay US Central Command u sheegay CBS.

  16. Gaza: Khasaaraha ayaa sii kordhaya, kadib dagaal dhex maray Xamaas iyo Maleeshiyo ay Israa'iil taageerto

    Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo iyo dagaal u dhaxeeya Xamaas iyo malleeshiyaad Falastiini ah oo ay Israa'iil taageerto oo ka dhacay bartamaha Gaza, sida ay sheegeen ilo maxalli ah.

    Duqeymaha ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday ciidamada ammaanka ee Xamaas oo iska hor imaad ku dhex maray xubno ka tirsan maleeshiyaadka, bariga xerada qaxootiga Magahazi. Ma cadda tirada dadka ku dhintay duqeymaha iyo dagaalka ka socda dhulka.

    Afhayeen u hadlay isbitaalka al-Aqsa ee Deyr al-Balah ayaa sheegay in meydadka 10 qof oo goobta laga soo qaaday la keenay Isbitaalka, halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacantay, kuwaas oo qaarkood xaaladoodu liidato.

    Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay militariga Israa'iil iyo Xamaas.

    Si kastaba ha ahaatee, goob joogayaal ayaa sheegay in xubno ka tirsan maleeshiyada ay taageerto Israa'iil ay jidgooyo dhigteen bariga magaalada Maghazi, kadibna ay weerar kala kulmeen ciidamada ammaanka ee Xamaas, taasoo keentay dagaalka, waxa ayna intaas ku darayn in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ay dagaalka qeyb ka ahaayeen, iyaga oo taageerayey maleeshiyada, waxa ayna duqeymo ku qaadayn, xoogagga Xamaas oo ku kala sugnaa illaa saddex goobood.

    Xamaas iyo Israa'iil ayaa si joogta ah dhinacba dhinaca ku eedeeya inuu jabiyey xabbad joojintii lagu heshiiyey ku dhawaad ​​lix bilood ka hor.

    Sidoo kale akhri:

  17. Qodobadii ugu muhiimsanaa Shirkii jiraa'id ee Trump

    Madaxweyne Donald Trump, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, Agaasimaha CIA John Ratcliffe, iyo Guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada Isku-dhafka Dan Caine oo ku sugnaa Aqalka Cad ayaa si wadajir ah ula warbaahinta, iyaga oo bixiyey faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalkii lagu soo badbaadiyey laba duuliye oo Mareykan ah ka dib markii diyaaraddooda lagu soo riday Iran Jimcihii la soo dhaafay iyo hanjabaadihiisa ku aadan Iiraan.

    Halkan waxaan kusoo koobeynaa qodobbadii ugu muhiimsanaa shirkii jaraa’id ee caawa

    • Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in dhammaan ciidamadu aysan ku qancin dadaallada ballaaran ee badbaadinta, gaar ahaan iyadoo raadinta duuliyaha labaad ay socotay ku dhowaad 48 saacadood
    • Wuxuu sheegay in loo sheegay inuu yahay “howlgal aad u khatar badan” balse uu “u arkay inay mudan tahay”
    • Trump wuxuu sidoo kale, sheegay in howlgalka la carqaladeeyay oo uu adkaaday kadib markii warbaahin ay sheegtay in hal duuliye la la’yahay, taasoo keentay in mas’uuliyiinta Iiraan ay bilaabaan raadintooda si ay u qabtaan. Balse sheegay in saraakiisha Mareykanka ay si adag uga shaqeynayaan helitaanka ilaha asalka ah ee xogtaas
    • Trump wuxuu sidoo kale sheegay in heshiis kasta oo cusub oo lala galo Iiraan si loo joojiyo dagaalka uu khasab ku yahay inay oggolaadaan Iiraan "in maraakiibta shidaalka ay xor ku maraan” marin-biyoodka Hormuz
    • Isagoo ka jawaabaya hanjabaadaha ku saabsan weerarka Mareykanka ee kaabayaasha Iiraan, Trump wuxuu sheegay in hawl-galkaan Mareykanku uu faa’iido u leeyahay dadka caadiga ah ee Iiraan, kuwaas oo uu sheegay inay “diyaar u yihiin inay dhibaato u dulqaataan si ay u helaan xorriyaddooda”.
    • Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu weerari doono warshadaha korontada ee Iiraan, isla markaana weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dalka ii bilaaban doono saacadda marka ay tahay 20:00 waqtiga Mareykanka, kaas oo qaadan doono afar saacadood, iyagoo dhammaan doona saqda dhexe.

    Sidoo kale akhri

  18. Hoggaamiyaha sare ee Iran oo soo saaray farriin qoraal ah oo ku saabsan geerida madaxii sirdoonka Iiraan

    Farriin qoraal ah oo la sheegay in ay ka timid hoggaamiyaha sare ee saddexaad, Mojtaba Khamenei, ayaa la sii daayay kadib dilka madaxii sirdoonka IRGC, Majid Khademi.

    Farriintaas, Mojtaba waxa uu si adag u cambaareeyey dilka madaxa sirdoonka, waxa uuna ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil. Israa’iil ayaa xaqiijisay inay beegsatay Khademi.

    Khamenei wuxuu ku celiyay hadallada saraakiisha Iiraan, isagoo sheegay in dhimashada taliyeyaasha aysan keeni doonin wax “qalqal ah” oo ku yimaada mabda’a ciidamada Iiraan, maadaama “safafka ay aad u ballaaran yihiin”. Taliyeyaal badan oo IRGC ah ayaa la dilay tan iyo markii dagaalku bilaabmay 28-ka Febraayo.

    Waxaa sidoo kale jiray farriimo qoraal ah oo dhowaan loo tiiraye Mojtaba Khamenei, balse tan iyo markii uu xilka kala wareegay aabbihiis qiyaastii bil ka hor, lama arag isaga oo si toos ah uga muuqda meel fagaare ah, sidoo kalena laguma arag sawirro ama muuqaallo cusub oo ka baxay telefishinka qaranka Iiraan.

    Donald Trump ayaa sheegay in Mojtaba uu “ama dhintay ama xaalad aad u liidata ku sugan yahay, maadaama aan cidina wax war ah ka hayn”.

    Safiirka Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ee Geneva ayaa sheegay in maqnaanshaha Khamenei ay sabab u tahay “arrimo amni”, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araghchi uu ku adkaystay inuu “caafimaad qabo oo si buuxda u maamulayo arrimaha”. Ilaa hadda lama helin wax caddayn muuqaal ama maqal ah oo taageeraya sheegashooyinkan.

    Sidoo kale akhri:

  19. Trump oo xaqiijiyay inuu doonayo in ay Iiraan dib ugu noqoto qarniyadii dhagaxa

    Mar wax laga weydiiyay doorka ciidamada Kurdiyiinta ee dagaalka ay kula jiraan Iiraan, Trumps wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in Kurdiyiinta ay ka fogaadaan hawlahaan

    Waxa uu intaa ku daray in inkasta oo 10-ka maalmood ee uu u qabtay Iiraan inay heshiis la gaaro ay ahayd inay maanta dhammaato, haddana wuxuu go'aansaday inuu kordhiyo ilaa berri si uu "u noqdo qof wanaagsan" maalinta xigta ee Easter.

    Laakin berri kadib ayuu sheegay haddii ay aqbali waayaan, "ma yeelan doonaan buundooyin," ayuu yiri. "Ma lahaan doonaan warshad koronto. Waayihii dhagaxa, haa". isaga oo tixraacaya hanjabaad hore oo u jeediey Iiraan, taas oo ahayd, "dib u noqoshada qarniyadii dhagaxa."

    Sidoo kale akhri:

  20. Trump- Waxaan aaminsanahay in howlgalkan uu u qalmo 'khatarta' uu yahay'

    Mar la weydiiyey Trump inta ka qeyb-qaadatay hawl-galkii ayuu ku jawaabay "Qofka oo ciidanka Militariga ka tirsan qeyb kama uusan ahayn, hawl-galka Samatabixinta ee Sabtidii ahaa", ayuu yiri Trump.

    "Waxaa jiray dad millatari ah oo yiraahda sidaan ha sameynin," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in boqolaal qof la dili karay. waxa uuna kusoo gabagabeeyey "Waxaan go'aansaday inaan sameeyo".

    Suxufi kale ayaa waydiiyay haddii ay jirto wax macno ah markii uu ka fikiray joojinta fariinta. Si toos ah uguma jawaabo. balse waxa uu yiri "Waxaa la ii sheegay in tani ay tahay howlgal aad khatar u ah," ayuu ku jawaabay. "Waxaan dareemay inay mudan tahay."

    Sidoo kale akhri: