Ruushka oo weerarra duqeyn ah ku qaaday Buundada Kyiv xilli Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka uu booqasho ku tagay

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Buundooyinka waaweyn ee Kyiv waxaa afar maalmood oo xiriir ah ku socotay duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo Moscow ay kordhisay weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda Ukraine.
Labo qof ayaa ku dhaawacmay markii subaxnimadii Axadda markii labaad oo xiriir ah la weeraray Buundada Pivnichnyi (Waqooyi), halka Buundada Pivdennyi (Koonfur) iyadana dhowr jeer la garaacay horraantii toddobaadkan.
Weerarkan ugu dambeeyay ayaa yimid xilli uu Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz booqasho lama filaan ah ku tagay Kyiv, taas oo ahayd muujin taageero oo ka dhan ah duullaanka ballaaran ee Ruushku uu weli ku hayo Ukraine.
Ciidamada Ruushka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan weerarrada ka dhanka ah Kyiv iyo gobollada kale ee Ukraine. Waxay horay u sheegeen inay garaaceen labadaas buundood oo loo isticmaali jiray in lagu raro ciidamada Ukraine.









