Xoghayaha difaaca Maraykanka: "Xayiraadda dekedaha Iiraan waxay sii soconaysaa ilaa iyo inta loo baahdo"

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in go'doominta dekedaha Iiraan ay sii socon doonto "ilaa inta loo baahan yahay" Isaga oo ay weheliyaan Gen. Dan Keane oo ah taliyaha guud ee ciidanka iyo Adm. Brad Cooper oo ah taliyaha taliska dhexe (CENTCOM), wuxuuna warfidiyeenada ugu waramay Pentagon-ka dagaalka ay kula jiraan Iiraan.

Mr. Hegseth ayaa sidoo kale ku booriyay Tehran inay sameyso go'aano "xikmad leh" oo ku saabsan talaabooyinkeeda xiga. Isla shirkas jaraa'id ayaa Gen. Dan Keane, oo ah taliyaha guud ee ciidamada wuxuu dhankiisa sheegay in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada dagaalka ka dhanka ah Iiraan "wakhti kasta, xitaa isla markiiba".

Shirkan jaraa'id ayaa ah kii ugu horeeyay ee Xoghayaha Difaaca Mareykanka iyo taliyayaasha ciidamada ay qabtaan tan iyo Arbacadii todobaadkii hore, ka hor intaysan bilaaban go'doominta ciidamada badda ee dekedaha Iiraan.

Ka dib guuldarradii wareegii koowaad ee wadaxaajoodka tooska ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, oo ay dhexdhexaadinayso Pakistan ayaa millatariga Maraykanka oo fulinaya amarka Donald Trump waxay xannibeen dhammaan gaadiidka badda ee u socda iyo kuwa ka soo baxaya dekedaha Iiraan ee Gacanka Faaris Isniintii, Abriil 14.

Mr. Hegseth ayaa bilowgii kulanka sheegay in Maraykanku uu uga digay "maamulka Iiraan" in ay "sameeyaan xulasho caqli-gal ah".

Waxa uu intaa ku daray in haddii dawladda Iiraan ay samayso "doorasho xun" oo ay diido inay ogolaato, Maraykanku wuxuu awood u leeyahay inuu dib u bilaabo hawlgallada dagaalka: "Waan ku daawanaynaa, waxaana diyaar u nahay inaan tallaabo ka qaadno amarka madaxweynaha" ayuu yiri.

Mr. Hegseth waxa kale oo uu go'doominta ciidamada badda ee dekedaha Iiraan u arkay "dariiq nabadeed" oo xaaladdan lagaga bixi karo.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in wax ka yar 10% awooda ciidamada badda Mareykanka loo adeegsaday go'doominta marin biyoodka Hormuz.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Mareykanka ay dib u dhis ku sameynayaan ciidanka si ay u helaan awood ka badan sidii hore, isaga oo intaa ku daray in Iiraan aysan bedeli karin awoodeeda ciidan ee luntay.

Isagoo ka jawaabaya su'aalihii la weydiiyey Mr. Hegseth wuxuu sheegay in inkasta oo awoodda taliska militariga Iiraan la dhimay, misna ay jirto suurtogalnimo xooggan oo ah xabbad-joojinta.

Mr. Hegseth ayaa shirka jaraa'id ku bilaabay isagoo si ba'an u dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray "warbaahinta ka soo horjeeda Trump".

"Way adag tahay in la ogaado dhinaca cidda aad dhab ahaan tihiin qaarkiin," ayuu yiri, isaga oo raaciyay, "Tani waa dabeecad aan waddaniyad lahayn".

General Dan Kaine oo ah taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka ayaa soo hadal qaaday amarkii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee xabbad joojinta, wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan howlgallada dagaalka ka dhanka ah Iiraan "waqti kasta, xitaa isla markiiba".

Waxa uu sheegay in ciidamada wadajirka ah ee Mareykanka ay bilaabeen go'doomin dhanka badda ah tan iyo isniintii 13-ka April.

General Kane waxa uu intaa ku daray in tallaabada Maraykanku ay tahay in uu go'doomiyo dekedaha iyo xeebaha Iiraan, ee aanay ahayn marin biyoodka Hormuz.

Sida laga soo xigtay jananka, tallaabadan waxaa ku jira dhammaan maraakiibta ku socota ama ka baxaya dekedaha Iiraan, iyada oo aan loo eegin waddanka ay maraakiibtan ka soo jeedaan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale yiri: "Tallaabooyinkan waxaa laga dhaqan gelin doonaa dhul-badeedka Iiraan iyo biyaha caalamiga ah labadaba".

Waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda aan loo baahneyn in Ciidamada Mareykanka ay fuulaan wax maraakiib ah oo ku sugan gobolka, waxa uuna tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay.

General Dan Keene oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in markii go'doominta ay bilaabatay ay jireen 7 markab oo loo arko in ay yihiin "kuwowalaac u leh" taliska dhexe ee Mareykanka.

Wuxuu ku micneeyay in markii la dhaqan geliyay go'doomintaasi ay ciidamada Mareykanka bilaabeen inay ogaadaan oo ay dabagal ku sameeyaan maraakiibtaasi iyagoo adeegsanaya qalab kala duwan, gacanna ka helaya hay'adaha sirdoonka.

General Kane ayaa markaas soo bandhigay sawir muujinaya ciidamada Maraykanka oo ku qasbaya maraakiibta Iiraan inay dib u laabtaan.

Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa u jiheystay dhanka maraakiibtan, waxaana ay uga digeen in aysan ku xadgudbin go'doominta.

Isagoo adeegsanaya sawir kale ayuu General Kane muujiyay khariidadda Gacanka Faaris iyo xaaladda xannibaadda 24 saacadood ka dib markii ay bilaabatay.

Waxa uu shirkiisa jaraa'id ku xusay in 13 markab ay sameeyeen "xulasho caqli-gal ah" oo ay beddeleen.

Saacad ka dib markii uu dhammaaday shirka jaraa'id, ayaa warbixin cusub wuxuu Taliska Dhexe ee Mareykanka, CENTCOM, ku dhawaaqay in 14 markab ay beddeleen khadkooda, ayna soo laabteen 72-kii saac ee la soo dhaafay.

"Ciidamada Maraykanku waxay dhaqan gelinayaan go'doominta maraakiibta isku dayaya inay galaan ama ka baxaan dekedaha Iiraan" CENTCOM ayaa ku soo qortay barta X. "Ciidamadani waa kuwo dhiifoon, feejigan, oo aad u dhiirran".

Admiral Brad Cooper, oo ah taliyaha CENTCOM oo ka qeyb galay shirka jaraa'id ayaa sheegay in 15-kii maalmood ee la soo dhaafay uu laba jeer u safray bariga dhexe.

Waxa uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay hadda "naqshadaynayaan oo ay cusbooneysiinayaan" hababka hawlgalkooda, xeeladahooda iyo habraacyadooda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay la kulmeen taliyaha guud ee ciidamada Israa'iil si loo xaqiijiyo in labada dhinac ay isku soo dhawaadaan, isaga oo intaa ku daray in isku-dubbaridkani uu weli jiro.

Waxa uu intaa ku daray in "ma jiro saaxiib ka fiican Israa'iil", isaga oo sheegay in Israa'iil iyo Maraykanku ay gaareen hadafkooda milatari marar badan.

Admiral Cooper ayaa sidoo kale sheegay in ay socdaan wadahadallo lala yeelanayo xulafada gobolka si loo adkeeyo amniga, isagoo ku sifeeyay xulafada kuwo aad u wanaagsan".