You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
BBC oo shaqaale dhimis ballaaran samaynaysa: "10kii qofba ku dhawaad mid ayaa la dhimayaa"
BBC ayaa ku dhawaaqday inay dhimi doonto inta u dhaxaysa 1,800 iyo 2,000 shaqo - ama ku dhawaad 10kii qofba hal, isku day lagu doonayo in wax looga qabto "cadaadiska maaliyadeed" ee wakhtigan haysta hay'adda.
Waxa ay u baahan tahay in ay samayso lacag beekhaamin dhan £500 oo milyan labada sano ee soo socota, agaasimaha guud ee ku meel gaarka ah Rhodri Talfan Davies ma aanu ka saarin meesha in la xidho dhammaan kanaalada ama adeegyada BBC.
"Waxaan u baahanahay inaan eegno wax walba, oo aan cabir ka dhiganno £500 malyan, waxaana si aan laga baaqsan karin u jiri doona kala xulasho waaweyn iyo qaar adag, laakiin waxaan u baahanahay inaan si taxadar leh uga gudubno arrintan" ayuu u sheegay barnaamijka BBC Radio 4 ee Media Show.
Waxa uu sheegay in hay'addu ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto sanadkan gudihiisa sida adeegyadeedu ay talaabadan u saamayn doonto.
"Dhagaystayaasha dhankooda, shaqada hadda gacanta lagu hayo saddexda ama afarta bilood ee soo socota waa in aan ka shaqayno sidii aan isbeddelladaas u samayn lahayn iyada oo aan waxyeello u geysanayn adeegyada aan ognahay in ay muhiim u yihiin BBC-da guud ahaan raadiyaha iyo telefishinka iyo internetka" ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale qiray in shaqo dhimista ay ku noqon doonto "war dhab ah oo adag" shaqaalaha.
Philippa Childs, oo ah madaxa ururka shaqaalaha warbaahinta ee Bectu, ayaa ka digtay in "dhimista intan le'eg" ay dhibaato ku tahay shaqaalaha iyo guud ahaan BBC-da.
BBC waxay hadda leedahay ilaa 21,500 shaqaale oo ah kuwo shaqeeya waqti buuxa.
Email uu u diray shaqaalaha Arbacadii ayuu Talfan Davies waxa uu ku yiri: "Sida aad ogtihiin, BBC waxa ay wajaheysaa cadaadis dhaqaale oo weyn, kaas oo aan u baahannahay in aan si degdeg ah uga jawaabno.
"Si fudud u dhig, farqiga u dhexeeya kharashkayaga iyo dakhligayaga ayaa sii kordhaya. Tani waxa ay keentay dhowr arrimood: sicir-bararka wax soo saarka ayaa weli ah mid aad u sarreeya, khidmadda shatiga iyo dakhliga ganacsiga ayaa cadaadis ku jira, dhaqaalaha adduunkana weli waa jahwareer ayaa haysta".
Waxa uu sidoo kale soo rogay kontaroolo adag oo ku saabsan kharashka ku baxa qoritaanka shaqaalaha, safarka, la-talinta maamulka, iyo ka qaybgalka shirarka, abaal-marinnada iyo munaasabadaha.
'Go'aamo adag'
BBC waxay hadda kala xaajoonaysaa dawladda mustaqbalkeeda, iyo kan kharashka shatiga, ka hor cusboonaysiinta axdiga boqortooyada ee dhammaadka 2027.
Xoghayaha dhaqanka Lisa Nandy ayaa sheegtay in BBC, "sida hay'ad kasta", ay tahay inay sameyso "go'aamo adag".
"Taasi waa wax aan ogahay in hoggaanka BBC-du ay si dhab ah u qaataan, oo ay ku jiraan sahaminta fursadaha ganacsi iyo dakhli-ururinta kale ee gacan ka geysan kara joogteynta dhaqaalaha BBC" ayay u sheegtay barnaamijka ka baxa idaacadda Radio 4 ee la yiraahdo World at One wax yar ka hor inta aan lagu dhawaaqin go'aannadan.
Shirkaddu waxay inta badan dakhligeeda ka heshaa khidmadda shatiga, laakiin tirada shatiyada TV-ga ee la iibiyo ayaa sannadahan dambe hoos u sii dhacayay.
Warka dhimista kharashka ayaa imanaya ka hor imaanshaha agaasimaha guud ee cusub ee BBC oo ah madaxii hore ee Google Matt Brittin, kaas oo si rasmi ah 18 Maajo u bedeli doona Tim Davie oo dhawaan ka tagay.
'Kumanaan shaqo oo la jarayo'
Childs ayaa sheegtay in shaqaalaha BBC-da "ay durba cadaadis weyn la kulmayeen ka dib wareegyadii shaqo-joojinta ee hore".
Waxay intaa ku dartay: "Waqtigan wararka been abuurka ah iyo warbaahinta ay si aad ah ugu urursan yihiin gacmaha dhawr shirkadood oo caalami ah ayaa UK waxay u baahan tahay BBC kalsooni, hammi iyo waarta ku shaqaysa in loo maalgaliyo si ka badan sidii hore.
"Dowladdu waa in ay hubisaa in dib u cusboonaysiinta cahdiga uu maal-gelinta BBC-da dhigo waddo sugan oo fog, lagana hortago in warbaahinteena qaranka ay wajahdo in kumanaan shaqo la jaro" ayey tiri.
Laura Davison, oo ah xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta qaranka, ayaa sheegtay in "shaqo dhimis badan oo arxan darro ah ay tahay mid khaldan, waxyeellana geysanaya, waxayna u keeni doonaan hubanti la'aan iyo murugo soo wajaha shaqaalaha BBC".
Waxay tiri: "Goyntan waxay si ba'an u wiiqaysaa awoodda BBC-da si ay u fuliso ujeeddooyinkeeda oo ah bixinta saxaafad tayo leh iyo barnaamijyo wax ku baraya, xog ku siinaya, madadaalana leh.
"Qorshayaasha dhimista dheeraadka ah waxay raacaan sannado badan oo dhimis miisaaniyadeed oo dhab ah iyo tallaabooyin kharash-badbaadin ah oo aan joogsi lahayn, kuwaas oo saameynaya qaybaha asaasiga ah ee warbaahinta. Tani ma socon karto. BBC ma bixin karto saxaafad tayo leh iyada oo aan la helin shaqaale karti iyo khibrad leh"