Trump oo ku hanjabay in caawa wax wayn dhici doonaan iyo Iran oo u jawaabtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Iran ugu hanjabay baraha bulshada, isagoo yiri, "Caawa, ilbaxnimadu waa ay dhiman doonta, si aan ka noqosho lahayn".
Trump, ayaa ku dooday in aanu doonayn arrintan balse ay u badan tahay in ay dhici doonto, waxa kale oo uu sheegay in "isbeddel nidaam oo dhammaystiran" uu ka dhacay Iran.
Waxa uu soo jeediyay in "kala duwnaanta, farqiga fikir iyo xagkirnimada maskaxeed ee yar ee" ee imaanaysa awoodda ay keeni karto xal ka duwan oo suurtagal ah:
"Waxaa laga yaabaa inay dhacaan wax kacaan ah, yaa og?"
Trump ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey "47 sano oo mad-madow, musuqmaasuq, iyo geeri ah caawa ayay dhammaanaysaa, Ilaahay ha barakeeyo dadka sare ee Iran!
Dowladda Iran ayaa hanjabaadaas kaga jawaabtay hanjabaad kale.
Ilaalada Kacaanku waxay ka digeen in haddii Maraykanku "ka gudbo khadadka cas," jawaabtoodu "ay dhaafi doonto meel ka baxsan gobolka."
Dalka Hungary, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sidoo kale KA sheegay in Mareykanka uu "gaaray ujeeddooyinkiisii miletari ee aasaasiga ahaa" ee Iran, haatanna ay u taallo Iran inay go'aan ka gaarto sida uu dagaalka ku dhammaanayo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaa jira laba waddo, mid, Iiraaniyiintu waxay go'aansadaan inay noqdaan waddan caadi ah, joojiyaan maalgelinta argagixisada, oo ay ku biiraan nidaamka ganacsiga caalamiga ah."
"Haddii Iiraaniyiintu aysan miiska soo saarin... markaas xaaladda dhaqaale ee Iran waxay sii ahaan doontaa mid aad iyo aad u xun."
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Iran u qabtay ilaa 3:00 subaxnimo xilliga Turkiga Arbacada inay furto marin biyoodka Hormuz.
Sarkaal Mareykan ah, oo la hadlayay CBS News oo xulafo la ah BBC-da ayaa sheegay in Iran ay weerarro cusub ku qaaday bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Jaziirada Khark.
Mareykanka ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday jasiiradan bishii Maarso, iyadoo madaxweyne Trump uu sheegay in bartilmaameedyadii militari ee jasiiradda "gabi ahaanba la burburiyey".
Jasiiradda laga hadlayo ayaa fure u ah dhoofinta saliidda Iran.
Kadib heshiiskii uu Maraykanku hogaaminayay ee Iran ay diiday 6-dii April, sidoo kalena Maraykanku uu diiday in uu aqbalo shuruudaha Iran ay soo jeedisay, maamulka Maraykanku waxa uu kordhiyey hanjabaadaha ka dhanka ah Iran.
Falanqayn: Iran kuma jitro jiwi is dhiibis ah
Ka dib muddo bil ah oo ay ka badbaaday duqeymo xagga cirka ah oo ay geysanayeen laba ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan caalamka, Jamhuuriyadda Islaamiga ah kuma jirto jawi ah in ay tanaasusho.
Way rafaadsan yihiin, shakina kuma jiro midaas, laakiin qayb ahaan dhaqankooda shahiidnimada, heerka ay dhib u dulqaadan karaan waa mid aad uga sarreeya kan waddamada reer galbeedka.
Donald Trump ayaa rajaynaya in hanjabaadiisa ah "in la duqeeyo Iran ilaa ay ka soo noqonayso qarniyadii hore" ay cabsi galin doonto Tehran oo ay ku qasbi doonto inay furto marinka Hormuz.
Laakiin kani waa kaarka ugu xoogan Iran ciyaarayso, mana tanaasuli doonaan ilaa dagaalkan uu dhamaado.
Intaa waxaa dheer, waxay dalbanayaan in la joojiyo dagaalka Israel ee ka dhanka ah Xisbullah.
Dhinaca kale, Iran ayaa ku dhawaaqday habeenimadii Talaadada inay beegsan doonto xarumaha kaabayaasheeda dhaqaale u dhigma ee dalalka Khaliijka haddii Maraykanku uu bartilmaameedsado mid ka mid ah xarumahaas.
Sidaa darteed, Kuwait, Bahrain, Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa si isku mid ah iskugu diyaarinaya weerarrada Trump.












