Bashiir Nuunow: Kumuu ahaa sarkaalka al-Shabaab ee ka dambeeyay qaraxyadii Soobe ee dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dishay?

Soobe
Qoraalka sawirka, Gaari xamuul ah oo ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa dilay ku dhawaad ​​600 oo qof magaalada Muqdisho 14-kii Oktoobar 2017-kii
Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in iyada oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamiga ah, Khamiistii 1-da Oktoobar 2026, howlgal habeennimo oo qorshaysan ay ka fulisay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe halkaas isla markaana ay ku dishay Bashiir Axmed Xaaji Nunow.

Bashiir ayaa hore u ahaa hoggaamiyihii qaybta dilalka ee al-Shabaab ee loo yaqaan Amniyaat, xilkaas oo uu hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2024, sida hay'addu ay sheegtay. Waxaa kale oo uu isticmaali jiray magacyada kale ee Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

"Bashiir Nunow ayaa muddo dheer ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee al-Shabaab, isagoo door weyn ku lahaa qorshaynta iyo fulinta weerarrada lagu bartilmaameedsado shacabka Soomaaliyeed. Dilalkii uu ku lug lahaa waxaa ka mid ahaa weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, weerarkii Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay hoteello iyo goobo kala duwan oo ku yaalla xeebta Liido ee Muqdisho." Ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay'adda.

Gaari weyn oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa 14-kii October sanadkii 2017 lagu weeraray Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, halka qaar kalena ilaa haatan lagu la'yahay.

Sidoo kale, qarax 29-kii October sanadkii 2022 ka dhacay isla aaggaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof. Kooxda ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaas dambe.

"Howlgalkan ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay NISA, iyadoo la kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ay sii waddo oo lagu baacsanayo hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee ku lug leh daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale burburinta shabakadaha ay u adeegsadaan qorshaynta, abaabulka iyo fulinta weerarrada argagixiso." Ayay hay'adda intaas raacisay.

Hay'adda ayaa sheegtay in dilka Nuunow uu qayb ka yahay "dadaallada loogu aargudayo shacabka Soomaaliyeed ee ay al-Shabaab ku dileen weerarrada iyo qaraxyada argagixiso".

Soobe
Qoraalka sawirka, Qof deegaanka ah ayaa eegaya burburka dhismayaal la dumiyay oo ku yaalla Muqdisho 30-kii Oktoobar 2022, kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu bartilmaameedsaday Wasaaradda Waxbarashada 29-kii Oktoobar 2022

Maxaa laga yaqaannaa Bashiir Nuunow?

Wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu xeesha dheer al-Shabaab, kaas oo muddo 20 sano ama ka badan ku dhex jiray kooxda, sida uu BBC-da u sheegay Cabdisalaan Guuleed, oo falanqeeya arrimaha amniga isla markaana ah taliye ku xigeenkii hore ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya (NISA).

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Labadii sano ee ugu dambeysay ma jirin wax xil ah uu ku magacownaa, laakiin waxaa muuqata inuu ahaa ragga laf-dhabarta u ahaa kooxda ee muddada dheer kusoo dhex jiray," ayuu yiri.

Bashiir magaciisa saxda ah waa Cabdulqaadir Maxamed Ibraahim Hargaanti, waxaana dhalay Sheekh caan ka ahaa gobolka Bakool, ee Koofur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna lahaa magacyo badan oo af-garasho kuwaas oo ay ka mid yihiin Abuu Yaxya, Geescadde, Garaad, Bashiir iyo Cabdiraxmaan, sida uu sheegay Cabdisalaan.

Ninkan oo da'diisa lagu qiyaasay 46 sano, ayaa isu keenidda iyo abaabulka ciidanka u qaabilsanaa al-Shabaab.

Intii uu xilka u hayay al-Shabaab waxaa dhacay qaar ka mid ah qaraxyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.

"Amniyaatka waa kuwa sahamiya, qorsheeya isla markaana go'aamada ugu dambeeya ka qaata waxyaabaha dhacaya," ayuu yiri.

Cabdisalaan ayaa sheegay in dilka ninkan ay dharbaaxo weyn ku tahay al-Shabaab, maaddaada uu ahaa nin muhiim u ah kooxda oo muddo dheerna lasoo shaqeeyay.

"Halka lagu dilay waxay khatar gelineysaa oo kalsoonida ka qaadeysaa kooxda, waxayna ka dhigan tahay meel walboo aad joogtaan waan idinku imaan karnaa," ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu ka mid ahaa liiska shanta hoggaamiye ee al-Shabaab ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay sanadkii 2022 u aqoonsatay Argagixisada Caalamiga ah ee Sida Gaarka ah Loo Cayimay (SDGTs).