Sidee ayay BBC-du ku ogaatay dib-u-dhiska qarsoodiga ah ee hoy ku yaalla goobta dalxiiska ee uu Putin ugu jecel yahay?

Ruushka
Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Dacwado maxkamadeed, sawirro dayax-gacmeedyo, iyo xayeysiisyo shaqo oo shaqaalaha dhismaha loogu ballan-qaaday hoy ku dhow barkadda dabaasha, cunto bilaash ah iyo lacag.

Arrimahan oo dhan ayaa daaha ka rogay mashaariicda ballaaran ee dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyay hoyga rasmiga ah ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ku yaalla xeebta Badda Madow, ee loo yaqaan Bocharov Ruchey.

Hoygan nasashada iyo daganaanshaha leh ee ku yaalla magaalada Sochi, waxaa taariikh ahaan isticmaali jiray hoggaamiyeyaashii caanka ahaa sida Nikita Khrushchev iyo Leonid Brezhnev, iyo sidoo kale Boris Yeltsin oo hoggaamiyay Ruushka kadib burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Madaxweyne Putin ayaa markii ugu horreysay hoygan ku hoyday bishii May ee sanadkii 2000, wax yar ka hor caleema-saarkiisii ugu horreeyay, tan iyo xilligaasna wuxuu halkaas dhowr jeer ku qaabilay hoggaamiyeyaal caalami ah oo kala duwan.

Waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday Hoy Madaxweyne. Sida uu sharraxay Madaxa Waaxda Hantida Madaxtooyada Ruushka, Vladimir Kozhin, macnaha tani wuxuu yahay in Madaxweynuhu uu halkaas ku degi karo, ka shaqeyn karo, ku noolaan karo, isla markaana ka gudan karo dhammaan waajibaadkiisa rasmiga ah, oo ay ku jirto masuuliyadda Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sida uu qoray wargeyska Financial Times, sanadkii 2021 - oo ahaa hal sano ka hor duulaankii ballaarnaa ee Ruushku ku qaaday Ukraine - Putin wuxuu Sochi booqday 24 jeer. Hase yeeshee, sanadihii 2024 iyo 2025 wuxuu halkaas tagay kaliya laba jeer.

Hoos u dhaca weyn ee ku yimid booqashooyinka Madaxweynaha ee xeebta Badda Madow ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay si isdaba-joog ah u gaarayeen deegaankaas.

Hase yeeshee, baaritaan ay sameysay BBC-da ayaa daaha ka rogay in, halkii dowladda Ruushku ay iska dayn lahayd hoyga Bocharov Ruchey ay billowday dib-u-dhis ballaaran oo ka weyn tii hore, iyadoo la adkeeyayna tallaabooyinka amniga si aan horay loo arag.

Ruushka
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadkii 2024-kii, iyada oo aan wax ogeysiis ah la bixin, ayay mas'uuliyiintu bilaabeen duminta dhismayaashii hore. Markii la gaaray Sebtembar 2025-kii, goobta waxaa ka muuqday god weyn oo ka dhashay qoditaan ballaaran.

Isla sanadkaas, hay'adda amniga madaxtooyada Ruushka ee FSO ayaa go'aansatay in si weyn loo adkeeyo amniga Bocharov Ruchey, waxayna hoyga hareerihiisa ka samaysay aag amni oo ku fidsan in ka badan 3 kiilomitir oo isku wareeg ah.

Markii la gaaray dayrtii 2026-kii, sida ay muujinayaan sawirrada dayax-gacmeedka ee ay falanqeysay BBC-da Ruushka, waxaa si cad u muuqday saqafyada dhowr dhisme oo cusub oo waaweyn, kuwaas oo laga dhisayo dhul aad uga ballaaran kii hoygii hore ku yaallay.

Inkasta oo sidaas ay tahay, dhammaan qeybihii hore ee xarunta lama dumin. Dhismaha loo dhisay Olombikada Jiilaalka ee Sochi 2014 ee loo yaqaan Bocharov Ruchey-2 ayaa weli taagan. Putin-na wuxuu weli halkaas ku qaabilaa martida heerka sare ah, waxaana ka mid ahaa sanadkii 2024-kii Madaxa Hay'adda Tamarta Atomikada ee Adduunka, Rafael Grossi.

Ilaa hadda mas'uuliyiintu wax war ah si rasmi ah kama soo saarin dhismahan cusub, hase yeeshee baaritaanka BBC-da ayaa soo bandhigay caddaymo ku saleysan dukumiintiyo rasmi ah.

Khilaaf ka dhex aloosan qandaraasleyaal oo ku saabsan go'aan maxkamadeed ayay BBC-du ka heshay tixraaca heshiis ka tirsan barnaamijka wax iibsiga difaaca ee dowladda, kaas oo lagu aqoonsaday lambarka 2327202903572000000000000.

Macluumaadka la xiriira heshiisyada noocaan ah badanaa waa xaddidan yahay, balse lambarkan keliya ayaa daaha ka rogay xog badan oo muhiim ah.

Afarta lambar ee ugu horreeya waxay tilmaamayaan sanadkii heshiiska la saxiixay iyo sanadka uu ku egyahay, kuwaas oo ah 2023 ilaa 2027. Saddexda lambar ee ku xigta, 202, waa koodhka hay'adda heshiiska gashay ee FSO.

Iyadoo lagu guda jiro raadinta go'aanno maxkamadeed oo dheeraad ah oo la xiriira khilaafaadka qandaraas-yaqaannada hoose ee ka shaqeynay Bocharov Ruchey, BBC-du waxay ogaatay in qandaraaslaha ugu weyn ee mashruucan uu yahay TSI Group, oo ka diiwaan gashan gobolka Crimea ee uu Ruushku haysto.

Mid ka mid ah khilaafaadkaas ayaa ahaa mid lala galay machadka naqshadeynta ee Sevastopol, ee loo yaqaan Voen Mor Proekt-30, kaas oo dhowr bilood un kadib markii dhismuhu billowday horraantii 2025-kii, ka haray jadwalkii shaqo ee loo qorsheeyay.

BBC-da ayaa sidoo kale heshay xayeysiisyo shaqo oo ku saabsan shaqaalaha dhismaha, kuwaas oo lagu daabacay baraha bulshada iyo mareegaha shaqo raadinta, kuwaas oo muujinaya baahi loo qabo dhagax-qorayaal, khubaro dhismaha birta ah iyo shaqaalaha shubka.

Qaar ka mid ah xayeysiisyadaas waxaa si cad loogu xusay magaca Bocharov Ruchey.

Hal xayeysiis ayaa lagu qoray: "Hoy ayaa la dhisayaa. Gelitaanka waxaa loo baahan yahay oggolaansho gaar ah, goobta: Bocharov Ruchey".

Xayeysiis kale ayaa ka digayay in "Tani ay tahay xarun xasaasi ah".

Xayeysiis la daabacay bishii Janaayo 2025 ayaa sheegayay in si degdeg ah looga baahan yahay Sochi shaqaale u dhisa dhisme laba dabaq ah oo ku yaal "goob marin xaddidan leh oo u baahan oggolaansho", iyadoo mushaharka lagu bixinayo lacag.

Dabayaaqadii isla sanadkaas, xayeysiis kale ayaa ka hadlayay dhisme afar dabaq ah oo laga dhisayo meel u baahan kaar aqoonsi iyo baaritaan baasaboor.

Vladimir Putin
Qoraalka sawirka, Qoraalka sawirka: Sanadkii 2015-kii, Putin (midig) oo ku jimicsanaya goobtiisa gaarka ah ee jimicsiga ee ku taalla Bocharov Ruchey, isagoo ay wehliyaan ra'iisul wasaarihii xilligaas Dmitry Medvedev

Shaqaalaha waxaa loo ballan qaaday hoy, cunto saddex jeer maalintii ah, qalab bilaash ah iyo dhar shaqo.

Mudnaanta waxaa la siinayay kooxo "ku shaqeyn kara injineerkooda iyo horjoogahooda", inkastoo shaqaalaha madaxa-bannaan sidoo kale la qaadanayay.

Hal xayeysiis ayaa lagu yiri: "Kormeerka farsamada aad uma adka. Hay'adaha amniga Ruushka ayaa la socda dhaqdhaqaaqa maaliyadeed, sidaas darteed wax walba waa nadiif oo hufan".

Ilaa 2026-kii, goobtaas waxaa weli loo raadinayay shaqaale ku takhasusay rakibidda nalalka, tuubooyinka iyo albaabbada.

Mid ka mid ah shaqaale qorayaasha ayaa qoray: "Shaqo aad u badan ayaa jirta, sidaas darteed waxaan u baahannahay dad badan, balse waa inay yihiin farsamayaqaanno xirfad leh."

Wuxuuna ka digay in ay tahay goob marin xaddidan leh oo dhammaan shaqaalaha si gaar ah loo baari doono xagga amniga.

Markii hore, kaliya muwaadiniinta Ruushka ee aan lahayn diiwaan dambiyeed ayaa codsan karayay. Hal xayeysiis ayaa lagu yiri: "Baaritaan asal ah ayaa la sameyn doonaa".

Hase yeeshee markii dambe, shuruudaha ayaa la fududeeyay. Muwaadiniinta Belarus, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan ayaa sidoo kale loogu yeeray inay soo codsadaan, iyadoo loo ballan qaaday hoy.

Ruushka
Qoraalka sawirka, Dhismaha: Erik Faizulin (bidix) iyo Alexey Fomenko oo ka tirsan TSI, iyagoo ka wada hadlaya mashruuca dib-u-dhiska xarumaha caalamiga ah ee carruurta ee Artek

TSI iyo shirkadda la xiriirta ee Trans Stroi Invest ayaa horey uga soo shaqeeyay mashaariic dhisme oo ay leeyihiin dowladda iyo hay'adaha amniga.

Kahor mashruuca Bocharov Ruchey, shirkadda Trans Stroi Invest waxay horey u dhistay hoy kale oo loogu talagalay Putin.

Sanadkii 2019-kii, hay'adda baaritaanka ee Ruushka ee Proekt ayaa soo werisay in shirkaddu ay ku lug lahayd dhismaha hoy dowli ah oo ku yaal deegaanka Oliva ee xeebta koonfureed ee Crimea ee uu Ruushku haysto.

Mashruucan ayaa laga dhisay halkii ay ku yaalleen goobihii nasashada ee dowladda oo ay horey u isticmaali jireen hoggaamiyeyaashii Midowgii Soofiyeeti iyo markii dambe saraakiishii sare ee Ukraine.

Hadda BBC-du waxay heshay go'aanno maxkamadeed oo arrintaas xaqiijinaya. Dukumiintiyada maxkamadda dhexdeeda, goobtaas waxaa si cad loogu tilmaamay "hoy madaxweyne".

Trans Stroi Invest weli waxay ka shaqeyneysaa dhulalka Ukraine ee uu Ruushku haysto. Tusaale ahaan, shirkaddu waxay ku lug leedahay mashruuca dib-u-dayactirka shineemadii ugu qadiimsanayd ee magaalada Mariupol ee loo yaqaan 'Pobeda', oo Ruushku qabsaday 2022-kii.

Sida ku cad diiwaanka heshiisyada rasmiga ah, intii u dhaxaysay 2022 ilaa 2025, TSI waxay heshay 54 heshiis oo lagu dib-u-dhisayo Xarunta Caalamiga ah ee Carruurta ee Artek ee ku taalla Crimea oo uu Ruushku haysto, kuwaas oo wadarta qiimahoodu gaarayo ku dhawaad 330 milyan oo doolar.

BBC-du waxay su'aalo ku saabsan dhismaha Bocharov Ruchey u dirtay wakiillada Trans Stroi Invest, oo uu ku jiro ganacsadaha 47-jirka ah Alexey Fomenko, oo loo arko inuu yahay mulkiilaha dhabta ah ee TSI.

Su'aalahan oo kale waxaa sidoo kale loo diray saaxiibka dhow ee Putin, Arkady Rotenberg, iyo afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov, laakiin ilaa hadda jawaab lagama helin dhinacna.