Trump: Waxaa Dooxa isku hor fariisan doona saraakiisha Maraykanka iyo Iran maalinka berri ah

Trump

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in madaxda Iran iyo Mareykanka ay berri ku kulmi doonaan dalka Qatar.

Mr. Trump ayaa ku soo qoray bartiisa bulshada ee (Truth Social), "Iran waxa ay codsatay kulan, [kulanka] waxa uu ka dhici doonaa berrito Doha."

Aqalka Cad ayaa sheegay in wakiillada Mr. Trump, Steve Whittaker iyo Jared Kushner, ay sidoo kale ka qeybgali doonaan kulanka.

"Witkoff iyo Kushner waxay u duuli doonaan Doha si ay uga qaybgalaan shirar heersare ah usbuucan anagoo sii wadnay inaan ka wada hadalno isfahanka," afhayeenka Aqalka Cad Carolyn Leavitt ayaa u sheegtay Fox News.

Ms. Leavitt ayaa intaa ku dartay in "wadahadalo farsamo" sidoo kale lagu qaban doono agagaarka wada-hadalladan.

Kahor inta uusan Donald Trump ka hadlin kulanka Talaadada ee Qatar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa beenisay wararka qaar ka mid ah warbaahinta ee ku saabsan kulankaas.

Madaxweynaha Mareykanka ma uusan bixin faahfaahin dheeri ah, laakiin Kazem Gharibabadi, oo ah madaxa waaxda farsamada ee kooxda wada xaajoodka Iran, ayaa beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in Tehran ay wadahadal la leedahay Washington Talaadadii.

Mr. Gharibabadi ayaa yiri maanta, "Inkasta oo wada-hadallada ay u socdaan sidii caadiga ahayd, oo ay ku jiraan la-tashiyada Qatar, oo ay ku jiraan fulinta ballan-qaadyadii dhinaca kale, ma xaqiijin karno wararka lagu daabacay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegaya in wadahadalo farsamo ay ku yeelan doonaan Dooxa."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mar sii horreysay, shabakadda wararka ee Mareykanka ee Axios ayaa sheegtay in Tehran iyo Washington ay ku heshiiyeen in la joojiyo weerarrada cusub ee midba midka kale ka geysanayo gacanka Persian, ayna wadahadalo toos ah ka billaaban doonaan Doha maalmaha soo socda.

Wariyaha Axios Barak Rawid ayaa soo qoray: "Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen inay joojiyaan weerarrada midba midka kale ah".

Waxa uu intaa ku daray, "Sida uu sheegay sarkaalku, waxaa la qorsheeyay in labada dhinac ay xaliyaan khilaafkooda ka taagan marin biyoodka Hormuz, kulanka ay ku yeelanayaan magaalada Dooxa Talaadada."

Sida laga soo xigtay warbixinta Axios, wadahadalladan cusub ee la qorsheeyay ee Tehraan iyo Washington ayaa diiradda lagu saari doonaa marin biyoodka Hormuz.

Tehran ayaa sheegtay in heshiiska lagu soo afjaray dagaalka Mareykanka uu dhigayay in Iran ay gacanta ku dhigto marin biyoodka Hormuz, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ay sabab u ahaayeen Mareykanka oo ku guuldareystay inuu maareeyo marinka Hormuz.

Markab

Xigashada Sawirka, Reuters

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araqchi ayaa mar uu Axadii booqasho ku tagay dalka Ciraaq sheegay in Tehran ay "kaliya" mas'uul ka tahay in ay si buuxda u furto marinka Hormuz, sida uu dhigayo heshiiskii ay la galeen Mareykanka, faragelin kastana ay caqabad ku noqon doonto hannaankan, ayna horseedi doonto xiisad colaadeed.

"Ku xadgudubka qaybo ka mid ah heshiiska Mareykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda [Israa'iil] - gaar ahaan qodobkiisa koowaad - wuxuu caqabad weyn ku noqday soo celinta amniga iyo xasilloonida gobolka," ayuu yiri mar uu la kulmay madaxweynaha Ciraaq Nizar Amidi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa intaa ku daray inay doonayaan in la dhaqan geliyo qodobada heshiiska, balse ay "qaadi doonaan tillaabooyin adag" oo ay kaga hortagayaan xadgudub kasta oo ka yimaada dhanka kale.

Waxaa xusid mudan in saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ugu yaraan labo markab lagu beegsaday marin biyoodka Hormuz, taasoo keentay in Iran iyo Mareykanka ay weeraro isweydaarsadaan.

Markabkii ugu horeeyay ayaa la beegsaday maalintii Khamiista, waxaana xigay Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay xeebaha koonfureed ee Iran, Iran ayaa sheegtay inay beegsatay saldhigyada Mareykanka ee gobolka, taasoo jawaab u ah.

Labada Tehran iyo Washington ayaa midba midka kale ku eedeynayaa inuu jabiyay xabbad joojinta.