You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Spain oo ansixisay qorshe sharci lagu siinayo ilaa 500,000 oo muhaajiriin ah
- Author, Guy Hedgecoe
- Reporting from, Madrid
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Dowlada Spain ayaa oggolaatay qorsheyaal lagu siinayo aqoonsi 500,000 oo muhaajiriin ah oo aan sharciyeysneyn, taasoo u oggolaaneysa in si rasmi ah loogu daro shaqada.
Ra'iisul Wasaare Pedro Sánchez ayaa go'aanka dawladdiisa ku tilmaamay mid ah "fal caddaalad ah" iyo arrin daruuri ah oo ay u baahan tahay Spain.
Qoraal uu u diray dadka reer Spain oo uu soo dhigay baraha bulshada, Sánchez oo ah hanti-wadaag, ayaa sheegay in sharcigan guud looga golleeyahay "in lagu qiro xaqiiqada ku dhowaad nus malyuun qof oo haddaba qayb ka ah nolosheenna maalinlaha ah".
Xisbiga mucaaradka ah ee Conservative-ka ee dalka Spain (PP) ayaa ballan-qaaday inuu isku dayi doono inuu hor istaago sharciyeyntan, iyagoo sheegay inay dhiirrigelin u tahay muhaajiriinta sharci-darrada ah, ayna keeni doonto in qaar kale oo badani yimaadaan.
Qorshaha dawladdu wuxuu muhaajiriinta bilaa waraaqaha ah siinayaa oggolaansho degganaansho oo hal sano ah, kaas oo dib loo cusboonaysiin karo.
Si ay ugu qalmaanna, codsadeyaashu waa inay caddeeyaan inay Spain ku noolaayeen muddo shan bilood ah, isla markaana ay leeyihiin diiwaan dambiyeed nadiif ah.
Waxay haystaan inta u dhaxaysa 16-ka Abriil ilaa dhammaadka Juun si ay u soo codsadaan.
Sánchez wuxuu sheegay in muhaajiriintu ay gacan ka geysteen "dhisidda Spain hodan ah, furan, oo kala duwan; taas oo aan maanta nahay, hankeenuna yahay."
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay inay muhaajiriintan u baahan yihiin si loo joogteeyo dhaqaalaha iyo adeegyada dadweynaha ee dal dadkiisu sii gaboobayaan.
Waxaa kale oo uu sheegay inay tani tahay dariiqii saxda ahaa ee qarankan, iyadoo horay dad badan oo u dhashay Spain ay ugu haajireen dalal kale si ay u helaan fursado ka wanaagsan kuwa dalkooda.
Xarunta cilmi-baarista ee Funcas ayaa qiyaastay inay Spain ku sugan yihiin ku dhawaad 840,000 oo muhaajiriin bilaa waraaqo ah, kuwaas oo badankoodu ay u dhasheen Latin America.
"Tani waxay faa'iido u noqon doontaa dad badan, waxayna siin doontaa fursad ay ku shaqeystaan iyo nolol tayo leh," ayuu yiri Ricardo, oo ah naqshadeeye garaafyada oo u dhashay Bolivia, kaas oo aan awoodin inuu helo shaqo sugan, qorshaynayana inuu codsado nidaamkan.
"Waxaa kale oo ay ka dhigan tahay lacag badan oo u soo xaroota dawladda Spain iyo shaqaale badan oo si sharci ah ay u heli karaan loo-shaqeeyayaashu."
Mucaaradka ayaa sheegay in qiyaasta dawladdu ay khaldan tahay, ayna suurtogal tahay inay hal malyuun oo muhaajiriin ahi codsadaan nidaamkan, iyadoo xisbiga PP uu qorshahan ku tilmaamay "mid laga caroodo".
Kaniisadda Katooligga ayaa dhankeeda taageertay sharciga dawladda.
Nidaamkan ayaa imaanaya xilli qaar badan oo ka mid ah deriska Spain ee Yurub ay adkaynayaan xakamaynta socdaalka.
Dawladihii Hanti-wadaagga iyo kuwa PP labaduba waxay hore u hirgeliyeen cafisyo dhanka muhaajiriinta ah.
Midkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2005-tii, markaas oo 577,000 qof ay degganaansho heleen xilligii uu jiray maamulkii Hanti-wadaagga.
Tirada ugu badan ee muhaajiriinta aan sharciga lahayn ee hadda ku nool Spain ayaa la rumeysan yahay inay ka yimaadeen Colombia, Peru, iyo Honduras.
Dawladda isbahaysiga hanti-wadaagga ee Spain ayaa kaga duwan dalalka kale ee waaweyn ee Yurub arrintan, iyadoo hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay muhaajiriintu u leeyihiin dhaqaalaha.
Dalku wuxuu ka waxqabad fiicnaa dalalka kale ee dhaqaalaha ee waaweyn ee Midowga Yurub sanadihii u dambeeyay, iyadoo la filayo kobac dhaqaale oo ku dhow 3% sannadka 2025.
Shaqo la'aanta, oo ahayd daciifnimo muddo dheer soo jirtay oo haysata dhaqaalaha Spain, ayaa hoos uga dhacday 10% markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 2008, sida ku cad tirokoobyada ay soo saartay hay'adda tirakoobka dalkaas maalintii Talaadada.