Muxuu yahay hubka halista ah ee maalmihii u dambeeyay uu Mareykanka u adeegsaday Iiraan?

Khubarada hubka, oo falanqeeyay sawirro la daabacay, ayaa sheegay in gantaallo casri ah oo Mareykan ah ay u badan tahay in loo adeegsaday weerarkii dhimashada badnaa ee bishii hore ka dhacay deegaan dad deggen yihiin oo ku yaalla Iran.
Gantaalka la baahiyay sawirradiisa weerarka lagu qaaday dhismayaasha la deggan yahay ee ku yaalla magaalada Lamerd ee koonfurta Iran ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa "gantaal noca ku hubsada bartilmaameedyado sax ah" (PrSM), oo ah hub cusub oo masaafo dheer wax ka dila oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka, sida ay sheegeen falanqeeyayaal.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay ugu yaraan laba weerar oo isla maalintaas ka dhacay magaalada, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran. Weerarrada ayaa la sheegay inay beegsadeen dhismayaal la deggan yahay iyo hool lagu qabto xafladaha oo isu jira qiyaastii 300 mitir.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), oo kormeera hawlgallada milatari ee ee Bariga Dhexe, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo.
Sida ku cad tirakoobkii 2016, Lamerd waa magaalo ku taalla gobolka Fars oo leh dad ku dhow 30,000. Magaalada waxay ku taallaa dhul buuraley iyo dhagax badan leh, waxayna qiyaastii 14 saacadood baabuur u soo socdaaTehran.
Muuqaallo CCTV ah oo ay baahisay warbaahinta dowladda Iran, isla markaana ay xaqiijisay BBC Verified, ayaa muujinaya waxa khubaradu aaminsan yihiin inuu yahay gantaal Mareykan ah oo dul maraya aagga bartilmaameedka daqiiqado ka hor inta uusan qarxin.
Saddex falanqeeye oo ka tirsan shirkadda sirdoonka difaaca ee Jane's iyo khabiir ka tirsan McKinsey Intelligence ayaa sheegay in qaabka, dhererka, iyo cabbirka qaraxa uu sameeyay gantaalka, iyo maqnaanshaha nidaamyo xakameyn oo muuqda oo ku yaalla qaybta hore, ay muujinayaan in hubka la arkay uu u badan yahay "gantaal weerar sax ah ama ku dhaca halkii loogu talagalay" (PrSM).
Amal Kotlarsky, oo ah falanqeeye ka tirsan Jane's, ayaa aaminsan in iyadoo lagu saleynayo astaamahan iyo masaafada u dhexeysa goobaha suurtagalka ah ee Mareykanku ka ridi karo gantaallada Bariga Dhexe, gantaalkan uu u badan yahay hubka kaliya ee ciidamada Mareykanka haystaan ee gaari karay magaaladaas.
Shirkadda McKenzie Intelligence sidoo kale waxay sheegtay in magaalada Lamerd ay "ku jirtay xadka gaari karo" ee gantaalkan:
"Xarunta taliska dhexe ee mareykanka ayaa sheegtay in marxaladihii hore ee dagaalka, ay isticmaashay gantaallada weerarka saxda ah (PrSM) si ay weerarro ugu qaaddo Iran, iyadoo laga soo riday saxaraha dal aan la cayimin oo ku yaalla gobolka Gacanka Faaris."
Macnaha hadalkan ayaa ah in masaafada u dhexeysa meelaha ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin saldhigyada Bariga Dhexe iyo magaalada Lamerd ay ku habboon tahay awoodda gantaalkan cusub, maadaama PrSM uu gaari karo boqolaal kiiloomitir oo ah masaafo fog.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bartilmaameedka weerarka ayaa laga yaabaa inuu ahaa saldhig ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) oo ku dhow hoolka xafladaha ciyaaraha lagu qabto. Si kastaba ha ahaatee, wax sawirro ah lagama soo saarin goobta si loo muujiyo in saldhigga la garaacay, waxaana muuqata in dhismahaasi uusan waxyeello gaarin marka la eego sawirro dayax-gacmeed oo tayo sare leh oo la qaaday 9-kii Maarso.
Weerarkan, oo dhacay maalintii ugu horreysay ee dagaalka, ayaa yimid saacado yar kaddib weerar lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab, kaas oo saraakiisha Iran ay sheegeen inuu dilay ugu yaraan 168 qof, oo ay ku jiraan ku dhowaad 110 carruur ah.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadan, wuxuuna adkeeyay in ciidamada Mareykanku "aysan waligood beegsan goobaha rayidka."
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee ciidamada ay adeegsadaan hubkan, oo ay soo saartay shirkadda Lockheed Martin, kaas oo la qorsheeyay inuu adeegga galo sannadka 2023.
Macluumaad aad u yar ayaa laga bixiyay jiilkan cusub ee gantaallada ballistic-ga ah ee masaafada dheer, kuwaas oo gaari kara ilaa 500 kiiloomitir.
Gantaalkan ayaa beddel u ah gantaalka Atkmaz, oo ah gantaal dhulka laga rido laguna beegsado bartilmaameedyada dhulka ah oo gaari kara ilaa 300 kiiloomitir, kaas oo Ukraine ay u adeegsatay weerarro ka dhan ah Ruushka.
Jeneraal Dan Keene, oo ah guddoomiyaha Taliyeyaasha Isku-dhafka ah, ayaa ku ammaanay adeegsiga hubkan shir jaraa'id oo uu qabtay 13-kii Maarso, isagoo sheegay inay "taariikh sameeyeen," isla markaana ay hawlgalladooda ku fuliyeen "saxnaan iyo go'aan adag oo ka dhashay tababar joogto ah iyo kalsooni ay ku qabaan nidaamyadooda hub."
Muuqaallo iyo sawirro ay dib u eegtay waaxda xaqiijinta ee BBC ayaa muujinaya in gantaalkan laga yaabo in sidoo kale loo adeegsaday weerar kale oo ku dhow isla waqtigaas, kaas oo lagu qaaday hool ciyaareed oo qiyaastii 300 mitir u jira dhismayaasha la deggan yahay.
Mid ka mid ah muuqaallada, waxaa lagu arkayaa waddo weyn oo ay baabuur ku socdaan, iyadoo hool jimicsi uu ka muuqdo gadaasha. Daqiiqado yar kaddib, wax u eg kubbad holcaysa ayaa ku qaraxda dusha hoolka.
Inkasta oo gantaalka laftiisa uusan ka muuqan xagasha laga duubay muuqaalka, haddana hirka qaraxa ayaa u muuqda inuu jebinayo daaqadaha dhisme ku yaalla dhinaca kale ee waddada, waxaana la arkayaa nin si argagax leh uga cararaya goobta.

Xigashada Sawirka, Tasnim
Sawirro laga qaaday goobta kaddib weerarka ayaa muujinaya in hal dhinac oo ka mid ah dhismaha uu gebi ahaanba dabooshay wasakh madow qiiq iyo gubasho, iyadoo qiiq cir isku shareeray. Waxaa sidoo kale muuqda dhaawac soo gaaray saqafka, iyo burbur (haraa qarax) ku firdhay agagaarka goobta.
Falanqeeye ka tirsan shirkadda Jane's ayaa sheegay in inkasta oo muuqaalka keligii uusan caddeyn karin nooca hubka loo adeegsaday weerarka hoolka jimicsiga, haddana sawirrada kaddib weerarka ay muujinayaan caddeymo la jaan qaadaya madaxa qaraxa ee gantaal hagitaan sax ah leh ee (PrSM).
"Maadaama tani ay tahay markii ugu horreysay ee aan aragno gantaalkan isagoo la adeegsanayo, ma hayno wax aan la barbar dhigno. Qaabka firirka iyo jajabka iyo cufnaantiisa lagu arkay dhismaha ayaa taageeraya falanqeyntan ku saabsan nooca madaxa qaraxa," ayay tiri Kotlarsky.
Shirkadda Lockheed Martin ayaa ku sifeysa gantaalkan boggeeda internetka inuu yahay "haboon la tijaabiyay, kharashkiisuna hooseeyo isla markaana halistiisu yar tahay." Shirkaddu waxay diiday inay faallo ka bixiso weerarka, iyadoo su'aalaha u gudbisay dowladda Mareykanka.
Shirkaddu waxay sidoo kale ku dhawaaqday Arbacadii, 25-ka Maarso, inay heshiis la saxiixatay Wasaaradda Difaaca Mareykanka si ay "afar jibbaar" u kordhiso soo saarista hubkan.












