10-ka waddan ee Afrikaanka ah ee daynta ugu badan lagu leeyahay 2026

lacag

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Heerarka sare ee deymaha laga qaato Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) iyo lacag bixiyeyaasha kale ee dibadda ah waxay u horseedi karaan khataro dhaqaale oo la taaban karo oo mustaqbalka fog waddamada Afrika, gaar ahaan haddii dhaqaaluhu ku tiirsan yahay amaahda xad-dhaafka ah si loo dheellitiro dhaqaalaha dadweynaha ama loo taageero maalgashi muhiim ah, sida laga soo xigtay Business Insider Africa.

In kasta oo deymaha IMF-ta inta badan loo isticmaalo in lagu caawiyo waddamada maaraynaya dhibaatooyinka dhaqaale, culaysyada deynta muddada-dheer waxay wiiqi kartaa rajada horumarka, waxay caqabad ku noqon kartaa dabacsanaanta lacagta, waxayna kordhin kartaa halista jahawareerka dibadda sida kor u kaca qiimaha saliidda, sicir-bararka adduunka, ama hoos u dhaca dakhliga badeecadaha.

Dhacdooyinkii u dambeeyay ee Mozambique, sida lagu arkay Reuters, iyo Angola ayaa muujiyay qaar ka mid ah khatarahaas.

Mozambique ayaa dhawaanahan waxa ay wajahday baaritaan dheeraad ah oo ku saabsan sii jirista deynta lagu leeyahay, iyada oo laga walaacsan yahay in xaaladda dhaqaale ee waddanku ay sii xumaanayso.

Sida laga soo xigtay Business Insider Africa, falanqeeyayaasha caalamiga ah iyo hay'adaha qiimeynta ayaa ka digay in heerka deynta Mozambique ay noqonayso mid sii kordheysa oo aan la maarayn karin, taasoo kor u qaadaysa walaaca laga qabo in waddanku uu ugu dambeyntii dib uga gorgortamo waajibaadkiisa dibadda.

dayn

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xaaladahan oo kale waxay wiiqi karaan kalsoonida maalgashadayaasha, yaraynta gelitaanka suuqyada raasamaalka caalamiga ah, iyo kordhinta kharashaadka amaahda ee dawladaha iyo ganacsiyada.

Marka waddan loo arko mid dhaqaale ahaan deggan, maalgashadayaasha waxay inta badan dalbadaan dulsaar sare si loo magdhabo khatarta.

Tani waxay kordhisaa kharashka amaahda mustaqbalka, iyada oo dhaqaalaha ku xiraysa giraan aan dhammaan oo ah in dawladuhu amaahdaan lacago si ay isaga bixiyaan deymaha lagu leeyahay halkii ay horumarin lahaayeen waaxyo wax soo saar leh sida wax soo saarka, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha ama waxbarashada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kiiska Angola, sida ay sheegtay Reuters, waxay muujineysaa sida cadaadiska deynta uu u sii jiri karo xitaa markii dhaqaale laga helo kheyraadka.

Inkasta oo laga faa'iidaysanayay qiimaha saliidda oo sarreeya bilihii la soo dhaafay, waddanku wuxuu helay digniino ah in deynta guud ee lagu leeyahay mustaqbalka in ay gaari karto heerar khatar ah mustaqbalka.

Tani waxay muujineysaa sida wadamada deymaha culus lagu leeyahay ay ula halgamayaan in ay gaaraanxasillooni maaliyadeed oo mustaqbalka fog ah xitaa marka ilaha dakhligu ay isbedelaan.

Waxa kale oo ay muujinaysaa in deynta sare ay xaddidayso awoodda dawladda si ay uga jawaabto arrimaha muhiimka ah ee dhaqaalaha.

Wadamada soo socda ayaa ah wadamada Afrika ee sanadkan deymaha ugu badan ay ku leedahay IMF.

1. Masar 7,245,182,524

2. Ivory Coast 3, 603,438,776

3.Kenya. 2, 873,418, 234

4. Ghana 2,728,468,500

5. Angola 2,437,716,676

6.DRC 2,196,550,004

7. Ethiopia 1,764,502,000

8. Tanzania. 1,335,730,000

9. Zambia 1,271,660,000

10.Cameroon. 1,152,990,000

10-ka waddan ee Afrikaanka ah ee lagu leeyahay deynta ugu yar ee IMF 2026

1. Namibia 0

2. Lesotho

3. Comoros

4.Djibouti

5. Sao Tome and Principe

6. Equatorial Guinea

7.Guinea-Bissau

8.Cape Verde

9. Burundi

10. Seychelles