Imaaraadka oo warbixin ka soo saaray duuliyihii weeraray kabtanka diyaaradii u socotay Israa'iil iyo wixii u weerarka u adeegsaday

Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta, Hamad Saif Al Shamsi, ayaa sheegay in baaritaannadu ay muujiyeen in duuliyaha labaad ee diyaaradda Flydubai uu isku dayay inuu fuliyo "fal argagixiso".

Waxa uu xusay in uu qorshihiisa bilaabay xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay, isagoo kabtanka diyaaradda ku weeraray gudaha qolkii duuliyeyaasha, isagoo adeegsanaya faas loogu talagalay xaaladaha degdegga ah, isla markaana isku dayay inuu la wareego kontoroolka diyaaradda, sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka Imaaraadka ee rasmiga ah WAM.

Sida uu sheegay Al Shamsi, "Baaritaannadu weli way socdaan si loo ogaado dhammaan duruufihii ku xeernaa dhacdada, ujeeddooyinkeeda iyo xiriirrada la xiriira, iyadoo sidoo kale la dhammaystirayo baaritaannada farsamo iyo hubinta caddeymaha jireed iyo kuwa dijitaalka ah. Natiijooyinka kama dambaysta ahna waxaa la shaacin doonaa sida ugu dhakhsaha badan marka la dhammaystiro habraacyada lagama maarmaanka ah."

Mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiyay inay bilaabeen baaritaanka dhacdada, iyadoo Xeer-ilaaliyaha Guud uu faray in "la xaqiijiyo heerka uu dhacdadani xiriir ula leedahay wax kasta oo ah fal ama ujeeddo argagixiso, ama in hore loo sii qorsheeyay ama loo abaabulay."

Xeer-ilaalinta guud ee Imaaraadka Carabta ma uusan shaacin dhalashada duuliyaha labaad sida lagu sheegay baaritaanno ay Sabtidii baahisay Wakaaladda Wararka ee Imaaraadka (WAM) balse il-wareed Sacuudi ah ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP inuu ahaa nin u dhashay dalka Cumaan.

Duuliyihii labaad ee weerarka qaaday wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Cumaan, sida uu sheegay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu.

Warbaahinno badan oo warbaahino ay ka mid yihiin Reuters, CNN iyo The New York Times ayaa magaciisa ku sheegay Hamam al-Hammami. Hase yeeshee, arrintan weli ma jirto cid rasmi ah oo xaqiijisay.

Intii uu ka shaqeynayay shirkad diyaaradeed oo kale, Oman Air, warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in Al-Hammami laga saaray tababarka duuliyenimada sababo la xiriira walaac laga qabay aragtiyihiisa xagjirka ah, waxaana loo dhiibay xil kale oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha qaranka Cumaan.

Jaamacadda Buckinghamshire New University ee UK ayaa sheegtay inuu dhammaystay koorso saddex sano ah oo waxbarasho aan toos ahayn, isla markaana uu 2023 ku qalin-jabiyay shahaado jaamacadeed oo ku saabsan maaraynta duulista. Jaamacaddu waxay intaas ku dartay inuusan halkaas ku qaadan wax tababar duuliyenimo ah.

Isagoo la hadlayay Fox News, Netanyahu wuxuu sheegay in kaddib markii weeraryahanka lagu qabtay diyaaradda, uu shaqaalaha diyaaradda ku qayliyay: "I dila, i dila!"

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil wuxuu intaas ku daray: "Sidaas darteed, waxaa cad inuu doonayay inuu isdilo… waxayna u muuqataa inay aad u badan tahay inuu doonayay inuu diyaaradda soo rido."

Xeer-ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta, Hamad Saif Al Shamsi, ayaa sheegay in baaritaannada dhacdada ay muujinayaan in duuliyihii labaad uu isku dayay inuu fuliyo "fal argagixiso," sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka.

Duuliyihi kale ee weerarka ku dhaawacmay Machchhar, ayaa loo qaaday isbitaal, ka hor inta aan diyaarad caafimaad loogu qaadin Abu Dhabi, halkaas oo lagu soo warramay inuu ku jiro xaalad caafimaad oo deggan.

Duuliyaha, oo u dhashay Hindiya, ayaa "caafimaadkiisu wanaagsan yahay, si fiicanna u soo kabanaya," sida ay Khamiistii sheegtay safaaradda Hindiya ee Imaaraadka Carabta.

Machchhar ayaa yiri: "Waxaan ku kalsoonahay inaan soo kaban doono, mar kalena aan caafimaad qab taam ah noqdo."

Qiyaastii laba saacadood iyo bar kaddib markii diyaaradda ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Dubai, ayay si xooggan oo degdeg ah hoos uga hoobatay heerkii duulimaadkeeda.

Diyaaraddu waxay marka hore dirtay calaamadda "xaalad degdeg ah oo guud", oo ah koorka squawk 7700, ka hor inta aysan u wareegin squawk 7500, oo ah koorka tilmaamaya "faragelin sharci-darro ah" ama afduub diyaaradeed.

Mid ka mid ah rakaabka ayaa BBC-da uga warramay xilligii uu ogaaday in wax khaldan yihiin.

Almog Itali ayaa yiri: "Si kedis ah ayay diyaaraddii u billowday inay, sidii leexada oo kale, hoos ugu dhacdo iyadoo leh xoog aad u weyn oo G-force ah. Waxay si xawli ah hoos ugu dhacaysay 20 ama 30 ilbiriqsi, dabadeed way degtay, ka dibna mar kale ayay hoos u billowday."

Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog ayaa Khamiistii sheegay in digniinta lagu bixiyay gudaha diyaaradda ay ahayd haweeney Israa'iili ah oo lagu magacaabo Tali Manes, taas oo maqashay sawaxan iyo buuq ka imanayay qolka duuliyeyaasha.

Ninkeeda, Zvika, oo ay weheliyaan saddex nin oo kale Yaniv Hayun, Dr Shota Musayev iyo Asaf Rajuan, ayaa galay qolka duuliyeyaasha kaddib markii Kabtan Machchhar, inkastoo uu dhaawacnaa, uu ku guuleystay inuu albaabka furo.

Hayun, ayaa muuqaal ay baahisay xafiiska ra'iisul wasaaraha ku sheegay in weeraryahanku "isku dayayay inuu burburiyo qalabka si uu diyaaradda uga dhigo mid aan la maamuli karin."

Hayun, ayaa sidoo kale sheegay inuu weeraryahanka qoorta ka qabtay, isaga oo bannaanka uga soo jiiday qolka duuliyeyaasha, ka hor inta aysan rakaab kale ka caawin inay dhulka ku dhigaan.

Wareysi uu CNN siiyay fiidnimadii Arbacada, Netanyahu wuxuu sheegay in duuliyihii la mindiyeeyay, rakaabkii iyo shaqaalihii kale ee diyaaradda ay "ku guuleysteen inay ka hortagaan musiibo la mid ah tii 9/11."