Qandaraaslaha WHO ee dilkiisu sababay in uu joogsado barnaamij muhiim u ahaa reer Qasa

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa joojisay daad gureynta caafimaad ee Gaza ilaa Masar iyada oo la sii marayo isgoyska Rafah ka dib markii qandaraasle ay dileen ciidamada Israel Isniintii.
Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in qandaraaslaha - magaciisa lagu sheegay Majdi Aslan, oo 54 jir ah - lagu dilay " shil amni" iyo in laba ka mid ah shaqaalaha ay joogeen balse aanay dhaawacmin. Faah faahin intaas dhaafsiisan ma uusan bixin.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in qandaraaslaha uu waday gaari ay WHO u kiraysay koonfurta Qaza markii ay bartilmaameedsadeen ciidamada Israel.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in ciidamadoodu "ay ogaadeen baabuur aan calaamad lahayn oo ku soo dhowaaday, taasoo keentay khatar degdeg ah".
"Ciidamada oo ka jawaabaya rasaas digniin ah ayay rideen, gaariga ayaa ku sii dhaqaaqay ciidamada, kaddibna waxay ku jawaabeen rasaas kale oo haleeshay gaariga," ayay raaciyeen hadalkooda.
"Dhacdada dib ayaa loo eegayaa."
Tedros waxa uu sheegay in WHO ay hakisay daadgureynta caafimaad ee ay dadka Falastiiniyiinta ah ee buka iyo kuwa dhaawaca ah laga soo qaadayo Gaza ilaa iyo amar dambe.
"Waxaan ku baaqaynaa in la ilaaliyo rayidka iyo shaqaalaha samafalka," ayuu raaciyay hadalkiisa.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hanan Balkhy, oo ah agaasimaha gobolka ee WHO, ayaa ku tilmaantay dilka qandaraaslaha inuu ahaa "khasaare aad u xun" waxayna ka digtay in joojinta daad-gureynta caafimaadka ay "jareyso waddo muhiim ah oo lagu daryeelayo bukaannada".
Isbitaalka al-Aqsa ee bartamaha Gaza, Majdi Aslan saaxiibkiis , ayaa saxaafada u sheegay in gaariga uu watay ay si cad ugu calaamadsan tahay calaamadda WHO dhinac walba, wuxuuna sheegay in uu socday afaafka hore ee kolonyo isku dubaridneed oo bukaanada u waday isgoyska Rafah, markii ay rasaas ka dhacday taangi Israel leedahay ay haleeshay .
"Taangiga ayaa si toos ah u soo baxay oo bartilmaameedsaday darawalka si uu u istaago, waxaa gaariga saarnaa saddex qof, darawalka ayaa ah midka dadaal ku bixiyay xaaladda aan ku noolnahay," ayuu yiri Raed Aslan. "Waa maxay xabbad-joojin tani? Maalin walba qof ayaa la dilayaa."
Dhakhtar ka tirsan cisbitaalka, Dr Fathi al-Lulu, ayaa sheegay in Majdi Aslan la beegsaday isaga oo "isku-dubbaridaya u wareejinta bukaannada Marinka Gaza dhinaca Masar".
In ka badan 18,000 oo bukaanno Falastiiniyiin ah ayaa sugaya inay ka baxaan Gaza si loo daweeyo, sida ay sheegeen isbitaallada maxalliga ah iyo WHO.
Israa'iil iyo Xamaas ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu si joogto ah u jebiyey xabbad joojintii ay ku heshiiyeen ku dhawaad lix bilood ka hor.
Ugu yaraan 733 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo markii ay bilaabatay xabbad joojinta u dhaxeysa Israa'iil iyo Xamaas 10kii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in shan ka mid ah askartooda lagu dilay weeraro ay qaadeen kooxaha Falastiiniyiinta isla muddadaas.











