You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Israa'iil iyo Lubnaan oo wada-hadalladii ugu horreeyay yeelanaya tan iyo 1993
- Author, Bernd Debusmann Jr
- Role, Ku sugan Aqalka Cad
- Author, Nada Tawfik
- Role, Ku sugan Waaxda Arrimaha Gudaha
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
Lubnaan iyo Israa'iil ayaa yeeshay wadahadalkoodii ugu horreeyay ee diblumaasiyadeed muddo soddon sano ah, kanoo ah kulan naadir ah oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo kooxda ay Iran taageerto ee Xisbullah.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, oo dhexdhexaadinayey ayaa sheegay inay tahay "fursad taariikhi ah" si loo soo afjaro saamaynta Xisbullah.
War ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la bilaabo wada xaajood toos ah, iyadoo xilliga iyo goobta la go'aamin doono. Israa'iil waxay sheegtay inay doonayso inay hubka ka dhigto dhammaan kooxaha argagixisada ah ee aan dowliga ahayn - taasoo ay ula jeeddo Xisbullah.
Lubnaan waxay ku baaqday xabbad-joojin iyo tallaabooyin wax looga qabanayo dhibaatooyinka bini'aadantinimo. Labada dal ma laha xiriir diblomaasiyadeed, waxaana wadahadalkii ugu dambeeyay oo toos ah oo heer sare ah ee dhex maray uu dhacay 1993-kii.
Ilaa 2,000 oo qof ayaa la dilay tan iyo markii howlgalka milatariga Israa'iil ee Lubnaan uu billowday 2-dii March, maalmo uun kadib markii ay Iiraan ka billowdeen duqeymihii Mareykanka iyo Israa'iil.
Iyadoo labada dhinac ay ku shirayeen Washington Talaadadii, Xisbullah waxay sheegatay in ugu yaraan 24 weerar ay ku qaadeen Israa'iil iyo ciidamada Israa'iil ee ku sugan Lubnaan.
Dhawaqa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayay ku baraarugeen bulshooyinka waqooyiga Israa'iil inteeda badan maalintii.
Israa'iil ayaa sheegtay in howlgallada ay ka wadaan Lubnaan ay uga golleeyihiin hub ka dhigista iyo burburinta kooxdaas oo ay sidoo kale dagaallameen sannadihii 2023 iyo 2024-kii xilligaas oo uu socday dagaalka Qasa.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, Tommy Pigott, ayaa hadal uu soo saaray wadahadalka kaddib ku sheegay in Israa'iil iyo Lubnaan ay ku heshiiyeen inay ka shaqeeyaan sidii loo dhimi lahaa saameynta Xisbullah.
Dhanka Lubnaan ayaa sidoo kale ku baaqay "xabbad joojin iyo tallaabooyin la taaban karo si wax looga qabto loogana yareeyo dhibaatada ba'an ee bini'aadantinimo" ee dalka ka jirta, ayuu raaciyay.
Dhanka kale, Maraykanku "wuxuu muujiyay taageerada uu u hayo xaqa ay Israa'iil u leedahay inay iska difaacdo" weerarrada Xisbullah, ayuu yiri.
Rubio oo la hadlay warfidiyeenka ka hor kulanka ayaa sheegay in kulanku uu ahaa "hannaan".
"Tani waqti ayay qaadan doontaa, laakiin waxaan aaminsannahay inay u qalanto dadaalkaan," ayuu yiri. "Waa kulan taariikhi ah oo aan rajaynayno inaan wax ka dhisno."
Bayaan uu soo saaray, ayuu Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ku sheegay inuu rajaynayo in wadahadalladu ay "calaamad u noqdaan billowga dhammaadka dhibaatada dadka Lubnaan guud ahaan, iyo kuwa koonfurta gaar ahaan".
Wuxuu sheegay in "xalka kaliya" ee colaadda uu yahay in ciidamada qalabka sida ee Lubnaan "ay noqdaan kuwa kaliya ee mas'uulka ka ah amniga aagga".
Si kastaba ha ahaatee, awoodda dawladda Lubnaan ee ay ku wajahayso Xisbullaah waa mid xaddidan.
Ka hor wadahadallada, xubin sare oo ka tirsan ururka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP inaysan u hoggaansami doonin wax kasta oo heshiis ah oo lagu gaaro Washington.
"Annaga naguma xirna waxa ay ku heshiiyeen," ayuu yiri Wafiq Safa oo xubin ka ah golaha siyaasadda ee Xisbullaah.
Xisbullaah, oo ah koox maleeshiyo ah oo aad u hubeysan, isla markaana dhisan oo la aasaasay sannadkii 1982-kii, ayaa saameyn weyn ku leh koonfurta Lubnaan oo u badan Shiicada iyo sidoo kale hareeraha koonfureed ee caasimadda, Beirut.
Siyaasiyiinta xiriirka la leh kooxda ayaa sidoo kale labo xil oo heer wasiir ah ka haya dowladda.
Xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe ee Lubnaan ayaa noqday mid aan fiicneyn tan iyo markii kooxdu ay u dhaqaaqday inay gasho dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Iiraan, oo ah taageeraheeda ugu weyn.
Wadahadallo goonni ah oo u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan oo ka dhacay Pakistan, ayay gorgortamayaasha Iiraan ku adkeysteen in Lubnaan lagu daro xabbad-joojin kasta - inkastoo Mareykanka iyo Israa'iilba ay sheegeen inaysan dhici doonin.
Mas'uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegay BBC-da in wadahadallada Israa'iil iyo Lubnaan la qorsheeyay bil ka hor, ka hor inta aan la xaqiijin wadahadallada Iiraan ee Islamabad.
Marka laga soo tago in ka badan 2,000 oo qof oo la dilay, qiyaastii hal milyan oo qof ayaa ku barakacay colaadda tan iyo markii uu billowday dagaalkii ugu dambeeyay.