Facebook oo ka laabatay go'aan ay ku diiday sawir taariikhi ah

Espen Egil Hansen waa tifaftiraha wargayska Aftenposten oo ah midka ugu wayn dalka Norway

Xigashada Sawirka, AFTENPOSTEN/NICK UT

Qoraalka sawirka, Espen Egil Hansen waa tifaftiraha wargayska Aftenposten oo ah midka ugu wayn dalka Norway
Published

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay ogolaan doonto in dadku ay facebook-ga ku isticmaali karaan sawir taariikhi ah oo laga qaaday dagaalkii Vietnam ee sanadkii 1972-dii.

Mar hore ayay shirkaddu ka saartay sawirkaas Facebook-ga kaddib markii uu soo dhigay qoraa reer Norway ah.

Sababta ay shirkaddu u saartay waxay ku sheegtay in ilmaha yari uu qaawan yahay.

Arrintaas ayaase dood ka dhalisay doodrka tifaftir ee Facebook.

Tifaftiraha wargayska Norway ugu balaaran ayaa waraaq furan u qoray chief Mark Zuckerberg oo ah madaxa saree e Facebook isaga mamnuucitaanka sawirkaas ku tilmaamay "ku takrifal awood"

Shirkadda ayaa markaas kaddib sheegtay "in ay dhagaysatay bulshada" ayna qirayaan "ahmiyadda uu sawirkaasi u leeyahay caalamka".

Ra'iisalwasaaraha dalka Norway ayaa soo dhawaysay go'aankaas sababtoo isla sawirkaas muranka dhaliyay oo ay tijaabo ahaan u galisay Facebook ayaa la tiray.

Ra'iisalwasaaraha Norway Erna Solberg

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisalwasaaraha Norway Erna Solberg