Sawirro laga qaaday soo galooti oo abaal marin lagu helay
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Messinis bilo ayuu joogay Lesbos si uu sawiro uga qaado qulqulka soo galootiga
Published
Sawir qaade reer Giriig ah ayaa ku guulaystay abaalmarinta sawirrada wararka ee loo yaqaano Visa d'Or, sawirrada uu abaalmarinta ku helayna wuxuu ka qaaday dad soo galooti ah ee ka soo dagay jasiiradda Lesbos sanadkii hore.
Aris Messinis oo u soo shaqeeyay wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP wuxuuna horay ugu guulaystay abaalmarino uu ku helay sawiro uu ka soo qaaday deegaanno ay dagaal ka jireen.
Wuxuu sheegay in uusan marnaba niyada galinin in sawirro kaga warami doono dalkiisa.
Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah in uu mararka qaar kaameeradii iska dhigay oo uu caawiyay dad uu arkay in ay xaalad adag haysato.
Xigashada Sawirka, RAYMOND ROIG/ AFP
Qoraalka sawirka, Messinis wuxuu sheegay in uusan marnaba niyada galinin in uu sawirradaas ka qaadi doono gudaha dalkiisa Giriiga
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Sawirkan oo kale wuxuu hoosta ka xariiqay sida uusan ammaan u ahayn safarka badda Aegean ee ay muhaajiriintu soo galaan
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ ADP
Qoraalka sawirka, Messinis wuxuu qaaday sawirro aan caadi ahayn oo muujinaya sida ay buuro ugu ekaadeen jaakadaha badbaadada ee ay tuureen soo galootigu
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Kaddib markii ay dagtay doontii ay saarnaayeen qaxootigan waxaa so badbaadiyay kaluumaysato reer Giriig ah
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Teendhooyin ay dagan yihiin dad jooga Lesbos
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Baqdinta ka muuqata indhaha ninkan ayaa ka mid ah dareenka ay soo gudbiyeen sawirrada Messinis
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Labo dumar ah oo hadda ka soo galay Turkiga
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Ugu yaraan lix caruur ah ayaa ku dhimatay maalinta sawirkan la qaaday December 2015-kii kaddib markii ay dagtay doontii ay saarnaayeen
Xigashada Sawirka, ARIS MESSINIS/ AFP
Qoraalka sawirka, Sawirkan ay daganaanshuhu ka muuqato ayuu qaaday kaddib markii ay qaxootigu seexdeen meel banaan oo xidigihii cirku ay ka muuqdaan isla jasiirad Giriiga ah