Goorma Afrika laga dareemi doonaa qorrax madoobaadka xiga?
Qeybo kamid ah UK iyo Yurub waxaa ka dhacay qorrax-madoobaadkii ugu xiisaha badnaa ku dhowaad 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo dhowrkii jiilba mar la arko.
Dadka ku nool Afrika ee xiiseeya daawashada cirka, fursadda weyn ee xigta, waxay u noqon doontaa 2-da bisha Agoosto 2027, marka qorrax-madoobaad buuxa uu ka dhici doono qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan dalalka sida Marocco, Aljeeriya, Tuuniisiya, Liibiya iyo Masar, sida ay sheegtay hay’adda qaabilsan hawada sare, NASA.
Qorrax-madoobaadka 2027-ka sidoo kale waxaa laga arki doonaa dhul mara koonfurta Isbaanishka, Sacuudi Carabiya iyo Yemen. Inta badan Afrika waxay la kulmi doontaa qorrax-madoobaad qayb ahaan ah, taas oo Dayaxu uu qorraxda qayb keliya ka dabooli doono.
Arrintani waxay sannadka 2027 si gaar ah muhiim ugu tahay dadka Afrika ee xiiseeya cilmiga xiddigiska, iyadoo dalal dhowr ah oo Waqooyiga Afrika ku yaal lag dareemi doono qorrax madoobaad buuxa.
Qorrax-madoobaad qayb ahaan ah ayaa sidoo kale laga arki doonaa dhul ballaaran oo Afrika ah, Yurub, Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Aasiya ah, taas oo malaayiin qof siinaysa fursad ay ku daawadaan Dayaxa oo daboolaya qorraxda.
Dhanka kale, Qaybo ka mid ah qaaradda Yurub ayaa la kulmay qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee soo mara muddo lagu qiyaasay 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo jiilkiiba mar marta.
Qorrax-madoobaadkan ayaa dadkii arakay qolaba si ula muuqday, taas oo ku xirnayd hadba meesha la joogey.
Dadka UK ee ka daawanayay dhacdadan naadirka ah waxay arkeen qorrax-madoobaad barbar ah, xilligaas oo in ka badan 90% qorraxda uu dayaxu daboolay.
























