TOOS, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegtay in Ciidanka Dowladda Soomaaliya waxyeello kasoo gaartay dagaal ay Alshaab kula galayn deegaanno hoos taga Degmada Buurhakaba.

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay jiraan gaadiid laga buuxiyey walxaha qarxa oo Alshabaab u adeegsadeyn weerarka, kuwaas oo sababay “waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka qaarkii”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Bad-qabka hogaamiyaha Iiraan oo markale su'aal la geliyey

    Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Golaha Wakiillada Islaamiga ah ee Iraan, ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu “caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”, isaga oo intaas ku daray in uu si buuxda ula socdo arrimaha guud dalka.

    Qalibaf ayaa maanta, intii uu socday kalfadhiga furan ee baarlamaanka Iraan yeesheyn yiri: “Mid ka mid ah su’aalaha inta badan la isweydiiyo ayaa ah xaaladda caafimaad ee Hoggaamiyaha Kacaanka. Waxaan jeclaan lahaa inaan xildhibaannada u xaqiijiyo in Mr Qalibaf uu caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay”.

    Warbaahinta Iraan ayaa dhawaan sheegtay in Qalibaf uu kulan la yeeshay hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan.

    Tan iyo markii loo doortay inuu beddelo aabbihii, Ali Khamenei, oo lagu dilay weerarro ay Israa’iil iyo Mareykanku isku mar qaadeen, lama baahin wax muuqaal ama cod ah oo laga duubay Mojtaba Khamenei. Waxa keliya ee la baahiyay waa farriimo qoraal ah oo isaga loo nisbeeyay.

    Mas’uuliyiinta Iraan ayaa sheegay in tallaabooyinka amniga ay sabab u yihiin in uu ka maqnaado saaxafadda dadweynaha. .

    Madaxweynaha Iraan, Masoud Pezeshkian, ayaa dhawaan mar kale sheegay inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu hoggaanka qabtay bishii Maarso ee sannadkii hore.

  2. Doorashada Ra'iisul wasaaraha Israa’iil oo ka socota meelo kala duwan gudaha Israa'iil ah

    Codeynta doorashada Ra'iisul wasaaraha Israa’iil oo ka bilaabatay

    Goobaha codbixinta ayaa furmay 7-da subaxnimo, waxaana muwaadiniinta xaqa u leh inay codeeyaan ay fursad u haystaan ilaa 10-ka habeenimo, xilliga maxalliga ah.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa doorashadan maanta u wajahaya loollan muhiim u ah sii jiritaankiisa siyaasadeed. Codbixiyeyaashu waxay qiimeyn doonaan waxqabadkiisa iyo hoggaamintiisa kaddib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar saddex sano ka hor, dagaalkii Gaza, dagaalka Iran iyo go’doonka caalamiga ah ee sii kordhaya ee Israa’iil.

    Sahanada ra’yi ururinta ayaa muujinaya in loollanku aad isugu dhow yahay, kaas oo u dhexeeya xisbiga Likud ee Netanyahu iyo xulafadiisa garabka midig, dhinac, iyo isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, oo hore u ahaa taliyaha guud ee ciidamada Israa’iil, ahna siyaasi arrimaha amniga xoogga saara oo taageero ku leh garabyada midigta iyo bartamaha siyaasadda, dhinaca kale.

    Intii uu socday ololihiisa doorashada, Benjamin Netanyahu waxa uu xoogga saaray waxqabadkiisa intii uu dagaalku socday iyo isbahaysiga uu la leeyahay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

    Trump ayaa taageeray Netanyahu, wuxuuna garab istaagay Israa’iil dagaalka ay kula jirto Iran. Benjamin Netanyahu ayaa shalay sheegay in Donald Trump uu diyaar u yahay inuu mar kale tallaabo qaado si uu “ugu dambayn u baabi’iyo” khatarta Iran, balse taasi ay dhici doonto oo keliya haddii isaga laftiisu uu xukunka sii hayo.

    Gadi Eisenkot ayaa Netanyahu ku eedeeyay inuu “ku tiirsan yahay olole cabsi-gelin, been iyo hanjabaado ah”.

    Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ku kalsoon yahay in Trump uu si buuxda ula shaqayn doono “hoggaamiye kasta oo ay dadku doortaan”.

  3. Maxaa ka ognahay ciidanka Soomaaliya ee laga soo daayey Diridhaba ee Itoobiya?

    Maxaa ka ognahay ciidanka Soomaaliya ee laga soo daayey Diridhaba ee Itoobiya?

    Maalintii axadda 25 bisha Oktoober, maamulka Ceelbarde ayaa soo dhaweeyey in ka badan labo boqol oo askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo muddo ka badan bil ku xirnaa dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyaga oo dib ugu soo laabtay, deegaannadii markii horeba laga qoray ee gobolka Bakool ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.

    Gudoomiyaha Degmada Ceelberde Cabdiraxmaan Kheyre oo BBC Soomaali la hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ahaayeen kuwo soo laabtay tababbar ugu soo dhammaaday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

    "Ciidanka waxaa asalkooda laha qoray degmooyinkan xuduudka ku yaallo, saldhigooda markii hore waxa uu ahaa degnada Ceelbarde, kadib waxaa tababbar loogu qaaday Xananbuure goobolka Galgaduud, markii ay soo dhammeystayn tababbarkii madaxnweynaha Soomaaliyana uu usoo xiray, fasax ay dowladdu siisay, kaas oo loogu talo galay in ay qoysaskooda kusoo booqdaan ayey soo qaatayn”, ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmnaan.

    Dhanka kale, sida uu sheegay guddoomiyaha ciidanka ayaa la qabtay xilli ay marayeen gudaha dawlad deegaanka, waxana loo gudbiyay magaalada Jigjiga, iyadoo markii dambena lagu xiray magaalada Dirirdhabe, kuwaas oo markii dambe lasoo daayey dhammaantood, marka laga reebo hal gabar uu sheegay in ay ku umushay magaalada Jig jiga.

    Sababta keentay in la xiro ciidanka ayuu guddoomiye Cabdiraxmaan ku sheegay in ciidanka laga fidiyey warar been abuur ah, oo la xiriira “in ONLF oo tababbaraayey”.

    Sidoo kale, tirada ciidanka oo badneyd awgeedna waxa ay ahayd qodob kale oo shaki gelisay taliska dowlad deegaanka sida uu tilmaamayo guddoomiyaha degmada Ceelbarde “Ciidanku waxa uu ahaan 222 askari, dowladuhuna waa ay kala sharci duwan yihiin, in ciidan intaas la eg uu hal mar fasax galo, kuwaas oo aan warbixintooda si fiican la haynin culeys ayey ahayd, sida ay noo sheegeyn ciidankii gacanta ku dhigay waxa ay waayeen wax warbixin ah in aysan helin markiii hore”. Taas ayaana keentay in loo gudbiyo Dirirdhaba.

  4. War deg deg ah, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar shalay ka dhacay aagga Buurhakaba

    Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo war kasoo saartay weerar shalay ka dhacay aagga Buurhakaba

    Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegtay in shalay gelinkii dambe iyo xalay ay ciidan dowladda uu iska hor imaad uu ku dhex maray kooxda Alshabaab, deegaanka Jameeca ee Degmada Buurhakaba.

    Warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ku guda jira gulufka howlgalka Banooda, ayaa 26-kii Oktoobar weerar culus oo saacado badan qaatay ku qaaday deegaanka Jameeca ee hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab”.

    Dagaalka ayey dowladdu sheegtay inuu ka dhacay dhowr goobood oo kala duwan, iyadoo la dilay ku dhowaad 75 maleeshiyaad ah, halka 56 kale lagu dhaawacay maleeshiyaadka tirsan AS, sida ay wasaaraddu sheegtay.

    Dhanka kale, wasaaraddu waxa ay qirtay in ay jiraan gaadiid laga buuxiyey walxaha qarxa oo Alshabaab u adeegsadeyn weerarka, kuwaas oo ay dhasheen “waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka qaarkii”.

    Marka laga yimaado qoraalka wasaaradda wasaaradda, ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee maamulkaas oo aan la xiriirnay ayaa dhankoodana xaqiijiyey in aysan wax lug ah ku lahayn, madaama ay maalmihii lasoo dhaafay soo weerarayeen qeybo kamid ah deegaannada maamulka, balse ay jiraan khasaare ballaaran oo gaaray ciidanka dowladda, "annaga wax shaqo ah kuma lihin waxa uu u dhexeeyey AS iyo dowladda".

    Maalmihii lasoo dhaafay qeybo kamid ah deegaannada maamulka Koofur galbeed Soomaaliya waxa uu martigelinayey dagaallo iyo is khor imaadyo u dhexeeya maamulka iyo Alshabaab iyo maamulka iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore KGS.

  5. Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

    Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

    Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay James Comey, oo ahaa agaasimihii hore ee Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI), iyada oo ku eedeysay inuu toban sano ka hor xog la xiriirta amniga qaranka uu u dusiyay wariye.

    Tani waa markii saddexaad muddo sannad ka badan gudaheed ee maamulka Madaxweyne Donald Trump uu isku dayayo inuu dacwad ku soo oogo Comey oo Trump xilka ka qaaday sannadkii 2017-kii.

    Comey ayaa ka jawaabay eedeymaha isaga oo sheegay inuu weli yahay qof aan sameyn waxa lagu soo eedeeyey, kana madax bannaan yahay, isla markaana aanu weli cabsi qabin.

    Waxa uu si cad u dhaliili jiray madaxweynaha. Qareennadiisa ayaa hore maamulka ugu eedeeyay inuu dacwadda u adeegsanayo dano siyaasadeed.

  6. Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay

    Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay

    Wakiilka Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Parvathaneni Harish, ayaa soo bandhigay mowqifka dalkiisa ee ku saabsan adeegsiga awoodda diidmada qayaxan intii lagu guda jiray kalfadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Waxa uu sheegay in awoodda diidmada qayaxan ay hadda leeyihiin oo keliya shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu xusay in awooddaasi ay sidoo kale tahay mas’uuliyad, loona baahan yahay in si taxaddar iyo xakameyn leh loo adeegsado, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka.

    Waxa uu intaas ku daray in awoodda diidmada qayaxan aan loo adeegsan danaha siyaasadeed ee gaarka ah.

    Harish ayaa sheegay in diiwaanka adeegsiga awooddan uu cad yahay, isaga oo xusay in intii ay jirtay Qaramada Midoobay, awoodda diidmada qayaxan la adeegsaday 331 jeer, lagana hor yimid ku dhowaad 200 oo qaraar.

    Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laba ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee kala ah; Shiinaha, Ruushka, Maraykanka Faransiiska iyo Ingiriiska aanay awooddan adeegsan muddo ka badan 35 sano, halka inta badan adeegsigeeda ama hanjabaadaha la xiriira ay ka yimaadeen saddex ka mid ah dalalkaas.

    Wakiilka Hindiya ayaa sheegay in hindisihii awoodda diidmada qayaxan ee la bilaabay 2022 uu rajo ka muujiyay isbeddel, maadaama uu dhigayo in mar kasta oo awooddan la adeegsado, arrinta looga doodo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.

    Arrinta awoodda diidmada qayaxan ayaa ka mid ah shanta qodob ee ugu waaweyn ee dib-u-habaynta Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaga wada hadlayaan wadaxaajoodyada dowladaha dhexdooda.

  7. Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

    Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran:

    Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay gaareen Tehran si ay uga qayb galaan shir afar geesood ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, uu qayb ka yahay dadaallada Riyadh ay ku dooneyso in lagu xallinayo xiisadda gobolka, iyadoo la adeegsanayo dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Maka, oo kala ah Pakistan iyo Turkiga.

    Bayaanka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu soo saartay habeenkii Isniinta ayaa u qornaa sidan:

    “Iyada oo la sii ambaqaadayo doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xoojinta wada-hadalka iyo nabadda heer gobol iyo heer caalami, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi caddeyneysaa in booqashada Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, ay ku tageen Tehran, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah.

    Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ay ku doonayaan inay ku yareeyaan xiisadaha u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh xiisadda taagan, ku dhiirrigeliyaan wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isla markaana taageeraan dadaallada dhexdhexaadinta ee Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.”

    Marka laga soo tago Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, waxaa sidoo kale shirkii afarta dhinac ee Isniintii ka dhacay Tehran ka qayb galay Marshal Asim Munir, taliyaha ciidanka Pakistan, iyo Ibrahim Kalin, madaxa sirdoonka Turkiga.

  8. AROORYO SUUBAN

    Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah maalinimo