You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, In ka badan 160 qof oo ay daadad ku laayeen dalka Nepal iyadoo boqolaal dalxiisayaal la la'ayahay

Dadka dalxiisayaasha ah ee la la'ayahay waxaa kamid ah 133 oo ka yimid dalka Hindiya iyo 54 ka yimid Mareykanka halka 33 ay ka yimaadeen UK

Tebin toos ah

  1. Waxa kala qabsaday dagaalyahankii CIA-da iyo injineerkii al-shabaab

    Bishii November ee sanadkii 2020-kii gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay'adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

    Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

    Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

    Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

    Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.

    Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.

    Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.

  2. Ilaa 160 qof oo ay daadad ku laayeen dalka Nepal

    In ka badan 160 qof ayaa ku dhintay Nepal, boqolaal dalxiisayaal ahna weli waa la la’yahay, kaddib markii daad xooggan oo aan la fileyn iyo dhul-go’ uu ku dhuftay dalkaas.

    Dalxiisayaasha la la’yahay waxaa ka mid ah in ka badan 100 qof oo ka yimid Hindiya, 47–54 qof oo Maraykan ka yimid, 34 qof oo Australian ah, iyo 33 qof oo British ah, iyo sidoo kale in ka badan 100 qof oo u dhashay Nepal. Deegaanku wuxuu caan ku yahay dadka buuraha dalxiiska u taga.

    Maraykanka, Shiinaha, Midowga Yurub iyo Hindiya ayaa ka mid ah dalalka ballanqaaday inay gargaar bixiyaan ama diray sahayda gurmadka.

    Tobanaan askarta Booliiska Nepal iyo ciidamada milatariga ayaa sidoo kale la la’yahay, sidoo kalena waxaa la la’yahay shaqaale ka shaqaynayay mashaariicda korontada.

    Haweeney ayaa tiri: “Qoyskayga ayaa anoo arkaya daadku qaaday.” Iyadu iyo wiilkeeda ayaa ka badbaaday iyagoo fuulay saqafka guri.

    Mas’uuliyiintu markii hore waxay u malaynayeen in dhulgariir uu ka horreeyay daadadka. Hase yeeshee, Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS) ayaa markii dambe sheegtay in tamarta gariirka la diiwaangeliyay uu ka dhashay dhul-go’ weyn, halkii uu ka ahaan lahaa dhulgariir.

  3. Kulanti wacan akhyaareey, ku soo dhowaada tebinteenna tooska ah ee maanta. Halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaaliduba