TOOS, Iiraan iyo Maraykanka oo iclaamiyay wareeg cusub oo weerarro ah iyo qaraxyo laga maqlay Koonfurta Iiraan iyo Urdun

Habeenkii tobnaad oo xidhiidh ah, Maraykanku wuxuu sheegay in uu weerarro ku qaaday saldhigyo ku yaalla Iiraan, halka ilo militari oo Iiraan ahna ay sheegeen in dalkaasi uu gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weeraray fadhiisimo ay ciidammada Maraykanku ku leeyihiin gobolka, kaddib weerarkii ka dhacay Urdun.

Tebin toos ah

  1. Madaxda caalamka oo hambalyo u diray Andy Burnham

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamka ee Raysalwasaaraha cusub ee Britain, Andy Burnham, la hadlay maalintiisii ugu horreysay ee uu xilka qabtay.

    Sida uu sheegay xafiiska Downing Street, Burnham ayaa galinkii dambe ee maanta la hadlay Zelensky, isagoo dib u xaqiijiyay isaga iyo Boqortooyada Midowday in ay si adag u garab taagan yihiin shacabka Ukraine.

    Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa sidoo kale sheegay in Burnham uu Zelensky ku casuumay inuu booqdo Boqortooyada Midowday “fursadda ugu horreysa ee suurtagalka ah”.

    Fiidnimadii ayuu Burnham sidoo kale la hadlay Macron, isagoo sheegay inuu sii xoojin doono xiriirka adag ee u dhexeeya Britain iyo Faransiiska. Downing Street ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen taageerada Ukraine, dib u furista marin-biyoodka Hormuz iyo iskaashiga dhinacyada tamarta iyo difaaca.

  2. War deg deg ah, Ciidammada Maraykanka oo ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday Iiraan

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa daqiiqado ka hor ku dhawaaqay in ciidammada Maraykanku ay bilaabeen wareeg cusub oo weerarro ah oo lagu beegsanayo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, iyagoo fulinaya amar uu bixiyay Madaxweynaha Maraykanka ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada, Donald Trump.

    Sida uu sheegay CENTCOM, ujeeddada weerarradan ayaa ah in la wiiqo awoodda millatari ee Iiraan, taas oo uu ku eedeeyay in loo adeegsanayo weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee marinka Hormuz.

    Ku dhawaaqista CENTCOM ayaa timid daqiiqado kaddib markii warar ka soo baxay Iiraan ay sheegeen in qaraxyo laga maqlay agagaarka magaalooyinka Bandar Abbas iyo Sirik.

  3. Angela Rayner oo loo magacaabay xoghayaha arrimaha guryeynta.

    Angela Rayner ayaa loo magacaabay xoghayaha arrimaha guryeynta ee xukuumadda Andy Burnham. Waxay xil hore uga soo qabatay dowladdii Keir Starmer.

    Waxay iska casishay xilalkii raysalwasaare ku xigeenka iyo xoghayaha arrimaha guryeynta bishii Sebtembar 2025.

  4. Maxaan ka og nahay weerarrada Maraykanku uu ku qaaday marinnada gaadiidka ee Bandar Abbas?

    Burburka ka dhashay weerarrada Mareykanka kuma ekayn oo kaliya bartilmaameedyada ku yaalla xeebta koonfureed ee Iiraan. Todobaadkii la soo dhaafay, warbaahinta Iran waxay sheegtay in lix buundo la duqeeyay kuwaas oo ku yaalla magaalada 'Khamir' ee gobolka Hormozgan saacadaha hore ee Jimcihii, July 17.

    Habeennimadii Jimcaha ee isla maalintaas, warbaahinta ayaa mar kale sheegtay in labo god iyo labo buundo lagu weeraray gobolka Hormozgan.

    Warbaahinta Iiraan iyo mas'uuliyiinta dawladda hoose waxay sheegeen in weerarrada Mareykanku ay bartilmaameadsadeen xarumaha korontada, meelaha biyaha lagu sifeeyo, buundooyinka, waddooyinka iyo khadadka tareenka ee koonfurta Iiraan.

    Afhayeen u hadlayay Aqalka Cad oo ka jawaabayay su'aal ay weyddiisay BBC-da, ayaa diiday in kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka la bartilmaameadsaday, isaga oo intaas raaciyay weerarrada ka dhan ah Iiraan in Washington uga gol leedahay in la wiiqo awoodaha millatari iyo gaadiid ee Ciidanka ilaalada Kacaanka.

  5. Urdun oo qabatay saddex gantaal oo laga soo riday Iiraan

    Telefishinka dawladda Urdun ayaa sheegay in ciidammada qalabka sida ee dalkaasi ay qabteen saddex gantaal oo laga soo riday Iiraan.

    Tan iyo markii uu billowday wareegga cusub ee iska horimaadyada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Urdun waxay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu waaweyn ee ay beegsadaan weerarrada Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

    Wargeyska The New York Times oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan millitariga Maraykanka ayaa sheegay in tobannaan askari ay ku dhaawacmeen, islamarkaana dhowr diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah ay waxyeello ka soo gaadhay weerarradii ay Iiraan toddobaadkii hore ku qaadday saldhig millatari oo Maraykanku ku leeyahay Urdun.

  6. Madaxweyne Trump: Iiraan "waa ay ka qoomamayn doontaa" haddii la dilo askari qudha oo Mareykan ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan ay bixin doonto qiimo labanlaaban haddii ay disho askari Mareykan ah.

    Qoraal uu Isniintii ku daabacay bartiisa Truth Social ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in uu tilmaamahan u gudbiyay Wasiirka Dagaalka Pat Hegseth, Madaxa Taliyeyaasha Iskudhafka ah ee Ciidanka Mareykanka Dan Kaine, iyo dhammaan saraakiisha ciidanka.

  7. Trump: Marnaba Maraykanka lagu ma xidhi karo Netanyahu

    Trump iyo Netanyahu

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Raysalwasaaraha Israa'iil Netanyahu aan si walba oo ay tahay loo xidhi doonin inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Madaxweyne Trump ku sheegay in Netanyahu uu dagaal kula jiro Iiraan oo ah tii dhowaan dishay 52,000 oo dibad-baxayaal ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana muddo 47 sano ah wadday dilka askarta Mareykanka iyo dad kale.

    Wuxuu sheegay in haddii cid la xidhayo ay tahay oo keliya in la xidho dadkii Iiraan u horseeday dhibaatadan ba'an ee dhimashada iyo burburka leh.

    Waxaa xusid mudan in Maayarka Magaalada New York, Zohran Mamdani uu sheegay in xafiiskiisu uu raadinayo talo sharci oo ku saabsan xadhigga Netanyahu marka uu yimaaddo kulanka Qaramada Midoobay.

  8. Iran ayaa ku eedeysay Mareykanka in uu dagaal weyn u diyaargaroobayo isagoo dhanka kalena nabad sheegaya

    Madaxweynaha Iran

    Xigashada Sawirka, REUTERS

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay "dagaal buuxa" kula jirto Maraykanka, halka Baxrayn ay ku eedeysay Tehran in ay bartilmaameedsatay qalabka hagista duulimaadyada rayidka.

    "Xaqiiqdu waxay tahay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku jirto dagaal buuxa", ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo intaas ku daray, “Waa in aan xaqiiqada wajahnaa oo aan aqbalnaa cawaaqibka ka dhalanaya iska caabbintan."

    Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu iska dhigayo dal nabad raba hadana oo uu dhanka kale xoojinayo militeriga u jooga gobolka.

    Mr. Qalibaf, oo ah madaxa wada-xaajoodyada Iran ee Maraykanka, ayaa bartiisa X ku qoray sidan, "Maraykanku si joogto ah ayuu gobolka u keenayaa qalab militari oo cusub, isagoo haddana sheeganaya in uu doonayo in dagaalka la joojiyo. Waxay ku tiirsan yihiin sirdoonkooda iyo garaadkooda xaddidan. Annaguna waxaan gaarnay heer aan si buuxda u garan karno xeeladahooda, waxaana u diyaargarownay. Ficilladu iyo hadallada waa in aysan iska hor’imaan”.

    Hadalka Qalibaf ayaa soo baxay xilli qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka ay sheegayaan in Maraykanku uu gobolka u dirayo diyaarado dagaal oo dheeraad ah, iyadoo lagu tilmaamay in ay qayb ka yihiin diyaar-garowga "dagaal buuxa" oo ka dhan ah Iran.

    Sidoo kale akhriso

  9. Toban qof ayaa ku geeriyooday markab ganacsi oo lagu weeraray Badda Madow

    Markab lagu weerary Badda Madow

    Xigashada Sawirka, Andrii Sybiha

    Tirada dadka ku dhintay weerar Ruushku ku qaaday markab xamuul oo ku sugnaa meel ka baxsan xeebta magaalada Odesa ee dalka Ukraine ayaa gaartay 10 qof.

    Ciidanka cirka ee Ukraine ayaa sheegay in markabka, oo watay calanka dalka Guinea-Bissau, lagu dhuftay gantaallo Ruushku soo riday maalintii Axadda, taas oo sababtay in uu dab qabsado markabka.

    Hawlgal baadi-goob iyo samatabixin ah ayaa isla markiiba la bilaabay, wuxuuna socday habeenkii oo dhan.

    Hay'adda dekedaha ee Ukraine ayaa saakay sheegtay in sagaal ka mid ah shaqaalaha markabka ay dhinteen, sidoo kalena uu geeriyooday mid ka mid ah shaqaalaha haga maraakiibta ee dekedda.

    Weerarrada Ruushka ee lagu beegsanayo maraakiibta xamuulka ee maraya Badda Madow ayaa sidoo kale sii kordhay.

    Weerarkii Axaddii lagu qaaday markabka Golden Leo, oo watay calanka Guinea-Bissau, ayaa noqday kii ugu dhimashada badnaa.

    Sidoo kale akhriso

  10. Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in ay “badda ka go’doominayaan” Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen

    Xigashada Sawirka, bbc

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay ku soo rogeen go'doomin dhinaca badda ah Sacuudiga. Qoraal ay soo saareen kooxda ayaa lagu sheegay in go'doomintaasi ay ku salaysan tahay mabda'a "In aan ku sameyno wixii ay nagu sameeyeen" isla markaana si degdeg ah loo dhaqan gelin doono.

    Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa sii korortay tan iyo markii Sacuudigu ay isku dayeen in ay ka hor istaagto diyaarad laga leeyahay Iran in ay ka degto Garoonka Caalamiga ah ee Sanca.

    Dhanka kale, Iran iyo Maraykanka ayaa muujiyay calaamado ah in ay diyaar u yihiin xal diblomaasiyadeed, iyagoo weli sii wada weerarrada ay is-weydaarsanayaan.

    Iran ayaa sheegtay in ay heshay soo jeedinno ka yimid dhexdhexaadiyeyaal, waxaana la filayaa in wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga uu maanta booqdo Pakistan.

    Sidoo kale akhriso

  11. Khalil al-Hayyah ayaa loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Xamaas

    Hoggaamiyaha Xamaas

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ururka Xamaas ayaa u magacowday in uu noqdo hoggaamiyahooda cusub Khalil al-Hayya, oo hore u ahaa madaxa wadaxaajoodyada ururka.

    Waa qofkii ugu horreeyay ee loo magacaabo jagadan tan iyo markii Yahya Sinwar ay ciidamada Israel ku dileen Gaza laba sano ka hor. Waxaa la sheegay in doorasho gudaha ah ay ka dhacday Gaza, Daanta Galbeed ee la haysto iyo meelo kale oo xubno ku sugnaayeen.

    Inta badan hoggaanka sare ee Xamaas waxaa lagu dilay duqeymo ay Israel fulisay kaddib weerarradii dadka badan ku dhinteen ee dhacay intii uu socday dagaalka.

    Mr. Al-Hayyah waxa uu ku dhashay sanadkii 1960-kii Daanta Galbeed, wuxuuna xubin ka ahaa Xamaas laga soo bilaabo markii la asaasay sanadkii 1987-dii.

    Sidoo kale akhriso

  12. New York Times: Tobanaan askari oo Mareykan ah ayaa ku dhaawacmay weerarkii Iran ee Urdun, dhowr helikobtarna waxyeelo ayaa soo gaartay

    Dagaalka Iran iyo Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    New York Times oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah ayaa sheegtay in tobanaan askari ay dhaawacmeen iyadoo dhowr helikobtarna ay waxyeelo ka soo gaartay weerarada Iran ee lagu qaaday saldhiga militeriga Mareykanka ee Urudun toddobaadkii la soo dhaafay.

    Wargeyska oo xiganaya ilo militeri ayaa shegay in saddex weerar oo kale oo la mid ah kuwan ay dhaceen ka hor weerarkii Iran ee Jimcihii, kaas oo ay ku dhinteen saddex askari oo Maraykan ah.

    Sarkaalka militeriga Mareykanka ee ka hadlay arrintan oo magaciisa aan la sheegin ayaa sheegay in aan Taliska Dhexe ee Mareykanka looga baahneyn in uu soo saaro macluumaad ku saabsan askarta dhaawacmay hadii ay degdeg uga soo laabanayaan shaqada.

    Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan milatariga Maraykanka ayaa u sheegay The New York Times, “Maxay Wasaaradda Difaaca Maraykanka u soo saareysaa macluumaad ka caawin kara Iran in ay si ka saxsan u beegsato bartilmaameedkeeda iyo weerarradeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dilaaga ah ee ka dhanka ah Urdun iyo saldhigyada kale ee Maraykanka ee Bariga Dhexe, halkaas oo kumannaan askari oo Maraykan ah ay ku sugan yihiin?”

    Sida uu sheegay taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka in ka badan 400 oo askari oo Maraykan ah ayaa ilaa hadda ku dhaawacmay iska dagaalka lagula jiro Iran.

    Dhanka kale, war ay soo saareen, Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa “uga mahadceliyay” “shacabka Urdun” “macluumaad sax ah oo ku saabsan 20 god oo difaac ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka.”

    Sidoo kale akhriso

  13. Andy Burnham ayaa maanta noqday raysalwasaaraha UK

    Andy Burnham

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Keir Starmer ayaa maanta si rasmi ah uga degay xilka raysalwasaaraha UK ka hor inta uusan raysalwasaaraha cusub, Andy Burnham, kala wareegin xafiiska No 10 ee looga taliyo UK.

    Hadalkii ugu dambeeyay isagoo xilka haya uu jeediyo Starmer ayuu ugu rajeeyay ninka badalaya guul, wuxuuna sheegay, “Waxaan u baxayaa si sharaf leh anigoo dhoolacadeynaya, isla markaana ku faraxsan wax kasta oo aan gaaray”.

    Iscasilaadda Keir Starmer waxay ka dhigan tahay in hadda ay joogaan dalka sagaal raysalwasaare oo nool.

    Raysalwasaaraha cusub Andy Burnham ayaa marka uu ka baxay Starmer aqalka boqortooyada ee Buckingham Palace kaddib soo galay si uu isna ula kulmo boqor Charles taas oo ah nidaam dalka u deggan oo raysalwasaaraha tagayo iyo kan imaanayo ay la kulmaan boqorka.

    Laga soo bilaabo sanadkii 1721-kii, waxaa xafiiska ka tagay 58 raysalwasaare. Tobankii sano ee la soo dhaafay oo kaliya Britan waxay soo maray toddobo raysalwasaare.

    Sidoo kale akhriso

  14. Doon siday 133 rakaab ah iyo shaqaale ayaa ku degtay xeebta Guyana

    Doon ku degtay xeebta Guyana

    Xigashada Sawirka, Prime Minister Mark Phillips / Facebook

    Dad gaaraya 60 ayaa la soo badbaadiyay kaddib markii doon ay la socdeen 116 rakaab ah iyo 17 shaqaale ah ay ku degtay xeebta dalka Guyana ee koonfur Ameerika.

    Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jira 15 carruur ah. Doonta degtay ayaa ka soo baxday caasimadda Georgetown, waxaana weli la la’yahay dad kale.

    Codsi gurmad lagu doonayo ayaa la helay saacadu markii ay aheyd 23:01 waqtiga dalkaasi taas oo keentay in la bilaabo howsha samatabixinta oo ay ka qeybqaateen kooxaha dowladda iyo kuwa gaar ah, sidaasina waxaa sheegay wasiirka howlaha guud Juan Edghill.

    “Waxaan rajeyneynaa in aan helno dhammaan dadkii la socday doonta”, ayuu u sheegay wariyayaasha.

    Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jira 41 rag ah iyo 11 dumar ah, sidaasina waxaa wariyayaasha u sheegay raysalwasaare Mark Phillips oo intaas ku daray in kabtanka doonta uu ka mid yahay tiradaas.

    Raysalwasaaraha ayaa sheegay in doontu ay waday intii loogu talogalay markii ay dhibaatu dhaceysay, wuxuuna sheegay in ay shati u haysatay qaadista ilaa iyo 300 oo rakaab ah.

    Ehalka rakaabka doonta la socday ayaa loo sameeyay goob laga caawiyo si ay ula socdaan xaaladda dadka weli la la’yahay.

    Sidoo kale akhriso

  15. Iiraan oo shaacisay khasaare ka soo gaaray weeraradii ugu dambeeyay ee uu Mareykanka geystay

    .

    Xigashada Sawirka, IRNA

    Qoraalka sawirka, .

    Hal qof ayaa ku dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen duqeymo uu Maraykanku ka geystay waqooyi-galbeed ee Iran, sida ay sheegay maamulka gobolka Bariga Azerbaijan.

    Halka qof ayaa dhintay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen duqeyn Maraykanku ku qaaday goob ciidan oo ku taalla koonfur-galbeed magaalada Tabriz, Axaddii shalay iyo Isniinta.

    Hamid Safri, oo ah agaasimaha guud ee Waaxda Maareynta Musiibooyinka ee gobolka Galbeedka Azerbaijan, ayaa sheegay in gantaal uu ku dhacay goob u dhow degmada Silvana ee magaalada Urmia Isniinta saaka.

    Warbaahinta Iran ayaa soo xigatay Hamid Safri oo sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Mohammad Mozaffari, oo ah guddoomiyaha gobolka Bushehr ee Iran, ayaa sheegay in magaalada Bushehr laba jeer la weeraray.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in ilaa hadda aan wax khasaare nafeed ah laga soo sheegin weerarkaasi. Weerarkan ayaa dhacay saacado kaddib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka uu sheegay inuu dhammaystiray wajigii sagaalaad ee weerarrada ka dhanka ah Iran.

    Sidoo kale akhri

  16. Tirada ciidamada Mareykanka ee ku dhintay weeraradii Iiraan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Saddex askari oo Mareykan ah ayaa labo maalmood gudahood ku dhintay weerarro ay Iran ku qaaday, iyadoo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu sii socdo.

    Laba ka mid ah askarta ayaa geeriyooday kaddib weerar lagu qaaday saldhig militari oo Mareykanku ku leeyahay Urdun Jimcihii, halka hal askari oo kale la la’yahay.

    Mid ka mid ah askartii dhimatay ayaa sidoo kale ku geeriyooday waqooyiga Ciraaq Sabtidii, kaddib weerar loo aaneynayo Iran.

    Taliska Ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe (CENTCOM) ayaa sheegay, in askariga ku dhintay Ciraaq uu naftiisa ku waayay intii lagu guda jiray hawlgal lagu burburinayay haraadiga diyaarad aan duuliye lahayn (drone), oo laga lahaa Iran, taas oo soo dhacday.

    Hal askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dhacdadaas.

    Bayaan cusub oo ay soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay, in meydad aan la aqoonsan laga helay goobta weerarka ka dhacay ee Urdun, isla markaana baaritaanku weli socdo.

    Sidoo kale akhri

  17. Trump oo ka hadlay wax ka bedel lagu sameyn doono diyaaradda ay Qatar ugu deeqday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in diyaaradda ay dhawaan ku deeqday Qatar, taas oo loo adeegsanayo inay noqoto diyaaradda xambaarta madaxweynaha ee Air Force One, lagu sameyn doono wax-ka-beddel iyo casriyeyn, kaddib markii su’aalo laga keenay ammaankeeda.

    Madaxweyne Trump ayaa markii ugu horreysay ku duulay diyaaradda Boeing 747 ee la hagaajiyay bilowgii bishan, balse toddobaad kaddib wuxuu si lama filaan ah u isticmaalay diyaaraddii hore ee Air Force One kaddib shirkii NATO ee Turkiga.

    Waxaa la sheegay in diyaaradda cusub aysan lahayn qaar ka mid ah qalabka muhiimka u ah amniga, oo ay ku jiraan nidaamyada ka hortagga gantaallada.

    Madaxweyne Donald Trump, faahfaahin kama bixin waxa uu ula jeeday marka uu yiri diyaaradda waa la “kordhin doonaa awooddeeda ugu sarreysa”

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqday diyaaradda cusub ee madaxweynaha oo Qatar ay sanad ka hor siisay, isagoo ku tilmaamay diyaaradan midda ugu qaalisan caalamka. Diyaaradan ayaa bedeli doonta labada diyaaradood ee Air Force One ee sida rasmiga ah shaqada looga fariisiyay.

    Air Force One had iyo jeer waxay calaamad caan ah u ahayd awoodda Maraykanka iyo sarrayntooda, mana aha kaliya habka gaadiidka ee madaxweynaha. Diyaaradda ayaa sidoo kale heshay meel ka mid ah dhaqanka caanka ah ee Mareykanka, iyadoo filimka "Air Force One" ee ku saabsan afduubka diyaaradda uu la socday madaxweynaha Mareykanka.

    Diyaaradan ayaa mar walba sidata calaamadaha awooda Maraykanka iyo hanka qaranka, waxaana kamid ah ereyada "United States of America", calanka Maraykanka, iyo astaanta Madaxweynaha Maraykanka.

    Waxa intaa dheer in dad badan oo ciidan, siyaasiyiin iyo suxufiyiin isugu jira ay madaxweynaha ku weheliyaan duulimaadyadiisa.

    Sidoo kale akhri

  18. Ma Israa'iil ayaa isu diyaarinaysa inay saldhig militari ka sameysato Somaliland?

    Calamada Israa'iil iyo Somaliland ayaa si wadajir ah looga taagay albaabka laga galo beer miro ah oo ku taalla waddada u dhexeysa caasimadda Hargeysa iyo magaalada xeebta ah ee Berbera, 19-kii Febraayo 2026.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Calamada Israa'iil iyo Somaliland ayaa si wadajir ah looga taagay albaabka laga galo beer miro ah oo ku taalla waddada u dhexeysa caasimadda Hargeysa iyo magaalada xeebta ah ee Berbera, 19-kii Febraayo 2026.

    Hadallada uu jeediyay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, intii lagu guda jiray booqashadiisii Israa'iil bishii Juun ee la soo dhaafay, kuwaas oo aanu meesha ka saarin suurtagalnimada in saldhig militari oo Israa'iil leedahay laga sameeyo gobolka, ayaa dhaliyay dood ballaaran. Waxay sidoo kale dib u soo nooleeyeen dareenka ku wajahan laba goobood oo istaraatiiji ah oo ka tirsan garoonka diyaaradaha Berbera, kuwaas oo ay ka socdaan hawlo horumarineed oo ballaaran.

    Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya sannadkii 1991 isla markaana si madax-bannaan u maamusha arrimaheeda, inkasta oo aanay helin aqoonsi caalami ah oo ballaaran, waxay ku taallaa marinka laga galo Badda Cas, oo ah mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan dunida.

    Kooxda xaqiijinta xaqiiqooyinka ee BBC-da ayaa baaritaan ku samaysay sawirro dayax-gacmeed laga qaaday garoonka diyaaradaha Berbera iyo xarun badeed ku dhow, kuwaas oo muujinaya dhismooyin iyo qodis socday sannado badan. Hawlahan dhismaha ayaa keenaya su'aalo ku saabsan in ay yihiin mashaariic ku kooban kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga oo keliya, mise ay sidoo kale noqon karaan kuwo mustaqbalka loo adeegsan karo ujeeddooyin militari.

    Booqashada Israa'iil

    Booqashadii Cirro ee Israa'iil ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan heerka iskaashi amni iyo mid militari ee laga filayo labada dhinac, gaar ahaan kaddib markii uu wareysi telefishan ku sheegay in samaynta saldhig militari oo Israa'iili ah oo Somaliland laga dhiso "aanay ahayn arrin meesha ka baxsan".

    Hadallada Cirro waxay yimaadeen bilo kaddib markii Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland, oo sannadkii 1991 si hal dhinac ah ugu dhawaaqday inay ka go'day dowladda dhexe ee Muqdisho.

  19. Imisa kiilo oo dahab ah ayaa laga sameeyay Koobka Adduunka?

    Lamine Yamal oo koobka haya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Lamine Yamal oo koobka haya

    Dabaal-degyo ayaa weli ka socda guud ahaan Spain kadib markii ay ku guuleysteen Koobka Adduunka markii labaad.

    Koobkan waxaa naqshadeeyay farshaxiste Talyaani ah oo la yiraahdo Silvio Gazzaniga, waxaana lagu farsameeyay aqoon-is-weydaarsiga Bertoni ee magaalada Milan. Kooxda ku guulaysata waxay koobka kor u qaadi doontaa muddo kooban oo keliya, ka dibna isla markiiba way soo celin doontaa.

    Spain ayaa Axaddi ku guuleysatay koobka, kaddib markii Spain ay 1-0 kaga adkaatay Argentine wakhtigii dheeraadka ahayd ee cayaarta.

    Koobka Adduunka oo ay sanadkan hanatay Spain, wuxuu ka kooban yahay 6.175 kiilo, waxaana dahabka ku jira lagu qiimeeyay ku dhowaad $713,000 (ama £532,000), sida lagu sheegay falanqayn ay samaysay London Stock Exchange Group (LSEG).

    Dalka ku guulaystay ayaa gurigiisa ula tegi doonaa, halka koobkii asalka ah dib loogu celin doono kaydka matxafka ee magaalada Zurich.

    Laga soo bilaabo Diego Maradona ilaa Zinedine Zidane, iyo Ronaldo ilaa Bastian Schweinsteiger, ciyaartoy badan oo caan ah ayaa magacooda ku qoray taariikhda kubadda cagta iyagoo kor u qaaday koobkan sharafta iyo qiimaha weyn leh.

    Taariikhda koobka hadda la isticmaalo waxay bilaabatay sannadkii 1974, kaddib markii Brazil ay si rasmi ah u yeelatay Koobka Jules Rimet.

    Sannadkii 1970, Brazil waxay markii saddexaad ku guulaysatay Koobka Adduunka, iyadoo tartanka lagu qabtay dalka Mexico.

    Sida uu dhigayay xeerkii xilligaas, waddankii ku guulaysta Koobka Adduunka saddex jeer wuxuu si joogto ah u yeelanayay koobka. Taasi waxay ku qasabtay FIFA inay bilowdo raadinta koob cusub oo loo isticmaalo tartankii 1974, kaas oo lagu qabtay Galbeedka Jarmalka.

    Waxaa la soo gudbiyay 53 naqshadood oo farshaxan ah, kuwaas oo ay sameeyeen farshaxanno ka kala yimid daafaha dunida. Naqshadahaas dhexdeeda, FIFA waxay dooratay naqshaddii uu sameeyay farshaxan-sameeyaha caanka ah ee Talyaaniga, Silvio Gazzaniga.

    Naqshaddii Silvio Gazzaniga ayaa noqotay koobka ay maanta dunidu wada taqaan. Waxay muujinaysaa laba ciyaaryahan oo kor u haya adduunka, taasoo astaan u ah farxadda guusha iyo midnimada dunida ee ay kubbadda cagtu mideyso.

    Koobka FIFA World Cup waxa laga sameeyay dahab 18-karat ah, taas oo ka dhigan in uu ka kooban yahay 75% dahab saafi ah.

    Koobku wuxuu leeyahay astaamahan:

    • Dhererka: 36.8 sentimitir
    • Miisaanka: 6.175 kiiloogaraam
    • Ballaca salka: 13 sentimitir

    Salka hoose ee koobka waxaa ku rakiban dhagaxyo cagaaran oo loo yaqaan malachite, kuwaas oo sii kordhiya quruxda iyo muuqaalka koobka.

    Inkasta oo dahabku yahay waxa ugu caansan ee koobka laga sameeyay, haddana qiimaha koobku kuma koobna dahabka oo keliya. Taariikhdiisa, guulaha waaweyn ee lagu xardhay, iyo booska uu ku leeyahay quluubta taageerayaasha kubadda cagta ayaa ka dhigaya mid ka mid ah agabka ciyaaraha ugu qaalisan uguna sharafta badan dunida.

    Markii Ingiriiska uu ku guuleysatay koobka sannadkii 1966, waxaa la isticmaalay koobkii asalka ahaa ee Jules Rimet.

    Koobkii ugu horreeyay ee Adduunka waxaa la soo bandhigay sannadkii 1930, markii FIFA ay bilowday tartankii ugu horreeyay iyadoo uu hoggaaminayay Jules Rimet, kaas oo koobka loogu magac daray.

    Rimet waa madaxweynaha FIFA ee ugu muddada dheer taariikhda hay’adda, isagoo xilka hayay 33 sano laga bilaabo 1921 ilaa 1954.

    Koobkan waxaa sameeyay farshaxan-yahankii Faransiiska ahaa Abel Lafleur. Naqshaddiisu waxay muujinaysaa Nike, ilaahadda guusha ee Giriiggii hore, oo kor u qaadaysa koob.

    Koobka waxaa laga sameeyay qalin lagu dahaadhay dahab, waxaana lagu dul rakibay dhagax qaali ah oo la yiraahdo lapis lazuli.

    Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, FIFA waxay sheegtay in mas’uul kubadda cagta Talyaani ah oo la oran jiray Ottorino Barassi uu koobka ku qariyay sanduuq kabaha lagu rido oo uu sariirtiisa hoosteeda dhigay magaalada Rome.

    Wuxuu sidaas u sameeyay si uu uga hortago in koobku uu gacanta u galo askarta Naasiyiinta.

    Sidoo kale akhriso

  20. Dhacdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Qabri-bayax ee DDS

    Dad gaaray 15 ayaa ku geeriyooday.

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qabri la qoday

    Wararka ka imaanaya magaalada Qabri Bayax ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inay halkaas ku geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof kadib labo shi oo is xig xigay oo shalay magaaladaas ka dhacay.

    Gaari ka soo baxay tuulada Biyooo siday dad ehel ah oo ka yimid aroos ayaa waxaa ay isku dhaceen gaari kale oo jaad waday, Shilka halkaas ka dhashay ayaa waxaa ku dhintay 12 qof.

    Waxaa intaa kadib bilowday gurmadkii loo fidinayay dadkii dhintay, dadkii dhaawacayada soo gaaray ayaa loo qaaday magaalada Jigjiga halka kuwa geeriyooday la go’aansaday in loo sameeyo aas wadareed.

    Dadkii qabriga qodayay ayaa waxaa ku soo dumay qabrigii ay qodayeen, sidaas aawgeed, halkaas waxaa ka dhashay shil kale oo labaad.

    “Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa ku dhaawacantay halka saddex kale oo meyd ah meesha laga soo saaray, waxaa loo soo qaaday isbitaalka Jigjiga, dhaawaca halkaas ayaa lagu dabiibayaa”, ayuu yiri Cabdixakiin Cabdullaahi Maxamed (Cabdihakiin Gamadiid) oo ah wariye madax banaan oo ka howl gala deegaanka, kaas oo BBC0da u warramay.

    Wefdi u hogaaminayo madaxweynaha DDS ayaa gaaray goobta uu Shilka ka dhacay.

    Howlaha gurmadka ayaa la soo gabagabeeyay.