TOOS, Duqeymaha Iiraan oo weli gobolka ku socda maalintii 34-aad

Weerar uu Maraykanku ku qaaday buundada B1 ee Iran — oo ah buundo dhowaan la dhisay oo isku xirta magaalada Karaj iyo caasimadda Tehran — ayaa si qayb ah u burburiyay dhismaha.

Tebin toos ah

  1. Sida ay Xuutiyiintu ku heleen hubka badda hoos mara iyo tirada gantaalada ay haystaan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maraakiibta ganacsiga iyo maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda cas ayaa marar badan waxaa lagu weeraray gantaalaha lidka maraakiibta, gantaalaha ballistic-ga ah, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxaana hadda soo ifbaxday khatar hor leh oo biyaha hoosteeda ah. Tani waa sida laga soo xigtay machadka ciidamada badda ee Maraykanka.

    18-kii Febraayo, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamada badda ee ku sugan Badda Cas ay burburiyeen markab aan cidina wadin oo marayey biyaha Xuutiyiinta ay maamulaan ee Yemen.

    Maalmo yar ka hor, taliska dhexe ee Mareykanka ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan falkii ciidamada badda ee Mareykanka ay ku qabteen hub ka yimid Iiraan una socday Xuutiyiinta Yemen bishii Janaayo ee la soo dhaafay. War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shixnadda ay ka kooban tahay gantaalada riddada dhexe, walxaha qarxa, qaybo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, maraakiibta quusta ee aan cidina wadin, qalabka isgaarsiinta, gantaalada hagaya taangiyada, iyo qaybo kale oo saanad ciidan.

    Kadib waxaa soo baxay ku dhawaaqista Xuuthiyiinta markii hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaru-Allah ee Xuutiyiinta, Cabdal Maalik Al-Xuuti, uu sheegay Khamiistii in ciidamadoodu ay haystaan “hubka mara badda hoosteeda” si u taageeraan Falastiiniyiinta.

  2. Kharashka Maraykanka maalinkii uga baxo dagaalka Iran

    Dagaalka Iran ayaa mar hore la yimid qiimo qaali ah oo loogu talagalay Mareykanka.

    Lix maalmood oo uu dagaalka socday bishii hore, Pentagon-ka ayaa u sheegtay sharci-dajiyayaasha in dagaalku uu hore ugu kharash gareeyay $11.3 bilyan.

    Xilli uu dagaalku sii socdo, kharashaadka maalinlaha ah ee Maraykanku wuu kala duwanaa.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in qarashka uu hoos u dhacay ay sabab u tahay nidaamka difaaca ee Iran oo daciifay.

    Laakiin khubaradu waxay qiyaasayaan in wali kharashaad badan ay baxaan maalinkii taasi oo qiyaastii dhan $385 milyan maalintii.

    Sidoo kale akhriso:

  3. Cabaas Aragchi oo ka hadlay buundadii uu Mareykanka weeraray

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araghchi ayaa sheegay in bartilmaameedsiga buundada B1 ee ku taala wadada weyn ee waqooyiga Tehran uusan dalka ka dhigi doonin mid is dhiiba.

    Cabaas Araghchi wuxuu ku qoray X-Net: "Bartilmaameedsiga kaabayaasha bulshada rayidka ah, oo ay ku jiraan buundooyinka oo dhismahooda uu weli socdo, weligeed kuma qasbi doonto Iiraaniyiinta inay is dhiibaan... Buundo kasta iyo dhisme kasta waxaa dib loogu dhisi doonaa xirfad ka weyn; laakiin waxa aan waligood la hagaajin doonin waa burburka uu geystay Mareykanka."

    Saacado ka hor, Donald Trump ayaa muuqaal laga duubay weerarkii Mareykanka ee buundada soo dhigay baraha bulshada, isagoo ku qoray: "Waa waqtigii Iiraan ay heshiis gaari lahayd ka hor inta aysan goori goor tahay."

    Sidoo kale akhriso:

  4. Iiraan oo ka yaabsatay Mareykanka iyo Israa’iil

    Markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerarro wadajir ah ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, su'aasha ugu weyn ee xilligaas waxay ahayd intee in le'eg ayuu dagaalkani socon doonaa?

    Markaa arrintu waxay u muuqatay inay jiitamayso maalmo, toddobaadyo, iyo hadda bilo, waxayna u muuqatay in aanu jirin waqti cad oo lagu soo afjarayo dagaalkan.

    Khudbadii ugu dambeysay ee uu u jeediyay shacabka Mareykanka, Madaxweyne Trump, ayaa si ka duwan sidii la filayay, waxa uu awoodi waayay inuu soo bandhigo qorshe cad, balse waxa uu sheegay in "Mareykanku uu ku dhow yahay inuu gaaro hadafkiisa istiraatijiyadeed ee Iiraan" iyo in "weerarro ba'an lagu qaadi doono Iiraan labada ilaa saddexda toddobaad ee soo socda".

    Waxa uu sidoo kale ku hanjabay "in uu Iiraan dib ugu riixayo Casrigii Dhagaxa".

    Suuqyada Shidaalka iyo Suuqyada saamiyada oo rajo ay ka qabey khudbadii uu shacabka u jeediyey ayaa markiiba ka falceliyay, mana aha oo kaliya in sicirka saliidda si xawli ah kor ugu kacay caalamka, balse suuqyada Aasiya oo kuwa Maraykankuna ku jiraan ayaa iyaguna hoos u dhacay.

    Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyay NATO Ivo Dalder oo ka jawaabayay khudbada ayaa sheegay in hadalka Trump uu keenay "shaki laga qabo ujeedooyinka dagaalka" wuxuuna ka tagay dhowr su'aalood oo muhiim ah oo aan laga jawaabin, oo ay ku jiraan sababta Maraykanku uu weli u sii wado hawlgallada milatari ee Iiraan haddii sida uu sheegay Trump la burburiyo awoodda Nukliyeerka ee Iiraan, ciidamada badda iyo gantaalaha.

    Hal shay ayaa ku cad hadalka madaxweyne Trump: dagaalku wuu sii socon doonaa.

    Khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ee dagaalka ayaa hadda si cad u muuqda, Trump kuma eka xulafada NATO inuu afka ka hadlo oo kaliya, balse waxa uu ku hanjabay inuu isaga bixi doono.