TOOS, Iiraan oo ku wargelisay Israa'iil inay joojiso weerarada Lubnaan hadii kale ay wajahi doonto wax ay ku tilmaantay jawaab adag

Trump waxaa uu sheegay in Marinka Hormuz la furi doono jimcaha balse muran ayaa weli ka taagan heshiiskan la saxiixay

Kooban

Tebin toos ah

  1. Maraakiib Iiraan leedahay oo markii ugu horeysay ka gudbay khadka go'adoominta Mareykanka

    Saddex markab oo nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayaa markii ugu horreysay muddo laba bilood ah kadib ka gudbay go'doomintii Mareykanka ee Marinka Hormuz, sida ay sheegeen ilaha la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta, xilli ay Tehran iyo Washington isu diyaarinayaan inay saxiixaan heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaalka.

    Qaybta xaqiijinta wararka ee BBC Verify, ayaa diiwaangelisay in maraakiibtan reer Iiraan ee cunaqabataynta saaran, kuwaas oo ay leedahay Shirkadda Qaranka ee Maraakiibta Shidaalka Iiraan (NITC), ay ka gudbeen khadka go'doominta iyaga oo sida xamuul, isla markaana ay u shiraacdeen dhanka Badda Carabta.

    Maraakiibtan ayaa mar kale shiday aaladaha laga raadraaco goobta ay ku sugan yihiin, balse hadda ma shaacinayaan halka ay u socdaan.

    Sidoo kale akhri

  2. JD Vance oo sheegay in Iran aysan heli doonin lacagaha canshuur bixiyayaasha Mareykanka

    .

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraalka sawirka, .

    laga qabo dagaal kale.

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in Iran aysan heli doonin lacagaha canshuur bixiyayaasha Mareykanka, balse ay heli karto balaayiin doollar haddii ay fuliso ballanqaadkeeda, lagana qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran.

    Taasi waxay siinaysaa Tehran fursad ay ku soo bandhigto heshiiska si ay u soo jiidato maalgashiga iyo dib u dhiska dhaqaalaheeda, halkii loo arki lahaa in ay ku xiran tahay Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, khataraha ayaa weli ah. Si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta heshiiskan, waxaana la filayaa in wada hadallo kale ay ka furmaan dalka Switzerland maalinta Jimcaha.

    Qodobada ugu adag ayaan wali si buuxda loo xalin, waxaana ka mid ah masiirka Yuraaniyaamka Iran ee la hodmay, heerka tayeynta ee la ogolaan doono, qaadista cunaqabateynta, arrinta marin biyoodka Hormuz iyo xaalada Lubnaan.

    Waxa kale oo jira hubanti la'aan ku saabsan Israa'iil. Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay wararka sheegaya in Israa'iil ay ciidamadeeda kala baxayso koonfurta Lubnaan, isagoo ku adkeystay in ciidamada Israa'iil ay sii joogi doonaan halkaas.

    Dhanka kale, Donald Trump ayaa si cad ugu dhaliilay Israel howlgallada ay ka wado Lubnaan, isagoo sheegay in dad aad u badan lagu dilay. Waxa kale oo uu sheegay in aanu ku qanacsanayn weerarka Israa'iil ay ku qaaday Beyruut oo dhacay wax yar ka hor inta aan la gaadhin heshiiska Iran iyo Maraykanka, inkasta oo uu ku adkaystay in xidhiidhkiisa Netanyahu uu si wanaagsan u socdo.

    Laakiin heshiiska ayaa u muuqda mid jilicsan. Hadii Israa'iil ay sii wado howlgalkeeda Lubnaan, Iran waxay wajihi doontaa cadaadis ah inay ka jawaabto. Haddii Washington ay ku guuldareysato inay ka hortagto Israa'iil, sheegashada Tehran ee ah in Lubnaan ay ku jirto heshiiska ayaa dhawaan la tijaabin karaa.

    Sidoo kale akhri

  3. Cunnooyinka ay Soomaalida caanka ku tahay ee aan beerka u fiicneyn

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dr. Maxamed Cabdullaahi oo ku takhasusay cudurrada guud, baaritaanna ku sameeyay cagaarshowga oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in beerka ay ku dhacaan xanuunno dhowr ah oo uu cagaarshowgu ka mid yahay.

    Dr. Maxamed ayaa sheegay in cunnooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa dufanta leh, saliidda iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka.

    Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay.

    “Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah,”

    Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo.

    “Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.

    Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale.

    “Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.

    Macluumaad dheeri ah hoos ka akhriso.

  4. Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday in ka badan $1 Bilyan oo kaalmo ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday gargaar bini'aadantinimo oo ka badan hal bilyan oo doolar oo loogu deeqayo Qaramada Midoobay.

    Warbixin ka soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacagtan loo qaybin doono hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), waxayna gargaar gaarsiin doontaa in ka badan afartan dal oo ay ku jiraan Itoobiya, Myanmar iyo Burma iyo Ukraine.

    Tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii hore, Mareykanka ayaa ballanqaaday ku dhowaad shan bilyan oo doolar oo la siinayo hay’adaha Qaramada Midoobay, ka dib jarid ballaaran oo lagu sameeyay gargaarkii dibadda markii uu madaxweyne Trump dib ugu soo laabtay xukunka.

    Deeqadan ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo nolosha dadka ay saameyeen dagaallada, abaaraha iyo kuwa kale ee wajahayaha baahiyaha bini'aadantinimo.

    Taageeradan loo fidiyay UNICEF iyo WFP, waxay si dheeraad ah u muujinaysaa sida Maamulka uga Trump uga go'an yahay horumarinta dib-u-habaynta Qaramada Midoobay.

    Qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka la wadaagtay warhaainta, si cad looguma sheegin dalalka sida tooska ah uga faa'ideysan doona deeqdan.

    Sidoo kale akhri

  5. Daraasad war aan fiicneyn ka sheegtay dumarka aroortii kaca

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Haweenka subixii firfircoon ayaa la sheegay inay khatar yar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka naasaha, sida ay sheegeen baarayaal UK u dhashay.

    Baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in sababta arrintaasi keentay ay weli u baahan tahay in shaaca laga qaado.

    Waxay intaas ku dareen in daraasaddan ay muhiim tahay iyadoo laga yaabo inay saameyso haweeney walba.

    Khubarrada ayaa sheegay in daraasadda oo lagu soo bandhigay Shirka NCRI ee Kansarka ee magaalada Glasgow, ay faham wanaagsan ka bixisay muhiimadda ay hurdadu u leedahay caafimaadka.

    Qof walba wuxuu leeyahay saacadda jirka, taas oo maamusha sida uu jirku u shaqeeyo celcelis ahaan muddo 24 saacadood gudahood ah.

    Waxay saameysaa wax walba laga soo bilaabo markaan seexanno, xaaladdeenna iyo xitaa khatarta aan ugu jirno wadno-istaagga.

    Balse saacadaha jirka ee dadka isku waqti ma sheegto.

    Dadka subixii ayaa aroortii soo kaca xilli horana wax qabsada, waana kuwo daala marka la gaaro casar-liiqa.

    Dadka fiidkii ayay ku adag tahay inay kacaan xilli hore aroortii, waxayna wax qabsadaan oo ay firfircoon yihiin xilli dambe fiidkii, waxayna door bidaan inay xilli dambe habeenkii seexdaan.

  6. Iiraan oo hanjabaad adag u dirtay Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Iran ayaa uga digtay Israa'iil inay joojiso weerarrada ay ku heyso koonfurta Lubnaan, haddii kale ay la kulmi doonto wax ay ku tilmaantay jawaab adag.

    Xarunta dhexe ee militariga Iran ayaa sheegtay, in Israa'iil ay jabisay xabbad-joojinta afar iyo siddeetan jeer labadii maalmood ee la soo dhaafay.

    Warbaahinta dowladda Lubnaan ayaa goor sii horreysay sheegtay, in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen duqeymo ay geysatay Israa'iil.

    Militariga Israa'iil ayaa dhankooda sheegay, inay duqeeyeen gaari ay ku tilmaameen mid laga shakiyay.

    Isagoo ka hadlayay shir-madaxeedka G7, Donald Trump ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn Israa'iil, isla markaana la dilay dad aad u badan.

    Dagaalkani waxa uu ahaa khaladkii ugu xumaa ee uu sameeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ugu yaraan ilaa hadda siyaasadda arrimaha dibadda.

    Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu cadawgiisa is ka celiyo.

    Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.

    Sidoo kale akhri

  7. Jeremy Bowen: Sida dagaalka Iran uu u muujiyay inta ay la egtahay tabarta Maraykanka

    Dagaalkani waxa uu ahaa khaladkii ugu xumaa ee uu sameeyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ugu yaraan ilaa hadda siyaasadda arrimaha dibadda.

    Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu cadawgiisa is ka celiyo.

    Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.

    Mas'uuliyiinta dalalkan ayaa durba si gaar ah uga hadlaya sidii ay u kala duwanaan lahaayeen xulafadooda iyo sidii ay Iran ula noolaan lahaayeen. Shiinaha ayaa sidoo kale si dhow isha ugu hayay iyadoo Mareykanka uu daalan yahay keydkiisa hubka ee ay adag tahay in la bedelo.

    Heshiiskan ayaa haddii aanu la kulmin wax caqabado ah daqiiqadaha ugu dambeeya, waxa uu soo afjarayaa dagaal salka ku haya aragti been ah oo ay Maraykanka iyo Israa'iil ka aaminsan yihiin xoogga cadawgooda ee Iran. Tani waxay nasteexo weyn u keeni doontaa dhammaan dadkii ay noloshoodu ku cuslaatay dagaalka, oo ay ku jiraan dadka rayidka ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

  8. Sidee dadka Iiraaniyiinta ah uga falcelinayaan heshiiska?

    Hoggaanka Iran ayaa isku dayaya in ay u soo bandhigaan heshiiska cusub ee ay la galayaan Mareykanka in uusan ahayn mid dib u gurasho, balse uu yahay natiijada iska caabin iyo guul.

    Laakiin falcelinta ka timid dhegaystayaasheena BBC-da Faaris ayaa soo jeedinaysa in sheekada guusha rasmiga ah ay u soo degayso si aan sinnayn.

    Hal qof ayaa noo sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin weerar kale oo Israa’iil ah, laakiin xitaa markii ay maqleen heshiiska, waxa ay sheegeen in aanay wax kalsooni ah ku qabin oo ay ka walaacsan yihiin in dalka si habboon loo maareynayo haddii heshiisku uu sii socdo.

    Qof kale oo Iiraani ah oo ka soo horjeeda maamulka, oo markii hore taageeray tallaabada militariga Mareykanka, ayaa yiri: "Rajadeennu waxay ahayd in nidaamka xukunka wax iska beddelo. Laakiin marka laga reebo darxumada, sicir-bararka iyo dhaawaca kale ee dhaqaalaha, muxuu faa'iido ah oo uu leeyahay?"

    Kuwo kale ayaa hiilo u muujiyay dawladda. Hal qof ayaa ku tilmaamay Iran in ay tahay guuleystaha, isagoo sheegay in dagaalku muujinayo in cunaqabateynta aan looga qaadin "dawarsi", balse loo maray awood.

    Laakin dad badan oo iiraaniyiin ah, guusha laguma qiyaasi doono halku dhigyo. Waxaa lagu qiyaasi doonaa haddii dagaalku joogsado, sicirka oo yaraada iyo haddii hoggaanku uu maamuli karo marxaladda soo socota iyada oo aan mar kale si lama filaan ah u kicin.

  9. Somaliland oo ka jawaabtay cambaarayntii dowladda Soomaaliya ee maanta

    Somaliland ayaa iska diiday cambaarayntii ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya maanta ee ku aadaneed booqashada rasmiga ah ee madaxweynaha Somaliland ku joogo Israa'iil.

    "Warka ka soo baxay Muqdisho waa xaqiiqo kale oo lagu qalloocinayo taariikhda, xaqiiqada lagu diidayo, laguna marin habaabinayo beesha caalamka," ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Somaliland.

    Waxaa intaa la raaciyay in ay iska diideen in tallaabooyinka Somaliland ay kula macaamilayso wadamada caalamka ay yihiin kuwo aan ka hor imaanayn shuruucda caalamiga ah.

  10. Qiimaha saliidda cayriin ee Brent oo hoos ugu dhacday $80 markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso

    Hadda qiimaha Brent crude, oo ah halbeegga caalamiga ah, ayaa hoos uga dhacay $80 (£60) foosto markii ugu horreysay tan iyo horraantii bishii Maarso, isagoo hoos ugu dhacay $79.90.

    Qiimaha Brent ayaa hadda aad uga hooseeya kii ugu sarreeyey ee uu ku dhuftey markii uu sii laba qarxay dagaalka, kaas oo ahaa 120 dollar foostadii.

    Kahor inta uusan dagaalku bilaabmin waxa lagu kala iibsanayay ku dhawaad ​​$70.

  11. Warar is qilaafsan oo ka soo baxaya faahfaahinta heshiiskii Iran iyi Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qodobbada ku jira heshiiska Mareykanka iyo Iran ee lagu soo afjarayo dagaalka ayaan weli la soo saarin, balse waxaan warar dheeraad ah oo aan ka maqalnay saraakiisha labada dhinac.

    Tan iyo markii heshiiska lagu dhawaaqay Axadii, waxaa soo baxayay fariimo iska soo horjeeda oo ka imaanayay mas'uuliyiinta Washington iyo Tehran oo ku saabsan sida uu u ekaan doono.

    Iran maxay tiri?

    Ballanqaadyo dhaqaale: Afhayeenka arrimaha dibadda ee Iran, Esmail Baghaei ayaa sheegay shalay Mareykanka inay ka go'an tahay inay qaadaan tallaabo dib loogu dhisayo Iran iyo in laga qaado cunaqabateynta dhaqaale.

    Marinka Hormuz: Baghaei waxa kale oo uu sheegay in Cumaan iyo Iran ay qaadi doonaan "tallaabooyin lagama maarmaanka ah" si loo xaqiijiyo marinka "nabdoon" ee maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ah.

    Lubnaan: "Lubnaan iyo dhammaadka dagaalka Lubnaan waa qayb aan laga sooci karin oo ka mid ah heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka," ayuu yiri Baghaei shalay, isagoo intaas ku daray in Mareykanku "ay ku qasban yahay inuu xaqiijiyo" in Israa'iil ay raacdo.

    Maraykanku muxuu yiri?

    Ballanqaadyo dhaqaale: Trump ayaa ku tilmaamay rajada laga qabo in lacag lagu maalgeliyo Iran wax lagu qoslo. Waxay timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Maraykanku uu diyaar u ahaa inuu u oggolaado sanduuqa maalgashiga ee Iran si loogu beddelo heshiiska Tehraan ee xallinta kama dambaysta ah.

    Marinka Hormuz: Trump waxa uu sheegay Axadii in marin biyoodka Hormuz la furi doono marka la saxiixo heshiiska hordhaca ah, balse ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan cidda xakamayn doonta.

    Lubnaan: Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa shalay sheegay in ka bixitaanka Israel ee Lubnaan aanu qayb ka ahayn heshiiska.

  12. Trump oo Netenyahu u sheegay in uu xushmeeyo Lubnaan

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Arrinta Lubnaan, Donald Trump waxa uu sheegay in Israa’iil ay la dagaalamaysay Xisbullah “in badan dad badana la dilayo”.

    Mar la waydiiyay in uu ka niyad jabsan yahay ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, Trump waxa uu sheegay in ay "xiriir weyn leeyihiin" balse waxa uu intaa ku daray in "ay tahay in uu mas'uul ka noqdo Lubnaan".

    "Ma aanan jeclayn in uu weerar ku qaaday...ka badbadis ayay ahayd," ayuu yiri Trump.

    Xog: Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay Beirut ayaa cadaadis saaray isku dayga lagu doonayay in lagu gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka sabtidii iyo axadii la soo dhaafay, iyadoo Trump uu xilligaas yiri: "Yeynan afuufin"

    "Maraykanka la'aanteed, Israa'iil ma jiri lahayn... ma jiro madaxweyne kale oo diyaar u ahaa inuu sameeyo waxaan u sameeyay," ayuu raaciyay.

  13. War deg deg ah, Dowladda Federaalka oo war ka soo saartay booqashadii Cirro ee Israa'iil

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay xirriirka Israa’iil iyo Jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo ay sheegtay inuu ka baxsan yahay qaab-dhismeedka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

    "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa xiriir kasta oo noocaas ah mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda, midnimadeeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo nidaamkeeda dastuuriga ah. Soomaaliya waxay weli tahay dawlad madaxbannaan oo caalami ahaan la aqoonsan yahay, Dawladda Federaalkuna waa hay'adda keliya ee sharciga ah ee awoodda u leh inay dalka ku metesho xiriirka caalamiga ah”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

    "Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsanaysaa in xiriir kasta oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed, ama mid kale oo lala yeesho maamulka gooni-u-goosadka ah, kaas oo hareer maraya Dawladda Federaalka Soomaaliya, uu ka horimanayo sharciga caalamiga ah, isla markaana aanu lahayn wax miisaan sharci ama siyaasadeed ah”, ayaa intaas la raaciyay.

    Soomaaliya aya dhanka kale ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, iyo dhammaan bahwadaagta caalamiga ah inay dhowraan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madaxbannaanida iyo dhowrsanaanta dhulka Soomaaliya, ayna cambaareeyaan ficillada wiiqaya midnimada iyo xasilloonida dawladnimada Soomaaliya.

    "Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xajisanaysaa xaqa ay u leedahay dawlad nimo inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka sharciga ah ee lagama maarmaanka ah, iyadoo u mareysa dariiqyada diblomaasiyadeed, sharci, iyo kuwa kale ee habboon, si ay u difaacdo madaxbannaanideeda, dhowrsanaanta dhulkeeda, iyo midnimadeeda qaran”.

    Soomaaliya waxay weli ka go'an tahay wadahadal nabadeed, xasilloonida gobolka, iyo xiriir dhexgal oo dhaxalgal ah oo ay la yeelato dhammaan bahwadaagta, laakiin ma aqbali doonto ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanideeda ama khatar ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed ayay tiri.

  14. Muhiimadda magaalada Qudus ee ay Somaliland ka furatay safaaradda

    .

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraalka sawirka, .

    Qudus (Jerusalem) - waa magac ay maamuusaan Muslimiinta, Yahuudda iyo Masiixiyiinta, waana goob muddo qarniyo ah uu ka taagan yahay khilaaf la xiriira lahaanshaheeda.

    Muslimiinta waxay u garanayaan Al-Qudus, halka Yahuuddana ay u yaqaanaan Yerushalayim. Waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimisan caalamka. Marar badan ayaa la kala qabsaday, la burburiyay, dibna loo dhisay. Qeyb kasta oo ka mid ah waxay u taagan tahay taariikh hore.

    In kastoo dagaallo badan ay ka dheceen Qudus, haddana goobaha cibaadada ee diimahan kala duwan, way isku xushmeynayeen, wayna ka mideysnaayeen taa.

    Waxaa xuddun u ah qeybta qadiimiga ah. Jidadkeeda ciriiriga ah iyo dhismeyaasha taariikhiga ah ee afarta u qeybsan - Muslimiinta, Masiixiyiinta, Yahuudda iyo Armenian-ka. Waxaa qeybtaas ku wareegsan gidaar, waxaana ku yaalla qaar ka mid ah goobaha ugu barakeysan caalamka.

    Haddaba aan eegno seddaxda qeyb ee ugu qadiimisan.

  15. Xayawaanka Soomaalida aadka u taqaanno ee la sheegay inuu kansarka daweyn karo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Daraassada ay sameeeen saynisyahanno ayaa muujinaya in xayawaan ku nool saxaraha uu daawo u noqon karo cudurka Kansarka.

    Xayawaanka faaranfarka oo inta badan ah mid laga helo dalalka Afrika sida Soomaaliya, iyo keymaha ayay khuburradu sheegeen in uu noqon karo mid loo isticmaalo daaweeynta cudurka kansarka.

    Cilmi baaristaan oo diiradda lagu saaray sida bini’aadamku ugu noolaan karo nolol caafimaad leh iyo cimri dheer ayaa lagu sheegay in xayawaanka uu noqon karo mid lagu daaweeyo cudurka oo aan horey u jirin daawo sax ah oo loo hayo.

    Xaywaanka ayaa noolaan kara celcelis ahaan dhowr boqol oo sano, waxaa uu u adkaysan karaa cudurrada daba dheeraay oo ay ka mid yihiin macaanka, waxayna leeyihiin nidaam taran oo xiiso leh oo iyaga u gaar ah.

    Waxaa ka mid ah meelaha laga helo kaymaha Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaan halkaasi ku noolaa xayawaanka ka hore xilligii gumeeysiga iyo haddaba ayada oo qaarkood xayawaanka uu nolaan karo ku dhawaad dhowr boqol oo sano.

    Sidoo kale waxaa uu xaywaanka faa'iidooyin u leeyahay deegaanka, iyo kala duwanaanshaha noolaha bin'aadmka.

  16. Maxaa ka jira in Trump uu Iiraan siiyay 300 oo milyan oo doolar?

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa beeniyay wararka sheegaya in Washington ay siisay Iran lacag dhan $300 milyan, isagoo ku tilmaamay "war been abuur ah".

    Farriin uu ku soo qoray bartiisa Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in sheegashooyinka ay ku saleysan yihiin macluumaad khaldan oo ay faafiyeen dadka ka soo horjeeda siyaasaddiisa, isagoo ku adkaystay in Mareykanku uusan wax lacag ah siinin Iiraan.

    "Iiraan waxay ogolaatay inaysan waligeed lahaan doonin hub nukliyeer ah! Sidoo kale, warbixinta ah in Mareykanku uu Iran siinayo $300 milyan waa warar been abuur ah oo ay faafiyeen Dimuqraadiyiintu.", ayuu yiri Trump.

    Eedeymahan ayaa dhaliyay dood ballaaran oo ka taagan saaxadda siyaasadda caalamiga ah, taasoo sii hurinaysa xiisadda sii kordheysa ee u dhaxaysa Washington iyo Tehran, inkastoo dadaallo dhowaan la sameeyay lagu gaaray heshiis lagu joojinayo colaadda u dhaxaysa labada dal.

    Sidoo kale akhri

  17. “Saddex jeer ayaan ku sigtay in la ii dilo” - Xassan Sheekh

    .

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, .

    Tan iyo markii ay kooxaha Islaamiyiinta ah billaabeen weerarrada ay ka fuliyaan Soomaaliya waxaa dadka ay bartilmaameedsanayeen ku jiray madaxda ugu sarreysa dowladda.

    Marar kala duwan ayay u suurtagashay in ay khaarijiyaan mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan goleyaasha dowladda.

    Laakiin, waxaa jiray dhowr jeer oo ay xitaa isku dayeen in ay dilal u gaystaan madaxweyneyaashii Soomaaliya qaar.

    Saddex madaxweyne oo xilka hayay ayaa ka badbaaday isku day dil oo mararka qaar ay halis wayn ku galeen.

    Cabdullaahi Yuusuf Axmed

    Cabdullaahi Yuusuf Axmed - oo Soomaaliya madaxweyne kasoo noqday intii u dhaxaysay 14-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2004 ilaa 29-kii bishii Diseember ee sanadkii 2008 - ayaa labo jeer ka badbaaday isku day dil oo lagu damacsanaa in lagu khaarijiyo.

    Qof kaxaynayay gaari ay ku jiraan waxyaabo qarxa ayaa 18-kii Sebteembar ee sanadkii 2006 isku qarxiyay bannaanka hore ee dhismaha fadhiga u ahaa baarlamaanka ee magaalada Baydhabo.

    Qaraxaas iyo israsaasayn daba socotay waxaa ku dhintay 11 qof oo uu ku jiray madaxweynaha walaalkiis.

    Hase yeeshee, Cabdullaahi Yuusuf oo xilligaas goobta ku sugnaa ayaa ka badbaaday weerarka.

  18. Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay safaaradda ay Somaliland ka furatay Qudus

    .

    Xigashada Sawirka, X

    Qoraalka sawirka, .

    Ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay safaaradda ay jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ka furatay magaalada Qudus oo muddo qarniyo ah la isku haysto.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in tillaabadani ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana xadgudub bareer ah ku ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraadaha khuseeya.

    Waxay Xoghaynta Guud sheegeen in Israa'iil, oo ay ku sheegtay Quwadda Gumeysiga haysata—aysan wax madax-bannihaan ah ku lahayn Qudusta la haysto, iyo in dhammaan go'aamada iyo tillaabooyinka loogu talagalay in lagu baddelo maqaamkeeda siyaasadeed, sharci, ama dadka deegaanka ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.

    “Xoghaynta Guud waxay mar kale xaqiijineysaa garab istaaggeeda buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo taageeradeeda hagar-la'aanta ah ee ku aaddan madax-bannaanida qarankeeda iyo midnimadeeda dhuleed, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay mowqif adag ka istaagto tillaabadan sharci-darrada ah, ayna ka hortagto”, ayaa lagu yiri bayaanka.

    Sida aan horey idinugu so tebinay, Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil Gideon Sa'ar ayaa Isniintii shalay furay safaaradda Somaliland ee Qudus, taasoo ah xafiiskii sideedaad ee diblomaasiyadeed ee heerka sare ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

    Sidoo kale akhri:

  19. Waa 24 sano jir aan weligeed la shukaansan - "Cabsida aan ka qabo ragga si weyn ayay ii saameysay,

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Jacinta Wambu waa gabadh 24 jir ah oo ku nool dalka Kenya waxay sheegtay in cabsi ay lasoo deristo mar kasta oo ay aragto ragga xitaa waxaa xilliggaas ku adag inay hadasho.

    Gabdhan xitaa indhaha ma siin karto ragga doonaya inay shukaansadaan ama kuwa kale ee danta kala dhexeyn karta.

    Jacinta waxay qirtay in dhibaatadan lasoo deristay ay tahay mid nafsaani ah ama xanuun dhanka maskaxda ah oo ku dhacay, waana dhibaato ay lasoo daalaa dhaceysay tan iyo yaraanteedi.

    "Mararka qaar waxaan damcaa in aan sito boor uu ku qoran yahay, aniga cidna la hadli maayo sababta oo ah meel kasta aan tago dadka waxay i weydinayaan, maxaad u aamusantahay? dabcan waa xaalad aad u daran" ayay tiri Jacinta oo u warrameysay Anne Ngugi oo ka tirsan BBC-da laanta Sawaaxiliga.

    Xitaa waxay ka cabsoota ragga kusoo ag dhawaada ama kuwa ku sugan agagaarkeeda.

    Marka ay kasoo muuqato baraha bulshada Kenya si xaaladdeeda ay uga sheekeyso ayaa waxay dareenta cabsi ah sida dadka ay uga falcelin doonaan ama sida ay ula dhaqmi doonaan marka ay ka hadleyso dhibatada heysata.

    Jacinta waxay sheegtay inay la nooshahay xaalad la yiraahdo, 'anthrophobia' oo ay dhakhaatiirta ku tilmaameen in qofka uu ka cabsado in uu la hadlo dad kale.

    Marka ay kasoo muuqato baraha bulshada Kenya si xaaladdeeda ay uga sheekeyso ayaa waxay dareenta cabsi ah sida dadka ay uga falcelin doonaan ama sida ay ula dhaqmi doonaan marka ay ka hadleyso dhibatada heysata.

  20. Muxuu Cirro yiri markii uu la kulmay Netanyahu?

    .

    Xigashada Sawirka, social

    Qoraalka sawirka, .

    Sida aan horey idinugu so tebinay, Madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa'iil Gideon Sa'ar ayaa Isniintii shalay furay safaaradda Somaliland ee Qudus, taasoo ah xafiiskii sideedaad ee diblomaasiyadeed ee heerka sare ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas.

    Waxaa dhanka kale hadaba kulmay madaxweyne Ciro iyo Benjamin Netanyahu, khudbado ayay jeediyeen.

    Madaxweyne Cirro ayaa waxaa uu yiiri:

    "Arrintani waa hab aan sidoo kale muujinayno qaddarintayada ku aaddan xaqiiqda ah in aad safaarad ka furanaysaan Quddus oo ah caasimaddayadii qadiimiga ahayd. Waa aqoonsi kale oo barbar-socoda ah, si la mid ah sida aad uga filaysaan ummadaha kale in ay aqoonsadaan madaxbannaanidooda, aqoonsigiinna, iyo xaquuqdiinna qarannimo, waa isla arrintani aan ka taagan nahay caasimaddayada. Waxay u ahayd caasimad dadka Yuhuudda ah tan iyo wakhtigii Boqor Daawuud. Waa uun 3,000 oo sano ka hor. Sidaa darteed, waddamada qaar, tani waa aqoonsi daahay. Laakiin xaggiinna, wuxuu ahaa mid degdeg ah. Aad ayaan u soo dhawaynayaa taas. Waxaan rabaa in aan u mahadceliyo adiga iyo wafdigaaga sharafta leh ee wasiirrada iyo saraakiisha ka kooban"

    Wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil, Gideon Sa'ar ayaa dhankiisa dheegay in Israa'iil iyo somaliland ay xiriirka ay samaysanayaan u madax banaan yihiin cidna aysan kala tashan doonin.

    "cidina uma go'aamineyso Israa'iil iyo Somaliland-ba cidda aan la yeelaneyno xiriir diblumaasiyadeed", ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Israa'iil.

    Netanyahu dhankiisa waxaa uu yiri:

    "Tani waa daqiiqad taariikhi ah. Waa booqashadii rasmiga ahayd ee ugu horreysay ee uu Madaxweynaha Somaliland ku yimaado kaddib aqoonsigii rasmiga ahaa ee ay Israa'iil aqoonsatay Somaliland. Waan ku hanweynahay, aniga laftaydu waan ku faanayaa, xukuumaddayduna waa xukuumaddii ugu horreysay ee caalamka ka jirta ee aqoonsata Somaliland. Kuwo kale ayaa soo raaci doona. Waxaanan u malaynayaa in tillaabooyinkani ay muujinayaan xidhiidha ruuxiga ah ee qotada dheer ee ka dhexeeya dadyowgeenna.

    Ku soo dhowaada Israa'iil, ku soo dhowaada Quddus, caasimaddayada. Waad mahadsan tahay, ayuu intaa raaciyay.