War deg deg ah, Hoggaamiye mucaaradka Turkiga oo shaqo joojin lagu sameeyay

Xigashada Sawirka, BBC TÜRKÇE
Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa amar ku bixisay in shaqada laga joojiyo hoggaamiyaha hadda ee xisbiga mucaaradka ugu weyn dalkaasi. Tani waa go’aankii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsanayo xisbiga CHP, kaas oo wajahaya eedeymo badan oo uu xisbigu sheegay inay yihiin kuwo siyaasadaysan.
Amarkan ayaa ka dhigan in hoggaamiyaha hadda ee xisbiga, Özgür Özel, shaqada laga joojin doono, halka hoggaamiyihii hore, Kemal Kılıçdaroğlu, uu si ku meel gaar ah xilka ula wareegi doono.
Go’aankan wuxuu la xiriiraa dacwad sharci ah oo laga gudbiyay shirkii guud ee xisbiga ee sanadkii 2023, kaas oo lagu doortay Özel.
Waxaa la filayaa in racfaan laga qaato go’aankaas. Özel ayaa ugu yeeray dhammaan xubnaha baarlamaanka ee xisbigiisa inay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga si loo qabto kulan degdeg ah.
SII AKHRI WARBIXINO KALE




