TOOS, Xoghayaha difaaca Maraykanka oo sheegay in in xabbad-joojinta lala galay Iiraan ay fursad u tahay "nabad dhab ah," iyadoo labada dhinacba ay guul sheeganayaan
Maraykanka iyo Israa’iil ayaa u muuqda inay hakiyeen weeraradii ay ku hayeen Iiraan inta ay xabbad-joojintu socoto
Ra’iisul Wasaaraha Bakistaan, Shehbaz Sharif, oo dalkiisu
dhex-dhexaadinayo wadahadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, ayaa sheegay
in lagu soo warramay xadgudubyo ka dhan ah xabbad-joojinta oo ka dhacay
"goobo kooban oo ka tirsan aagga colaadda".
Qoraa uu soo dhigay bartiisa X, ayuu ku yiri: "Waxaa
jira warar sheegaya xadgudubyo xabbad-joojin ah oo ka dhacay meelo yar oo ka
mid ah aagga colaadda, kuwaas oo wiiqaya nuxurka hannaanka nabadda.
"Waxaan si kal iyo laab ah ugu baaqayaa dhammaan
dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn oo ay dhowraan xabbad-joojinta labada
toddobaad ah, sidii lagu heshiiyay, si diblomaasiyaddu ay door hoggaamineed uga
qaadato xal u helidda colaadda si nabad ah."
Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa u digay xoghayaha
guud ee Xisbullah, Naim Qassem, isagoo sheegay in "markiisa shakhsiga
ah" ay soo socoto, kadib markii uu ku dhawaaqay in milatarigu ay boqolaal
dagaalyahan ku qaadeen weeraro kadis ah oo lala beegsaday xarumo ku yaalla guud
ahaan Lubnaan.
"Waxaan uga dignay Naim Qassem in Xisbullah ay qiimo
aad u sarreeya ku bixin doonto weerarka ay Israa’iil ku soo qaaday iyadoo
matalaysa Iiraan, maantana waxaan fulinnay tallaabo kale oo kamid ah
ballanqaadkii," ayuu Katz ku yiri bayaan uu soo saaray.
Iyadoo weerarada baaxadda leh ee Lubnaan ay sii socdaan
inkastoo ay jirto xabbad-joojinta lala galay Iiraan, Katz ayaa sheegay in
Israa’iil ay ku adkaysatay "in la kala saaro fagaarayaasha dagaalka ee
Iiraan iyo Lubnaan, si loo beddelo xaqiiqada Lubnaan, loogana saaro khatarta
dadka deggan waqooyiga."
Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee Iiraan oo war cusub ka sheegay Maraykanka
Xigashada Sawirka, AF
Qoraalka sawirka, .
Saacado ka
dib markii lagu dhawaaqay xabbad-joojin
laba toddobaad ah oo lagu hakinay dagalkii ka oognaa bariga ee ka dhanka ahaa
Iiraan, ayuu Madaxweyne Trump sheegay in Tehraan ay joojin doonto tayeynta
Yuraaniyamka. Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, Pete Hegseth, ayaa ku celiyay
hadalkaas, isagoo xusay in Iiraan ay tahay inay wareejiso Yuraaniyamka la
hodimiyey ama uu Maraykanku ka qaadan doono.
Maraykanka
iyo Israa’iil ayaa u muuqda inay hakiyeen weeraradii ay ku hayeen Iiraan inta
ay xabbad-joojintu socoto. Madaxweynaha Iiraan, Masuud Bisishkiyaan, ayaa
xaqiijiyay in dalkiisu uu ka qaybgali doono wadahadallo lala galayo Maraykanka
oo ka dhici doona dalka Bakistaan.
Maxay tahay arrinta aan lagala wadahadli karin Iiraan ee uu sheegay xoghayaha Difaaca Maraykanka?
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Markii la weydiiyay in Iiraan ay wareejiso maadada
uranium-ka ee la hodmiyey ay tahay mid "aan gorgortan geli karin"
marka loo eego Mareykanka, Hegseth ayaa ku jawaabay inay mar walba ahayd mid
aan gorgortan geli karin in Iiraan aysan haysan hubka nukliyeerka.
Wuxuu sheegay in Iiraan ay maadadaas la hodmiyey ku wareejin
doonto si ikhtiyaari ah, haddii kale Mareykanku uu xajisan doono
"fursadda" uu kaga falcelin karo si la mid ah hawlgalkii Midnight
Hammer, kaas oo ahaa hawlgal wadajir ah oo ay 2025-kii fuliyeen Mareykanka iyo
Israa'iil oo lagu duqeeyay goobaha nukliyeerka.
Waxa kale oo la weydiiyay in nidaamka hadda ka jira Teheran
uu ka duwan yahay nidaamkii jiray 47-kii sano ee la soo dhaafay.
Hegseth ayaa mar kale tixraacay liiska madaxdii sarsare ee
lagu dilay ololihii dhowaan dhacay.
"Waa koox dad ah oo cusub," ayuu yiri, isagoo
raaciyay in kooxda hadda jirta ay leeyihiin "xisaab cusub oo ku saabsan
waxa ay ka dhigan tahay in lala gorgortamo" Mareykanka.
Su’aal adag oo xoghayaha difaaca Maraykanka laga waydiiyey Iiraan iyo sida uu uga jawaabay
Xigashada Sawirka, POOL VIA REUTERS
Qoraalka sawirka, .
Xoghayaha difaaca
Maraykanaka Hegseth ayaa la weydiiyay warbixinnada sheegaya in Iiraan ay weli
sii waddo weerarrada ay ku qaadeyso bartilmaameedyada ku yaalla gobolka, iyo
haddii dalkaas la siiyay "waqti kooban" oo uu ku joojiyo ficilladaas.
Xoghayaha Difaaca ayaa ku jawaabay in Mareykanku uu la socdo
weerarrada Iiraan, balse wuxuu xusay inay u wanaagsan tahay dalkaas inay
"fariimaha gaarsiiyaan ciidamadooda" ku sugan meelaha fogfog si ay u
joojiyaan weerarrada.
Wuxuu sheegay in "ay qaadato waqti" inta ay
xabbad-joojintu si buuxda u hirgaleyso, laakiin wuxuu rajo iyo kalsooni ka
muujiyay in heshiiska lagu adkaysan doono.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa khudbaddiisa
ku bilaabay isagoo sheegay in Iiraan ay khatar ku ahayd Mareykanka muddo 47
sano ah, balse ay taasi hadda tahay "wax aan sii jiri doonin."
Wuxuu sii raaciyay ammaan uu u jeedinayo Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay inuu "taariikh sameeyay."
Hegseth wuxuu sheegay in hawlgalkii "Epic Fury" uu
ahaa mid "taariikhi ah oo xooggan," isagoo intaas ku daray in
ciidamada Mareykanka ay "burburiyeen milateriga Iiraan."
War ka soo kordhay Marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Shirkadda
dabagalka maraakiibta ee MarineTraffic ayaa tilmaamtay inay jiraan
"calaamado hore oo muujinaya dhaqdhaqaaq maraakiib" oo laga dareemayo
Marinka Hormuz, ka dib markii uu marinkaas si wax ku ool ah u xannibtay Iiraan.
Ururku wuxuu sheegay in laba markab ay mareen
marinka, mid laga leeyahay dalka Giriigga, kan kalena ka diiwaan gashan yahay dalka
Laybeeriya.
BBC-du si madax-bannaan uma xaqiijin warbixinnadan.
Marin-biyoodkan ayaa ahaa qodob la isku
hayey toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo qorshaha fog ee marinkuna uu weli
yahay mid aan caddayn, haddana xabbad-joojinta kumeel-gaarka ah ee xalay lagu
dhawaaqay waxay u baahan tahay in Iiraan ay dib u furto marinka.
Waddamada qaar ayaa markii hore heshiisyo la galay Iiraan si
maraakiibtoodu ay u sii isticmaalaan marinkan muhiimka u ah dhoofka caalamiga
ah waxaana ka mid ah waddamadaas Pakistan, Hindiya iyo Filibiin.
Isha ku haya warrarka wasiirka difaaca Maraykanka oo hadda warbaahinta la hadli doona
Xigashada Sawirka, BBC/TOM BATEMAN
Qoraalka sawirka, .
Wasiirka difaaca Maraykanka Pete Hegseth iyo Jeneral Dan Caine,
ayaa la filayaa inay si wadajir ah warbaahinta ula hadlaaan ka dib xabbad-joojinta
ay gaareen Maraykanka iyo Iiraan
Hadallada Hegseth ee munaasabadahan oo kale waxay ahaayeen
kuwo buunbuunin badani ku jirto intii uu dagaalku socday, sidaas darteed waxaan
filayaa inay maanta ka sii darnaadaan, marka la eego oggolaanshaha madaxweynaha
ee xabbad-joojinta labada toddobaad ah.
Hegseth wuxuu u janjeeraa inuu soo tiriyo guulaha
xeeladaysan ee ay maamulku u arkaan inay gaareen, isagoo inta badan diiradda
saara burburinta muuqata ee lagu sameeyay hubka caadiga ah ee Iiraan. Laakiin
su'aasha weyn ayaa ah sidii lix toddobaad oo dagaal ah ay u fuliyeen hadafkii
ahaa in Iiraan si joogto ah looga horjoogsado hubka nukliyeerka.
Wax caddayn ah oo buuran looma hayo in weerarka milatari uu
wax ka badan ka qabtay wixii ay horay u gaareen sannado badan oo diblomaasiyad
ah. Dadka dhaliila ee jooga Washington ayaa horayba u sheegayay in tani ay dhab
ahaantii sii dhiirigelisay Tehraan; aan aragno inay jiraan wax su'aalo ah oo
arrintaas ku saabsan.
War deg deg ah, Trump oo sheegay war cusub oo ku saabsan Iiraan
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo
dhigay bartiisa Truth Social. Waxaa ku sheegay in Maraykanku uu la shaqayn
doono Iiraan, "taas oo aan go'aaminnay inay martay waxa noqon doona
Isbeddel Maamul oo aad u waxtar badan!"
Trump wuxuu sheegay in Iiraan aysan hodmin doonin
yuraaniyam, Maraykankuna uu la shaqayn doono Tehraan.-2 Bombers)."
Trump wuxuu sheegay in Iiraan aysan kobcin doonin
uranium-ka, Mareykankuna uu la shaqeyn doono Tehran si "loo qodo oo looga
saaro dhammaan haraadiga Nukliyeerka ee
aadka u.
"Hadda, iyo muddoba, waxay ku jirtay Ilaalo Satelaayt
oo aad u saxan."
Wuxuu intaas ku daray: "Waxba laguma taaban tan iyo
taariikhdii weerarka. Waxaan kala hadlaynaa, waana kala hadli doonaa Iiraan
dhimista canshuuraha iyo cunaqabataynta. In badan oo ka mid ah 15-kii qodob
horay ayaa loogu heshiiyey."
Madaxweyne xigeenka Maraykanka oo hadal cusub ka yiri heshiiska xabbad-joojinta
Isagoo ka hadlayay magaalada Budapest, halkaas oo uu ku
taageerayay Ra'iisul Wasaaraha Hungary Viktor Orbán ka hor doorashada qaranka
ee dalkaas dhacaysa Axadda, Vance wuxuu sheegay in heshiis la gaari karo haddii
"reer Iiraan ay diyaar u yihiin inay si niyad sami ah noola
shaqeeyaan".
Hase yeeshee, wuxuu uga digay haddii ay "ka
horyimaadaan xitaa xabbad-joojintan jilicsan ee aan dhisnay, markaas ma farxi doonaan."
Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, oo dhexdhexaadinayay
wadahadallada ayaa sheegay in Islamabad ay martigelin doonto wafuud ka kala
socota Maraykanka iyo Iiraan maalinta Jimce ah "si looga sii gorgortamo
heshiis kama dambeys ah oo lagu xallinayo dhammaan murannada jira."
Waxaa jira warar ka soo baxaya warbaahinta Iiraan oo
sheegaya in Vance uu hoggaamin doono wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan, balse
weli kama aynaan maqalin wax xaqiijin ah oo dhanka Washington ka timid.
Sababta istaraatiijiyadda difaaca ee Iiraan ay u adkayn karto xabbad-joojinta
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Sida caadiga ah, marka la laayo dhammaan madaxda siyaasadda
iyo militariga ee dal, waxay horseedi lahayd fowdo iyo xitaa dumid . balse
gudaha Iiraan, taasi ma dhicin.
Arrintaas waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay qaadashada
istiraatiijiyadda difaaca ee loo difaaca
kala baahsan, taas oo awoodda hawlgalka si wax ku ool ah ugu wareejinaysa
taliyeyaasha deegaanka.
Taliyeyaashaas waxay haystaan liiska yoolalka ay rabaan inay
beegsadaan, waxaana loo fasaxay inay si madax-bannaan u shaqeeyaan iyagoon wax
xiriir ah ka sugin Tehran.
Tani waxay gaashaan uga noqotay istiraatiijiyadda
"madax-laynta" ee Maraykanka iyo Israa'iil taas oo lagu laayay ku
dhawaad dhammaan saraakiishii ugu sarreysay.
Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale caqabad ku noqon
kartaa nabadda. Maadaama aysan jirin silsilad amar oo wax ku ool ah, waxaa laga
yaabaa inay adkaato wareejinta amarrada xabbad-joojinta.
Sida iska cad, muddo ayay nagu qaadan doontaa inaan ogaano,
laakiin tani waxay si weyn u horseedi kartaa suurtagalnimada inay weeraradu sii
socdaan, xilli ay hoggaanka siyaasadeed ee Tehran isku dayayaan inay heshiis
gaaraan.
Muxuu Trump kala kuklmay xisbigiisa Dimuqraadiga?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan iyo
Maraykanka ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan,
muddadaas oo gaadiidka maraakiibta loo ogolaan doono marinka Hormuz.
Tani waxay
ku soo beegantay in ka badan hal bil ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay
weerarro xiriir ah ku qaadeen Iiraan, saacado ka dib markii madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay "xadaarad dhan ayaa dhiman doonta
caawa" haddii Iiraan aysan dib u furin marin biyoodka.
Ra'iisul
wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif oo dhexdhexaadinayey wada xaajoodyada, ayaa
sheegay goor hore oo Arbacada ah in xabbad joojinta ay si degdeg ah u dhaqan
gashay.
Dimuqraadiyiinta
ayaa si degdeg ah u dhaleeceeyay ereyada Trump Talaadadii, iyadoo qaarkood ay
aad ugu fogaadeen inay ku baaqaan in xilka laga qaado.
" Way
caddahay in madaxwaynuhu uu ku sii socday hoos u dhac oo aanu ku haboonayn inuu
hogaamiyo," ayuu ku qoray barta X Joaquin Castro oo ka tirsan aqalka
koongareeska.
Chuck
Schumer, oo ah dimuqraadiga ugu sarreeya Senate-ka Mareykanka, ayaa sheegay in
Republican kasta oo aan ku biirin u codeynta joojinta dagaalka Iiraan "uu
leeyahay cawaaqib kasta oo tani ay keento".
Halka qaar
badan oo ka mid ah xisbiga Trump ay garab istaageen madaxweynahooda, haddana
waxay aad uga fogaatay arrintan taageerada caalamiga ah ee uu inta badan helo.
Austin
Scott, oo ah xubin koongareeska ka mid ah, kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ee
laga soo doorto Georgia, isla markaana ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga
Adeegga Hubka ee Aqalka, ayaa si adag u naqdiyay hanjabaadaha Trump ee ku
saabsan ilbaxnimada dhimanaysa.
"Hadallada
madaxweynaha waa kuwo aan faa'iido lahayn," ayuu u sheegay BBC, "kuma
raacsani iyaga".
Wakaaladda
wararka Iiraan, ISNA, ayaa werisay in Maxamed Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha barlamaanka
uu hoggaamin doono kooxda wadaxaajoodka ee Iiraan wadahadallada Jimcaha ka
dhacaya magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.
Madaxweyne
ku xigeenka Mareykanka, JD Vance ayaa sidoo kale ah madaxa wafdiga Mareykanka
ee shirka ka qaybgalaya.
Wakaaladda
wararka ayaa sheegtay, in qorshaha 10-ka qodob ee Iiraan uu ka kooban yahay
barnaamijkeeda nukliyeerka iyo amniga gobolka oo keliya, balse sidoo kale uu ka
mid yahay in laga qaado cunaqabataynta koowaad iyo tan labaad ee saaran Iiraan,
kuwaas oo qaarkood ay dib uga soo bilaabatay qiyaastii 45 sano kahor..Iiraan ayaa
ogolaatay in maraakiibta ay maraan marin biyoodka Hormuz muddo laba todobaad
ah, iyadoo maristooda ay isku dubarideen ciidamada Iiraan.
Iiraan iyo
Maraykanka ayaa ku heshiiyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo shuruudaysan,
muddadaas oo gaadiidka maraakiibta loo ogolaan doono marinka Hormuz.
Tani waxay
ku soo beegantay in ka badan hal bil ka dib markii Mareykanka iyo Israa'iil ay
weerarro xiriir ah ku qaadeen Iiraan, saacado ka dib markii madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay "xadaarad dhan ayaa dhiman doonta
caawa" haddii Iiraan aysan dib u furin marin biyoodka.
War deg deg ah, Israa’iil oo go’aan ka soo saartay dagaalka Iiraan
Ciidamada
Difaaca Israa'iil (IDF) ayaa sheegay inay joojiyeen weerarka ka dhanka ah Iiraan,balse
ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan dalka Lubnaan.
Bayaan uu
ciidanku soo saaray ayaa lagu sheegay inay "dhammaystirtay mowjado weerar
ah oo ka dhacay Iiraan" haddana ay joojisay rasaasta "iyadoo la
raacayo tilmaamaha" hoggaanka siyaasadda.
Waxay intaas
ku dartay inay "aad ugu diyaarsan tahay inay si difaac ah uga jawaabto
xadgudub kasta" oo ka dhan ah Israa'iil.
Si kastaba
ha ahaatee, iyadoo laga soo horjeedo kooxda xisbullah ee Lubnaan,
"Ciidamada Difaaca ee Israa'iil waxay sii wadaan inay fuliyaan howlgallo
dhulka ah oo bartilmaameedsan", ayay tiri.
War deg deg ah, Israa'iil oo duqeymo geysatay iyadoo xabad joojin la gaaray
Milatariga
Israa'iil ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay koonfurta Lubnaan maanta - taasoo
muujinaysa in, Israa'iil, heshiiska xabad joojinta ee Mareykanka iyo Iiraan
uusan khusayn Lubnaan.
Saaka,
duqeymo cirka ah ayaa ka dhacay deegaannada Tyre iyo Nabatieh ee koonfurta
dalka, ka dib markii heshiiska la shaaciyay.
Weli si buuxda looma dhameystirin kooxda wadahadallada Iiraan.
Ra'iisul
wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa beeniyay in heshiisku uu sidoo
kale daboolayo iskahorimaadka kooxda Lubnaan ee Xisbullah ee ay taageerto Iran.
Wali waxaan war
ka sugeynaa dowladda Lubnaan iyo Xisbullah.
Pakistaan,
oo dhexdhexaadineysay heshiiska, ayaa tilmaamtay in heshiiska xabad-joojinta uu
sidoo kale uu qeyb ka ahaa Lubnaan.
Maalmihii
ugu dambeeyay, warbixinno ayaa soo jeedinayay in Xisbullah ay ugu baaqday
Iiraan inay ku darto garabka Lubnaan heshiis kasta.
Dhanka kale,
Israa'iil waxay muujisay inay raadineyso inay abuurto waxa ay ku tilmaanto aag
amni oo ku teedsan xuduudda gudaha dhulka Lubnaan.
Ciidamada
Israa'iil ayaa weeraray Lubnaan, waxaana jira cabsi laga qabo in tani ay
horseedi karto qabsashada qaybo ka mid ah dalka.
La taliyaha madaxweynaha
Imaaraadka Carabta ayaa sheegay, in waddanku uu "guuleystay", ka dib
markii uu la kulmay weeraro joogto ah oo Iiraan ah tan iyo markii dagaalku
bilaabmay.
"Waxaan
ku guuleysanay difaac qaran oo heer sare ah kaas oo ilaaliyay madaxbannaanida
iyo sharafta isla markaana ilaalinayay guulaha aan ka gaarnay gardarrada
khiyaanada leh," ayuu yiri Anwar Gargash.
"Maanta,
waxaan u jiheysaneynaa sidii aan u maareyn lahayn gobol leh awood dheeraad ah,
aragti cad, iyo awood aad u adag oo lagu saameyn karo laguna qaabeyn karo
mustaqbalka." ayuu yiri.
Wasaaradda
difaaca ee dalka ayaa si joogto ah u soo gudbin jirtay wararkii ugu dambeeyay
ee ku saabsan diyaaradaha Iiraan ee la qabtay tan iyo markii uu dagaalku
billowday.
Warbixin la
soo dhigay talaadadii ayaa lagu sheegay in laga hor tagay 2221 diyaaradood oo
aan duuliye lahayn iyo 26 gantaal oo
nooca cruise-ka ah iyo 520 gantaal oo nooca ballistic-ga ah.
Wasiirka
arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay xabad joojinta.
Wasaaradda
arrimaha dibadda waxay ammaantay shaqada Pakistan - laakiin waxay hoosta ka
xariiqday muhiimadda ay leedahay "dadaallada la xoojinayo" si loo
gaaro xabbad joojin joogto ah.
War deg deg ah, Degdeg: Ingiriiska oo war ka soo saaray go’aanka Trump
Xigashada Sawirka, Getty Images
Keir Starmer, raysal wasaaraha Ingiriiska ayaa sheegay in
UK "ay sameyn doonto wax kasta oo aan awoodno si aan u taageerno una sii
wadno xabad joojintan".
"Waxaan soo dhaweynayaa heshiiska xabad joojinta ee
la gaaray xalay, kaas oo nafis u ah ah gobolka iyo adduunka," ayuu yiri.
"Annagoo kaashanayna xulafadeena, waa inaan sameynaa
wax kasta oo aan awoodno si aan u taageerno una sii wadno xabbad-joojintan, una
beddelno heshiis waara oo aan dib u furno Marinka Hormuz." Ayuu intaa
raaciyay.
Warka ka soo
baxay Downing Street ayaa sidan u qornaa:
Raysal wasaaraha ayaa maanta u safri doona wadamada Khaliijka si uu ula kulmo hoggaamiyeyaasha dalalka safka hore ku jiray, wuxuuna soo bandhigi doonaa taageeradiisa buuxda ee xabbad joojinta cusub ee la isku raacay.
Kulamada uu la yeelanayo hoggaamiyeyaasha gobolka, wuxuu ku xoojin doonaa taageerada aan kala go 'lahayn ee UK iyo baahida loo qabo qaraar diblomaasiyadeed oo muddo dheer ah si loo hubiyo in xabad joojintu ay horseeddo heshiis waara.
Wuxuu la yeelan doonaa wadahadallo ku saabsan hubinta dib u furista marin biyoodka Hormuz ay sii ahaato mid joogto ah, iyadoo UK ay sii wadi doonto hoggaaminta dadaallada caalamiga ah.
Ninka dunida ka badbaadiyay “halista” dagaal culus.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Soddon sana ka hor oo ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii September, 1983, dunida waxay ka badaadday dagaal la isu adeegsan rabay hubka Niyuukilarka.
Gelinka hore ee maalintaas waxaa dhawaaqay seeriga digniinaha hubka kaas oo sheegayey in Mareykanka uu Ruushka gantaallo ku soo riday ayna ku soo wajahan yihiin.
Xogta Kombiyuutarka laga helay ayaa sheegeysay in dhowr gantaal Ruushka lagu soo riday. Sharciga ciidan ee Ruushkana wuxuu dhigayey in gantaal Niyuukilarka ee la soo riday Gantaal kale oo Niyuukilar ah loogu jawaabo.
"Waa markan oo kale xilli uu qofka u baahan yahay inuu maskaxadiisa iyo dareenkiisaba si aad ah uga shaqeysiiyo," ayuu yiri wiilka uu dhalay Gaashaanle Dhexe Stanislav Petrov oo ah ninka 1983 dagaal Niyuukilayer dunida ka badbaadiyey.
Xukumaddi Dimitry Petrov aabbihii wuxuu ka joogay halki ugu mudnaa iyo xilligi ku habboonayd.
Wuxuu sheegay in aabbihii Gaashaanla Dhexe uu ka mid ahaa ciidamada cirka Midowgi Sofiyet, wuxuuna ka soo shaqeeyey xerada serpukov-15 oo ogaatay digniinti ugu horreysay ee gantaallada riddada dheer oo dhanka Mareykanka laga soo riday.
Habeennimadi September 26, 1983, Petrov wuxuu baddalay saaxibkii isaga oo shaqada xilli habeen ah soo galay.
Haddaba seeriga (alarmiga) muujinayay in Mareykanaka gantaal uu soo riday ayaa dhawaaqay.
Isaga iyo saaxibkiina waxay hubiyeen dhawaaqa seeriga ee baxayay inuu ahaa mid sax ah iyo mid cillad farsamo ku yimid. Waxayna labadoodiba isla qaateen gantaalka uu raadaarka soo qabtay inay dhanka dayax gacmeedka kala socdaan balse uma suuragelin inay gantaalkii dayax gacmeedka ku arkaan.