TOOS, Iiraan oo weerartay saldhigyo Mareykanku leeyahay

Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in diyaaradaha Mareykanka ay beegsadeen gantaalada Iran iyo bakhaarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo goobaha raadaarka ee xeebaha.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Pakistan oo fulisay howlgal lagu beegsaday kooxo Islaamiyiin ah meel u dhow Afghanistan

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Pakistan ayaa sheegtay inay fulisay howlgal dhulka ah oo ku salaysan xog sirdoon, kaas oo ay xigeen duqeymo dhinaca cirka ah oo lala beegsaday maleeshiyaad Islaamiyiin ah oo ku sugan xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan.

    Wasiirka Warfaafinta Pakistan, Attaullah Tarar, ayaa sheegay in weerarradu ay beegsadeen waxa uu ku tilmaamay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka, islamarkaana lagu dilay 29 dagaalyahan.

    Howlgalkan ayaa dhacay maalin kaddib markii koox Islaamiyiin ah ay weerar ku qaadday saldhig ay leeyihiin ciidamada ilaalada xuduudaha ee Pakistan ee magaalada koonfureed ee Karachi, halkaas oo lagu dilay saddex askari.

    Islamabad ayaa ku eedeysa dowladda Taliban ee ka talisa Kabul inay hoy iyo gabbaad siiso maleeshiyaadka weerarada ku qaada ciidamada Pakistan, eedeyntaas oo ay dowladda Kabul si cad u beenisay.

    Dhanka kale, dadka deggan gobolka Paktia ee Afghanistan ayaa BBC-da u sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Pakistan ay duqeeyeen xaafad ay dad shacab ahi deggan yihiin, hase yeeshee ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare naf ah oo ka dhashay weerarka.

    Sii akhri:

  2. War deg deg ah, Degdeg: Golaha Khuburada Iiraan oo Fatwooday in la dilo Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa soo baxay kala qaybsanaan aan caadi ahayn oo ka dhex taagan Golaha khuburada Iiraan oo ah hay’adda ugu sarreysa culimada diinta ee Iiraan.

    Ku dhowaad saddex meelood laba meel xubnaha golaha oo ka kooban 88 xubnood ayaa soo saaray fatwo diimeed ay ku baaqayaan in la dilo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

    Fatwada ayaa sheegtay in ay waajib ku tahay Muslimiinta inay dilaan labada hoggaamiye haddii ay fursad u helaan.

    Si kastaba ha ahaatee, maamulka Golaha Khubarada ayaa ku tilmaamay fatwadan “mid aan caadi ahayn”, iyagoo sheegay in waxa ku qoran ay u baahan yihiin dood iyo falanqeyn dheeraad ah.

    Fatwadan oo ay soo saareen xubno mayal adag ayaa lagu daray warqad loo diray shacabka Iiraan. Warqaddaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in Tehran aysan ahayn inay oggolaato furitaanka Marin-biyoodka Hormuz ama in barnaamijkeeda nukliyeerka lagaga hadlo wada-hadallada ay la leedahay Maraykanka.

    Sii akhri:

  3. Madaxweynihii hore ee Venezuela oo Mareykanka ku xiran oo war ka soo saaray xaaladda dalkiisa

    Nicolás Maduro,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweynihii hore ee Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo xaalad adaga oo ka dhalatay labadii dhulgariir ee dhawaan ku dhuftay.

    Maduro ayaa haatan ku xiran dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku sugayo maxkamadeyn lagu soo oogay eedeymo la xiriira inuu “argagixisanimo ku lug yeeshay iyo ganacsiga mukhaadaraadka” kaddib markii ay ciidamada Maraykanku qabteen horraantii bishii Janaayo.

    Bayaan lagu daabacay akoonkiisa barta X, ayaa lagu sheegay in Venezuela ay taariikhdeeda soo martay “waqtiyo burbur iyo waqtiyo dib-u-soo-kabasho,” isla markaana dhulgariirradan laga yaabo inay ka mid yihiin “kuwa ugu xanuunka badan ee abid ka dhacay dalkaas.”

    Si kastaba ha ahaatee, Maduro ayaa sheegay in dalku “mar kale dib u soo kaban doono,” isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay musiibada, isla markaana ammaanay shaqaalaha gurmadka ee ku howlan badbaadinta iyo samatabbixinta.

    Maduro iyo xaaskiisa, Cilia Flores, ayaa lagu qabtay magaalada Caracas 3-dii Janaayo, intii lagu jiray howlgal uu oggolaaday Donald Trump.

    Labadooda waxaa loo qaaday magaalada New York, si ay u wajahaan dacwado la xiriira mukhaadaraad iyo hub, eedeymahaas oo ay labaduba beeniyeen.

    Intii uu Maduro maqan yahay, Delcy Rodríguez, oo hore u ahayd madaxweyne ku xigeenkiisa, ayaa Golaha Qaranka ee Venezuela u dhaariyay inay noqoto madaxweyne ku meel gaar ah.

    Sii akhri:

  4. War deg deg ah, Israa'iil oo shuruudo hor-leh soo saartay iyo sababta

    Israa'iil iyo Suudaan

    Xigashada Sawirka, @gidonsaar

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, Gideon Saar, ayaa mar kale sheegay in hub ka dhigista Xisbullaah ay tahay shuruud lagama maarmaan u ah in lagu gaaro “nabadda iyo amniga” dalka Lubnaan.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu hadalkan ku sheegay, xilli uu kulan magaalada Qudus kula yeeshay dhiggiisa Koonfurta Suudaan, James Petty Morgan. Saar ayaa yiri:

    “Israa’iil waxay doonaysaa nabad ay la yeelato Lubnaan, sida ka muuqata heshiiska qaab-dhismeedka ee la gaaray dhammaadkii toddobaadkan.”

    Waxaa xusid mudan in heshiiska ay gaareen Israa’iil iyo Lubnaan uu xusayo hannaan wajiyo kala duwan leh, kaas oo dhigaya in ciidamada Lubnaan ay si buuxda u maamulaan amniga iyo awoodda dowladda ee dalka oo dhan. Si taas loo hirgeliyo, waxaa lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo hub ka dhigista kooxaha hubeysan ee aan dowladda hoos iman. Arrintan ayaa si cad loogu jeedaa Xisbullaah, oo iyaduna ku tilmaantay heshiiska “mid aan wax ku ool ahayn oo aan sharciyad lahayn.”

    Dhanka kale, Wasiirka Difaaca ee Israa’iil, Israel Katz, ayaa Sabtidii sheegay inuu faray ciidamada Israa’iil inay isu diyaariyaan joogitaan muddo dheer ah oo ay ku sii joogaan koonfurta Lubnaan.

    Sii akhri:

  5. War deg deg ah, Venezuela tirada dadka dhintay oo korortay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Tirada dadka ku dhintay Venezuela ayaa gaartay 1,450 qof, sida uu sheegay xildhibaan lagu magacaabo Jorge Rodríguez.

    Shalay waxaa la sheegay inay tiradu ahayd 1,430 qof, taasoo ka dhigan in ay ku korortay 20 qof.

    Dhulgariirkii ku dhuftay dalkaasi ayaa dhaliyay khasaaro xooggan oo isugu jira naf iyo maal.

    Sii akhri sheekooyinka kale:

  6. War deg deg ah, War cusub oo ku saabsan xiriirka Iiraan iyo Imaaraadka

    Iiraan iyo Imaaraadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Duulimaadyada u dhexeeya Tehran iyo Dubai ayaa dib u billaaban doona laga bilaabo Isniinta berri ah, toddobaadyo kaddib markii Iiraan ay weerartay Imaaraadka Carabta intii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe.

    Madaxa Garoonka Caalamiga ah ee Imam Khomeini International Airport ayaa sheegay in dhammaan diyaar-garowgii lagama maarmaanka ahaa la dhammaystiray si dib loogu bilaabo duulimaadyada u dhexeeya labada dal.

    Ka hor intii uusan dagaalku bilaaban, Garoonka Diyaaradaha ee Dubai wuxuu ahaa garoonka ugu mashquulka badan dunida marka loo eego tirada rakaabka caalamiga ah ee isticmaala.

    Sii akhri sheekooyinka kale:

  7. Xildhibaan Iiraani ah oo ka warramay wixii dhacay intii dagaalku socday

    Iiraan iyo sawir hore

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mohsen Zanganeh, oo xubin ka ah Guddiga Qorsheynta iyo Miisaaniyadda ee Baarlamaanka Iiraan, ayaa sheegay in “go'doominta badda ee Maraykanku ay aad uga adkayd cunaqabataynta dhaqaale.”

    Wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka Ardayda ee Iiraan ayuu ku yiri:

    “Maraykanku wuxuu aad uga taxaddarayay iibinta shidaalka, sidaas darteed ma aanan awoodin inaan dalka soo gelinno dakhliga lacagaha qalaad. Waxay cadaadis weyn nagu saareen iyagoo hirgeliyay go'doomin badeed, taas oo aad noogu adkaysay inaan shidaalka iibinno.”

    Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay:

    “Waxaan awoodnay inaan u oggolaanno qiyaastii 40% maraakiibtii sida badeecadaha daruuriga ah inay ka gudbaan go'doominta badda.”

    Wax badan ka sii akhri:

  8. War deg deg ah, Diyaarad Sacuudigu leeyahay oo burburtay iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

    Diyaaradda Helicopter-ka ayaa ku burburtay Ras Tanura, oo ay ku taallo warshadda weyn ee Shidaalka ee Aramco

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaanno helicopter-ka oo ay lahayd shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco ayaa ku burburtay magaalada Ras Tanura ee ku taalla xeebta bari ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 qof.

    Dhammaan dadkii ku dhintay shilka ayaa ahaa muwaadiniin u dhashay Sacuudi Carabiya.

    Ilaa hadda lama oga waxa sababay shilka, hase yeeshee waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay diyaaradda inay burburto.

    Shirkadda weyn ee Saudi Aramco ayaa Jimcihii dib u billowday rarista shidaalka ceyriinka ah ee laga dhoofiyo dekedda Ras Tanura, kaddib hakad socday muddo afar bilood ah oo ka dhashay dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa’iil oo isku dhinac ah iyo Iiraan.

    Shirkadda Aramco ayaa sidoo kale xarun ku leh buur ku taalla agagaarka Ras Tanura, halkaas oo lagu xareeyo laguna dayactiro diyaaradaha qumaatiga u kaca ee shirkaddu isticmaasho.

    Wax badan ka sii akhri:

  9. War deg deg ah, Iiraan oo qaadday weerarro qarsoodi ah iyo Mareykanka oo ka hadlay

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sarkaal ka tirsan dowladda Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay saldhigyo ciidan oo Maraykanku ku leeyahay dalalka deriska ah, oo ay ku jiraan Bahrain iyo Kuwait.

    Hore ayay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan u shaaciyeen inay weerareen xarumo muhiim ah oo ciidamada Maraykanku leeyihiin, oo ay ka mid yihiin saldhigga cirka ee Ali Al Salem ee Kuwait iyo xarunta Ciidanka Badda ee Maraykanka ee ee Bahrain.

    Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen inay weerarrada ku fuliyeen gantaallo iyo diyaarado drone ah, ayna jawaab u ahaayeen weerarro hore oo uu Maraykanku ku qaaday.

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay inay bartilmaameedsatay siddeed xarumood oo ciidan oo Maraykanku leeyahay, iyadoo ku eedeysay Washington inay weerartay shan xarumood oo ciidan-badeed oo Iiraan leedahay, iyadoo marmarsiiyo ka dhigatay in ciidamada Iiraan ay xannibayeen isu-socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz.

    Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Maraykanka ayaan weli shaacin baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarrada, mana cadda in ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku dhintay.

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in, sida uu dhigayo heshiiska la gaaray, Iiraan ay mas’uul ka tahay ilaalinta iyo maamulka isu-socodka maraakiibta ee Marin-biyoodka Hormuz, waxayna ka digtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto markab kasta oo ay ku hesho inuu jebiyay xeerarka ay dejisay.

    Wax badan ka sii akhri:

  10. War deg deg ah, Degdeg: Diyaarad sidday koox ciyaartooy ah oo burburtay iyo faahfaahin

    .

    Diyaarad sidday koox ciyaartooyada barafka ku dul carara ah ayaa ku burburtay bariga dalka Faransiiska, waxaana ku dhintay dhammaan 11- qof oo saarnaa.

    Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa shan macallin tababare, shan arday oo ay tababarayeen, iyo duuliyihii diyaaradda.

    Diyaaradda ayaa burburtay wax yar kaddib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha. Qaar ka mid ah ehellada dadkii saarnaa ayaa goobta joogay, iyagoo daawanayay diyaaradda xilligii ay shilka gashay.

    Diyaaraddu waxay ku dhacday meel u dhow xaafad ay dad deggan yihiin, hase yeeshee ma jirin cid dhulka joogtay oo wax ku noqotay.

    Ilaa hadda lama oga sababta keentay shilka, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay diyaaradda inay burburto.

    Wax badan ka sii akhri:

  11. War deg deg ah, Ciraaq iyo Iiraan oo ka wadahadlaya xiisadaha iyo xaaladda taagan

    Ciraaq iyo Iiraan

    Xigashada Sawirka, irna

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji oo booqasho ku tagay dalka Ciraaq, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Cali Fateh Zaidi, waxayna yeesheen wada-hadallo.

    Intii uu kulanku socday, Caraqji ayaa sharraxay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka. Wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka inay ka hortagaan in dhulkooda loo adeegsado weerarro lagu qaado Iiraan, isagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga iyo horumarinta xiriirka u dhexeeya Iiraan iyo Ciraaq dhinacyo kala duwan.

    Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa soo dhaweeyay dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadaha gobolka, wuxuuna yiri:

    “Ciraaq waxay taageersan tahay in mudnaanta la siiyo soo afjaridda dagaallada iyo in wadahadal lagu gaaro xasillooni waarta oo ka dhalata gobolka.”

    Wax badan ka sii akhri:

  12. Midowga Yurub oo walaac ka muujiyay xiisadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka Tigray

    Ethiopia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Midowga Yurub ayaa ka walaacsan xiisadaha sii kordhaya ee gobolka Tigreega.

    Wuxuu ka digay in isbedelladii ugu dambeeyay ay wiiqi karaan heshiiskii Pretoria ee soo afjaray dagaalkii Tigreega ee labada sano socday.

    Xafiiska Midowga Yurub ee Addis Ababa ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray 27 Juun 2026 in Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ay "ka walaacsan tahay xiisadaha ka jira waqooyiga Itoobiya" iyagoo xusay sameynta gole gobol oo hore iyo in qasab looga saarayo militariga.

    Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in tallaabooyinkani ay jebinayaan shuruudaha Heshiiska Nabadda ee Pretoria.

    Wuxuu ku boorriyay dowladda federaalka iyo TPLF inay si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo ku saabsan hirgelinta buuxda ee Heshiiska Pretoria.

    Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay taageerada uu u hayo dadaallada dhexdhexaadinta ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo.

    Bayaanka Midowga Yurub wuxuu daba socdaa hadal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa 26-kii Juun.

    Safaaraddu waxay ku baaqday in si buuxda loo hirgeliyo heshiiskii Pretoria.

    Midowga Yurub Wuxuu hadalkan jeediyay toddobaad ka dib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu cunaqabatayn fiisaha ku soo rogay xubnaha "xagjirka ah" ee TPLF iyo qoyskooda.

  13. Taliyaha ciidamada Uganda oo albaabada u laabay warbaahinta ugu muhiimsan Uganda

    Uganda

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gen Muhoozi Kainerugaba ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay ninka bedeli kara aabihiis oo madaxweyne ah

    Shabakadda warbaahinta madaxa-bannaan ee ugu weyn Uganda ayaa sheegtay inay ku jirto "go'doomin milatari" ka dib markii taliyaha ciidanka - oo ah wiilka Madaxweyne Yoweri Museveni - uu amray in la xiro telefishinnada, wargeysyada iyo idaacadaha.

    Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay ku sugnaayeen meel dibadda ka ah xaruntooda caasimadda Kampala, isla markaana telefishinka NTV iyo Spark TV laga saaray hawada.

    Warbaahintu waxay qayb ka tahay Nation Media Group, oo ah mid ka mid ah shirkadaha warbaahinta ugu saameynta badan Bariga Afrika.

    Ma cadda waxa dhabta ah ee horseeday joojinta, laakiin qoraallo uu ku qoray X, Gen Muhoozi Kainerugaba wuxuu yiri: "Ma aaminsani saxaafadda xorta ah! Saxaafadda waa inay hagto kaadiriintii kacaanka."

    Kooxaha mucaaradka iyo xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Gen Kainerugaba inuu yahay shakhsi udub dhexaad u ah nidaam aad u caburin badan oo uu hoggaamiyo aabihiis.

    Taageerayaasha madaxweynaha iyo qoyskiisa ayaa sheegaya in la damaanad qaaday xasilloonida Uganda, dhaqaaluhuna uu soo hagaagay xilligii ay xukunka hayeen.

    Madaxweyne Museveni, oo 81 jir ah, waa hoggaamiye hore oo fallaago ah oo xukunka la wareegay qiyaastii 40 sano ka hor.

  14. Iiraan oo ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabooyin ay Israa'iil ku joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan

    Iran

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa carrabka ku adkeeyay in ka bixitaanka Israa'iil ee Lubnaan iyo joojinta weerarrada ay waajib ku tahay heshiiska is-afgaradka ee ay la galeen Mareykanka, intii uu socday booqasho rasmi ah oo uu ku tagay caasimadda Ciraaq.

    Dhanka kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Ismaaciil Baghaei ayaa ugu baaqay Mareykanka inuu qaado "dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah" si loo hubiyo in Israa'iil ay joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Mehr ee Iiraan.

    Hadalka Baqai ee Axaddii ayaa jawaab u ahaa su'aal laga weydiiyay heshiiska qaab-dhismeedka ee ay kala saxiixdeen mas'uuliyiinta Lubnaan iyo Israa'iil oo ay gacanta ku hayso Mareykanka, iyo xaaladda heshiiska is-afgaradka ee Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriira Lubnaan.

    Baqaei wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo madaxbannaanida Lubnaan iyo sharafta dhuleed, isagoo sheegay in joojinta dagaalka Israa'iil iyo joogitaankeeda Lubnaan ay tahay "shuruud aasaasi ah" si loo gaaro guul heshiis kasta, isagoo intaa ku daray in Tehran ay arinkan mudnaanta siisay heshiiskii is-afgaradka ee lala galay Washington, iyo sidoo kale soo afjaridda dagaalka Iiraan.

  15. 47 masuuliyiin oo Ciraaqi ah oo xabsiga loo taxaabay

    Hawlgalka la dagaalanka musuq-maasuqa, ayaa waxaa lagu soo qabtay 47 qof oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ciraaq, kadib howlgalo ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

    Howlgalka ayaa laga sameeyay deegaanka Cagaaran ee magaalada Baqdaad oo si weyn loo ilaaliyo.

    Arrintan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa ee uu wado ra'iisul wasaaraha cusub ee Ciraaq Cali Zaidi.

    Goor sii horeysay, Cadnaan Jalili, wasiir ku xigeenka shidaalka, ayaa isna la xiray.

    Sarkaal Ciraaqi ah oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa sheegay in maxaabiista loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin musuqmaasuq iyo tahriibin doolar iyo shidaal.

  16. Diyaarad ku burburtay Sacuudiga oo ay ku dhinteen 14 qof

    Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Aramco ayaa ku burburtay magaalada Ras Tanura ee ku taal xeebta bari ee dalka Sucuudiga, waxaana ku dhintay ugu yaraan 14 qof.

    Dhammaan dadka la dilay waxay ahaayeen muwaadiniin Sucuudiyaan ah. Lama oga sababta ka dambeysay burburka diyaaradda, balse waxaa la bilaabay baaritaan.

    Shirkadda weyn ee Aramco ayaa Jimcihii dib u bilowday ku shubista saliidda ceyriin ee Terminalka Ras Tanura kaddib afar bilood oo ay hakad ku jirtay dagaalka Iran dartiis.

    Aramco waxay leedahay hangar buurta dusheeda ah oo loogu talagalay diyaaradaheeda helikobtarka.

  17. Xog dheeraad ah oo ku saabsan markabka ka gudbay marinka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Markabka Galapagos, oo ay leedahay shirkadda maraakiibta Faransiiska ee CMA CGM, ayaa ka gudbay marin biyoodka Hormuz isagoo maraya waddo ay Ilaalada Kacaanka u aqoonsadeen waddo "ammaan ah".

    Markabku, oo shalay ka baxay meel u dhow Dubai ee Imaaraadka Carabta, kana gudbay marin biyoodka Hormuz, sida laga soo xigtay xogta laga helay bogga maraakiibta ee MarineTraffic.

    Waqtiga qoraalkan, markabku wuxuu ka baxsan yahay xeebta Cumaan. "Ka tallaabiddan waxay calaamad u tahay marxalad muhiim ah oo ka jirta xaaladda gobolka, taasoo weli ah mid adag oo u baahan feejignaan iyo daryeel joogto ah," ayay shirkaddu ku tiri bayaan ay soo saartay.

    Bayaanku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waddada ama habka loo maro. CMA CGM wali waxay leedahay 10 markab oo kale oo ku sugan Gacanka Faaris.

  18. Iran oo soo dhawaysay baaqa Ciraaq ee wada hadal dhexmara wadamada Golaha Khaliijka iyo iyaga

    Cabbaas Arakchi ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada ay la leeyihiin dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka.

    Waxa uu shir jaraa’id oo uu ku qabtay Baghdad ku yiri “Waan soo dhawaynaynaa soo jeedinta Fawad Hussein ee wada-hadallada u dhexeeya dalalka Golaha Iskaashiga Khaliijka, Iran iyo Ciraaq, kaas oo la soo jeediyay in uu noqdo 6+2”.

    Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Isutagga Imaaraadka Carabta, Qatar, Cumaan, iyo Kuwait ayaa xubin ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka.

    Fu’aad Xuseen waxa kale oo uu yiri: “Ciraaq ma taageersana in dagaalka lagu balaariyo dalalka Gacanka Faaris, mana ogola in la weeraro Iran”.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sidoo kale sheegay in ujeedadiisa koowaad ee safarkan ay tahay inuu u mahadceliyo dowladda Ciraaq taageerada ay siiso iyo "cambaareynta gardarada" ee ka dhanka ah Iran.

    Waxa uu sidoo kale ammaanay "taageerada dadka Ciraaq."

    Araqchi ayaa sheegay in qayb ka mid ah sababaha safarka uu ahaa "iskudubaridkii lagama maarmaanka u ahaa qabashada xaflada aaska" Ayatollah Ali Khamenei, oo sidoo kale la qorsheeyay in lagu qabto "magaalooyinka Baghdad, Kazemien, Karbala, iyo Najaf."

  19. Markab konteenar ah oo "ka gudbay" marin-biyoodka Hormuz

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Shirkadda maraakiibta ee CMA CGM ayaa ku dhawaaqday in markabka konteenarka "Galapagos" uu si guul leh u maray marin biyoodka Hormuz oo uu ka baxay marin biyoodka subaxnimadii Axadda.

    CMA ayaa ku dhawaaqday bayaan: "Arrinkan wuxuu calaamad u yahay xaalad muhiim ah oo ka jirta gobolka, taas oo weli ah mid adag oo u baahan feejignaan iyo taxadar joogto ah."

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri: “Iyadoo laga duulayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee lala galay Islamabad, qabanqaabada lagu xakameynayo isu-socodka marin-biyoodka Hormuz waxay la jirtaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah, wixii hadda ka dambeeyana, ku xad-gudbida maraakiibta waxaa loola dhaqmi doonaa si ka adag sidii hore.

    Sida ku cad heshiiska is-afgaradka ee Iran iyo Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, marin biyoodka Hormuz waa in si buuxda dib loo furo.

    Maalmihii la soo dhaafay, iyadoo uu cirka isku sii shareeray khilaafka ku saabsan maamulka iyo maraakiibta marin biyoodka Hormuz, ayaa waxaa mar kale is weeraray Mareykanka iyo Iran.

  20. Baxrayn oo sheegtay in ay qabatay gantaalo laga soo riday Iran

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Difaaca cirka ee Baxrayn ayaa Axadii ku dhawaaqay in ay ka hortageen oo ay burburiyeen gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

    Ciidamada Baxrayn ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen: "Tiro gantaallo ah oo loo adeegsaday weerarradan halista ah ee Iran ayaa la qabtay oo la burburiyey" waxayna qoreen in ciidamada milateriga ee waddanku ay ku sugan yihiin "heegankii ugu sarreeyay".

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa saacado ka hor bayaan ay soo saareen ku sheegay in iyaga oo ka jawaabaya weerarada uu Mareykanka ku qaaday dhulkooda ay la beegsadeen Saldhigga Shanaad ee Ciidamada Badda Mareykanka ee Baxreyn iyo sidoo kale Saldhigga Mareykanka ee Cali Al-Salem ee Kuweyt.

    Tallaabadan ayaa timid ka dib markii Mareykanka uu bilaabay weeraro cusub oo ka dhan ah Iran.