TPLF oo go'aansatay in dib loo soo celiyo "Golaha gobolka Tigray" ee Lix sano ka hor la doortay

Ururka Tigray People's Liberation Front (TPLF) ayaa ku dhawaaqay inuu go'aansaday inuu dib ugu soo laabto shaqadiisa "Golaha Deegaanka Tigray ee la doortay" ka dib doorashadii 2019 ee ka dhacday gobolka Tigray ee ay diiday dowladda federaalka.
Waxa kale oo uu sheegay in markii ay goluhu soo laabteen ay heshiis ku gaareen in la dhiso golaha fulinta ee gobolka oo ay guddi ahaan hogaaminayaan maamulka ku meel gaarka ah ee gobolka Tigray.
TPLF oo tan iyo khamiistii uu shirka golaha dhexe u socday ayaa go'aankooda ku shaaciyay warsaxaafadeed ay soo saareen axaddii. Bayaankan oo ka kooban saddex bog ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay kasoo horjeedo muddo kordhinta maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray-ga oo ku ekaa dhammaadka Maarso "iyada oo aan ururka TPLF ka qaybgelin".
Waxaa xusid mudan in ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu go'aansaday in muddo hal sano ah loo kordhiyo jeneraal Tadesse Werede oo maamulka ku meel gaarka ah ee Tigrayga hayay tan iyo bishii Abriil ee sanadkii 2025.
Golaha dhexe ee kooxda TPLF ayaa ka soo horjeestay talaabadan, waxayna ku tilmaameen mid jabinaysa heshiiskii Pretoria, "go'aan la qaatay iyada oo aan aqoonsi laga helin ururkayaga" iyo "go'aan gooni ah". Waxa ay dhaleeceysay muddo kordhinta maamulka KMG ah, iyadoo sheegtay in ay ula jeeday sharci la ansixiyay ka hor heshiiskii Pretoria.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyeen dowladda federaalka in ay adeegsato heshiiska Pretoria si ay si buuxda iyo si kaleba uga hor istaagto dadka Tigrayga in ay ismaamulaan.
Kooxda TPLF oo soo hadal qaadday hakinta miisaaniyada kabka ee la rabay in loo diro gobolka Tigreega ayaa ku eedaysay dawlada federalka ah "inay diyaar u tahay inay dagaal mar kale gasho iyadoo go'doomin ku soo rogtay guud ahaan Tigrayga iyo inay hubkeeda iyo awooddeeda tiknikada ku soo durkinayso Tigrayga".
Wuxuu sheegay in falalkani ay "xaalad khatar ah ku abuureen badbaadada iyo amniga dadka Tigrayga".
War saxaafadeedka oo lagu sheegay in golaha dhexe ee ururka uu si qoto dheer u eegay dhaqan gelinta heshiiskii Pretoria iyo duruufaha jira ayaa lagu shaaciyay in go'aan ay ku gaareen in dib loo soo celiyo golihii hore ee "Golaha Gobolka Tigray".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Golaha deegaanka Tigray oo ay doorteen ilaa 2.8 milyan oo qof ayaa go'aansaday in ay ku noqdaan shaqada" ayuu yiri. Golaha dhexe ee kooxda TPLF oo ay ku tilmaameen "mid muujinaya awood dawladeed iyo go'aan qaadasho dadwayne" ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in golaha "loo unkay mariyay nabadda darteed".
Golaha oo guddiga Dhexe uu go'aansaday inuu "ku soo laabto shaqada" ayaa lagu aasaasay doorashadii 2019 ee si gaar ah loogu qabtay gobolka Tigray, kaas oo ka soo horjeeda dib u dhigista doorashooyinka dalka oo dhan sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus.
Doorashadan ayaa kooxda TPLF ku guulaysatay 152 kursi oo kamid ah 190 kursi ee golaha deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa ku gacan seyrtay doorashada oo lagu qabtay meel ka baxsan guddiga doorashada qaranka. Golaha Federaalka ayaa fadhi deg deg ah oo ay yeesheen, waxay ku dhawaaqeen in doorashadu ay tahay "wax aan waxba ka jirin, waxba kama jiraan oo aan la fulin karin" sababtoo ah waxay jabisay dastuurka dalka.
Doorashadan ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keenay dagaalkii Tigray ee qarxay laba bilood ka dib.
Waxaa la sheegay in ka dib markii la saxiixay heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalka iyo ka hor inta aan la dhisin maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray, goluhu wuxuu awoodiisa sharci dejin ku wareejiyay waaxda fulinta oo uu markaas hogaaminayay Dr. Debretsion Gebremichael.
Guddiga dhexe ee TPLF ayaa go'aamiyay in dib loo soo celiyo golaha, ku dhawaad lix sano kadib doorashada. Waxay ku dhawaaqday in ka dib markii goluhu ku soo noqday xafiiska ay gaareen heshiis ah "in la dhiso laanta fulinta oo ah hay'ad daah-furan oo ay ku jiraan awoodaha soo socda".
War saxaafadeedka ayaa lagu tilmaamay "gudiga dabagalka ah" inuu yahay koox go'aan ka gaarta hogaaminta oo la sheegay inay ku jiraan hogaamiyayaasha ciidamada Tigrayga. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in kooxdani ay kulan ka yeesheen go'aamadii TPLF ka dib markii uu dhamaaday shirkii golaha dhexe.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkan oo qabsoomay 17-kii iyo 18-kii bishan, ayaa dhiancyada ka qayb galay waxa ay ku muujiyeen taageerada ay u hayaan go'aamadii ka soo baxay golaha dhexe ee TPLF, iyagoo ku daray fikrado xoojinaya qorshaha kooxda TPLF.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in marka laga soo tago go'aankii golaha dhexe ee ururka TPLF uu ka soo saaray golaha, in sidoo kale lagaga hadlay "xiriirka u dhexeeya dadka Tigrayga iyo shucuubta kale". "In ka badan sidii hore, dadkeenu waxay go'aansadeen inay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka ay la leeyihiin shucuubta deriska ah, shucuubta kale ee Itoobiya iyo shucuubta dalalka deriska ah" ayaa lagu yiri.
Wuxuu sheegay in shacabka Tigray iyo TPLF ay wali diyaar u yihiin in wixii khilaaf ah ee kala dhaxeeya dowladda Itoobiya ay wadahadal ku dhameeyaan. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaas ku daray in shacabka gobolku ay garab istaagaan kooxda TPLF "marxaladdan muhiimka ah ee halganka socda ee lagu xaqiijinayo badbaadada iyo amnigadadka Tigrayga".
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dawlada dhexe iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Tigrayga oo ku aadan go'aankan golaha dhexe ee kooxda TPLF. Si kastaba ha ahaatee, madaxdii hore ee ururka ee kasoo horjeeday kooxda TPLF ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan, iyagoo sheegay in go'aankan uu yahay mid hurinaya dagaal.
Mid ka mid ah dadkaasi oo lagu magacaabo Getachew Reda oo ah la taliyaha ra'iisul wasaare Abiy Axmed ee arrimaha bariga Afrika ayaa sheegay in go'aankan ay kooxda TPLF qaaday uu yahay "tallaabo wax ku ool ah oo meesha ka saaraya heshiiskii Pretoria".
Getachew ayaa ka digay, "Go'aan kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaya heshiiskii Pretoria iyo nidaamka jilicsan ee dagaalka ka dib wuxuu awood u leeyahay in uu huriyo khilaaf cusub oo aan ahayn kaliya jilayaasha gobolka laakiin sidoo kale dawladda federaalka lafteeda".











