Maxay tahay sababta Shilinka Soomaaliga looga diiday meelaha qaar

Maxay tahay sababta Shilinka Soomaaliga looga diiday meelaha qaar

Magaalada Muqdisho waxa tan iyo shalay ka taagnayd dood ku saabsan lacagta shilin Soomaaliga ah ee kunka shilin, oo meelaha qaar la diiday in la qaato iyadoo sababta dhabta ah aan la sheegin.

Lacagta qaarkeed ayaa duugoowday, waxana sidoo kale suuqyada Muqdisho soo galay inta badan lacagihii shilin soomaaliga ahaa ee laga isticmaali jiray gobollada dhexe iyo kuwa bari ee wadanka.

Soomaaliya waxa xooggeeda laga isticmaalaa lacagaha doolarka ah ee danabaysan ee taleefanka gacanta la isaga diro, waxana muuqata in kunka shilin ee ka haray shilin soomaaliga uu hadda khatar ku jiro.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa qaar kamid ah sariflayaasha magaalada la kulmay, waxa uuna weydiiyay sababta keentay in meelaha qaar lacagta la diido iyo saameynta ka dhalatay

Waxay BBC sidoo kale la xiriirtay khubarada dhaqaalaha ee Soomaaliya oo aan wax ka weydiinnay saamaynta ay yeelanayso joojinta isticmaalka shilinka Soomaaliga. Dr Shaafici Shriif Maxamed waa dhaqaaleyahan Muqdisho ku sugan, waxaanan weydiinnay waxa ay salka ku hayso diidmada shilinka Soomaliga. Laakinse waxaan marka hore ku bilaabaynaa qaar ka mid ah sarriflayaasha Muqdisho oo mikaroofanka uu la dhex maray wariyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan.