Sawirro: Tareen ma ku raaci lahayd 10,000 oo doolar?

Published

Tareenka cusub ee nooca raaxada ee dalka Japan ee lagu magacaabo Shiki-shima ayaa billaabay safarkiisii ugu horreeyay isbuucan.

The Shiki-shima train
Qoraalka sawirka, Tareenkan oo lagu magacaabo Shiki-shima ayaa ah nooca raaxada. Tikitka lagu raaco qiimihiisu wuxuu u dhexeeyaa $2,000 ilaa iyo $10,000.
Interior of train
Qoraalka sawirka, Tareenkan raaxada badan ayaa safarkiisa billaabay 1 May.
Interior of train
Qoraalka sawirka, Wuxuu safarkiisa ka billaabay Tokyo waxa uuna ku sii socdaa magaalada jasiiradda ah ee Hokkaido.
Inside the Shiki-shima train
Qoraalka sawirka, 34 rakaab ayuu qaadaaa tareenkan raaxad, sidaas darteed rakaabku iskuma qabsadaan fariisashada dhinaca daaqadaha.
Sleeping compartment
Qoraalka sawirka, Halkan ayay rakaabku ku yara gam'i karaan marka ay daalaan.
The Shiki-shima luxury train from the outside
Qoraalka sawirka, Tareenkan waxaa qorshihiisa la shaaciyay sanaddii 2014, waxaana leh shirkadda tareenada ee East Japan Railway.
The observation room
Qoraalka sawirka, Tikidhada qaar waa la iibiyay ilaa iyo March 2018.
Inside the restaurant car
Qoraalka sawirka, Cunnada waxaa lagu diyaariyaa tareenka gudihiisa. Gabdhahan ayaa diyaar u ah inay kuu adeegaan
Dinner in the restaurant car
Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah cunnada tareenka aad ka heli kartid
The lounge with an open fireplace
Qoraalka sawirka, Dadka qaar ayaa ku tilmaamay inay tahay qaab kale oo ay lacag ku khasaarinayaan dadka maalqabeenka ah