Qaxootiga Soomaalida ee Kenya sidey u arkaan go'aanka Trump
Published
Madaxweyne Trump ayaa difaacay go'aankiisa uu sida ku meelgaarka ah Mareykanka uga mamnuucay dadka ka safraya todobo dal oo Muslimiinta ku badan yihiin.
Donald Trump wuxuu saxafiyiinta u sheegay in shuruucda cusub si wanaagsan looga shaqeeyay.
Haddaba sidey arrintaasi u saameyn kartaa Soomaalida?
Weriyaha BBC-da Cissa Xaji Cabdille ayaa booqday xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo ay ku noolyihiin kumanaa qaxooti somaali ah oo dib u dejin ka doonaya dalka Maraykanka.
Warbixintan ayuu ka diyaariyay