Sawirro arooskii ugu qaalisanaa Hindiya ee sanadka oo dhamaaday

Published

Shan maalin kadib arooskii ugu qaalisanaa Hindiya ee sanadka ayaa dhamaaday

Aroos
Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah aroosyadii ugu qaalisanaa ayaa lagu qabtay gobolka Karnataka ee Hindiya. Waxaa lagu qiyaasayaa inay ku baxday ugu yaraan $74milyan.
Sawirrada arooskaReddy
Qoraalka sawirka, Arooska ninka ganacsadaha iyo ninka siyaasiga G Janardhana Reddy gabadiisa, Brahmani, ayaa laga xanaaqay iyadoo malaayin qof Hindiya ay lacag la'aan ku dhacday dhawaan kadib markii lacago qaar la joojiyay.
Caruusada
Qoraalka sawirka, Dharka ay xiran tahay gabadha ayaa wuxuu joogaa $2.5 milyan waxayna xiratay dahab qiimahiisu yahay $13milyan ayay sheegeen wararka.
Arooska
Qoraalka sawirka, Arooska, Rajeev Reddy, oo labaatan iyo saddexjir ah Rajeev Reddy, ayaa ka dhashay reer ganacsato ah ee ka yimid Hyderabad.
Ciyaarta Brazil ee samba oo laga ciyaarayo arooska
Qoraalka sawirka, ciyaarta Barazil ee samba ayaa ka mid ahayd bandhigyadii loo sameeyay dadka ka soo qayb galay arooska.
Aabaha aroosada iyo Caruuska.
Qoraalka sawirka, Mr Reddy ayaa la sheegay inuu dhahayay in lacagta uu bixiyay lix bilood ka hor intaysan dowladda ka joojin lacagaha qaarkood suuqa musuqmaasuq dartii
Arooska iyo aroosada
Qoraalka sawirka, Waxaa lagu dhaleeceyay arooska in lacag badan lagu qarash gareeyay.
Meesha lagu qabtay arooska
Qoraalka sawirka, Dhisida meesha lagu qabtay arooska ayaa qadatau bilooyin S
Mr Reddy iyo gabadhiisa iyo qaar ka mid ah reerka
Qoraalka sawirka, In ka badan 50,000 oo qof ayaa ka soo qayb galay arooska.Wararka ayaa sheegaya in 2,000 oo tagaasi ay qaadeen dadka iyo 15 helikobtaro oo lagu qaaday dadka qaaska ah