TOOS, Dowladda Ingiriiska oo walaaca ka qabta saameynta uu xirnaanta Marinka Hormuz ku yeelanayo kobaca dhaqaalaha dalkaas

Warbixinno ka soo baxay dowladda UK ayaa sheegaya in haddii carqaladaynta maraakiibta ee marinka Hormuz ay sii socoto uu saameyn ku yeelan doono kobaca dhaqaalaha sanadka soo socda

Kooban

Tebin toos ah

  1. Goorma Afrika laga dareemi doonaa qorrax madoobaadka xiga?

    Qeybo kamid ah UK iyo Yurub waxaa ka dhacay qorrax-madoobaadkii ugu xiisaha badnaa ku dhowaad 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo dhowrkii jiilba mar la arko.

    Dadka ku nool Afrika ee xiiseeya daawashada cirka, fursadda weyn ee xigta, waxay u noqon doontaa 2-da bisha Agoosto 2027, marka qorrax-madoobaad buuxa uu ka dhici doono qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan dalalka sida Marocco, Aljeeriya, Tuuniisiya, Liibiya iyo Masar, sida ay sheegtay hay’adda qaabilsan hawada sare, NASA.

    Qorrax-madoobaadka 2027-ka sidoo kale waxaa laga arki doonaa dhul mara koonfurta Isbaanishka, Sacuudi Carabiya iyo Yemen. Inta badan Afrika waxay la kulmi doontaa qorrax-madoobaad qayb ahaan ah, taas oo Dayaxu uu qorraxda qayb keliya ka dabooli doono.

    Arrintani waxay sannadka 2027 si gaar ah muhiim ugu tahay dadka Afrika ee xiiseeya cilmiga xiddigiska, iyadoo dalal dhowr ah oo Waqooyiga Afrika ku yaal lag dareemi doono qorrax madoobaad buuxa.

    Qorrax-madoobaad qayb ahaan ah ayaa sidoo kale laga arki doonaa dhul ballaaran oo Afrika ah, Yurub, Bariga Dhexe iyo qaybo ka mid ah Aasiya ah, taas oo malaayiin qof siinaysa fursad ay ku daawadaan Dayaxa oo daboolaya qorraxda.

    Dhanka kale, Qaybo ka mid ah qaaradda Yurub ayaa la kulmay qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee soo mara muddo lagu qiyaasay 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo jiilkiiba mar marta.

    Qorrax-madoobaadkan ayaa dadkii arakay qolaba si ula muuqday, taas oo ku xirnayd hadba meesha la joogey.

    Dadka UK ee ka daawanayay dhacdadan naadirka ah waxay arkeen qorrax-madoobaad barbar ah, xilligaas oo in ka badan 90% qorraxda uu dayaxu daboolay.

  2. Dunida oo laga dareemay qorrax madoobaad

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Qaybo ka mid ah dunida ayaa la kulmay qorrax-madoobaadkii ugu yaabka badnaa ee soo mara muddo lagu qiyaasay 30 sano, iyadoo la rumaysan yahay in malaayiin qof ay daawadeen dhacdadan oo jiilkiiba mar marta.

    Qorrax-madoobaadkan ayaa dadkii arakay qolaba si ula muuqday, taas oo ku xirnayd hadba meesha la joogey.

    Dadka UK ee ka daawanayay dhacdadan naadirka ah waxay arkeen qorrax-madoobaad barbar ah, xilligaas oo in ka badan 90% qorraxda uu dayaxu daboolay.

    Laakiin qaybo ka mid ah Greenland, Iceland iyo Spain ayaa la kulmay qorrax-madoobaad buuxa, kaas oo dayaxu si buuxda u u hareeyey qorraxda.

    Malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku nool ayaa Arbacadii cirka eegay.

    Qorrax-madoobaadku wuxuu ka dhacay qaybo ka mid ah Waqooyiga Afrika, iyo sidoo kale Spain, Iceland, Greenland iyo waqooyiga Ruushka. Dhanka kale, inta badan Yurub, Afrika iyo meelo kale oo dunida ka mid ah waxaa laga arkay qorrax-madoobaad qayb ahaan ah.

    Dadweyne ayaa meelo kala duwan isugu yimid si ay u daawadaan dhacdadan naadirka ah, iyadoo qaar badan ay xirnaayeen ookiyaalo gaar ah oo loogu talagalay daawashada qorrax-madoobaadka, xilli Dayaxu si tartiib ah u daboolayay Qorraxda.

    Dhacdadan waxay si gaar ah muhiim ugu ahayd Yurub, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay tan iyo 1999-kii ee qorrax-madoobaad buuxa laga arko qaaradda.

    Spain, qorrax-madoobaadka buuxa wuxuu dhacay wax yar ka hor qorrax-dhaca, taas oo goobjoogayaashu ku tilmaameen mid aan caadi ahayn.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

    Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka
    Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad u soo baxay daawashada qorrax madoobaadka
    Senegal ayaa sidoo kale laga dareemay

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Senegal ayaa sidoo kale laga dareemay
  3. Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad oo shaqada ka tageysa

    Levit

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Levit

    Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa xilkeeda ka degi doonta dhammaadka bishan, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Arbacadii, iyadoo ay meesha ka baxeyso mid kamid ah lataliyeyaashi Trump ee aadka ugu dhawaa, xili ay soo dhow yihiin doorashooyinka dhexe ee Mareykanka ee bisha Nofeembar.

    Leavitt waxay noqon doontaa la-taliye isgaarsiineed oo dibadda ah iyo hawlwadeen siyaasadeed, iyadoo gacan ka geysanaysa qaabaynta mustaqbalka dhaqdhaqaaqa Trump ee “Make America Great Again” (MAGA), sida ay iyada iyo Trump ku sheegeen bayaanno ay soo saareen.

    Leavitt, oo 28 jir ah, ayaa qoraal ay baraha bulshada ku daabacday ku sheegtay, inay doonayso inay waqti badan la qaadato carruurteeda yaryar. Waxay bishii May dhashay gabar, oo ah ilmaheedii labaad, waxayna dhawaan ka soo laabatay fasaxii umusha.

    “Karoline waxay Aqalka Cad ka ahayd hoggaamiye dhab ah, waxayna qabatay shaqo aad u wanaagsan oo ay ugu dagaallamaysay Caddaaladda, Xorriyadda iyo Madax-bannaanida tan iyo 2018, oo ay ku jirto ololaheennii taariikhiga ahaa ee dib-u-doorashada 2024,” ayuu Trump ku qoray baraha bulshada.

    Trump wuxuu Leavitt ku tilmaamay “mid ka mid ah xoghayayaasha warfaafinta Aqalka Cad ee ugu wanaagsan taariikhda xafiiska.”

    Leavitt iyaduna waxay xilkeeda Aqalka Cad ku tilmaantay “sharaf iyo waayo-aragnimo nololeed oo aan la ilaawi karin.”

  4. Israa'iil oo ciidamo dheeraad ah u direysa tuulo ay ku go’doonsan yihiin qoysas Falastiiniyiin ah

    Israa'iil ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri doonto tuulo ku taalla Daanta Galbeed, halkaas oo degganayaal Yuhuud ah ay tan iyo Axaddii laba qoys oo Falastiiniyiin ah ku xannibeen guryahooda.

    Waxaa la baahiyay muuqaal muujinaya kooxdii ugu horreysay ee askarta Israel ee goobta gashay, kuwaas oo lagu arkayay iyagoo la tukanaya degganayaasha Yuhuudda ah ee xagjirka ah.

    Ciidamo amni oo dheeraad ah ayaa goobta loo diray, waxayna meesha ka qaadeen teendho halkaas laga dhisay. Hase yeeshee, ciidamadu waxay goobta ka baxeen kaddib markii ay isku dhacyo dhaceen, waxaana degganayaashii dib ugu soo laabteen goobta.

    Qoysaska Falastiiniyiinta ah ee ku nool tuulada Qasra, oo koonfur ka xigta Nablus, ayaa sheegay in laga jaray biyihii iyo korontadii, isla markaana ay si tartiib tartiib ah u wajahayaan cunto yari.

    Sida uu qabo sharciga caalamiga ah, dhammaan deegaannada Yuhuudda ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto waa sharci-darro.

  5. Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan Araqchi kula kulmay garoonka diyaaradaha Mashhad

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan oo u safray Iiraan si uu ula kulmo saraakiisha Iiraan, ayaa mar kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araqchi, taas oo noqotay kulankoodii labaad 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

    Kulankii ugu dambeeyay ee labada mas’uul ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Mashhad.

    Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, IRNA ayaa sheegtay in Mohsen Naqvi uu Tehran uga safray Mashhad si uu u soo xajisto goobaha barakaysan.

    Naqvi ayaa horey Tehran kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan. Waxa kale oo uu la kulmay Madaxweyne Masuud Pezeshkian iyo Wasiirka Batroolka Iiraan, Mohsen Paknejad, sidoo kalena wuxuu la kulmay Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.

    Pakistan ayaa dhex-dhexaadinaysa wada-hadallada xabbad-joojinta ee u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka.

    Sii akhri sheekooyin kale

  6. Wargeyska Sharq al-Awsat: Madaxda Xuutiyiinta oo loo daad gureenayo goobo ammaan ah

    Wargeyska Sacuudiga laga leeyahay ee Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan loo daadgureynayo goobo ammaan ah.

    Wargeysku wuxuu intaas ku daray in taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxda iyo culeyska iyo

    weerarrada sii kordhaya ee kaga imaanaya kooxda isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, kaas oo taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, iyadoo la filayo in isbahaysigu uu bartilmaameedsado saraakiisha sare ee Xuutiyiinta ee dhinacyada amniga, milatariga iyo dowladda, taas oo jawaab u ah tallaabooyinkooda.

    Sacuudiga ayaan weli xaqiijin sheegashada Xuutiyiinta ee ku saabsan weerar lagu qaaday markab militari oo Sacuudigu leeyahay iyo weerarro dhimasho sababay oo lagu qaaday ciidamada Sacuudiga, kuwaas oo ka dhacay deegaannada ay dowladda Yemen maamusho 11-kii Agoosto.

    Wakaaladda wararka Saba oo ay maamulaan Xuutiyiintu ayaa soo xigatay afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, isaga oo sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay qaadeen “weerarro sax ah” oo lagu beegsaday “goobo ay ku urursnaayeen ciidamada cadowga Sacuudiga, bakhaarro hub iyo xarumo talis” oo ku yaalla Al-Mokha iyo xerada Tadaween ee gobolka Ma’rib.

    Waxa uu intaas ku daray in Xuutiyiintu ay bartilmaameedyadaas ku weerareen tiro badan oo gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayna dileen dad badan, oo ay ku jiraan muwaadiniin Sacuudiyaan ah.

    Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in kooxdu ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah ciidamada Sacuudiga, kuwaas oo uu sheegay in loo diray Yemen si ay “u sii xoojiyaan colaadda oo ay ula wareegaan gacan ku haynta dalka".

    Sii akhri sheekooyin kale

  7. Dowladda Ingiriiska oo walaaca ka qabta saameynta uu xirnaanta Marinka Hormuz ku yeelanayo kobaca dhaqaalaha dalkaas

    Dowladda Ingiriiska oo walaaca ka qabta saameynta uu xirnaanta Marinka Hormuz ku yeelanayo kobaca dhaqaalaha dalkaas

    Xigashada Sawirka, AP

    Warbixinno ka soo baxay dowladda UK ayaa sheegaya in haddii carqaladaynta maraakiibta ee marinka Hormuz ay sii socoto illaa dhammaadka sanadkan, dhaqaalaha Britain uu sannadka dambe yeelan doono koboc aad u yar ama ku dhowaad aan wax koboc ah lahayn.

    Saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Ingiriiska ayaa arrintan ku sheegay warbixin loo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.

    Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan dowladda, qaab-dhismeedka saadaasha gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa muujinaya in koboca wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) UK uu hoos u dhici karo ilaa 0.3% sannadka 2027.

    Saraakiisha dowladda ayaa sheegay inay si joogto ah ugu diyaar garoobaan dhammaan xaaladaha suurtagalka ah, ayna tilmaameen in saadaashan koboca ay ku salaysan tahay xaalad ka sii xun tan hadda jirta.

    Warbixintan ayaa soo baxday xilli dhaqaalaha Britain uu horeyba u wajahayo koboc xaddidan.

    Xafiiska Tirakoobka Qaranka ee UK ayaa la filayaa inuu dhowaan ku dhawaaqo in wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) uusan wax koboc ah samayn bishii Juun.

    Colaadda Bariga Dhexe iyo dagaalka Iiraan ayaa sababay kororka qiimaha tamarta, iyadoo isla markaana ay jiraan carqalado waaweyn oo ku yimid isu-socodka maraakiibta ee marinka Hormuz.

    Sii akhri sheekooyin kale

  8. Sawirrada dad daawanaya qorrax-madoobaadka maanta ka dhacay qeybo kamid ah dunida

    magaalada Burgos ee dalka Spain ayaa noqotay goobta si buuxda ay qoraxdu u madoobaatay
    Qoraalka sawirka, magaalada Burgos ee dalka Spain ayaa noqotay goobta si buuxda ay qoraxdu u madoobaatay
    Magaalada Birmingham, dad daawanaya qorrax-madoobaadka intii lagu guda jiray tartanka Horyaallada Ciyaaraha Fudud ee Yurub

    Xigashada Sawirka, Tolga Akmen / EPA

    Sawirrada dad daawanaya qorrax-madoobaadka maanta ka dhacay qeybo kamid ah dunida

    Xigashada Sawirka, Jordan Pettitt / PA Wire

    Rakaabkii saarnaa markabka dalxiiska ee xeebaha Greenland ayaa fursad u helay inay si cad u daawadaan qorrax-madoobaadka.

    Xigashada Sawirka, Owen Humphreys / PA Wire

    Qoraalka sawirka, Rakaabkii saarnaa markabka dalxiiska ee xeebaha Greenland ayaa fursad u helay inay si cad u daawadaan qorrax-madoobaadka.
    Dadka xiiseeya cilmiga xiddigiska oo meel sare ka doortay inay ka daawadaan dhacdadan cajiibka ah, magaalada Arcos de las Salinas ee dalka Spain.

    Xigashada Sawirka, Christian Hartmann / Reuters

    Qoraalka sawirka, Dadka xiiseeya cilmiga xiddigiska oo meel sare ka doortay inay ka daawadaan dhacdadan cajiibka ah, magaalada Arcos de las Salinas ee dalka Spain.
  9. Iiraan oo shaacisay in nadiifinayo qayb ka mid ah wasakhowga saliidda ee xeebta Qeshm

    Waxaan hore u soo sheegnay in saliid ku daadatay badda ay gashay kaymaha mangrove-ka ee Jasiiradda Qeshm, oo ku taalla koonfurta Iiraan.

    Hadda, mas’uul ka tirsan dowladda Iiraan ayaa sheegay in hawlgallo lagu nadiifinayo wasakhowga saliidda ay ka socdaan qaybo ka mid ah xeebaha koonfureed ee Qeshm iyo Jasiiradda Hengam, balse ma cadda in hawlgalladu ay sidoo kale gaareen kaymaha mangrove-ka.

    Omid Seddighi oo ah Agaasimaha Guud ee Xafiiska Wasakhowga Badda ee Hay’adda Ilaalinta Deegaanka Iiraan ayaa wakaaladda wararka ISNA u sheegay in “maalmahan, qaybo ka mid ah xeebaha Souza, Shib Daraz iyo Nakhasheh, iyo qayb xaddidan oo ka mid ah xeebaha Jasiiradda Hengam, ay saameeyeen wasakhowga saliidda.”

    Sida lagu sheegay warbixintan kooxo takhasus leh oo ka tirsan Waaxda Ilaalinta Deegaanka ee Hormozgan ayaa qiimeeyay goobaha ay wasakhdu gaartay.

    Seddighi waxa uu tilmaamay, qiyaastii 950 mitir oo xeebta ah oo ku taalla deegaanka Souza ayaa gacanta lagu nadiifiyay, iyadoo la adeegsanayo qalabka hadda jira.

    Sii akhri sheekooyin kale

  10. War deg deg ah, Safiir xaruunta safaaradda ku fara xumeyay haween badan oo tallaabo laga qaaday

    Faransiiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa BBC-da u xaqiijiyay in Faransiisku uu bilaabay tallaabooyin anshax-marineed oo ka dhan ah safiirkiisa u fadhiya Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Bruno Foucher.

    Safiirka ayaa lagu eedeeyay inuu dhowr haween ah ku casuumay hoyga rasmiga ah ee ee safaaradda ee magaalada Bangui, isla markaana uu qaar ka mid ah haweenkaas galmo la sameeyay.

    Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in dhacdooyinka la tuhunsan yahay ay dhaceen intii u dhexeysay Janaayo 2024 iyo Maarso 2026.

    Safiirka oo 65 jir ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu muddadaas gurigiisa ku casuumay ku dhowaad 30 haween ah, kuwaas oo qaar ka mid ah ay habeenkii halkaas ku hoydeen.

    Diblomaasi Faransiis ah ayaa BBC-da u sheegay in baaritaanka ay amartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska.

    Waxay sheegtay in kadib markii la helay natiijooyinka baaritaanka, wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska uu wasaaradda faray inay bilowdo tallaabooyin anshax-marineed oo ka dhan ah safiirka.

    Weli ma cadda nooca tallaabada anshax-marineed ee laga qaadi karo safiirka ama inta uu qaadan doono baaritaanku.

    Foucher wuxuu ahaa safiirka Faransiiska u fadhiya Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika tan iyo 2023.

  11. War deg deg ah, Dadkii caalamka oo ku tartamaya daawashada qorrax-madoobaadka

    UK

    Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Calton Hill ee Edinburgh, Scotland, eedalka UK, si ay u daawadaan qorrax-madoobaadka.

    Calton Hill waxay qiyaastii 100 mitir ka sarreysaa heerka badda, waxayna leedahay muuqaal furan, gaar ahaan dhinaca galbeed. Haddii daruuruhu aysan soo dhowaan, dadka halkaas jooga waxay heli doonaan fursad ay ku daawadaan qorrax-madoobaadka.

    Waxaa goobta ka dhacay dad badan oo isugu soo yaacay, kaddib markii shaqaalaha Astronomical Society of Edinburgh ay qaybiyeen 500 oo ah muraayadaha qorrax-madoobaadka lagu daawado.

    Dad badan ayaa nasiib u yeelan waayay inay helaan muraayadaha, balse weli goobta ayay joogaan, iyagoo weydiinaya haddii muraayado dheeraad ah la heli karo. Qaar waxay rajaynayaan in dadka helay muraayadaha ay la wadaagaan dhowr daqiiqo, si iyaguna ay fursad ugu helaan inay si caadi ah u daawadaan qorrax-madoobaadka.

    .
  12. War deg deg ah, Qorrax Madoobaadka oo sii baahaya iyo dadyow daawanaya

    Qorrax-madoobaadku hadda wuxuu ka gudbayaa Alaska Maraykanka, Canada iyo Greenland, balse meelahaas waxaa laga arkayaa oo keliya qayb ka mid ah qorraxda oo madoobaanaysa.

    Taas beddelkeeda, Spain ayaa ka mid noqon doonta meelaha uu madoobaadku si weyn uga muuqan doono, iyadoo qorraxdu ay daboolmi doonto ilaa 99%.

    Magaalada Madrid, qorrax-madoobaadku wuxuu bilaabanayaa 6:36 fiidnimo halka uu heerkiisa ugu sarreeya gaari doono 7:32 fiidnimo,taas oo ah 8:32 fiidnimo waqtiga maxalliga ah.

    Daawo sawirrada dadka la socda qorrax madoobaadkaan

    San Francisco oo Mareykanka ah dadka ayaa adeegsanaya qalabka lagu eego qorrax madoobaadka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Halkaani waa Spain

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Gabar yar oo Spain ku sugan oo daawanaysa qorrax madoobaadka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  13. War deg deg ah, Qorrax madoobaad ka bilowday qaybo ka mid ah Mareykanka

    Qorrax

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qorrax-madoobaadka ayaa qayb ahaan bilowday, waxaana la filayaa in uu socdo dhowr saacadood.

    Qorrax madoobaadku wuxuu hadda ka bilowday Anchorage, Alaska, Maraykanka, halkaas oo waqtiga maxalliga ahi ku dhow yahay 07:45 subaxnimo. Waxaa la filayaa inuu gaaro heerkiisa ugu sarreeya, inkastoo madowgu uu dabooli doono qorraxda kaliya 28%.

  14. War deg deg ah, Israa'iil oo duqeyn ka gaysatay koonfurta Lubnaan iyo faahfaahin

    Lubnaan

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay laba duqeyn oo xagga cirka ah ka fuliyeen koonfurta dalka.

    Sida lagu sheegay warbixinta, deegaanka Al-Mansouri ee koonfurta Lubnaan ayaa ahaa bartilmaameedka weerarradan.

    Ilaa hadda, wax war ah lagama hayo dad ku dhintay ama ku dhaawacmay weerarrada, sidoo kalena lama soo sheegin khasaaraha soo gaaray dhismayaasha.

  15. War deg deg ah, Booliiska Zimbabwe oo shaaciyay tirada dadka ku dhintay shilkii ay la kulantay doon dad badan ay saarnaayen

    Booliiska Zimbabwe ayaa sheegay in 44 qof la xaqiijiyay inay dhinteen kadib markii doon rakaab ah ay ku rogmatay harada Kariba.

    Waxaa la badbaadiyay 77 qof. Booliisku waxay sheegeen in doonta, oo sida la sheegay ay rakaab ka badnaayeen intii loogu talagalay, ay la kulantay hir xooggan, taasoo sababtay inay qalibantay.

    Muuqaallo lagu baahiyay internetka ayaa muujinaya qaybta hoose ee doonta oo rogmatay, iyadoo biyaha dul sabaynaysa.

    Harada Kariba waxay ku taallaa xadka u dhexeeya Zimbabwe iyo Zambia, waana mid ka mid ah kaydadka biyaha macmalka ah ee ugu waaweyn adduunka. Waxay muhiim u tahay gaadiidka iyo kalluumeysiga, sidoo kalena waxay labada dal siisaa koronto laga dhaliyo tamarta biyaha.

  16. Farmaajo oo ka hadlay sidii loola dhaqmay Sacdiyo Bajaaj intii ay xirneed

    Madaxweyne hore Farmaajo

    Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweyay siideynta Sacdiya Macalin Cali oo loo yaqaan (Sacdiyo Bajaaj), taasoo muddo kiiskeedu uu taagnaa.

    Waxaa uu sheegay in muddadii ay xirneed lagula kacay gabadood fallo aaney sii deyntu meesha ka saari karin.

    Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waa tallaabo soo dhoweyn mudan, balse ma tirtirayso gabood-falkii lagula kacay, xariggii dheeraa iyo sida hay’adaha dowladda loogu adeegsanayo caburinta dhallinyarada Soomaaliyeed,”.

    Wuxuu intaas ku daray: Dhallinyarada Soomaaliyeed lama cabsi gelin karo, lama aamusiin karo, mana aha dad lagu hoggaamin karo cadaadis iyo dano shakhsi ah, waxa ay leeyihiin awood, karti iyo rabitaan ay ku xaqiijin karaan Soomaaliya horumarsan”.

  17. Madaxweynaha Ruushka oo u hanjabay Midowga Yurub

    Putin

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Putin ayaa ku hanjabay inuu la wareegi doono maraakiibta Yurub, taasoo jawaab uga noqonaysa qorshayaasha Midowga Yurub ee lagu joojinayo maraakiibta looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin waxa loo yaqaan “maraakiibta qarsoon ee Ruushka.

    Putin ayaa hadalkan sheegay xilli uu daawanayay dhoolatusyo ciidan oo ay ciidamada badda Ruushku ka wadeen bariga fog ee dalka. Wuxuu xannibaadaha lagu soo rogo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta Ruushka ku tilmaamay “burcad-badeednimo iyo dhac.”

    Wuxuu sheegay in Moscow lagu qasbi doono inay si la mid ah uga jawaabto tallaabooyinka Midowga Yurub, isla markaana Ruushku uu samayn doono wax kasta oo uu u arko inay lagama maarmaan iyo ku habboon yihiin, meel kasta oo ay taasi ka dhacdo.

    Ruushka ayaa muddo isticmaalayay waxa loo yaqaan “maraakiibta aan la sixi karin calamada ay wataan”, oo ah maraakiib ku socda calan qaran oo aan sax ahayn ama aan lahayn diiwaangelin cad, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in looga baxsado cunaqabataynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dhoofinta iyo ganacsiga saliidda Ruushka.

  18. Lixda meelood ee aan qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood

    Qarrax

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Nolasheennu waxay ku wareegtaa saacadaha kooban ee maalintii iyo habeenkii oo badanaa ah 24 saacadood.

    Hasa-yeeshee ma ogtahay in dunida ay ka jiraan meelo aanay qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood?

    Bal qiyaas sida sheekadaan ay xiiso ugu leedahay dalxiisayaasha iyadoo xitaa dadka deegaannadaas ay ku jaha wareeraan qoroxda oo aan dhacaynin 70 maalmood oo xiriir ah.

    Haddaba Lixda meelood ee aaney qorraxdu ka dhicin wax badan ka ogow.

    Sii akhri:

  19. War deg deg ah, Trump oo sheegay inuusan weligii aamini doonin Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, x/RapidResponse4

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ku kalsoonayn Iran, isla markaana Mareykanku si buuxda gacanta ugu hayo marin-biyoodka Hormuz.

    Isagoo Talaadadii ka jawaabayay su’aalo ay wariyayaashu weydiiyeen, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuusan Iran ku kalsoonayn.

    “Anigu waxaan noqonayaa qofka ugu dambeeya ee ku kalsoonaada Iran; mar walba way ii been sheegeen.”

    Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashada ah in Mareykanku si buuxda u maamulo marin-biyoodka Hormuz.

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, ayaa sheegay in uu qabtay oo hawl-geliyay markab ku sii jeeday deked ku taalla Iran. Taliska ayaa bayaan ku sheegay in markabka oo sitay calanka Panama uu isku dayayay inuu maro Gacanka Cumaan.

    Dhanka kale, Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay:

    “Marin-biyoodka Hormuz lama furi doono ilaa Mareykanku beddelo hab-dhaqankiisa oo uu aqbalo shuruudaha Iran.”

    Warbixinnada maanta ayaa sidoo kale muujinaya in khilaafka Mareykanka iyo Iran uu weli saameyn ku leeyahay isu-socodka maraakiibta iyo qiimaha shidaalka caalamka.

  20. War deg deg ah, Doon dab ka kacay iyo faahfaahin ka soo baxaysa dadkii la socday

    Doon

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, doon weyn oo rakaab ah ayaa ka amba baxday jasiiradda dalxiiska ee Bali, Indonesia, saaka, balse dab ayaa ka kacay xilli ay ku guda jirtay safarkeeda.

    Ilaa hadda, 172 qof ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo sidoo kale socda baaritaanno lagu raadinayo rakaab kale oo la la’yahay.

    Haryadi, oo ah madaxa hay’adda samatabixinta deegaanka, ayaa sheegay in doontu ay ka shiraacatay deked ku taalla Bali, iyadoo ku sii jeedday Lombok oo ka tirsan gobolka West Nusa Tenggara.

    Wuxuu Reuters u sheegay in shilku uu ka dhacay Marinka Lombok abaare 04:39 subaxnimo Arbacadan maanta ah =.

    Ilaa hadda, waxaa la xaqiijiyay in hal qof oo Indonesian ah uu dhintay, halka 172 qof laga daadgureeyay lagana soo badbaadiyay dekedaha Bali iyo Lombok.

    Mid ka mid ah dadka la badbaadiyay ayaa ahaa muwaadin Australian ah, halka dadka kale ay dhammaantood ahaayeen Indonesian.

    Harry Vianto, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka dekedda Bali, ayaa u sheegay telefishinka maxalliga ah ee Kompas TV in liiska rakaabka lagu qoray 114 rakaab ah iyo 17 shaqaale ah.

    Indonesia oo ka kooban in ka badan 17,000 jasiiradood, ayaa si weyn ugu tiirsan maraakiibta waaweyn ee rakaabka si ay u noqdaan gaadiid muhiim ah, maadaama safarka badda uu ka jaban yahay safarka hawada isla markaana si fudud loo heli karo.

    Hase yeeshee, heerarka badbaadada mar walba si adag looma ilaaliyo, taasina waxay sababtaa in shilalka doonyaha iyo maraakiibtu ay weli yihiin kuwo soo noqnoqda.

    Sidoo kale akhri