TOOS, Afar qof oo ku dhimatay Roobab ma hiigaan oo ka da'ay Japan, kuwaas oo sababay dhul-go’.

In ka badan 100 kun oo qof ayaa lasoo sheegayaa in ay ku barakaceyn roobabkaan iyo deegaamada qaar oo ay koronto la'aan ka jirto

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Puntland oo dowladda Federaalka ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo

    Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda Soomaaliya ku eedeesay in ay qorsheeneyso hurin colaad, iyada oo lagu yiri qoraalka " Madaxweynihii Hore ee dowladda Federaalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu weli ku howlan yahya abaabulka colaad ka dhan Puntland", waxaana intaas lagu daray Puntland waxa ay si dhaw ula socotaa abaabullada qorsheeysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud ka wado waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh ku imaanayo Koofurta Gaalkacyo ee Galmud". Puntland ayaa safarka ujeedkiisa ku sheegtay "mid looga golleeyahay in fidno iyo colaad looga abuuro magaaladaas".

    Dhanka kale Dowlad-goboleedka Galmudug oo warka ka soo baxay Puntland lagu soo hadalqaaday ayaa dhankooda ganafka ku dhuftay dhiillada colaadeed ee laga dardaarweriyey.

    Wasiirka Madaxtooyada Galmudug Maxamed Faarax Talyaani oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyey warka sheegaya in colaad laga abaabulayo magaalada Gaalkacyo, mar ka jawaabayey waxa uu yiri "waxaa rabaa inaa kuu caddeeyo in aysan sal iyo raad toona lahayn eedeymaha ay xambaarsan tahay, Galmudug waxa ay kamid tahay JDFS madaxweynaha guud ahaan dalka ayuu madax ka yahay, booqashadiisuna waxaa filayaa in aysan ahayn ceebeyn iyo hawlo kale la socdaan".

    "Gaalkacyo ma jiraan wax dhiillo colaadeed ah oo ka jira" ayuu hadalkiisa sii raaciyey, isaga oo sheegay in uu hadda ku sugan yahay isla magaalada, inkasta oo aysan BBC-du si madax bannaan u xaqiijin karin arrimahaas.

    Dhanka booqashada ayuu wasiirku ka hadlay isaga oo tilmaamay in ay tahay mid aan wax shaqo ah ku lahayn waxa ay Puntland ku tilmaamtay. “Madaxweynaha booqashadiisu waxa ay la mid tahay kuwo uu uu tago meelo kale oo dalka, Galmudugna cid ay maanta marti uga tahay cidda inay maryigeliso madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxweynuhu in aysan jirin baa rabaa inaa kuu caddeeyo, xudduudaheeda iyo deegaannadeedana iyadaa ka Talisa”, ayuu yiri wasiir Talyaani.

    Maaha warqaddii ugu horreysay ee kasoo baxday Puntland, waxaana jiray in dhowrjeer oo hore ay ku eedeysay dowladda in ay qeyb ka qaadaneyso dagaallo ka dhacay meelo kamid ah maamulkaasi.

  2. War deg deg ah, Dowladda Japan oo roobabka kasoo saartay heerka ugu sarreeya digniinaha dalkaas

    Dowladda Japan oo roobabka kasoo saartay heerka ugu sarreeya digniinaha dalkaas

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dad

    Roobabkii xoogga badnaa ee Khamiistii ayaa ku qasbay Hay’adda Saadaasha Hawada Japan inay soo saarto Digniinta Degdegga ah ee Heerka 5, taas oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinta dalka.

    Subaxnimadii Jimcaha, digniinta ayaa hoos loogu dhigay Heerka 4, balse mas’uuliyiintu waxay weli dadka deegaanka ku boorinayaan inay feejignaadaan, gaar ahaan khatarta dhul-go’a, fatahaadaha iyo webiyada oo biyuhu ku fatahaan.

    Ciidamada Is-difaaca Japan ayaa saaka loo diray inay gacan ka geystaan daadgureynta dadka ku xayirmay saldhigyada tareennada.

    Qiyaastii 1,800 qof ayaa sidoo kale habeenkii ku hoyday dhismaha maamulka gobolka Chiba, kadib markii ay roobabka joojiyeen isu-socodka iyo adeegyada gaadiidka.

  3. War deg deg ah, Afar qof ayaa ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay Japan

    Afar qof ayaa ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay Japan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Roobab aan hore loo arag oo ka da’ay gobolka Chiba ee Japan ayaa sababay dhimashada afar qof, halka kumannaan qof ay habeenkii ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Narita ee magaalada Tokyo.

    Maamulka ayaa sheegay in gobolka Chiba oo ku dhow caasimadda Tokyo uu tan iyo galabnimadii Khamiista ka da’ayeen roob ka badan 100 millimitir saacaddii.

    Tani waxay ku dhowdahay saddex jeer celceliska roobabka bisha Agoosto, waxayna noqotay roobkii ugu badnaa ee abid laga diiwaangeliyo dalka Japan.

    Roobabkaan ayaa sidoo kale sababay dhul-go’, fatahaado iyo koronto la’aan, waxaana hakaday adeegyada tareennada, basaska iyo tagaasida.

    Illaa iyo hadda In ka badan 20,000 oo guri oo ku yaalla gobolka Chiba ayey sidoo kale korontadu ka go’day.