TOOS, Weerarro hor leh oo saaka lagu qaaday warshadda sifeynta saliidda Iiraan iyo Madaxweynaha dalkaas oo cambaareeyey

War-saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Qaranka ee Sifaynta iyo Qaybinta Saliidda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday warshadda uu yahay, mid kamid ah “xadgudubyo dhowr ah oo lagu sameeyay xabbad-joojinta”, iyado maanta tahay maalintii labaad ee heshiiska ay wada gaareyn Iiraan iyo Maraykanka..

Tebin toos ah

  1. Xisbullaah oo sheegtay in ay wareertay waqooyiga Israa'iil

    Ururka Xisbullah ee dagaallama Lubnaan ayaa sheegtay inay gantaallo ku ridday waqooyiga Israa’iil. Kooxda hubeysan ee ay taageerto Iiraan ayaa bayaan ay ku daabacday baraha bulshada ku sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay xadgudub lagu sameeyay xabbad-joojinta.

    Waxay sidoo kale ku hanjabtay inay sii wadi doonto weerarradeeda ilaa ay joogsato waxa ay ugu yeertay “gardarrada Israa’iil iyo Maraykan” ee ka dhanka ah Lubnaan.

    Arbacadii, Abriil 8, waxay ahayd maalintii ugu xoogganeyd duqeymaha Israa'iil ka geesaneyso Lubnaan, iyadoo ay ku dhinteen 128 qof. waxaa weli taagab ismari waaga ku aadan in Lubnaan ku jirto heshiiska xabbad-joojinta ay gaareyn Iiraan iyo Maraykanka iyo in kale.

  2. Iiraan: dhaqanka galka xabbad joojinta 3 qodob ayaa "si cad loogu xadgudbay"

    Guddoomiyaha Barlaanka Iiraan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha Barlaanka Iiraan

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Maxamed Bagher Ghalibaf, ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X in saddex qodob oo ka mid ah soo jeedinta 10-ka qodob ee Iiraan “si cad oo muuqata loo jebiyay,” isla markaana xaaladdan ay ka dhigeyso “xabbad-joojin laba geesood ah ama “wada-xaajoodaan macquul ahayn.”

    Ghalibaf ayaa xusay in xabbad-joojinta Lubnaan ay ku jirtay soo jeedinta, arrintaas oo Aqalka Cad uu maanta diiday.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay gashay gobolka koonfureed ee Fars ee Iiraan. Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa u sheegay BBC in aysan “ka war hayn” dhacdadaas.

    Qodobka saddexaad, wuxuu ku sheegay in xuquuqda Iiraan ee kobcinta (enrichment) ay ku jirtay soo jeedinta, taas oo sidoo kale lagu xusay bayaanka ay Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan soo saareyn, kaas oo laga akhriyey xalay telefishinka dowladda.

    Dagaalka ay Maraykanka iyo Israa’iil ka wadaan Iiraan ayaa billowday 28-ka Febraayo, laba maalmood kadib wareeggii ugu dambeeyay ee wada-xaajoodka barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maamulka Trump uu tixgelinayo Ghalibaf inuu noqon karo masuul lala shaqeyn karo, suurtagalna ay tahay, inuu noqdo hoggaamiyaha mustaqbalka Iiraan.

  3. Duqeynta warshadda gaaska sifeysa ee Iiraan kadib, ma furan yahay marinka Hormuz?

    .
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Lama oga doomaha iyo maraakiibta mari kara illaa iyo hadda marinka Hormuz, warbaahinta gudaha Iiraan ayaa tebineysa in uu xiran yahay marinka, kadib weeraro lagu qaaday warshad shidaalka sifeysa oo ku taalla koofurta Iiraan.

    Afhayeenka aqalka cadka oo warbaahinta la hadashay Arbacadii waxa ay sheegtay in marinka uu xiran yahay ay tahay war been abuur ah. Goor sii horreesayna ciidanka Badda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqay aroortii hore ee saaka in maraakiibta ka gudbaysa marin-biyoodka Hormuz ay tahay inay qaataan laba waddo oo kale oo ku dhow xeebaha Iiraan, iyagoo sabab uga dhigaya suurtagalnimada miinooyin yaalla waddadii caadiga ahayd.

  4. Iiraan oo weli ay duqeyn ku socoto

    Muuqaal ay xaqiijisay BBC Verify ayaa muujinaya dab holcaya iyo qiiq madow oo aad u badan oo ka baxaya warshadda sifaynta saliidda ee Lavan ee koonfurta Iiraan saaka.

    Muuqaalka la xaqiijiyay, waxaa lagu arkayaa ugu yaraan laba shaqaale oo ag taagan saddex haamood oo kayd ah, iyagoo duubaya dabka, halka qiiq madow uu cirka isku shareerayo.

    Warshaddu waxay ku taallaa Jasiiradda Sirri oo qiyaastii gacanka 40 mayl u jirta xeebta koonfureed ee Iiraan.

    War-saxaafadeed ay soo saartay Shirkadda Qaranka ee Sifaynta iyo Qaybinta Saliidda ee Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday warshadda uu yahay “weerar fulaynimo ah oo ka yimid cadowgeeda dibadda”.

    Lama soo sheegin wax dhimasho ah, waxaana socda dadaallo lagu daminayo dabka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

    Weerarkan ayaa yimid kaddib markii shalay la isku raacay xabbad-joojin laba toddobaad ah oo u dhexeysa Iiraan iyo Maraykanka. Saraakiisha dowladda Iiraan wali cidna kuma eedeyn dhacdadan, mana soo saarin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta keentay.

  5. Ra''isul wasaaraha Ingiriiska iyo dhaxal Sacuudiga oo kawada hadlay xabbad-joojinta Bariga dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman, magaalada Jedda maalintii Arbacada, taasoo qayb ka ah booqasho laba maalmood ah oo uu ku joogo dalalka Khaliijka.

    Wadahadalladu waxay diiradda saareen xoojinta dadaallada diblomaasiyadeed si loo taageero xabbad-joojinta labada todobaad ah ee ay gaareyn Iiraan iyo Maraykanka, loona gaaro xal waara oo ku saabsan khilaafka, gaar ahaan iyadoo lala shaqeynayo hoggaamiyeyaasha dalalka ku jira safka hore.

    Tani waa booqashadii ugu horreysay ee Starmer uu ku tago gobolka tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan 28-kii Febraayo, taasoo ah tallaabo lagu doonayo in lagu isku dubbarido mowqifyada caalamiga ah ee ku saabsan xasilloonida gobolka.

  6. Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iran :“miinooyin suurtagal ah” in ay jiraan marin-biyoodka Hormuz"

    .

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Ciidanka Badda ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqay aroortii hore ee saaka in maraakiibta ka gudbaysa marin-biyoodka Hormuz ay tahay inay qaataan laba waddo oo kale oo ku dhow xeebaha Iiraan, iyagoo sabab uga dhigaya suurtagalnimada miinooyin yaalla waddadii caadiga ahayd.

    Wakaaladda wararka ee Mehr, oo soo xiganaysa bayaan militari kasoo oo ay weheliso khariidad badeed muujinaysa labada waddo ee koonfurta iyo waqooyiga jasiiradda Larak, ayaa sheegtay in “si looga hortago miinooyinka aan halka aan la ogeyn ee ku aasan qeybo kamid ah badda, taas darteedna ay qasab tahay in maraakiibtu ay lasoo hadlaan Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka.

  7. Subax wanaagsan

    kusoo dhawaada Tebinta tooska ah ee maanta, waxaa ku bilaabaynaa xaaladda Bariga dhexe ee post xiga ka akhri