Madaxweyne Trump ayaa sheegay in la saxiixay heshiiska
Mareykanka iyo Iran. Hadalkan ayuu ka sheegay Trump intii uu socday kulanka uu layeeshay
madaxweynaha Faransiiska Macron.
“Aad ayaan ugu faraxsannahay in aan sheego, waa la
saxiixay,heshiiska waa la saxiixay” ayuu Trump yiri.
Xaflad rasmi ah oo heshiiska lagu saxiixayo ayaa lagu qaban
doonaa toddobaadkan magaalada Geneva.
Dhanka kale, Sarkaal sare oo joogo Washington ayaa BBC-da u
sheegay in qodobada lagula heshiiyay Iran in aysan ku jirin arrinta Lubnaan. Sarkaalka
wuxuu sheegay in ay socdaan wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Israel iyo
Lubnaan.
“Hadii aysan Iran xakameyn karin Xisbullah iyo weerarada ka
dhanka ah Israel, markaas Israel xaq ayey u leedahay in ay is difaacdo oo ka
jawaabto” ayuu sarkaalkaas yiri.
Iran iyo isbahaysigeeda iyo Mareykanka iyo isbahaysigiisa
waxay doonayaan in la soo afjaro dagaalka, lana gaaro heshiis nabadeed kaas oo
la rajeynayo in ay ku jiraan “kooxaha gacan saarka la leh” ayuu yiri sarkaalka.
Trump: Maraakiibtu waa bilaabeen in ay ka gudbaan marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, Reuters
Maalin kaddib markii uu ku dhawaaqay in la dhammaystiray
heshiiska u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, ayuu
Donald Trump ku dhawaaqay in maraakiibtu mari karaan Hormuz.
“Maraakiibtu waxay bilaabeen in ay ka gudbaan marinka
Hormuz, qaar badan oo ka mid ahna waxay sidaan shidaal. Waxay marayaan qeybta
koonfureed ee marinka oo gabi ahaanba ammaan ah. Waxaa jira waddooyin kale oo
lagu gudbi karo.”
Hadallada Mr. Trump ayaa ku soo aaday kaddib markii uu
shalay ku dhawaaqay in marinka Hormuz dib loo furi doono Jimcaha kaddib saxiixa
heshiiska iyo “ka saarista miinooyinka,” isla markaana dib loo soo celin doono
“isu socodka gaadiidka badda “.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran, “Ilaa amar
dambe, marinka Hormuz waxaa laga xiray dhammaan maraakiibta galeysa iyo kuwa ka
baxaya”.
Iran waxay sheegtay, “Aniga iyo Cumaan ayaa si badqab ah u galbin doona maraakiibta Hormuz mareysa”
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Esmail Baghaei,
ayaa sheegay in Cuman iyo Iran ay qaadanayaan “tallaabooyinka lagama maarmaanka
ah” ee lagu xaqiijinayo in si badqab ah u maraan maraakiibta marinka Hormuz.
Wuxuu sheegay in tani lagala tashan doono qeybaha kale ee ku
lugta leh arrimahan.
Baghaei wuxuu kaloo sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay
in uu tallaabo qaado marka ay timaado dib u dhiska Iran kaddib waxyeeladii ka
soo gaartay dagaalka iyo sidoo kale in laga qaado cunaqabateynta saaran Iran.
Wuxuu sheegay Baghaei in Mareykanka ay ka go’an tahay in uu
labada arrin uu ka qaado tallaabo.
Madaxweyne Cirro ayaa safar qarsoodi ah ku tagay Israel ka hor inta aysan aqoonsan Somaliland
Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland
Wasiirka arrimaha dibadda Israel, Gideon Sa'ar, ayaa sheegay
in aysan cidi u yeerin karin Israel ama Somaliland cidda ay xiriir diblomaasi
la yeelanayaan.
Gideon Sa’ar oo kula kulmay madaxweyne Cabadiraxmaan
Cirro wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa sheegay in labadooda ay si
qarsoodi ah bishii Oktoobar u kulmeen. Kulankaas ayaa dhacay labo bilood ka hor
inta aysan Israel aqonsan Somaliland.
Sa’ar ayaa qiray in “ay jiraan caqabado la xiriira dhismaha
xiriirka u dhexeeya Israel iyo Somaliland”.
Aqoonsiga ay Qudus Somaliland ugu aqoonsatay caasimadda
Israel ayaa si weyn loogu cambaareeyay caalamka, waxaana ka mid ahaa Midowga
Afrika iyo in ka badan toban dal oo Muslimiin u badan yihiin. Dalalkaas ayaa
sidoo kale soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku cambaareynayaan go’aanka
Somaliland ay safaarad uga furatay Qudus.
Mareykanka iyo Israel isku mowqif kama taagna heshiiska lala galay Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Cinwaanada wargeysyada ka soo baxa Isreal sida Yedioth
Ahronoth waxay saakay ahaayeen kuwa ku saabsan dagaal.
Dagaalka ay qoreen wargeysyada ma aheyn mid u dhexeeya
Mareykanka iyo Iran ee wuxuu ahaa mid u dhexeeya madaxweyne Donald Trump iyo
raysalwasaare Benjamin Netanyahu. Mareykanka iyo Israel isku mowqif kama taagna
heshiiskan.
Israel lagalama tashan. Wareysi uu xalay siiyay wargeyska
New York Times, Madaxweyne Trump, wuxuu Netanyahu ku tilmaamay “nin madax adag”.
Iyadoo Trump uu wajahayo cadaadis kaga imaanaya ra’yi ururrin
gudaha dalka iyo doorashooyinka dhexe ee Kongareeska ee la qabanayo bisha
Nofeembar, wuxuu si cad u danaynayay in uu soo afjaro dagaalkan aan shacabka
badankoodu taageersanayn isla markaana qaaliga ku noqday.
Netanyahu isna waxaa haysta cadaadis. Dhowr bilood gudahood
waxaa ku soo socda doorashooyinka taas oo muujineysa hadii looga adkaado in
dacwad musuqmaasuq lagu soo oogi doono, lana xiri doono, inkastoo uu isagu
beeniyo eedahaas.
Maraykanka iyo Iran ayaa ku heshiiyay in la soo afjaro
dagaalka, iyadoo Pakistan oo dhexdhexaadinaysa ay sheegtay in heshiiska si
rasmi ah loogu saxiixi doono Switzerland maalinta Jimcaha.
Donald Trump ayaa sheegay in marinka Hormuz dib loo furi
doono, isla markaana la joojin doono cunaqabataynta badda ee Maraykanku ku
hayay Iran.
Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay tan iyo markii lagu
dhawaaqay heshiiska, waxaana hadda jirta “fursad weyn oo looga baaqsan karo
qalalaase tamareed oo muddo dheer socda,” sida uu qoray wariyaha dhaqaalaha ee
BBC-da, Faisal Islam.
Raysalwasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo dhexdhexaadiye
ka ahaa wada-hadallada, ayaa sheegay in Maraykanka iyo Iran ay “ku dhawaaqeen
in degdeg loo joojiyo dhammaan hawlgallada milatari oo ay ku jirto Lubnaan”.
Weli lama oga in Israel iyo kooxda hubaysan ee Xisbullah ee
Iran taageerto ay aqbali doonaan heshiiskan.
Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in ciidamada Isreal ee IDF
ay doonayaan in ay sii joogaan Lubnaan, halka Iran ay ku baaqday in si buuxda
loo joojiyo dhammaan tallaabooyinka milatari ee Israel ka waddo Lubnaan.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in qodobada ku jira
heshiiska is-afgaradka ay ka mid tahay in muddo 30 maalmood gudahood ah laga
qaado cunaqabataynta badda ee Maraykanku ku hayay dekedaha Iran.
Jawaabo laga bixiyay mamnuucdda isticmaalka baraha bulshada carruurta ka yar 16 sano
Raysalwasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa sheegay in carruurta
ka yar 16 sano laga mamnuuci doono isticmaalka baraha bulshada laga bilaabo
gu’ga sanadka soo socda ee 2027.
Baraha bulsho ee ay arrintani saameyn doonto waxaa ka mid ah
Snapchat, TikTok, YouTube, Instagram, Facebook iyo X, balse WhatsApp iyo Signal
laguma darin mamnuucistan, sida ay dowladdu sheegtay.
“In la wada mamnuuco ayaa ah tan ugu saxan…diyaar uma ihi in
aan wax ka dhimo badbaadada iyo farxadda carruurteenna,” ayuu Starmer ku
sheegay hadal uu telefishanka ka jeediyay.
Arday dhigata fasalada 8-aad iyo 9-aad oo daawanayay hadalka
raysalwasaaraha ayaa la weydiiyay dareenkooda. Qaar way ku farxeen in la
mamnuuco baraha bulshada halka kuwa kalena ay madaxa qabsadeen.
Afhayeen u hadlay Snapchat ayaa sheegay in mamnuucidda
bartooda bulsho ay dhalinyarada ku riixi karto in ay u wareegaan “baro kale oo ammaankoodu
hooseeyo”.
Lynn Perry, oo ah madaxa fulinta ee hay’adda samafalka
carruurta ee Barnardos, ayaa sheegtay in “shirkadaha baraha bulshada ay ku
fashilmeen ilaalinta carruurta”, iyadoo intaa ku dartay in ay maalin kasta
maqasho saameynta ay carruurtu ku leedahay”.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka muxaafidka, Kemi Badenoch,
ayaa soo dhaweysay qorshaha looga mamnuucayo carruurta ka yar 16 jirka in ay
isticmaalaan baraha bulshada.
Goorma ayaa la aasayaa hogaamiyihii sare ee Iiraan, Ayatollah Khamanei?
Xigashada Sawirka, getty
Qoraalka sawirka, .
Waxaa la
shaaciyay in hoggaamiyihii hore ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei la aasi
doono bisha Luulyo 8, 2026, saddex bilood ka dib markii lagu dilay duqeymihii cirka ee Mareykanka iyo
Israa'iil ay ka geysteen Iiraan bilowgii dagaalka.
Sida ku cad
war-saxaafadeed uu soo saaray xafiiskiisa daabacaadda, aaskiisa ayaa ka
bilaaban doona 4-ta Luulyo magaalada Tehran, ka hor inta aan lagu aasin 8-da
Luulyo barxadda Masjidka Imam Reza ee Mashhad.
Waxaa sidoo
kale la sheegay in aas loo sameyn doono qaar ka mid ah ehelkiisa oo sidoo kale
ku dhintay weeraradii lagu qaaday, kuwaas oo ka dhici doona magaalooyin kala
duwan oo ay ku jiraan Tehran, Qom iyo Mashhad.
Mas'uuliyiintu
waxay sidoo kale sheegeen in munaasabadda la filayo inay soo jiidato malaayiin
qof, iyadoo la qorsheeyay munaasabado gaar ah, oo ay ku jiraan isu soo bax
dadweyne oo saddex maalmood socon doona.
Wuxuu ahaa shakhsiga ugu awooda badan Iran ee Ayatollah Ali Khamenei, isla markaana ahaa hoggaamiyaha ugu sareeya dalka tan iyo 1989-kii.
Kim ma soo hadal qaadin hooyadiis muddo 15 sano ah, maxay tahay sababta?
Siraha badan ee ku hareereysan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxaa ka mid ah tan hooyadii oo ah mid gooni u taagan.
Kim waligiis hal marna meel fagaare ah kuma uusan sheegin magaceeda 15-kii sano ee uu xukunka hayay.
Si ka duwan labadii hooyo ee hore ee taliska - Kang Pan Sok, hooyada aabbihii oo aasaasay waddanka Kim Il Sung iyo Kim Jong Suk, hooyada Kim Jong Il - oo labadaba loo qaddariyo inay yihiin "hooyooyinka Kuuriya", Ko Yong Hui waa qof daahsoon, iyada oo aan waxba lagu magacaabin si loo sharfo.
Habkan af-duuban ee lagu hayo Ko Yong Hui ayaa laga yaabaa inuu ka yimid wax loo arko inay tahay dabaqad bulsho oo wasakhaysan iyo maqaamkeeda oo laga dhigay mid ku ekaa marwanimo, xaqiiqooyinay falanqeeyayaashu sheegeen inay khatar gelin karaan nidaamka.
Laga soo bilaabo waxa dadka taariikh-nololeedyada qora ay isku soo ururiyeen, Ko waxay ku dhalatay Osaka, Japan 1952 waalidkeed ayaana asal ahaan ka soo jeeda jasiiradda Jeju ee Kuuriyada Koonfureed ee casriga ah - kaa oo ay u tix galiyaan dhul cadaw.
Madaxweynaha Somaliland Cabadiraxmaan Cirro ayaa booqashadii ugu horeysay ee rasmi ah ku tagay Israa'iil sida uu ku daabacay barahiisa bulshada.
Dhawaan ayay ahayd markii uu soo shaac baxay warkaan ku saabsan booqashada Cirro ee Isra'iil, taa oo hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada.
Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, oo qaabilay Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku tilmaamay boqashadiisa "mid taariikhi ah".
Dhanka kale, sida ay horaanti sanadkan sheegtay warbaahinta Israa'iil, labo shirkadood oo Israa'iili ah, VisiRight iyo Amore Capital, ayaa Axaddii ku dhawaaqay iskaashi istaraatiiji ah oo lagu taageerayo ganacsiyada Israa'iil ayna ku doonayaan inay galaan suuqa Somaliland.
Hindisahan ayaa imaanaya kaddib aqoonsigii dhowaan ay Israa'iil siisay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taasoo noqotay tallaabo diblomaasiyadeed oo soo jiidatay indhaha caalamka, dhalisayna xiisad.
Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay sheegtayna inay tahay "xadgudub lagu sameeyay gayigeeda".
Sidoo kale dalal badan iyo ururro caalami ah ayaa garab istaagay Soomaaliya.
Haddaba, Cali Salaan Jirde (Cali Shoombe) waa wasiirkii hore ee qorsheynta Somaliland iyo khabiir ku takhasusay sharciga ganacsiga, wuxuu BBC-da uga warramay sida ay Somaliland uga faa'ideysan karto aqoonsiga iyo shirkadaha Israa'iil. Lifaaqa kore ka dhegeyso:
Halkan ka dhageyso waxa ay kala faa'iidi karaan labada dhinac.
Dalalka soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Iiraan iyo Mareykanka
Hoggaamiyeyaasha
Britain, Faransiiska, Jarmalka, iyo Talyaaniga ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo
saareen ku sheegay, in heshiiska u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka inay "ka
faa'iidaysanayaan fursadda" ayna si dhow ula shaqeyn doonaan Mareykanka,
Iiraan, iyo la-hawlgalayaasha gobolka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guteres, ayaa kamid ah mas'uuliyiinta soo dhoweeyay heshiiskan la gaaray.
Kooxda E4
ayaa bayaankeeda ku tiri: "Waxaan u hambalyeyneynaa Mareykanka, dowladda
Iiraan, iyo dhammaan kuwa ku lugta leh, oo ay ku jiraan Pakistan, Qatar, iyo
dhexdhexaadiyayaal kale, guushan muhiimka ah ee diblomaasiyadeed"
"Hadda
waa fursad lagu soo celin karo xasilloonida gobolka laguna xasilin karo
dhaqaalaha adduunka,
ayaa lagu yiri.
Hoggaamiyeyaashan
Yurub waxay ku baaqeen "in heshiiska Iiraan iyo Mareykanka si dhakhso leh
oo dhammaystiran loo hirgeliyo intii suurtagal ah".
Waxay sidoo
kale sheegeen in "dib u furista degdegga ah ee Gacanka Hormuz iyada oo la
adeegsanayo xorriyadda marin-haweedka oo aan shuruud lahayn oo aan xaddidnayn
ay muhiim tahay.
Kooxda E4
waxay ku nuuxnuuxsatay in Iiraan ay tahay in aysan waligood yeelan hub
nukliyeer ah, waxayna sheegtay inay "diyaar u yihiin inay qaadaan
cunaqabataynta khuseysa si ay Iiraan u hesho tallaabooyin la taaban karo oo la
xaqiijin karo oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeer.Waxay ku
celiyeen taageeradooda "xasiloonida, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed
ee Lubnaan”.
Shaaha sanjabiisha leh waxaa lagu diyaariyaa iyadoo lagu kariyaa sinjabiil laa qalajiyey ama mid qoyan, caleenta shaaha iyo biyo kulul, dhowr daqiiqo kadib shaahi waa diyaar, taasoo u oggolaanaysa in saliidda sinjabiilku ay ku dhex karto biyaha ka hor inta aan la cabbin shaaha.
Kooxda ee Iiraan oo ka degay Mareykanka ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, .
Kooxda kubadda cagta ee Iiraan ayaa gaartay Mareykanka, si ay uga qayb galaan Koobka Adduunka, waxayna ka degeen Los Angeles xilli lagu dhawaaqay heshiis lagu joojinayo colaadda u dhaxaysa Iiraan iyo Mareykanka.
Heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa yimid maalin uun ka hor kulanka furitaanka Koobka Adduunka ee kooxda Iiraan ay la yeelan doonto New Zealand ee ka dhacaya Los Angeles.
Weeraryahanka Iiraan Mehdi Taremi ayaa BBC-da u sheegay in xiisadda socota ay qarisay tartanka laga bilaabo markii ay kooxdu timid.
Diyaargarowgii ayaa sidoo kale hakad galay.
Kooxda waxay la kulantay dhibaatooyin ku saabsan fiisaha, waxaana lagu qasbay inay u wareejiso Mexico.
Ciyaartoyda ayaa ku adkeysanaya inay halkan u joogaan inay mideeyaan dadka Iiraaniyiinta ah oo ay diiradda saaraan kubadda cagta.
Garsoore Cumar Cartan oo loo diiday inuu galo Mareykanka si uu u dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka, ayaa weli heli doona lacagtiisa oo dhan ee tartanka.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in inkastoo Cumar Cartan uusan ka qayb qaadan doonin Koobka Adduunka, haddana Fifa waxay ballanqaaday inay bixin doonto mushaharkiisa.
Garsoorayaashu ma oga lacagta dhabta ah ee ay heli doonaan marka ay garsoore ka noqdaan Koobka Adduunka, taasoo la bixiyo marka tartanku dhammaado.
Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabduqaadir Cartan ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta kama dambeysta ah ee UEFA Super Cup 2026, kaddib markii loo diiday fursad uu kaga qayb geli lahaa Koobka Adduunka FIFA sababo la xiriira in loo diiday gelitaanka Mareykanka.
UEFA ayaa manta shaacisay in 34-jirkan uu hagi doono ciyaarta furitaanka xilli-ciyaareedka ee koobka Yurub, taasoo dhex mari doonta kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ee PSG iyo kooxda heysata UEFA Europa League ee Aston Villa, 12-ka Agoosto waxayna ka dhici doontaa magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Magacaabistan ayaa timid kadib wadatashi dhex maray UEFA iyo Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF), waxaana ay ku soo aadaysaa xilli uu Cumar Cartan taageero ballaaran ka helayay ka dib markii si muran leh looga reebay Koobka Adduunka.
Tartan
faneed oo kala duwan ayaa lagu qabanayaa garoon weyn oo ku yaalla bannaanka
Aqalka Cad ee Mareykanka, iyadoo loo dabaaldegayo dhalashada 80-aad ee Donald
Trump.
Madaxweynaha
Mareykanka ayaa ah taageere weyn oo cayaarahan ah, laakiin sidoo kale wuxuu saami
ku leeyahay shirkadda maamusha tartanka isagoo u maraya sanduuqa aaminaadda.
Tigidhada
ayaa loo iibiyay si gaar ah, iyadoo wararku sheegayaan, in qaar ka mid ah ka
soo qeyb galayaasha ay bixiyeen ilaa hal milyan oo doollar si ay qayb uga
noqdaan dadka daawanaya cayaarta.
Ciyaartooyda Soomaalida ah ee sanadkan cayaaraya Koobka Adduunka
Xigashada Sawirka, getty
Qoraalka sawirka, .
Soomaaliya waligeed uma soo bixin Koobka Adduunka, laakiin tartanka sannadkan ka furmay Waqooyiga Ameerika waxaa garoomada dhexdooda ka ciyaari doona laacibiin qaababka kala duwan u sita hiddaha Soomaaliyeed. Inkastoo ay matalayaan dalal kale haddana dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo dhamaan bulshada isirka Soomaaliga ahi si un ugu jiro dhiigooda, waxay laacibiintaas ku fiirinayaan indho boholyow walaalnimo wata.
Xulka Qatar waxaa u ciyaaraya sannadkan laba ka mid ah ciyaartoydaas dhiiga Soomaaliyeed ku jiro. Midka koowaad waa Akram Afif, oo ku dhashay caasimadda Dooxa, ayna dhaleen aabbe Soomaali ah iyo hooyo Yamani ah. Afif waa udub-dhexaadka weerarka xulka Qatar oo ay aad ugu tiirsan yihiin.
Waa 29 sano jir, wuxuu waayihiisa ciyaareed ee kooxaha ku qaatay Al Sadd, marka laga reebo xilliyo hore oo uu amaah ugu maqnaa dalalka Spain iyo Belgium. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay koobabkii xiriirka ahaa ee xulka Qatar ka guulaystay Koobka Asia, isagoo dhaliyay saddex gool oo rigoorayaal ah kulankii ay 3-1 uga badiyeen Jordan finalkii u dambeeyay bishii Febraayo 2024.
Cumar Cabdiqaadir Cartan wuxuu sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.
Wuxuu xirfaddiisa garsoorennimo waxa ay ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee garoommada xaafadaha ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray lugta uu soo afjaray waayihiisii ciyaaraha.
Cartan waxa uu sidoo kale dhex dhexaadiye ka noqday tartamo abaabulan oo ka dhacay magaalada, in kasta oo wax badan oo horumarkiisii hore ay ku yimaaddeen intii uu kormeerayay ciyaaraha aan rasmiga ahayn iyo kuwa hab-hoosaadka ah.
Saamayn muhiim ah waxaa xirfaddiisa hore ku lahaa Cismaan Jaamac Diraac, madaxii hore ee garsoorka Soomaaliya.
"Waxa uu nagu ahaa aabbe oo kale," Cartan ayaa yiri.
"Garsoorayaasha kaliya ma hoggaaminin ee wuu na daryeeli jiray, haddii aad Muqdisho joogto oo aadan waxba haysan wuxuu hubin lahaa inaad wax cuntaan, wuxuu idin geyn lahaa maqaayad".
Si kastaba ha ahaatee, Diraac ayaa la dilay Agoosto 2017.Cartan ayaa ka hadlay, oo yiri.
"Aad bay u adkeyd".
"Wuxuu ii diyaarinayey inaan noqdo garsoore caalami ah. Wuxuu ku faani lahaa inuu arko qof Soomaali ah oo heerkan gaaray."
Cartan waxa uu 2018 noqday garsoore liiska Fifa ku jira, waxana uu si joogto ah u dhex maray ciyaartii Afrika, isaga oo kormeeray ciyaaraha heerka sare ah ee qaaradaha.
Bishii Janaayo 2024, wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee garsoore ka noqda ciyaar ka tirsan Afcon, isagoo maamulayay ciyaartii Group E ee Tunisia iyo Namibia.
Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf) ayaa bishii November u aqoonsaday inuu yahay sarkaalka ugu sarreeya ragga, ka hor inta aan loo magacaabin guddiga maamula qaaradda Afrika inuu kormeero lugtii labaad ee finalka Champions League ee u dhaxeysay kooxda Morocco ee AS FAR iyo Mamelodi Sundowns ee Koonfur Afrika bishii hore.
Bishii April, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaman kala dul dhacay, kadib markii Cartan lagu daray 52 garsoore oo ka qeyb galaya Koobka Adduunka.
Mehr News Agency ayaa sidoo kale sheegtay in:“Wada-hadallada kama dambaysta ah aysan bilaaban doonin ilaa qayb ka mid ah lacagaha Iiraan ee la xannibay la sii daayo, cunaqabataynta saliidda la hakiyo, isla markaana go’doominta badda la qaado.”
Waxay intaas ku dartay in heshiiska ugu dambeeya lagu ansixin doono qaraar ka soo baxa Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobey