Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka uu isu ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.
Tebin toos ah
Xajka: Xilligii Kacbada la weeraray ee la xaday xajarul-Aswadka oo ka mid ah mararkii uu baaqday xajka
ciidamada Israa’iil oo amar ku bixiyay in dadka ay baneeyaan laba aag oo ku yaalla magaalada Tire ee dalka Lubnaan
Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Qoraalka sawirka, Dhismo burbursan
Ciidanka Israel ayaa soo saaray “amar daad-gureyn” ah oo loogu talagalay dadka deggan laba goobood oo ku yaalla magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan.
Afhayeenka Carabiga ku hadla ee ciidanka Israel ayaa qoraal uu ku daabacay akoonka ciidanka ee X ku sheegay in dadka ku nool labada dhisme iyo agagaarkooda ay si degdeg ah uga baxaan, isagoo sheegay in howlgalka ciidamada Israel uu dhawaan bilaaban doono.
Mid ka mid ah dhismayaasha ay ciidamada Israel amar ku bixiyeen in la daad-gureeyo wuxuu ku yaallaa meel aad u mashquul badan oo ka tirsan magaalada Tyre.
Israel waxay sheegtay in Xisbullah ay labada dhisme u isticmaasho hawlo militari.
Inkasta oo ay jirto xabbad-joojin u dhexeysa Israel iyo Lubnaan, haddana magaalada Tyre ayaa marar badan bartilmaameed u noqotay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa maanta lagu dilay duqeymo ay Israel ka geysatay magaalada Tyre.
Dhanka kale, Xisbullah ayaa weerar drone ah ku qaaday waqooyiga Israel, balse ilaa hadda lama shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkaasi.
Qarax ka dhacay New York goob lagu dayactiro maraakiibta iyo khasaaro ak dhashay
Hal qof ayaa dhintay, halka 36 kale ay ku dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay goob dayactirka maraakiibtaee Staten Island, magaalada New York.
Saraakiishu waxay sheegeen in qaraxu dhacay maalintii Jimcaha xilli dab-demiska ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo la tacaalayay dabka isla markaana isku dayayay inay badbaadiyaan laba qof oo ku xannibnaa gudaha.
Laba ka mid ah shaqaalaha dab-demiska ayaa sidoo kale la dhigay isbitaal, oo uu ku jiro kormeere waaxda dab-demiska ah oo soo gaaray dhaawac madaxa ah , waxaana lagu xiray qalabka neefsashada, sida ay saraakiishu sheegeen.
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in mid ka mid ah shaqaalaha dab-damiska uu weli ku jiro xaalad halis ah, balse ay muuqdaan calaamado muujinaya inuu soo kabanayo.
Warbaahinta CBS News ayaa werisay in Mareykanka ay isku diyaarinayso wareeg cusub oo weerarro militari ah oo ka dhan ah Iran, iyadoo dadaallada diblomaasiyadeed ay weli socdaan.
Horey, shabakadda wararka Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa laba sarkaal oo Mareykan ah, in Donald Trump uu kulan la yeeshay xubno sare oo ka tirsan kooxdiisa amniga qaranka si ay si dhab ah uga wada hadlaan suurtagalnimada weerarro cusub oo lagu qaado Iran haddii wadaxaajoodyadu fashilmaan.
Isla waqtigaas, Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir iyo wafdi ka socda Qatar ayaa dadaal xooggan ka wada Tehran si loo yareeyo khilaafaadka loogana hortago dagaal cusub.