TOOS, Iran: “Heshiis aan la galayno Maraykanka degdeg ma’aha”

Iiraan waxay sheegtay in horumar yar laga gaaray wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, balse heshiis “wali ma dhowa.”

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Israa’iil oo sheegtay in ay sii kordhin doonto weerarrada ka dhanka ah Xisbulaah

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    lubnaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidanka milateri ee Israa'iil ayaa sheegaya inuu bilaabay mowjad weeraarro ah oo ka dhacday Lubnaan, ka dib markii Raysal Wasaaraha Benjamin Netanyahu ku dhawaaqay in dalkiisu xoojinayo weeraradiisa ku wajahan Xisbullah.

    Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay inuu weeraarro ku qaadday goobaha Xisbullah ee ku yaalla Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan iyo aagag dheeraad ah oo dalka ka tirsan.

    Taasna waxaa ku xigtay bayaan muuqaal ah oo uu Netanyahu ku yidhi Israa'iil waxay "dagaal ku la jirtaa Xisbullah" isla markaana uu siiyay ciidanka tilmaamo ah inay "duqeeymo wax burburiya fuliyaan".

    Bilowga bishaan, Lubnaan iyo Israa'iil waxay ku heshiiyeen in la sii kordhinno xabad-joojin 45-maalmood ah, inkastoo dagaallo yar ay sii socoto.

    Netanyahu ayaa sheegay in howlgalka milateri ee Israa'iil ee ka dhanka ah Xisbullah uu "baabi'iyay... in ka badan 600 argagixiso ah."

    Tan iyo markii heshiiska xabad-joojinta la saxiixay 16-kii Abriil, weerarada Israa'iil ayaa inta badan ku xadidnaa koonfurta dalka, halkaas oo ciidamada Israa'iil ay ku sugan yihiin oo ay Israa'iil ka sheegtay in drones-ka iyo gantaalaha laga soo ridday.

    Dooxada Bekaa, oo Isniintii habeenkii lagu garaacay, waxay ku taallaa bariga Lubnaan, xaddiga Suuriya u dhow.

    Ballaadhinta ololaha Israa'iil waxay timid xilli dowladda Iran ay adkeysanaysay in heshiis nabadeed oo soo baxaya oo ay la gaadho Maraykanka uu ku jiri lahaa xabad-joojin buuxda oo ka dhacda dhammaan meelaha dagaalka gobolka ka socdo.

    Dowladda Israa'iil waxay ka soo horjeedday joojinta dagaalka ka dhanka ah Xisbullah.

    Toban askari oo Israa'iil ah ayaa la dilay tan iyo markii xabad-joojintii hore ee Lubnaan la isku raacay.

    In ka badan 400 qof oo Lubnaan ah ayaa la dilay iyada oo la adeegsanayo xoog-garaac adag oo Israa'iil ah isla mudadaas, oo ay ku jiraan badan oo ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah iyo kuwa adeegga xaaladaha deg-degga ah.

  2. War deg deg ah, Ruushka oo ku hanjabay weeraro cusub in uu qaadi doono

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    Ruushka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ruushku ayaa ku hanjabay inuu billaabi doono mowjad cusub oo weeraarro "nidaamsan" ah oo ku wajahan Kyiv, dhawr maalmood ka dib markii uu fuliyay mid ka mid ah weerar ugub ah oo aad weynaa laguna qaaday caasimadda Ukraine tan iyo markii dagaalku bilaabmay.

    Weerararrada cusub ayuu Ruushku sheegay in uu beegsan doono "xarumaha go'aan-qaadashada iyo goobaha taliska", iyo xarumaha wax-soo-saarka drones-ka ee magaalada, sidaas oo uu sheegay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ee bayaankeedii.

    Moskow waxay u baaqday muwaadiniinta shisheeye iyo safaradaha inay ka tagaan Kyiv "sida ugu dhakhsaha badan" waxayna digniin u direen muwaadiniintii inay ka fogaadaan dhismayaasha maamul iyo kuwa ciidanka.

    Weerarada baaxadda leh ee Ruushka ee habeenkii Sabtida ayaa dhibaatooyin geystay, kuwaas oo afar qof ku dilay oo ku dhawaad 100 qof ku dhaawacay Kyiv iyo gobolladda kale, sidaas oo uu ku sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

    Moskow waxay sheegtay in xoog-isticmaalkaas iyo hanjabada weerarada soo socda ay ka jawaab-celin yihiin waxay ku andacoonayaan inuu ahaa weeraro Ukraine ah oo la tasmiimay oo lagu qaaday xarunta deganaanshaha ardayda ee magaalada Starobilsk Jimcihii, kaas oo ay masuuliyiinta Ruushka ku sheegeen in 21 qof lagu dilay.

    Ciidanka milateri ee Ukraine ayaa sheegay in xoogagooda ay garaaceen koox milateri ee Ruushka ah oo takhasus ku leh drones-ka ee ku yaalay aagaas, oo ah bariga Ukraine ee ay Ruushku qabsatay, isla markaana aysan weerareen rayidka.

  3. War deg deg ah, Iraan oo sheegtay in heshiis “uusan weli dhaweyn"

      • Author, Abdishukri Haybe
      • Role, Saxafi BBC, Somali
    iran

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iiraan ayaa sheegtay in horumar laga sameeyay wadahadallada ay la leedahay Maraykanka, balse heshiis “uusan weli dhaweyn.”

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmail Baqai, ayaa hadalkan sheegay kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu sheegay in heshiis suuragal ah la gaari karo Isniinta.

    “Waa sax in la yiraahdo waxaan gunaanad ka gaarnay qayb weyn oo ka mid ah arrimihii laga wada hadlayay,” ayuu Baqai ka yidhhi Tehran Isniintii. “Laakiin in taas laga dhigo in heshiis saxiixiisu dhow yahay cidna ma sameyn karto sheegashadaas.”

    Wararka ayaa sheegaya in heshiiska hordhaca ah uu ku jiro kordhin xabbad-joojin 60 maalmood ah, dib u furista marin-biyoodka Hormuz, iyo qorshe wadahadallo dheeraad ah looga yeesho barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

    Dhammaadkii toddobaadka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in labada dhinac ay ku dhow yihiin heshiis, inkastoo uu markii dambe sheegay inuu faray garwadayaashu “inaysan ku degdegin” heshiiska.

    Isniintii, Rubio ayaa wariyeyaasha ugu sheegay magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya: “Waxaan moodaynay in laga yaabo inaan xalay helno war cusub. Waxaa laga yaabaa maanta.”

    CBS News oo bahwadaag la’ah BBC-da ee Maraykanka ayaa werisay in sirdoonka Maraykanku aaminsan yahay in Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei oo ku dhaawacmay weerar ay Israa’iil qaaday maalintii ugu horreysay ee dagaalka, kaasoo lagu dilay aabbihii iyo hoggaamiyihii ka horreeyay uu ku dhuumanayo meel aan la shaacin, taasoo adkaynaysa xiriirka lala sameeyo ergadiisa, isla markaana dib u dhigaysa xawaaraha wadahadallada uu Maraykanka la leeyahay.