TOOS, Madaxweynayaasha Ruushka iyo Imaaraadka Carabta oo ka wadahadlay dagaalka Iiraan, halka wasiir Pakistani ah gaaray Tehran

Iyadoo ismariwaaga diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iran iyo Maraykanka uu sii socdo, dadaallada ay waddamada deriska la ah Iran ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan heshiis nabadeed oo u dhexeeya labada dhinac ayaa weli socda.

Tebin toos ah

  1. Trump oo sheegay war weyn oo uu sheegay inuu ku raacay madaxweynaha Shiinaha

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu ku raacay in Tehran ay tahay inay dib u furto marin-biyoodka Strait of Hormuz, inkastoo Shiinaha aanu muujin wax calaamad ah oo muujinaysa inuu arrinta ka dhex muuqan doono.

    Trump, oo Jimcihii ka laabtay Beijing kadib laba maalmood oo wada-hadallo ah oo uu la yeeshay Xi, ayaa sheegay inuu ka fiirsanayo in la qaado cunaqabateynta Maraykanka ee saaran shirkadaha shidaalka Shiinaha ee iibsada shidaalka Iran. Shiinaha ayaa ah dalka ugu weyn ee iibsada shidaalka Iran.

    Trump ayaa yiri: “Ma codsanayo wax raalli-gelin ah, sababtoo ah marka aad codsato raalli-gelin, waa inaad adiguna wax beddelkeeda sameysaa,” isagoo ka jawaabayay su’aal uu wariye ku weydiiyay diyaaradda Air Force One oo ku saabsan in Xi uu sameeyay ballan adag oo uu cadaadis ugu saarayo Iran inay dib u furto marin-biyoodka.

  2. Xog ku saabsan wadahadal dhexmaray FIFA iyo IFF- Iiraan oo ka dhacay Turkiga

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Xoghayaha Guud ee FIFA iyo Mehdi Taj, madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Iran, ayaa maanta ku kulmay Istanbul.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Matthias Grafström la rabay inuu “u xaqiijiyo” masuuliyiinta Iran ka qaybgalka Iran ee Koobka Adduunka intii uu socday kulankan.

    Iran ayaa loo qorsheeyay inay saddexdeeda kulan ee heerka guruubyada Koobka Adduunka ku ciyaarto Maraykanka, balse tan iyo weerarkii Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran 28 Febraayo, ka qaybgalka xulka qaranka Iran ee tartanka oo dhici doona ayaa shaki galay.

    Hubanti la’aanta ku saabsan xaaladda Iran ayaa sii xoogaysatay kadib markii Mehdi Taj laga mamnuucay inuu galo Canada sababo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC). Wuxuu u safrayay Vancouver si uu uga qayb galo shir ay qabanaysay FIFA, balse waxaa loo diiday gelitaanka Canada.

    iyadda Islaamiga ah ee Iran, isla xilligii weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay dhaceen, waxay markii hore shaacisay in xulka qaranka Iran ay u badan tahay inuusan ka qayb geli doonin Koobka Adduunka, balse markii dambe masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha Iran waxay ka qaybgalka xulka ku xireen go’aan ka soo baxa Golaha Sare ee Ammaanka Qaranka.

    Maraykanka iyo Canada, oo si wadajir ah ula martigelinaya Koobka Adduunka dalka Mexico, ayaa Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ku tilmaamay “urur argagixiso” waxayna shaaciyeen in aysan dalalkooda u oggolaan doonin dadka xiriirka la leh ciidankaas.

    Xulka qaranka kubadda cagta Iran ayaa lagu wadaa inuu laba maalmood gudahood u ambabaxo xero tababar oo ku taalla Türkiye.

  3. Ruushka iyo Imaaraadka Carabta oo ka wadahadlay dagaalka Iiraan

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sabtida maanta kalahadlay Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan arrimaha la xiriira dagaalka Iran.

    Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Kremlin-ka, “labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii wadista geeddi-socodka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu gaaro heshiisyo nabadeed oo ku saleysan tanaasul iyo is-afgarad.”

    Mr. Putin ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Imaaraadka taageerada ay ka geystaan arrimaha bani’aadannimo ee la xiriira dagaalka Ukraine.

    Xiisadda u dhaxaysa Iran iyo Imaaraadka Carabta ayaa sii korortay tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran iyo weerarrada aargudashada ah ee Iran ka fulisay gobolka.