War deg deg ah, Ciidamada badda Iiraan oo beegsaday Maraakiib ay ku tilmaameen kuwa xadgudbay

Xigashada Sawirka, .
Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka ee Fars, ciidamada badda IRGC ayaa ku dhawaaqay in ay bartilmaameedsadeen laba markab oo ay ku tilmaameen “kuwa xadgudbay” oo isku dayayay in si sharci‑darro ah ay uga gudbaan marin‑biyaha Hormuz.
Warbixintan ayaa la sii daayay daqiiqado yar kadib markii xarunta Khatam al‑Anbiya ay ku dhawaaqday in Gacanka Hormuz gebi ahaanba laga xiray dhammaan maraakiibta, taas oo jawaab u ahayd weerar cusub oo ay Mareykanku qaaday.





