Qaabkee ayey ciidankii Lafta Gareen dib ugu laabteen Baydhabo

Qoraalka Codka,
Qaabkee ayey ciidankii Lafta Gareen dib ugu laabteen Baydhabo

Magaalada Baydhabo waxa lagu guuleystay in si nabad ah dib loogu soo celiyo ciidankii taabacsanaa maamulkii hore ee Laftagareen, kuwaas oo tan iyo markii magaalada lagala wareegay ku sugnaa tuulada Aw-diinle oo qiyaastii 30 km u jirta Baydhabo.

Taliyayaasha sare ee booliska, nabad sugida iyo milatariga Soomaaliya ayaa muddaba ku hawlanaa sidii ciidankaasi dib loogu soo celi lahaa si nabad ah, maadaama markoodii hore ay xaalad dagaal uga baxeen magaalada.

Haddaba ciidankaasi dib ugu soo laabtay Baydhabo iyo xaaladda guud ee amniga waxaan ka wareysanay wasiirka cusub ee amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan (John), wuxuuna khadka taleefanka ugu waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan.